Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed ayaa Maanta Bayaan ku aadan arinta Soomaaliya soo saarey, waxaana bayaankaas Saxaafada Shir Jaraa’id oo Xizbigu qabtey uga akhriyay Sh C/laahi Yuusuf Khadaad oo ah Xog-hayaha guud ee Xisbiga.
Bayaanka Xizbigu arinta Soomaaliya ka soo saarey ayaa ka koobnaa 5 Qodob, waxaana ka mid ah Arimihii looga Hadley, fikirka Xizbiga ee ku aadan DKMG ah, Joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya, Siyaasada Xizbiga ee Caalamka, Aragtida Xisbiga ee Xalka Soomaaliya & Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed.
Shirka waxaa goob joog ka ahaa Sh Xasan Daahir Aweys oo ah Gudoomiya Xisbiga, waxaana Su’aalo dhowr ah akhrinta Bayaanka ka dib weydiiyay Sucufiyiintii Shirka tegay.
Shabakada Somalimirror oo Nuqul ka mid ah Bayaankaas la soo gaarsiiyay ka akhriso Lifaaqa hoose:-

Page-1

Page-2

Page-3

Related posts:
A/S
WALAALAYAAL WAA BAYAAN AAD U HEER SAREEYO HADDII AAN WAXA KU QORAN KA DHABEENO DHIBA MAA NAN ARKI LAHAYN IN SHA ALLAH
DHANKA KALE KUWA DAWLAD IS KU SHEEGA AH EE DADNIMO MUUDDAY IN CIIDAMO SHISHEEYE SOOMAALIYA LAGU MAAMULO HA FAHMAAN HADDI AY WAX FAHMI KARAAN.
Masha-allah
Xasan Daahir Aweys Ilaah (SW)kaga cabso dhibaatada aad shacabka Soomaalida ku haysid meelkasta ay Joogaan. Taas ayey badbaada naftaada ugu jirtaa maalinta qiaamaha ah.
WasSalaam
waa arin wanaagsan bayaanku wuxu ka tarjumayaa dareenka shacabka
Masha-allah waa wax aad loogu farxo qodobadan ka soo baxay madaxda xisbul islaam,, aniga shakhsiyan ahaan waxaan oran lahaa Qodobadan ka soo baxay xisbul islaam, waa asaaska xornimada & Qaranimadii Umadda Somaliyeed, Ku soo noqon laheed, oo waliba markaan Lagu saleynayo Ku dhaqan ka shareecadda Islaamka.Mashaa-allaah mashaa-allah. Guul Insha-allaah. wabilaahi towfiiq.
Soomaalidu waxay tiraahdaa illaahow haa iyo maya meel hanooga wada yeersiin. taas waxaan ka wadaa ninka bayaankaan soo saaray ee Xassan Daahir Aweys soo tuu shalay lahaa qayb soomaalida ka mid ah waa ridoobayn ama gaaloobeen muxuu maantay u leeyahay 100% umaada soomaaliyeed waa muslim.
cabdullaahi yusuf axmed waxaa barlamaanki ku eedeeyenn in hadaldiisu dhaqso isu buriyaan taas maanta waxaa la mid ah shiikh xassan
taasi waa mid, mida kale wuxuu sheegay in maxkamaada sharci ah la hor keeno dadkii dalka iyo dadka denbiga ka galay iyadana xagee bay ku taalaa maxkamaddas uu sharciga ku tebayaa ma mid alqaacida iyo Osama bin laden xakumaan baa mise mid kale?
Shabaabku ma khawaarij baa ?? Shiikh Cabdiraxmaan Abyad
Posted to the Web Jun 24, 15:53
Mahad dhammaanteed ALLAAH baa iska leh , intaas ka dib, Umuuraha murugsan ee Soomaalida dadka la socda waxaa beryahan danbe dhegohooda ku soo noq-noqonayay, oo qaar badan xaajo uguba ku noqotay , odhaahda ah “ Ciddii aniga i khilaafta , ama aan u okobnaan waxa aan keeno waa Khawaarij , amaba koox heblaayo waa Khawaarij, iyadoo marar badan si gaara loogu duur xulo xarakada Al- shabaab.
Arinkaas waxaa ka dhashay in dad badani is weydiiyaan horta “ Khawaarijtan “ la sheegayaa maxay yihiin sidoodaba, halka qaar kalena isku maan dhaafsan yihiin garta ama gardarrada hadalkaasi amaba canjarafkaasi waa sida qolyo kale u arkaane , xanbaarsan yahay.
Sidaas darteed waxaan jeclaystay inaan akhristaha qormadan u soo gudbiyo xog kooban oo ku saabsan firqadan hadal haynteedu badatay ee “ AL- KHAWAARIJ “, iyo jawaabta su’aashayda cinwaanku xanbaarsan yahay .
