Shabaabku ma khawaarij baa ?? Shiikh Cabdiraxmaan Abyad
By Somalimirror on 24 Jun, 2009 9:54 PM in Maqaallo
W.Q. Cabdiraxmaan Abyad
Mahad dhammaanteed ALLAAH baa iska leh , intaas ka dib, Umuuraha murugsan ee Soomaalida dadka la socda waxaa beryahan danbe dhegohooda ku soo noq-noqonayay, oo qaar badan xaajo uguba ku noqotay , odhaahda ah “ Ciddii aniga i khilaafta , ama aan u okobnaan waxa aan keeno waa Khawaarij , amaba koox heblaayo waa Khawaarij, iyadoo marar badan si gaara loogu duur xulo xarakada Al- shabaab.
Arinkaas waxaa ka dhashay in dad badani is weydiiyaan horta “ Khawaarijtan “ la sheegayaa maxay yihiin sidoodaba, halka qaar kalena isku maan dhaafsan yihiin garta ama gardarrada hadalkaasi amaba canjarafkaasi waa sida qolyo kale u arkaane , xanbaarsan yahay.
Sidaas darteed waxaan jeclaystay inaan akhristaha qormadan u soo gudbiyo xog kooban oo ku saabsan firqadan hadal haynteedu badatay ee “ AL- KHAWAARIJ “, iyo jawaabta su’aashayda cinwaanku xanbaarsan yahay .
Qormadani waxay ka koobnaan doontaa afar xidhmo :
B- Xog guud oo ku saabsan Khawaarijta .
T- Jawaabta su’aasha cinwaanka.
J- Yaa ku sheega Shabaabka Khawaarij .
X- Gabo-gabo .
Intase aanan galin muca iyo ujeedka qormadan waxaan gogol dhig uga dhiganayaa hal-beeg “qaacido” lama huraan u ah marka koox ama qof waxa uu yahay la gorfaynayo :
Dhaleecaynta ama amaanidda aad qof ama koox u jeedinaysaa waxaa lagama maarmaan u ah labo shardi oo kala ah
1- Aqoon , cilmi la’aani hadday jirto waxaa shaki la’aan ah in xad gudub iyo
Gabood fal imanayo .
2- Caddaalad , haddiiba qofka wax qaadaa dhigayaa cilmi leeyahay , haseyeeshee uu caddaaladda ka fog yahay waxaa loo aanayn karaa amaba lagu tuhmi karaa dulmi .
Intaas haddaan ku dhaafo halbeegaas , bal aan u gudbo inaan wax ka tibaaxo xog kooban oo ku saabsan khawaarijta .
Xog ku saabsan khawaarijta.
Sidii aan hore u soo tibaaxay waxaaan ka horeysiin doonaa jawaabta waydiinta cinwaanku xanbaarsan yahay – si jawaabtu u fududaato – xog ku saabsan firqada khawaarijta , sida :
· Qeexidda khawaarijta , ama waa maxay khawaariji ?.
· Astaamaha lagu yaqaan .
· Soo yaalkooda iyo goorta ay soo ifbaxeen.
· Xukunkooda.
· Dhibaatooyinkii ay geysteen
· Qaar ka mida nusuusta ku soo aroortay .
Qeexidda khawaarijta , ama waa maxay Khawaarij
Khawaarijta ” الخوارج “ waa eray Af- carabi asalkiisu yahay, Af-soomaali ahaanna waxaa macnihiisu yahay ” baxayaasha ” , ama kuwii baxay .
Maxay ka baxeen tolow? Yayse ku baxeen ? .
Waa labo waydiimood oo kusoo deg-degi kara maanka akhristaha , jawaabtooduse waxay ku imaan doontaa qormadan dhexdeeda .
Khawaarijtu waxaa kaloo ay leeyihiin magacyo kale oo ay caan ku yihiin , sida: Muxakkimah , Xaruuriyah , Maariqah Shuraah …
Culimadu waxay isku raacsan yihiin in Khawaarijtu yihiin koox ka mida kooxaha halaagsamay ee lunsan , kuna gafay waxyaabo badan oo caqiido iyo camalba leh .
