Galabta Casargaabkii ayay ciidamada AMISOM waxay duqayn xoogan u gaysteen Suuqa Weyn ee Bakaaraha taas oo sababtay dhaawacyo soo gaaray ilaa 10 ruux oo dhamaantood rayid ah.
Madaafiicdan khasaaraha gaysatay ayaa la sheegay in ay soo ganayeen Taangiyada AMISOM ee yalla Dalcadda Sayidka iyo Madaafiicda Goobta oo ya soo dhacayay Villa Somalia waxaana goobaha ay ku dhaceen ka mid ah Dabaqa Cabdi-Dheere gaar ahaan Xafiiska Real Dental iyo hareeraha Masjidka Abuu-Hurayra waxaana kale oo ka mid ah goobaha sida weyn loo duqeeyay Agagaarka Sarta Maalin taajir oo ay ku dhaawacmeen 6 qof oo haween u badan.
Daryanka madaafiicdan ayaa laga maqlayay goobo kala duwan oo caasimadda kamid ah lamana garanayo sababta Ciidamada AMISOM ay u beegsadeen Suuqa oo xilli aysan jirin wax dagaal iyo duqayn ah oo laga qaaday Suuqa gudihiisa iyo hareerihiisa.
Dadka dhaawac yadu ka soo gaareen duqayntan ayaa waxaa intooda badan la dhigay Cisbitaalka Madiina waxayna isugu jiraan dhaawacyo halis ah iyo kuwo khafiif ah intaba.
Ciidamada AMISOM waxa ugu weyn ee intii ay joogeen shacabku ku bartay waxaa ka mid ah duwaynta culus ee ay ku garaacaan Xaafadaha dadka rayidka ah ku dhaqan yihiin taas oo ay dad aad u farabadan ku geeriyoodeen.

Related posts:
amisom iyo ku raacsan, Waa gaalo Ilaahay xarigiisa ka furtay, shariifkan Ilaahay wuu fashilay mujrinka xariga ilaahay ka furtay, Ilaahayna waa qaban doonaa insha alaah.
waa kaas waxbadan ayaa inii sheekayay shariifka ha laga fiirsado horta ma ogaanteen in waxgartad ahay