Qormadani waxay ka koobnaan doontaa afar xidhmo :
B- Xog guud oo ku saabsan Khawaarijta .
T- Jawaabta su’aasha cinwaanka.
J- Yaa ku sheega Shabaabka Khawaarij .
X- Gabo-gabo .
Intase aanan galin muca iyo ujeedka qormadan waxaan gogol dhig uga dhiganayaa hal-beeg “qaacido” lama huraan u ah marka koox ama qof waxa uu yahay la gorfaynayo :
Dhaleecaynta ama amaanidda aad qof ama koox u jeedinaysaa waxaa lagama maarmaan u ah labo shardi oo kala ah
1- Aqoon , cilmi la’aani hadday jirto waxaa shaki la’aan ah in xad gudub iyo
Gabood fal imanayo .
2- Caddaalad , haddiiba qofka wax qaadaa dhigayaa cilmi leeyahay , haseyeeshee uu caddaaladda ka fog yahay waxaa loo aanayn karaa amaba lagu tuhmi karaa dulmi .
Intaas haddaan ku dhaafo halbeegaas , bal aan u gudbo inaan wax ka tibaaxo xog kooban oo ku saabsan khawaarijta .
Xog ku saabsan khawaarijta.
Sidii aan hore u soo tibaaxay waxaaan ka horeysiin doonaa jawaabta waydiinta cinwaanku xanbaarsan yahay – si jawaabtu u fududaato – xog ku saabsan firqada khawaarijta , sida :
· Qeexidda khawaarijta , ama waa maxay khawaariji ?.
· Astaamaha lagu yaqaan .
· Soo yaalkooda iyo goorta ay soo ifbaxeen.
· Xukunkooda.
· Dhibaatooyinkii ay geysteen
· Qaar ka mida nusuusta ku soo aroortay .
Qeexidda khawaarijta , ama waa maxay Khawaarij
Khawaarijta ” ??????? ” waa eray Af- carabi asalkiisu yahay, Af-soomaali ahaanna waxaa macnihiisu yahay ” baxayaasha ” , ama kuwii baxay .
Maxay ka baxeen tolow? Yayse ku baxeen ? .
Waa labo waydiimood oo kusoo deg-degi kara maanka akhristaha , jawaabtooduse waxay ku imaan doontaa qormadan dhexdeeda .
Khawaarijtu waxaa kaloo ay leeyihiin magacyo kale oo ay caan ku yihiin , sida: Muxakkimah , Xaruuriyah , Maariqah Shuraah …
Culimadu waxay isku raacsan yihiin in Khawaarijtu yihiin koox ka mida kooxaha halaagsamay ee lunsan , kuna gafay waxyaabo badan oo caqiido iyo camalba leh .
Tilmaamaha khawaarijta
Waxay firqadani leedahay summado badan oo qofkii aqoon u lihi aanu ka hadfayn,
Hayeeshee aanay qormadan koobani wada xanbaari Karin ,halkanna aanan kusoo wada minguurin Karin , waxaanse si korka xaadis ah u sheegi doonaa kuwa ugu wax ku oolsan uguna waawayn , waana kuwan :
1. Inay qofkii danbi wayn ku dhaca sida : beenta, xanta, gogol dhaafka , khamriga , dilka , ribada , iwm ku tilmaamaan inuu yahay GAAL naarta ku waaraya , muslimna aan lagu sheegi Karin .
Taasina waxay sabab u noqotay in ummadda muslimka ah oo dhammi agtooda gaalo ka noqdaan wixii aan iyaga la fakir ahayn “ kaligood muslim “ maadaama oo aan dunuubta macsuum laga ahayn , sidaas darteed muslimka lama tukadaan , gawrocooda ma hungureeyaan , xabaalohooda wax kuma aastaan .
Muslim ka fogaan shaha gaadhay inaan xataa lala tukani, waxay ka dhalatay gaalaysiinta muslimka la gaalaysiiyo, iyadoon loo aabbe yeelin amaba loo kitaab furin , waxayna culimadu u yaqaanaan ” ????? ??????? ”
2. Saxaabadii Suubanaha “??? ???? ???? ???? “ qaarkood sida : Cuthmaan , Cali , Dalxa , Caa’isha iyo kuwo kaleba oo ay ku tilmaamaan inay amaanadii khiyaameen ama gaaloobeenba !!!.
3. Sunnada nabiga “??? ???? ???? ???? “ oo ay inkiraan in la xujaysto haddii aanay waafiqin shuruudo gaar ah oo ay iyagu dajisteen .