Tilmaamaha khawaarijta
Waxay firqadani leedahay summado badan oo qofkii aqoon u lihi aanu ka hadfayn,
Hayeeshee aanay qormadan koobani wada xanbaari Karin ,halkanna aanan kusoo wada minguurin Karin , waxaanse si korka xaadis ah u sheegi doonaa kuwa ugu wax ku oolsan uguna waawayn , waana kuwan :
1. Inay qofkii danbi wayn ku dhaca sida : beenta, xanta, gogol dhaafka , khamriga , dilka , ribada , iwm ku tilmaamaan inuu yahay GAAL naarta ku waaraya , muslimna aan lagu sheegi Karin .
Taasina waxay sabab u noqotay in ummadda muslimka ah oo dhammi agtooda gaalo ka noqdaan wixii aan iyaga la fakir ahayn “ kaligood muslim “ maadaama oo aan dunuubta macsuum laga ahayn , sidaas darteed muslimka lama tukadaan , gawrocooda ma hungureeyaan , xabaalohooda wax kuma aastaan .
Muslim ka fogaan shaha gaadhay inaan xataa lala tukani, waxay ka dhalatay gaalaysiinta muslimka la gaalaysiiyo, iyadoon loo aabbe yeelin amaba loo kitaab furin , waxayna culimadu u yaqaanaan “ لوازم التكفير “
2. Saxaabadii Suubanaha “صلى الله عليه وسلم “ qaarkood sida : Cuthmaan , Cali , Dalxa , Caa’isha iyo kuwo kaleba oo ay ku tilmaamaan inay amaanadii khiyaameen ama gaaloobeenba !!!.
3. Sunnada nabiga “صلى الله عليه وسلم “ oo ay inkiraan in la xujaysto haddii aanay waafiqin shuruudo gaar ah oo ay iyagu dajisteen .
4. Dirirtooda ama halgankooda oo ay ku wajahaan muslimka halka gaaladu ay ka badbaado .
5. Jahli iyo diinta oo loo fasiro si’aan xaqa waafaqsanayn, lana adkeeyo wax aan mudnayn in la adkeeyo .
6. Haweenka oo ay ku waajibiyaan inay soo qalleeyaan salaadihii dhaafay intii dahaaradu ka jabnayd .
7. Magacyada iyo tilmaamaha ALLAAH oo ay ta’wiiliyaan ( marin habaabiyaan) .
8. Ahlul cilmiga oo laga fogaado lana xaqiro .
9. Midawga muslimiinta iyo madaxdoodaba in guluf colaadeed lagu kiciyo , iyagoo ka duulaya inay gaalo yihiin .
10. Suuradaha Qur’aanka qaarkood oo kooxo ka mid ahi diidaan , sida suuratul yuusuf.
Calaamadahaas ayaa ah kuwa ugu tunka buuran ee firqadaasi lagu ibtileeyay.
Sooyaalkooda iyo goortii ay soo ifbaxeen
Waxaa culimadu isku maandhaafeen goorta ay soo ifbaxeen , waxaanse ku ekaan doonaa soo bandhigidda saddexda aragtiyood ee ugu xoogga badan :
· Culimada qaarkood waxay qabaan inay soo baxeen wakhtigii Suubanuhu noolaa, aragtidoodaasna waxay u cuskadeen , ninkii nabiga “صلى الله عليه وسلم“ ku yiri isaga oo qaniimo qaybinaya : caddaalad samee maad caddaalad samayn ee!!!!.
Ninkaas oo ah aabbaha khawaarijta , waxaana la oran jiray “ dul khuways sarah “
· Waxay soo baxeen sabankii Cuthmaan ayaa culimo kalena qabaan .
