Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Males Zenawi oo u waramayay Wakaalada Wararka ee Financial Times ayaa sheegay iuu Xilka ka degayo, waxa kale oo uu intaa raaciyay inuu uga dageyo Jiilka cusub ee halkii xilka loga tuuray Madaxweynihii hore ee itoobiya Mengistu Haile Mariam ka soo qeyb qaatey.
Zenawi oo da’diisu sii caga cageyneyso 54 jir ma aanu cayimid xilliga rasmiga ah ee uu xilka ka degayo, haddiise ay ka suuro gasho xil ka degidiisu waxa ay qeyb ka noqoneysaa taariikhda itoobiya oo horey arintan oo kale uga dhicin madaxdii soo martey.
Zenawi ayaa adkeeyay inuu xilka uga dageyo taageerayaashiisa, wada hadal arintaa ku aadana uu xilligan ka socda gudaha xizbiga uu ka tirsan yahey ee xukunka haya.
Iyada oo laga amba qaadayo sheegashadiisa inuu xilka ka degayo waxaa sidoo kale jirta soo jeedin xizbiga ka dhex jirta sidoo kalena la iskula soo qaadi doono shir uu xizbigu yeelanayo sanadkan gudahiisa.
Diblumaasiyiin aqoon u leh Zenawi ayaa sheegay inay arintaasi suurta geleyso oo keliya ka dib si uu xizbigiisu uga qeyb qaato doorashooyinka guud ee soo socda.
Males oo xil ka degistiisa ka hadlaya ayaa yiri:” Mowqifka ii gaar ah ee arintaa ku aadan waxa uu yahey inaan intaa ka badan sii qaban Karin, balse waxaan u taagnahey difaacida waxaan aaminsanahey, sidoo kale qancinta mucaaradkeyga, waxaana rajeynayaa inaan arintaa ku gaari karo iskaashi aan igu qasbeynin inaan xilka xizbigeyga isaga tago kaas oo intii aan noolaa daraadiis u soo halgamey”.
Zenawi oo ka hadlayay xil ka degistiisa la maleyn karo ayaa sheegay in xizbigiisa uu la doonayo inuu qaado talaabo aan horey uga dhicin dalalka afrika taas oo sidoo kale aan kala daadineynin Maamulka jira.
Waxa kale oo uu sheegay inaanu naftiisa oo keliya u hadleynin balse jiilka soo socda oo dhan:”Xizbigu wuxuu u baahan yahey hogaan cusub oo aan soo marin maraaxilkii hubeysnaa”. Waxa ayna Arintaas saameyn ku yeelan karta mucaaradkiisa.
In badan oo ka mid ah Shacabka Reer Itoobiya uma arkaan xil ka digista males Zenawi ee xizbigiisa mid xaalada wax ka bedeleysa balse waxay u arkaan mid uu ku hagaajisanayo sumcadiisa & tan Xizbigiisa si uu ugu diyaar garoobo doorayooyinka soo socda.

Related posts:
Ilaahey lacnat kugu rid duli iyo foolxuna aduun iyo aaqiro ku danbey wuu ka laayay dalkeenini burburiyay dadkeeni baabiyay
Ilaahey waxaan ka baryeynaa in ay iyadana burburto sidii uu noo burburiyay si ka daran
XILKA WAAD KA DEGI, ADOO OGOL IYO ADOON OGOLAYNBA.
MANA NIHIN DOQMO ILAAWAYA WIXII AAD KA GEYSATAY SOMALIA.
JIILKA CUSUB EE AAD U BANEYNEYSO WAXAA LOO HAYAA KUWO AAN HUBNO IN ALLE GARABKOODA YAHAY, HADII ADIGA JIILKII KULA FACA AHAA UU ANAGA NAGA SAAQIDAY.
anigu waxa aan leeyahay mar haddii aad ku dhawaaqday xil ka degis aan tidhi waxa aan fursad siinayaa jiilka soo socda waxa alle ka rajaynayaa in ka ku badalaan noqdo mid kugu dhaama dhinac kasta adna alle waxa aan kaaga baryayaa in ilaahay ku soo hanuuniyo inta aanad dhiman
males wuxuu u muuqdaa nin ay soo waajahday dhibaato xoogan oo ka keentay in uuka dego xilkiisa oo uusan jeclayn in uu ka dego .
hada waxaa ka jira qalalaase xoogan gudaha itoobiya oo sababi karta burbur inkasta oo ay ilaashadaan nimanka ay isku cida yihiin ee reer galbeedka oo aan ogalayn in quwada itoobiya ay meesh aka baxdo
xilkadagista malez waxan u arkaa jug jug meeshada joog nacalad alaha ku ridee wuxuu umada somaliyed ugeystay mahilmama doono in sha’allah
maanta waxaad ogaataa malezow hadaad ka degto xilka aad ku tamar taaglayn jirtay ee aad soomaali ku xasuuqday rag ayaa kaaga danbayn doona kuwaad oga dagayso adoonsan doona insha’allah
malas zanawi illaah meel xun hakaa bixiyo xaalada ayaana kugu adag mahinee xil kama tagten waji mukulaal waaxid illaah anagana dhulkena dolad islaam ah nooga toosiyo jiilka aad u banaynayso meeshana kuwa somaliyed ayaa ka adakan dona waana soo noqondona waad ogtahy somaliya sidaad u kala furfurtay oo oday xun oo calooshiis u shaqeysta badan aad hub u soo dhiibtay ilaah meel xun hakuu danbeysiyo bye
zanaawi wuxuu noogaystay waxaakadaran waxaa ardaasha soomaali kusheegaahi noogaysteen oo u horeeyo ina uways iyo c/llahi yusuf ee haddaan dad fiican madaxka dhigano lanashaqayno waxba nagama dhibeen dabagaalaha tigreegu
waa arin wacan haduu ka dhabeeyo oo ku dayasho mudan kuwan islaamiyiint ah ee qalaxa xukunku ku taagan yahay tolow mar uun intay sidaa uga dhargaan xukunka ma kadegi doonaan mise aweysiya , meecaadiya , shariifiya samadiya iwm ayay la bixi donaan .
kuwan xiiqsan ee golahan wax kusoo qora waxan u sheegi lahaa ninkaad lahadleysan si live ah golahan uguma jiro mana akhristo golahan waxaa daawada uun soomalida aad xiiqsanaanta ku baabi,seen eed layseen , qarxiseen , qaxiseen , walina aad u ciilka qabtaan sidaad inta hadhey u dabargoyn lahaydeen si aad u xukuntaan oo kitaabka ugu xukuntaan waxii soo hadhaba hadey doonaan ha ahaadeen 100 qofood,e.