4. Dirirtooda ama halgankooda oo ay ku wajahaan muslimka halka gaaladu ay ka badbaado .
5. Jahli iyo diinta oo loo fasiro si’aan xaqa waafaqsanayn, lana adkeeyo wax aan mudnayn in la adkeeyo .
6. Haweenka oo ay ku waajibiyaan inay soo qalleeyaan salaadihii dhaafay intii dahaaradu ka jabnayd .
7. Magacyada iyo tilmaamaha ALLAAH oo ay ta’wiiliyaan ( marin habaabiyaan ) .
8. Ahlul cilmiga oo laga fogaado lana xaqiro .
9. Midawga muslimiinta iyo madaxdoodaba in guluf colaadeed lagu kiciyo , iyagoo ka duulaya inay gaalo yihiin .
10. Suuradaha Qur’aanka qaarkood oo kooxo ka mid ahi diidaan , sida suuratul yuusuf.
Calaamadahaas ayaa ah kuwa ugu tunka buuran ee firqadaasi lagu ibtileeyay.
Sooyaalkooda iyo goortii ay soo ifbaxeen
Waxaa culimadu isku maandhaafeen goorta ay soo ifbaxeen , waxaanse ku ekaan doonaa soo bandhigidda saddexda aragtiyood ee ugu xoogga badan :
· Culimada qaarkood waxay qabaan inay soo baxeen wakhtigii Suubanuhu noolaa, aragtidoodaasna waxay u cuskadeen , ninkii nabiga “??? ???? ???? ????“ ku yiri isaga oo qaniimo qaybinaya : caddaalad samee maad caddaalad samayn ee!!!!.
Ninkaas oo ah aabbaha khawaarijta , waxaana la oran jiray “ dul khuways sarah “
· Waxay soo baxeen sabankii Cuthmaan ayaa culimo kalena qabaan .
· Inay soo baxeen wakhtigii Cali ayaase loo badan yahay , maadaama oo dagaallo ba’ani dhex mareen Cali iyo nimankaas ibtilaysan , oo ay ugu magac dheer tahay goobtii nahrawaan sannadkii 37 H ugu danbayntiina iyagu ay dileen – saddex sano kadib – saxaabigaas weyn ??? ???? ??? ??????
Si kastaba ha ahaato e’ waxaa inoosoo baxaysa in kooxdani ay tahay tii ugu horaysay ee daba marta waddadii suubanaha “??? ???? ???? ???? “ , ceelalyona u noqota 72kii la sheegay inay soo bixi doonaan .
Qaybohooda
Kooxdani sida ay ummadda inteedii kale u khilaafeen ayay iyana isu khilaafeen , waana arrin dabiici ah oo ay la kulmaan kooxaha lunsani .
Laamaha firqadan ka farcamay waa tiro badan yihiin , waxaase ugu magac dheer :
1- Al azaariqah “ ???????? “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey ” Naafic binu Azraq” ???? ?? ???? .
2- Assufariyah “ ??????? “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey “ Zayaad binu Al asfar” ???? ?? ?????? .
3- Al ibaadiyah “ “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey ” Cabdullaahi binu Ibaad ”
??? ???? ?? ???? .
Waxaa xusid mudan in khawaarijtu tiro ahaan iyo siyaasad ahaanba ay maanta dunida farakutiris ku yihiin, walow ay iyagu xukumaan gaar ahaan firqada Ibaadiyadu waddanka” Cumaan” oo ka mida waddamada gacanka carbeed ” ?????? ?????? ” .
Xukunkooda .
Markii dadka aqoonta lihi lafa gureen kooxdan iyo waxa ay rumaysan tahay , waxay arini la dhaafi wayday inay ka kala qaateen laba aragtiyood :
· Muslimba maaha oo xanafiyadaba kuma jiraan , sidaas darteed baana loo yidhi khawaarij = kuwii baxay , loogana gol leeyahay inay diinta ka bexeen .
· Waa firqo lun san oo xaqa aad uga baydhay oo ahlul bidac ah , laakiin waxaa lagu tirinayaa guud ahaan inay ahlul qiblaha ka mid yihiin .
Qaar kamida nusuusta ku soo aroortay .
Waxaa lagama maarmaan ah inaan wax uun ka tilmaanno nusuusta ku soo aroortay firqadan, si’aan u fahamno waxa ku xanbaaray ahlulcilmiga qaarkood inayba ku gaalnimo xukumaan sida aan kor ku soo xusnay.
Waxaa kamida xadiiskii suubanuhu ku tilmaamay inay ahlu naar yihiin ???? ??? ????? Waxaa kaloo kamida in suubanuhu ku sifee yey inay diinta ka bexeen ?????? ?? ????? ??? ???? ????? ?? ?????? iyo nusuus kale oo aad ka heli karto kutubul xadiis, caqiidah , fiqhi , taariikh .
T – Jawaabta su’aasha cinwaanka .