· Inay soo baxeen wakhtigii Cali ayaase loo badan yahay , maadaama oo dagaallo ba’ani dhex mareen Cali iyo nimankaas ibtilaysan , oo ay ugu magac dheer tahay goobtii nahrawaan sannadkii 37 H ugu danbayntiina iyagu ay dileen – saddex sano kadib - saxaabigaas weyn رضي الله عنه وأرضاه
Si kastaba ha ahaato e’ waxaa inoosoo baxaysa in kooxdani ay tahay tii ugu horaysay ee daba marta waddadii suubanaha “صلى الله عليه وسلم “ , ceelalyona u noqota 72kii la sheegay inay soo bixi doonaan .
Qaybohooda
Kooxdani sida ay ummadda inteedii kale u khilaafeen ayay iyana isu khilaafeen , waana arrin dabiici ah oo ay la kulmaan kooxaha lunsani .
Laamaha firqadan ka farcamay waa tiro badan yihiin , waxaase ugu magac dheer :
1- Al azaariqah “ الأزارقة “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey ” Naafic binu Azraq” نافع بن أزرق .
2- Assufariyah “ الصفرية “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey “ Zayaad binu Al asfar” زياد بن الأصفر .
3- Al ibaadiyah “ “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey ” Cabdullaahi binu Ibaad ”
عبد الله بن إباض .
Waxaa xusid mudan in khawaarijtu tiro ahaan iyo siyaasad ahaanba ay maanta dunida farakutiris ku yihiin, walow ay iyagu xukumaan gaar ahaan firqada Ibaadiyadu waddanka” Cumaan” oo ka mida waddamada gacanka carbeed ” الخليج العربي ” .
Xukunkooda .
Markii dadka aqoonta lihi lafa gureen kooxdan iyo waxa ay rumaysan tahay , waxay arini la dhaafi wayday inay ka kala qaateen laba aragtiyood :
· Muslimba maaha oo xanafiyadaba kuma jiraan , sidaas darteed baana loo yidhi khawaarij = kuwii baxay , loogana gol leeyahay inay diinta ka bexeen .
· Waa firqo lun san oo xaqa aad uga baydhay oo ahlul bidac ah , laakiin waxaa lagu tirinayaa guud ahaan inay ahlul qiblaha ka mid yihiin .
Qaar kamida nusuusta ku soo aroortay .
Waxaa lagama maarmaan ah inaan wax uun ka tilmaanno nusuusta ku soo aroortay firqadan, si’aan u fahamno waxa ku xanbaaray ahlulcilmiga qaarkood inayba ku gaalnimo xukumaan sida aan kor ku soo xusnay.
Waxaa kamida xadiiskii suubanuhu ku tilmaamay inay ahlu naar yihiin كلاب أهل النار Waxaa kaloo kamida in suubanuhu ku sifeeyey inay diinta ka bexeen يمرقون الدين كما يمرق السهم من الرمية من iyo nusuus kale oo aad ka heli karto kutubul xadiis, caqiidah , fiqhi , taariikh .
T – Jawaabta su’aasha cinwaanka .
Aniga oo ka shidaal qaadanaya nusuusta iyo xogaha kor ku xusan , waxaan akhristaha usoo bandhigayaa su’aalahan :
Qofkii kabiiro ( danbi wayn ) ku dhaca, sida: xanta beenta …iwm shabaabku ma ku gaalay-siiyaan?.
Saxaabadii suubanaha afkooda ma la gaadhaan , gaar ahaan , Cuthmaan ,Cali Dalxa , Caa’isha ?
Gaaladu ma ka badbaadaa dirirtooda ?
Su’aalahan jawaabtooda ayaa fure u ah su’aasheenna jawaabteeda.
Waxay aniga ila tahay in qof kasta oo caadil ah ay u soo bixi karto in shabaabku aanay khawaarij ahayn , maxaa yeelay ? usuushii firqadaasna kama muuqato , furuuc badan oo ay ku waafeqeenna looma jeedo .
J – Yaa ku sheega shabaabka khawaarij ? .
