Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar “Amar Deg Deg ah waxaa Fulin kara Dowlad Wadanka heysata”.

Published on June 24, 2009 by   ·   8 Comments   ·   print

Prof. SamatarProf. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa Sheegay in aysan Sax aheyn u yeerashada DKG ah ee ay Dalka ugu yeertay in ay Soo galaan Ciidamo Shisheeye Gaar ahaa kuwa Itoobiya isla markaana uusan Waxba soo kordhineyn Xukunka Deg Dega ah ee ay DKMG ku dhawaaqday in ay ku soo rogtay Dalka.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo u warameyey Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa intaa ku daray in Xukun Deg Deg ah ay soo rogi karto Dowlad Xoogleh oo Dalka oo dhan ka taliso Balse DKMG aysan jirin Meel ay ka taliso Marka Laga reebo Qeybo yar oo ka tirsan Magaalada Muqdisho Waxa uuna yiri: “Amar Deg Deg ah waxaa Fulin kara Dowlad Wadanka heysata … Dowlad Xoogleh oo Wadanka Xukunta ayaa Amar Deg Deg ah Wax ku sameyn karta” .

Samatar ayaa intaa ku daray in Xukunkan Deg Dega ah uu ku Fashilmay C/llahi Yuusuf isla markaana uu waxba ku Qaadi waayey Waxa uuna yiri: “C/llahi Yuusuf Amar Deg Deg ah ayuu keenay Muxuu keenay Waaye Waxba muu Keenin Balaayo un bey keentay markaa tani waxba kama badali doonta Waxayaabaha Magaalada Muqisho, Agagaarkeeda iyo Wadanka gudihiisa ka socda, waxaa leys Moodsiinayaa in Dowlad la yahay iyadoon Wali Alaabteedii la heysan”.

Ciidamada Shisheeye ee DKMG ah u Fasaxday Dalka ayuu Sheegay in ay lakulmi Doonaan Wixii ay lakulmeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ay Dabada ka riixayeen isla markaana ay la howl galayeen Diyaaradaha iyo Ciidamada Mareykanka waxa uuna Sheegay in ritaasi uu C/llahi yuusuf Waxba ku qaadi waayey Waxa uuna yiri: “Hadaad Ciidamo u yeerataan wixii Maalintii hore looga hortagay ayaa imaandoona, Ciidamo in loo yeedho Maahan C/llahi Yuusuf baa waxba ku qaadi waayey oo Itoobiya oo Mareykan dabada ka wadaa waxba ku qaadi weyday hadaba ha ina galinina Balaayo”.

Samatar ayaa ugu Dabeyntii Sheegay in Qorshaha lagaga bixi karo Dhibaatadan ay tahay in ay is weydiiyaan oo ay ka tashadaan labada dhinac ee ishaya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Yuhuuda oo Sheegtay in ay Aqbalayaan Dowlad Falastiin oo Sacabooley ah
  2. Wasiirka Amniga Puntland C/laahi Saciid Samatar oo Amray in la xiro Bangiga dhexe
  3. ARS/Garabka Asmara oo Shaaciyay Dowlad cusub oo Soomaaliya yeelato.
  4. Faah-Faahin:- Kulanka AU-da “Si Dhakhsa ah waxaa u imaanaya Uganda waxaa imaandoona oo la soo siyaadin doonaa Guuto kale Burundi”.
  5. Abu Zubeyr:”Iska Dhaaf in Islaam lagu sheegee Xitaa uma Qalanto Dowlad Wadani ah”.

Readers Comments (8)

  1. Anna says:

    Hadalkiisa waa ok lakiin xalka ugu dambeeya ee uu ku tilmaamay (Samatar ayaa ugu Dabeyntii Sheegay in Qorshaha lagaga bixi karo Dhibaatadan ay tahay in ay is weydiiyaan oo ay ka tashadaan labada dhinac ee ishaya. ) ok maxeey ka tashanaayaan ???? dab iyo biyo hatashadaan ayuu wadaa kaliya waxaa xal ah in diinta alle lawada aado lana qabsado xarigiisa taas kaliyaa xal ah.

    Jazakumullah kheyraa

  2. abuxafsa [akwacaysi] says:

    xaqiiq waxa uu kahadalay waa wax sax ah waana ruux waxdareensan lakiin waxa uu xalku ku jiraa in ay nimaka uu hogaamiyo shariif ay toobad keenaan ala u noqdaan kabaxan waxa ay ku jiraan maxa yeelay mudan waxay nolosheedu ku jirta in ay qabsato diinka alaah

  3. somali says:

    aniga waa ila sax san yahay abdi samatar sababtoo ah dagal idna xalku gaari mayso laakin se waxaa daba sacda khatar aad u badan. arin in diinta la isk xukuma waa sax laakin waa in laago dambeeya dadka khoonta uleh sida culumad soomaliyeed. ee ma ahaan unu khofkas yirahdo aniga kaliyah ayaan diinta akhaan.

  4. Karaama says:

    Assalaamu calaykum,
    Bismillaah,

    Ustaad Samatar wuxuu sheegay arrin gar ah.