Aniga oo ka shidaal qaadanaya nusuusta iyo xogaha kor ku xusan , waxaan akhristaha usoo bandhigayaa su’aalahan :
Qofkii kabiiro ( danbi wayn ) ku dhaca, sida: xanta beenta …iwm shabaabku ma ku gaalay-siiyaan?.
Saxaabadii suubanaha afkooda ma la gaadhaan , gaar ahaan , Cuthmaan ,Cali Dalxa , Caa’isha ?
Gaaladu ma ka badbaadaa dirirtooda ?
Su’aalahan jawaabtooda ayaa fure u ah su’aasheenna jawaabteeda.
Waxay aniga ila tahay in qof kasta oo caadil ah ay u soo bixi karto in shabaabku aanay khawaarij ahayn , maxaa yeelay ? usuushii firqadaasna kama muuqato , furuuc badan oo ay ku waafeqeenna looma jeedo .
J – Yaa ku sheega shabaabka khawaarij ? .
Aniga aragtidayda shabaabka waxaa sifadaa ku tuhmaysta inta badan afar kooxood :
1. Suufiyada .
Gaar ahaan kuwa masaargaabka ah, kumana koobaan khawaarijnimada alshabaab oo kaliya, ee ciddii xabaalaha la dul dangiigo, iyo lafaha maytida ee la tuugayaba shirkinimadeeda iftiimisaa agtooda waa ka khawaarij !!.
2. Rag ay siyaasadda isku hayaan oo ” dawladda ” ka tirsan oo bar yahan danbe ku xabeeb iyo xuurtoobay ” ciddii i khilaaftaa waa khawaarij” .
Sida muuqata waxaa iskaga dheehmay khawaarijta iyo buqaadda oo farqi wayni u dhexeeyo, waxaana ugu muhiimsan , in buqaaddu aanay had iyo goor dhaliilnayn ee ay gar yeelankaraan, halka khawaarijtu ay ka yihiin firqo lunsan , waaba haddii dawlad nimadoodu sugnaato.
3. Ashahaado la dirirka oo sida ka muuqata helay xadhig ay cuskdaan, kagana aargoostaan raggii shalay dhangalaasooyinka culculus u gaysytay oo ay wali dingaraaradeedii hayso, baladkana ka sifeeyay.
Sida ciil iyo madhuudhyo sadrigooda u jiiftona ma filayo inay shabaab kaliya ku ekaan doonaane , hadday u suuro gasho , waxay olki doonaan waxoodii xilka lahaa , culimo dhoofin, iyo isbaaro birimagaydada lagu baadhona dib bay u noolayn doonaan .
4. kooxo ay isku hayaan masalooyin u badan sida iyo waddada ugu haboon ee lagusoo celin karo xukun islaami ah iyo khilaafadii duntay .
X – Gabogabo .
Waxaan ku soo xidhayaa in qof kasta oo muslim ahi maskaxda ku hayo marka
Uu ruux muslim ah diintiisa gacan togaalaynayo aayaddan qur’aanka ah :
??? ??????? ????? ??? ??? ?? ?? ?????? ?????? ?? ???? ??????
Oo macneheedu yahay : yay idinku xanbaarin qolo cadhadeed inaydaan caddaalad samayn , caddaalad sameeya taasaa cabsida u dhowe .
Ugama jeedo qormadan inaan leeyahay shabaabka waxba kama khaldana oo waa ceeb ka saliim xalay dhalay ah , ee waxaa ujeedkaygu yahay , waxaanay qabin yaan la saarin !!.
Shabaabka wax maka khaldan yihiin .
Waxaan qabaa HAA. Mana aha wax lala yaabo maxaa yeelay waa bashar , basharna gaf iyo daalaa dhacays kama madhna , laakiin taasi keeni mayso in caddaaladda iyo cilmigaba lagu xadgudbo oo lagu sheego waxaanay ahayn iyagana aan berri ku koobnaan doonin.
?????? ???????
W.Q. Cabdiraxmaan Abyad
Abyad2@hotmail.com
xasan dahaair ilahay been hakasheegin ilahay ma ogola in dadka musliminta ah laayo oola barakiciy oo haddan la yirahdo waxaan udaga lamaya ilahay dartiis.ala ka cabsoo dadka xabadda ka daa waa dagal aan waxaba lagu gaarayn in dad ku dhinto mooyaane.