Aniga aragtidayda shabaabka waxaa sifadaa ku tuhmaysta inta badan afar kooxood :
1. Suufiyada .
Gaar ahaan kuwa masaargaabka ah, kumana koobaan khawaarijnimada alshabaab oo kaliya, ee ciddii xabaalaha la dul dangiigo, iyo lafaha maytida ee la tuugayaba shirkinimadeeda iftiimisaa agtooda waa ka khawaarij !!.
2. Rag ay siyaasadda isku hayaan oo ” dawladda ” ka tirsan oo bar yahan danbe ku xabeeb iyo xuurtoobay ” ciddii i khilaaftaa waa khawaarij” .
Sida muuqata waxaa iskaga dheehmay khawaarijta iyo buqaadda oo farqi wayni u dhexeeyo, waxaana ugu muhiimsan , in buqaaddu aanay had iyo goor dhaliilnayn ee ay gar yeelankaraan, halka khawaarijtu ay ka yihiin firqo lunsan , waaba haddii dawlad nimadoodu sugnaato.
3. Ashahaado la dirirka oo sida ka muuqata helay xadhig ay cuskdaan, kagana aargoostaan raggii shalay dhangalaasooyinka culculus u gaysytay oo ay wali dingaraaradeedii hayso, baladkana ka sifeeyay.
Sida ciil iyo madhuudhyo sadrigooda u jiiftona ma filayo inay shabaab kaliya ku ekaan doonaane , hadday u suuro gasho , waxay olki doonaan waxoodii xilka lahaa , culimo dhoofin, iyo isbaaro birimagaydada lagu baadhona dib bay u noolayn doonaan .
4. kooxo ay isku hayaan masalooyin u badan sida iyo waddada ugu haboon ee lagusoo celin karo xukun islaami ah iyo khilaafadii duntay .
X – Gabogabo .
Waxaan ku soo xidhayaa in qof kasta oo muslim ahi maskaxda ku hayo marka
Uu ruux muslim ah diintiisa gacan togaalaynayo aayaddan qur’aanka ah :
ولا يجرمنكم شنئآن قوم على أن لا تعدلوا اعدلوا هو أقرب للتقوى
Oo macneheedu yahay : yay idinku xanbaarin qolo cadhadeed inaydaan caddaalad samayn , caddaalad sameeya taasaa cabsida u dhowe .
Ugama jeedo qormadan inaan leeyahay shabaabka waxba kama khaldana oo waa ceeb ka saliim xalay dhalay ah , ee waxaa ujeedkaygu yahay , waxaanay qabin yaan la saarin !!.
Shabaabka wax maka khaldan yihiin .
Waxaan qabaa HAA. Mana aha wax lala yaabo maxaa yeelay waa bashar , basharna gaf iyo daalaa dhacays kama madhna , laakiin taasi keeni mayso in caddaaladda iyo cilmigaba lagu xadgudbo oo lagu sheego waxaanay ahayn iyagana aan berri ku koobnaan doonin.
وبالله التوفيق
Aragtidda Qoraalkan waxaa iska leh Qoraaga Magaciisu ku Saxiixanyahay
Abyad2@hotmail.com
Daabaco


khayr ALLAHA ku siiyo shiikh waad asiibtay meeshay wax naga jireen waanad noo bidhaamisay.