    Waxaanse leeyahay maadaama uu Ustaadku uu yahay muwaadin soomaaliyeed oo waddankiisa wax usoo bartay uuna ka mid yahay ragga iyo dumarka wax garadka ah ee soomaaliyeed isla markaana uu aad ula socdo meesha ay marayso xaaladda waddanku, ayaan usoo jeedin lahaa inay midoobaan kuwaa aan soo sheegay. Oo haddii ayna midoobin kuwa wax usoo bartay waddanka oo qaarkood gaadheen inay jaamacado ku yaalla dunida hore u martay wax ka dhigaan yaa laga rabaa inay midoobaan. Mise iyaguna way is khilaafsan yihiin?

    Mise maba oga qaarkood inay iyagu maanta ehel u yihiin inay waddankooda bad-baadiyaan. Haddayna ogayn, waxaan ogaysiinnay in waddanku sugayo kuwa intay kusoo barbaareen, wax kusoo barteen kadibna isaga wax usoo bartay.

    Haddii qof kasta oo mutacallim ahi madaxa gelin lahaa inuu yahay isaga iyo inta la midka ah cidda uu waddanku sugayo, maanta meeshaa lamasoo gaadheen.

  5. Adnan says:

    Profka waxaa uu sheegayo waa wax sax ah. Talada u u soo jeediyey qoloyinka is hayo in aay dhexdooda ka heshiiyan, ee ciidaan yimaado soomaaliya wax sooma kordhineyso dhibaato maaheene.

  6. Waranle says:

    Qolyaha Soo dulaay ee Axmaaro Kow ka Tahay- Iyo Dadba dhilifka u adeegaya waa in Somali Meel uga Soo Wada jeesdaan..

  7. farhaan says:

    ninkaan samatara horta mar walba waa mucaarad dawlad kastana waxbuu ka sheegaa oo isaga iyo caruurtiisa dibaday joogaan isku dira maahane wax kale ka ma shaqeeyo iyo inuu isku diro dadka sidaas ooy tahayna ninkani soo maali maaha oo waa maraykan sida uu dhowr jeer sheegay ee aniga waxaan dhihi laahaa arimaha soomaalida faraha hakala baxaan isaga iyo maraykan,itoobiya iyo kuwa beesha caalamka la yiraahdo waan la yaabay badanaa waxbuu ka sheegaaa dawlad kasta tan shariifka ama tii ka horaysay ee c/laahi hadana xalka si toos ah u ma tilmaami karo marka waxaa fiican inuu qofkaas oo kale ka aamuso dadkaan soomalidaa ee aan u wada jeedno inay xukun iyo kursi isku haystaan
    A/c
    waad mahadsantihiin bahada somalimirror

  8. xajjis says:

    kan waa waalan yahay Samatar waxa ka qeylisiinaa waa xukun jecli Maxkamadihii ayuu u tagay berigii ay dalka joogeen wey diideen nin Debedaha jooga oo fakarkale xanbaarsan iney ka dhigtaan xoghayaha arimaha Debedda markuu soo laabtay London asaga oo maraya ayuu BBC fariistay oo yiri kuwaan soo arkay xaafad yar oo Muqdisho ah ma maamuli karaan waa dad aan aqon lahayn oon ilbax ahayn… kaba soo gudub taas wey duuban tahaye,,Dowladdaan markii Shariif la doortay waxa uu ka hadlay VOA waxa uu talo ismuujin ah ku bixiyay in Shariif uu u yeerto dadka aqoonta leh debedda joogta islamarkaana uu warqad u qoro Dowladaha ay la joogaan oo uu ku dhoho ragaan wasiiraan ka dhuiganaa si maskaxdooda aan Soomaaliya ugu badbaadsho ee Mushaarkooda ha u socdo yaan laga jaran…hadde fiiri wuxuu rabay mushaarka Dowladda iyo kan jaamacadda uu dhigo inuu u sii wada socdo,,,, intaas ugama harine orod dheer ayuu galay si uu u noqdo wasiirka arimaha Debedda waa uu ku guuldareystay taasna waxay keentay inuu seeftiisa ula boxo Shariif iyo Cumar Cabdirashiid marka waa la soconaa taariiqda Cabdi Samatar oo kale nama qaldi karo sababtoo wixii sa dhan ayaan ognahay iyo damaciisa ilaahoow yaa hadda yiraahda kaalay wasiirka Boostada ayaa xitaa lagaa dhigaa asoo leh aaa la arki lahaa Dowladda wadanka dhan ayay qabsaneysaaa…..




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Yuhuuda oo Sheegtay in ay Aqbalayaan Dowlad Falastiin oo Sacabooley ah
  2. Wasiirka Amniga Puntland C/laahi Saciid Samatar oo Amray in la xiro Bangiga dhexe
  3. ARS/Garabka Asmara oo Shaaciyay Dowlad cusub oo Soomaaliya yeelato.
  4. Faah-Faahin:- Kulanka AU-da “Si Dhakhsa ah waxaa u imaanaya Uganda waxaa imaandoona oo la soo siyaadin doonaa Guuto kale Burundi”.
  5. Abu Zubeyr:”Iska Dhaaf in Islaam lagu sheegee Xitaa uma Qalanto Dowlad Wadani ah”.

Latest Headlines