sheekh xasan bayaankan waa sax laakiin anigahaan ulama qumana inaad maanta bayaan soo saartaan,sabtoo ah umadii way dhamaatay maxaad bayaan uu soosaaraysaan,uamadan xasanow dagaalka kadaa allaah kacabsoo? allah waa ku arkaaaaaaa, xataa ninka haysta shabaabka ee laiigu sheegay inuu yahay nin isaaq ah lee laleeyahay waxaa layiraahdaa axmed c/godane waxba farah uiguma jiraan waxaan filayaa maanta waxay ileeyiin inta shabbab hadii idinka laiskukiin daayo? wallaahi inaydaan fara isla gafaynin walaloooooooow xasanow wadanka gaalo ha ugacan galinin,jihaadkiinafiqigi islaamka maqaafaqsana dacwadiiiiiiiiiiiiiii islaamka ayay dib uridaysaaaaaaa walaahi xasanooow hadii itoo biya wadaanaka soo fasaxo waa siday inoo qabsatay, uamdan waxaa isku darman faqri iyo jahliiskama saari kartid war ka azayaas intaad halkaas iska dhigto miiska wadahalka soo fariiso, oo laheshiiiiiiiiiiiii kuwadan kaalada intayna maciisan waa maalmo ayaad haysataa? xasannnnow
Sc wr wb.
Ugu horrayn waxaan aad iyo aad uga tiiraansanay heerka uu marayo waddankaygu iyo dalkayguba. Waxaanse ku kalsoonahay in aynu isku taagi markale cagaheena, isla markaana aynu ku socon hab nolaleed aynu qeexannay ama aynu xardhannay oo aan cidina inoo yeedhin.
Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu Somalia ka dulqaado dhibta una hibeeyo Hoggaan xalaal ah oo u horseeda Islaanimo dhab ah, caqiido sax ah, gobonimo , barwaaqo sooran iyo xadaarad waarta. Iyo inu allah ka alaaliyo hoggaan U horseeda gaalnimo, Bidco iyo khuraafo, Gunnimo, Darxumo iyo dibu dhac.
Waxaan soo dhawaynaya si taxaddir leh Bayaanka Xisbul Islaam oo hufnaan ka yara muuaqatto.
Waxaan kaloo xassuuniya Hoggaanka xisbiga arimahan:
1- In xisbigu si dhab ah u fuliyo siyaasadda xeelka dheer ee Islaamiga ah, kuna dhaqmo shareecada Islaamka kor iyo hoosba, kana fogaado ka baydhitaanka manhajka nabiga CALAYHI SALAAM iyo kii salafka, islamarkaana halbeeg ka dhigto sharciga ilaahay maadaama uu qaatay magac islaami ah.
2- In xisbigu uu xidhiidh rasmi ah iyo wada shaqayn tayo leh uu la sameeyo culimada islaamka kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibadda joogaba, kuna soo dabbaalo siyaasadiisa hoggaanka culimada shareecada, haddii aanay sidaasi dhicinna xisbigu uu ogaado in uu ku danbayn doono fashil taariikhi ah.
3- In xisbigu uu garawsado dakanooyinka ama shirqoolada siyaasadeed ee ka dhanka ah Somalia in ay kala leeyihiin heer Caalimi , qaarad , Gobol , iyo mid Gudo ama dal. Mid walba waxay wadataa habdhaqan, xeelad iyo summad gaar ah. Taas waxay khasbaysaa in la helo heer siyaasadeed oo u qalma lana jaan qaada mid walba iyo heer walba.
4- Xisbigu waa inuu yagleelaa Halbeeg maskaxeed oo ka kooban khubaro ku xeel dheer Shareecada islaamka, culuumta dunyawiga iyo xilkasnimo ka warhaysa Duruufaha la marayo. Waana in si dag dag ah loogu hawlaga sidii loo samayn lahaa kooxdaas saldhigna ay ka dhigtaan meel ka baxsan WAR ZONE ka si ay u qiimeeyaan ugana baaraan daggaan una jaan gooyaan siyaasado sax ah oo run ah midho dhalna ah kana jawaabi kara duraafaha saxda ah ee soo wajahayasa dadka iyo dalka Somalia
5- Waa in Xisbigu ogaado in guusha aan lagu gaadhin Qori caaradii oo kaliya, Dagaalkuna ee heer ka ciyaaro Horumarka aysa jiraan xilliyada qaar habab kale oo ka xeel dheer kana fiican loona baahan yahay shax siyasadeed oo xikmadaysan, nabadaysan, dagaalaysan, diimaysan, dhaqamaysan, somaliyayasan, caalamaysan.
6- Xisbul Islam waa inuu runta ka sheego, dhabna u rumaysto, il caafimaad qabtana ku eego cidda ka soo horjeeda iyo Challenges ka ama taxaddiyaadka horyaal. Haddii xisbigu uu garawsan waayo Waaqaca iyo dhab ahaanshaha Tirada ama tayada shirgool ee ka soo hor jeeda waxay taasi horseedi kartaa Fashil iyo dibu dhac hor leh.
7- Xisbul islam, waa in uu kor qaada tayada warfaafineed, codkarna uu noqdaa warkiisana uu si huffan oo tayo leh u gadhsiiyaa bulashadeena somaliyeed , caalamka islaamka, iyo kuwa kalaba.Xisbigu waa inuu sameeyo Cod dheer oo tayo leh, oo la fahmi karo, ahna Language “ luqad” u qalanta siyaasadda maanta loo baahanyahayn in la cayyaaro, taas oo horseedi karta Guulo siyaasadeed.