marka raga culumada oo ay qaaday aduunyo jacayl ahaana ragii culumada ahaa waa JANAQOW iyo rag shariif kamid yahay ay habayn iiyo maalin ku hayaan waa khawaariij kuna beer laxawsadan dadka somaliyeed,
QOLYAHA SUUFIYADANA hade nin daad qaday xunbo cuskay, kuwaas shirkigooda markay soo baxeen wadaada KHWAANKA baa gurigood ba’ay oo dadku waa bartay diinka inkastoo culimo badan oo ilaa iyo hada dadka diinka bara ay jiraan laakiin kuwa aan cilmiga lahayn ee qabuuraha barakaysta kuwaas waa in wadanka laga qabtaa loona galaa sidii wabxo, inkastoo somali inay istisho ay un tahay dadkii somaliyeed oo dhamaanaya,
bariir | Jun 25, 2009 | Reply
Ilaahay haka abaal mariyee sh C/raxmaan wuxuu daahfuray waxbadan oo dadbadan iskaga dheehnaa oo aykumid tahay khawaarijta iyo yaa khawaarija yaanse ahayn
iyo waxa ayweliba shabaabku yihiin isga oo weliba sameeyay dadiil iyo tajriixba
Jazaakalaahu khayran yaa sh C/raxmaan wabillaahitawfiiq
japan4p@yahoo.com | Jun 25, 2009 | Reply
salaamu caleykum kadib sheekha waa ug mhad celina adalka uu galey balse waxaan suaalaa sheekha hadii ad isku day ey inaad dadka u cadeyso shabaab iney ka ceeb la,yihiin khawaarijnimada dhanka kale waxaa la rabey inaad iyana cadeyso in dadka ay siyaasadda isku hayaan timaamaha lagu caayo oo shababu ku caayo oo ay ugu weyntahey iney gaaleysiiyaan oo dhahaan waa murtadiin maxaaeeley waxaa hordhacada ku jira in cadaldda tiir utahey wax walba hadaba hadii dad is hayo aad qaar ka bari yeesho sifada lagu eedeyey dhanka kalana aad ka aamusto waxaa imaanee in cadaalad darro ay they maxaa yeeley waxaa muuqaanee hadaadan qabin in ay sifaadaas mudanyihiin ugu yaraa kama xumid in lagu timaamo marka hadaad soowadey ee aan soo degdegana iga raali noqo
qaali yare | Jun 25, 2009 | Reply
Acww.
Jazaa kalaahu kheyr
Ilaah aduun iyo aaqiro ha kaa abaal mariyo shiikh C/raxmaan Abyan waa maqaal aad iyo aad u wanaagsan aad iyo aadna wax badan u cadeeyay.
Codsi : Shiikha
Walaal waxaan aad iyo aad kaaga codsneynaa hadii aa nahay dadka xamar ku nool maqaal ka hadlayo
Qofka muslim ah ee gaalo u yeerto ama gaalo ka garab dagaalamayo waxa ay diintu ka qabto????.
mahadsanid
Abdalahh Shiikh
Mohadisho – Somalia
RAAXEEYE | Jun 25, 2009 | Reply
waxaad moodaa inuu qoraaga uu ka hadley oo kaliya sifaadka ama waxyaabaha lagu garto khawaarijta , ama uu sheegey waxyaabihii ay la yimaadeen oo u badan dhinaca caqadiga , uusan qeexin rasmi aha siin khawaarij waxa loola jeedo . waxaa fiicnaan lahayd inuu iftiimiyo inaaney khawaarijtu ahayn koox diimeed mar soo baxdey dhamaateyna , ee ay tahay wax mar walba soo noqnoqan kara . waxaana qoraaga isaga khaldamey kharaarijnimada iyo gaaleysiinta oo aad moodo iney siman yihiin , taasuna waa khalad ,oo hadii la yiraahda kooxdaasi waa khawaarij macnaheedu ma aha diintey ka baxeen . kooxyo iyaga ka soo horjeeda ama diidan hadey magacaa ugu yeeraan u diidi meyso iney ku sifoobaan ama aaney ku sifoobin , inta badan Ahlul cilmiga ma qaataan hadalada khusuumta oo wax kuma dhisaan ,oo hadii taa la qabto iyaga naftooda ayaa kuwa ka soo horjeeda ku sheega waxaan marnaba la aqbali karin, ee arinka gadaal ha loo fiiriyo.waxaa walaalaha kula talin lahaa iney akhriyaan risaalada Alkhawaarij ee Dr.Nasir Al aql. shukran
xuseen | Jun 25, 2009 | Reply
salulaah calaykum
sheekh c/raxmaan abyad su’aal?