8- Xisbul Islam waa inuu ku dhaqmaa siyaasada islaamiga ah ee xidhiidhada arimaha dibadda khussayso oo haddii laga run sheego oo la fuliyo wax badan ka badali karta xaffiiltanka iyo jahawareerka innakala haysatta innaka iyo caalamka innagu xeeran. Waa in xooga la saaro sidii loo heli lahaa istiraatiijiyad Nabadeed oo la hirgaliyo oo lala sameeyo waddamo badan oo danteenu ay ku jirto in hadda heeshiis nabadeed lala gaadho. Muqaawamaduna ay noqtto gacanteena midig ee aynu isku diffaacno.
9- Xisbul islaam waa inuu ka hortaago waxkasta oo dhaawacaya inay lumiyaan kalsoonida shacabkeena muslimka ah ee somaliyeed. Ugaadaana somalidu manta inaanay u qalmin, gayyina, una dulqaadan karin dhib, dagaal iyo xumaan toona. Waa in halbeeg laga dhigta somalida baahida manta ay qabto oo ah in Somali ay hesho Ammaan, nabad, dawlad. SIYAASADDA ISLAMIGA AH EE SOMALIYA LAGA HIRGALINAYAA WAA INAY NOQOTTO MID SOO MARAYSA BAAHIDA UMADDA SOMALIYEED….siyaasadda caynkaas ahna waa mid laga dhaxlay Nabi muxamed CALAYHI SALAM.. uu eegi jiray baahida dadka ee dhabta ah..
10- Xisbul Islaami waa inuu gacanta galiyo, xirfadna uu isticaamaalo sidii uu xidhiidho ula samayn lahaa mid dadban iyo mid toos ah ba Culimada, aqoonyahanka, indheer garadhka ama haku jiraan Dawladda shariif ama somalida kalaba ha noqdaani. Dawladda shariifna wa in gabi ahaanba loo adeegsadaa siyaasada qaybaheeda kala duwan, kaliyana aan lagu eekaan xabbaad ku ridis balse la helo waddooyinkale oo ka tayo badan kana midho dhal fiican oo lagula tacaalo shirqoolka uu horseedka ka yahay Ninkaas iyo kooxdiisuba.
11- Ugu danbayntii waxaan ku baaqayaa in indhaha ay furtaan hoggaanka xisbul islaam, Diinta islamka ahna lagu dhaqmo si dhab ah, dadkana laga ilaaliyo in loo horseedo caqiidooyin qaldan iyo dhibaatooyin hor leh oo dhib u gaysta Diinta, Dalka iyo Dadka intaba……..wabillahi tawfiiq.
ABUL XASSAN
maashaa allaah ilaahoow ku xifib sheeq xassan daahir iyo mujaahidiinta dhamaan.
waxaase ka wanaagsan in eey ku biiraan walaalaha al-shabaabul mujaahidiin, si umada looga waayo qabyaalad iyo qurun.
Ilaahoow noo xifid culimada diintaada dadka gaar siisay una jihaaday adiga dartaaaaaa
soomaalidu hadii aywada hadlaan waxaa lagu yaqaanaa iney heshiiyaan oo is afgartaan marka awalalao yaalow dhibka daaya gaalo raacnimada daaya munaaqifnimada daaya isqilaafka daaya oo diintiina iyo danihiina usoo jensta
masha’alaah qaldaan xun ayaad tahay sheykha da
waadana is sheegtey in aad tahay nin masiiiiir aan lahayn oo fool hayso oo u dhali rabo zanaawi iyo reer galbeed iyo yahuud ka daa shaykha afkaaga xun qiyaamadana wax kama taqaanid adiga is xasuusi horta
WAR HADII AY SAAN WAX KU WADYAAN FIICNAAN LEHEEDAA OO AYSAN XABAD RIDIN XUUMADA DABA DHILIFKA AH IYADA AK JAWAABI WAXA AY DABA DHILIF KU NOQOTAY LAKIIN WALAALAYAALO XABAD IYO DAGAALKA HEER LAGUMA GAARO HAD WAXA DHIMAN IN AY ISI SOO HORFARIISTAAN, KADIBNA AY MEEL WAX ISLA DHIGAAN HADALKANA AY MAANTA SOO QOREEYN WAXUU AHAA IN AY KU BILAABAAN HOWSHA WAAYOO WAA BILOW CIDII HADLKAA DIIDAANA KHALADAN AMAB WADADA KA WEECATAY MARKA WALAAHI WAY WANAAGSANAANLEHEED HADII AY WADA AHDAL BILAABAAN MIDA AKLE WAXANA JECLAHAY QORAALKAAN IN UU KA YIMID MARKII AY DOWLADU DALBATAY CIIDAMO SHIHSEEYE ILEEN RUNTA AYAA SOO BAXEEYSA MIDA AKLE UMADII WAXY TAAGEERSANYIHIIN SHIIKH SHRIIF MAR HADII UU DOWLDO SHISHEEYE LA YIMAADO SHABAAB IYO XIZIGA WAA AY U DHAMAATAY MAR AHDII AY NABADU SOO LAABATO DADKU KU TAAGEERI MAHAYAAN DAGALA DANMBE SHABAAB AMAB XIZBIGA MARKA HADA AYA AWAAGII KU BARYAY MEEL KA YARA FOG MEESHII AY WAX KA ARKI JIREEN AYEEY WAX UGA IFTIIMEEN WAXAN JECLAHY IN AY TOQO IYO ISCAFIN XIGI DOONTO INTA YAR EE INA DHEX JOOGTANA NAG TAGI DOONTO AJNABIGA GABI AHAANTIIBA, HADUU GAAL YAHAY IYO HADUU ISLAAM YAHAY. MAANTA SHR=KI KUMA JIRA IN AY SOMAALIYA SOO ISLA SOO GALEEN QUWADO IS CEERSANAYA WAXAN ULA JEEDAA QAACIDA IYO AMERICA MARKA HADII AY AMERICA INGA BAXDAO QAACIDANA WAY BIXI MAANTA TABAR UMAAN HEEYNO TAAGEERIDA QQCIDA IYO WAXII LA MIDA AHI, MARKA AYNU FIKIRNO OON WAX QABSANO
Somalimirror sidaan isku dhama, ilahay hortiisa ayaa idin lasoo sitajinaaya, sida daraadeed fadlan, mushkilada wadanka qeyb haka noqnina, si aad xalka qeyb uga noqotaan, waxadna tihin, dad aan cilmi, iyo aragti caaifmaad leh, uga baranay.
Mahadsanidiin.
TO: Dhamaan Muslimiinta
Musimiinta Meeshan isugu timid Middaan ayaa inooka baaha Ka fiirsasho, Waana Hadafka ay Gaalo u dagalamayso.
May article in Harper’s by Jeff Sharlet illustrated a military engaged in an internal battle over religious practice. Then came news about former Defense secretary Donald Rumsfeld’s Scripture-themed briefings to President Bush that paired war scenes with Bible verses. (In an e-mail published on Politico, Rumsfeld aide Keith Urbahn denied that the former Defense secretary had created or even seen many of the briefings.) Later in May, Al-Jazeera broadcast clips filmed in 2008 showing stacks of Bibles translated into Pashto and Dari at the U.S. air base in Bagram and featuring the chief of U.S. military chaplains in Afghanistan, Lt. Col. Gary Hensley, telling soldiers to “hunt people for Jesus.”
zanaawi wuxuu noogaystay waxaakadaran waxaa ardaasha soomaali kusheegaahi noogaysteen oo u horeeyo ina uways iyo c/llahi yusuf ee haddaan dad fiican madaxka dhigano lanashaqayno waxba nagama dhibeen dabagaalaha tigreegu
asw waxaan ku darsanayaa majirto cid xal u haysa umadda soomaaliyeed waxaa wax lala yaabo ah in hogaankii, wax garadkii, aqoon yahankii, geesigii, fulaygii, deeqsigii, bakhaylkii,culimadii,caamadii,siyaasigii,yaa waarid ah yaase walaal ah,yaa dowlad ah yaase dadweyne ah.maxaa simay qarankii soomaaliyeed,maxaa loo waayay kaladambayn,maxaa is kumid kadhigay kuwa madaxda sheeganayo,oo waxay raadinayaa ay u badan tahay,in uu cash-yar helo si uu guri qaahiro yaman nairobi iyo meelo kale ooga dhisto,wuxuu ku gaari lahaana ay noqoto in 200-000 ladilo 400-000na la bara kiciyo.intoo kalana la dhaa waco,haday iyagu heshiin waayeen yaa heshiisiin moogayaal,yaase hada wadankii xukuma waxaa xukuma walad cabdalla,marna bada ha iibsado marna mid ha caleemo saaro inta hartana 4,5 ha uqabsado,naxariista eebe lagama quusto,laakiin in nabad la helo wakhtibaa kasukeeyo,waxaan ka mid ahay xubin bad-baado qaran ah markii la helo muwaadiniin soomaaliyeed,waxaan garan la ahay in aan hurudno iyo in aan soo jeedno,dugsi ma lahan qabyaalad waxay dumiso mooyaane,qof kasta sharafta iyo dantiisa waa sharafta iyo danta qof kasta oo soomaali ah,ilaahayoow sharaftii iyo wanaagii dib noogu soo celi aamiin A/hi soomaali
“kooxo ay isku hayaan masalooyin u badan sida iyo waddada ugu haboon ee lagusoo celin karo xukun islaami ah iyo khilaafadii duntay” .