haddii shabaab sifooyinka aad sheegatay qaar laga hello qaarna laga waayo maxay xukunkoodu noqonayaa?
miyaanayse dhib ahayn nin lagu murmayo ninkani khawaarij ma yahay mise maaha?
maxayse noqonaysaa xalaalaysiga dhiiga muslinka ah iyadoo rido lagu xumo qof aan ridoobin oo culimo ka fadhhisan xukunkaas ridada ah ee wiil yari jeebka kala soo baxayo ee idaacadaha lala taagan yahay ee markhaati ma doontada ah?
waa mahastahay sheekh
salamulah calaykum
aadamdheere | Jun 29, 2009 | Reply
waxaan codsanayaa inaad ku soo celisan maqaalkii ku saabsanaa jawaab celinta ku socota sh.abyan,oo ahaa khawaarij ma lagu tilmaami karaa kooxda shabaab.waxaana aan qoray 30/06/09,haddaba haddii uu yahay wabside loo isticmaali karo si caalami ah ama ka fayow qabiil iyo kooxaysi waxaan codsanayaa in si dhaqsa leh loogu soo celiyo halkiisii ciddii su,aal ka qabtana ha igala soo xariirto cinwaankeyga aan ku qoray maqaalka.waadmahadsantihiin.
s.deeqa | Jun 30, 2009 | Reply
WWW
Sheekha waa isku dayey inu difaaco Shabaab, laakiin ma difaacin ee wuxuu sheegay in uu yacahay nin ku qanacsan waxa shabaab wadaan.
Bal aan fiirino tilmaamaha uu sheegay Sh. Abyad, waxay shabaabku ku sifoobeen qaarkood, misaal:
*Dirirtooda ama halgankooda oo ay ku wajahaan muslimka halka gaaladu ay ka badbaado .
qodabkan waa ku sifoobeen, anaga weli ma arag meel ay gaalo kula dagaalameen aan ka aheyn muslimiinta, taasina waa wax cad, maxaa ognahay inta umada jihaadka ku jirtay, ayagan maamulada dadka sameysteen ayey dagaal ku wadeen.
*Ahlul cilmiga oo laga fogaado lana xaqiro.
Qodobkani hadii aan fiirino waa la ogyahay in ay waxba ku qaadan waayeen dhamaan wixii culimad ay soo jeediyeen, waxayna ku doodeen in Mareykana ay u shaqeen, SUBXAANALAAH.
*Midawga muslimiinta iyo madaxdoodaba in guluf colaadeed lagu kiciyo , iyagoo ka duulaya inay gaalo yihiin.
Taasina meyeysan ku cadeyn in ay ku duuleen dowlad sheegtay in ay Islaam tahay, dadka intiisa badana ay ku qanacsanyihiin
Marka Sh. Abyad ma cadaalad falin, ee waxuu u muuqdaa in uu yahay qof rabay in uu difaaco Shabaab, laakiin ku xadgudbay difaaciisa, marka sheekha aayada uu soo qaatay si fiican ha u darso: ??? ??????? ????? ??? ??? ?? ?? ?????? ?????? ?? ???? ??????
WALBILAAHI TOWFIIQ
Maxamed Cabdi | Jul 5, 2009 | Reply
Asalaamu Calaykum…
Sheekh waad mahadsantahay laakiin maqaalka ma dheeli tirna becoz waxyaabaha ay khawaarij kala simanyihiin ma aadan sheegin oo runtii iska cad, sida inaysan culimada warka ka maqlin, midowga iyo madaxda oo ay guluf ku kiciyaan, dirirtooda oo ay xaq u maleeyaan wixii kasoo harayna hadayba jihaad ku jiraan uusan sax ahayn ilaa dhankooda laga soos afto.
Midda ugu weyn oo ah IN AHLU CILMIGA LA XAQIRO< NACAM WAY SAMEEYEEN< ANIGAA DHEGEHAYGA KAGA DHAGEYSTAY IDAACADDA IYAGOO KA LEH< CULIMADU ILAAHAY HA U TOWBAD KEENAAN WAXAY IMAN WAAYEEN MEEL SHAREECO IYO XUDUUD ALLE LAGU OOFINAYO< subxaanallaaaah wiil yar baa culimadii weynayd u sheegay inuu ilaahay u towbad keeno isagoo raba inuu muujiyo inuu iSAGU KA CILMI BADANYAHAY SHEEKHA.
Sheekh juziita kheyran lakin WA IDAA QULTUM FACDILUU< ilaahay baa yidhi sidaas darteed adiguba xagga qoraalka iyo qiimaynta cadaalad u samee oo si cad labadaba waxay ku xunyihiin iyo waxay ku fiicanyihiinba sheeg.
MId kale waan kugu dhaliilay, oo ah qofka qoraaga ah ee raba inuu wax qiimeeyo carabkiisa qadafka waa ka dhowraa hadiise mooyi aad si cad qolo ula jirto taas waa gooni, lakin qolada ay siyaasadda isaga soo horjeedaan oo madax ah baa ku tilmanta khawaarij saxiix, ogoow inay qaarkood dhaheen halka inta kale ay dhaheen waa buqaad, waxadana tiri WAABA HADII DOWLADNIMADOODU SUGNAATO, nacam halkaas inaad iyaga dhaliilsantahay baan ka aragnaa, halka shabaab marka aad ka hadlaysid aad ceeb iyo eed tiraysid oo aanad si carab leexis ah aanad wax uga sheegin.
WA IDAA QULTUM FACDILUU, hadaadan adigu soo bandhigin wanaaga dowladda, dad kalaa ka hadli doona, hadaad ceeb tirtay shabaab, dad kalaa ceebtooda ka hadlaya.
Laakiin si weyn baan kaaga mahadcelinayaa, juziita kheyran ilaahay ajar badan ha kaa siiyo cilmiga aad dadka u soo bandhigtay.
Nadifa C/xaliim
Nadifa C/xaliim | Jul 7, 2009 | Reply
wadaadku waa uun alshabaab, warkiisuna waa cad yahay. muu alle ka cabsado oo runta ka sheego nimankaas caddaystay khawaarijnimadooda.Bal fiiri waxy dilaan,gaalaysiiyaan,shirqoolaan qofkastoo ka soo horjeeda fikirkooda, waxay quraanka ama aayadaha u fasirtaan siday rabaan. waxaana u dambeeyay godone.
axmed | Jul 8, 2009 | Reply
Ay AWW
Soomaaliyay Allah ka cabso . Hebel baa sidaan ah iyo Hebel baa sidaan yiri barito waxba maku tarayso kaliya camalkaa ga suuban mooyee..Haddaba waxaa ku oron lahaa ninka maqaalkan qoray ..waxaa hubaal ah inaad cilmi u leedayhay diinta sida ka muuqata maqaal kaaga marka hadii aad runta kasheegaty ee aadan cidna u xaglin iyo hadii aad qolo u xaglisayba Waxaa hubaal ah in allah in uu kaa abaal marin doono. Laakiin anigu shaq ahaan waxaan aa min sanahay in ay soomaali kuwa madaxda u ah hadii ahaan lahaa yeen DKG ama Xis biyada ka soo hor jeeda in ay shacabka somaaliya dambi kagaleen cidii tiraah da dambi malahan na ay been sheegtay…marka allaha na hanuuniyo nabdna hana siiyo wtfq
latiif | Jul 10, 2009 | Reply
qoraaga aad ayaan ugu mahad celinayaa sida uu inoogu fafaahiyay arintan uu mugdiga badan iiga jiray aniga gaar ahaan maxaa yeelay aad ayaan uga soo horjeeday kooxda alshabaab. waxaana ka shakisanaa mabaadidooda oo waxaan is lahaa khawaarijta la sheegayo amey yihiin laakiin hada waxaan gartay iney ka fogyihiiin waxaas ilaahna waxaan weydiisanayaa inuu ii dambi dhaafo wixii aan ku qaldamay iyaga iney i saamaxaan ayaan weydiisanayaa laakiin wali waan ku diidanahay siyaasada qaarkeed laga bilaabo hadana magacaas uguma yeeri doono inshaa alah
bin ali | Jul 11, 2009 | Reply
A.w. walaalayaal soomaaliyey waxaa ii muuqata in ruux walba uu rabo xaqa inloo dhigo sida isaga hawadiisa waafaqsan, sheekha mas’alo ayuu uga hadlay sida shareecada qabto, waxaana muuqata in dadka qaar ayba ka gaartay in ay isaga dureen!! Allaah ka cabsada walaalayaal. tankale markaan si Lillaahinimo ah u hadlaynno 3-di kooxood oo uu sheekha xusay ee kala ahaa: 1-suufiyada mas’alo gaabka ah. 2-Ashahaado la diriryada 3-iyo shariifka ku fadhiistay kursigi C/lahi miyaa xaq udhow mise shabaabka ku hamiyaya soocelinta khilaafadii duntay. waa qasbiyan in qaladaad uu ka dhici karo cid walba oo bashar ah oo wax qabad u istaagta waxaan suubanihii ahayn (SCW).
Aden | Jul 14, 2009 | Reply
Aslaamu calykum
ugu horrayn waxaan sheekha leeyahay JAZAAKALLAAHU KHERAA intaas ka dib, waxaa jirta maahmaah oranaysa (qofka waxa uu rabo ayuu caqligeeda leeyahay)walaalayaal haddii xaqa la sheego rabitaanka yaynaan ku dafirin, qoraalaka wadaadka haddii aan dhuuxay qoraal ka dheelli tiran waa yar yahay ayaan oran karaa. waxaa jirtay su’aal uu isaga isweydiiyay oo ahayd SHABAABKA WAX MAKA QALDAN YIHIIN? isagii ayaa ka jawaabay oo yiri HAA! walaal haddaba waxa dadka qaar rabaan miyaysan ahayn muxuu u dhihi waayay shabaabka waa khawaarij!!!
waxaa hubaal ah oo qofkasta oo diin daacadi ka tahay ogyahay in shabaabku diin uga dhowyhay Suufiyada habeenka ah oo shirkiga difaacaya bal xukun islaami ah oo lagu hamiyo iska daaye, qolodan dowlada sheeganaysa ee maqaar saarka ah iyo ahahaado ladirirkooda iswata. walaal Alaah ka baq oo ogow in geerida dhhowdahay Allaahna la hor istaagi doono, dano gaar ah iyo qabyaaladina lumidoonaan.
qaasin | Jul 14, 2009 | Reply
sheekha khayr ALLAAH ha siiyo wuxuu odhaahda u yiri sidaan u oran lahaa haddii aan cilmigeeda lahaan lahaa, wuxuuna saaray miisaan fiican, wuxuuna dhigay meel fiican, waxaana oran lahaa culimada ILAAHAY WAX BARAY sidaas oo kale dadka caamada ah wax ugu iftiimiya, tan kale maxaa keenay in shabaabka lagu xadgudbo oo la dhaho waa KHAWAARIJ? waxay ila tahay iyaga qudhooda ayaa miisaankii lumiyey markay qof muslim ah MURTAD ku sheegeen. hade waxay ila tahay waa TILKA BITILKA ama ISU TUUR. hadhawna aan wada toobad keeno intay goori goor tahay.
XUSKA | Jul 16, 2009 | Reply
aswt
aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay sida fiican ee sheikh u bayaamisay arimaha alshabaab.. waxbaan islahaa kuwani khawaarij way ka daranyihiin ..lakiin waa minu aadam.
baashir | Jul 25, 2009 | Reply