Sadarrada kor ku qoran waxay ka midyihiin maqaalka dheer ee lagu difaacayey inayan Al-shabaab Khawaarij ahayn. Laakiin waxay oraahdaani ka markhaati kacaysaa dagaalka Al-shabaab ay Soomaaliya ka wadaan inuusan khusayan dan Soomaali. Waa afki hogaamiyaha Al-qaacida looga bartay oo oran jiray 80 sano ka hor ayaa nala dulmiyey oo dawladii muslimka la dumiyey.
Soomaali ma rabto tabarna uma hayso soo celinta Khilaafadii Islaamka ee burbutay waqtigii isticmaarku yimid dhulalka Islaamka. Xataa markaas nin Carab ah ama Turki ah oo aan Soomaali wax weydiin jirin ayaa na maamulayey. Waligeed Soomaaliya looma magacaabin waali Soomaaliya waqtigaas. Sababtu maxay tahay? Miyuunan qofka madow istaahilin inuu waali ka noqdo dalkiisa?
Al-shabaab iyo Xizbul Islaam dagaalkoodu wuxuu ka soo horjeeda dawladnimo gaar gaar ah oo ka jirta dalalka muslimka oo dhan sida xaalku yahay maanta. Hase yeeshee waxay fikradaani ugu xoogaysatay Soomaaliya laba arrimood dartood:
1) dawlad la’aanta ka jirtey Soomaaliya 20kii sano oo an soo dhaafnay iyo burburkii qaranimadii iyo xoogii dalka. Taasi waxay fursad siisay dad afkaara khaldan wata sida Al-shabaab iyo Xizbul Islaam oo aan maskax ku shaqaynayn inay ku beermaan kuna xoogaystaan Soomaaliya, cawaaqib xumadeediina waa taa aynu dhaxalay.
2)ummada Soomaaliyeed oo jahliga diinta Islaamka iyo cilmiga duniduba labduba ku yar yihiin oo qur’aan dhurwaa kasta laga dhaadhicin karo. Rag indhaha iyo afka soo duubtay ayaa maalin walba ku khudbeeya dharaar cad dadka ajaanibta ah ee shacabkayaga leenaya yaan lagu tilmaamin ajaanib waayo waa walaalihiin oo wadanka muslim oo dhan ayuu ka dhaxeey (kor ugu noqo ra’yiga soo celinta khalaafadii Islaamka).
Haddii ayan dhab ahayn oo ay Al-shabaab iyo Xizbul Islaam wadaan dawladnimo Soomaaliyeed ha na tuseen calankooda hana noo caddayeen mowqifkooda ku aadan dawladnimo Soomaali gaarto.
Nimankani dantoodii waa wataane, Soomaali Maryoolay ayaan garan danta xasuuqa loogu hayo. Goor dambi ayaydun soo hambaaburin. Inaan dad hurda nahay waxaa kuu caddaynaya heeskii qaranka Soomaaliya oo ahaa “Soomaliyey toosoo, toosoo isku tiirsada”. Wey muuqataa inaanaan waligayo toosin, sidaa awgeedna, dalkayagii farahayaga laga saaray oo uu nagu socdo cirib tir joogta ah.
Assalaamu calaykum,
Bismillaah,
Aan kuu dhammays tiree sidaan aad loogu wada aqoonnin baan ogahaye waa tan:
Shicaarkii calanka ee 1947 uu tiriyey Xaaji Cali Mire Cawaale
SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
CALANYAHAW TILMAAN WACANBAAD
ABIDKAA KU TAAGNEYDOO
XIDDIGTII NA TIRINAYSAA
DHEXDA KAAGASII TAALLEE
SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
IDINKAYSU TUUKHAAYOO
IDINKAYSU TAAMAAYEE
AADAMUHU TACLIIN BARAYOO
WADDANKIISA TAAMYEELYEE
SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
ARLIGIINAA TAAKA AHOO
SHARCIGAYSUKIIN TIRAYOO
LUQADDAA TU WAAXIDAHOO
KUMA KALA TAGAYSAANEE
SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
TIRO ADHIYA OO DHAXALAA
SIDII LAYDINSOO TUBIYEY
NINBA TOBAN LA MEEL MARIYOO
CADAAWUHU IDIN TALINEE
SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
TULUD GEELA OO DHACANBAAD
TOOGASHO UGU BADHEEDHTAANEE
MA DHULKAA DHANE EE TEGAYBAAN
NINNA DHAGAX U TUURAYNEE
SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
QARANKAAN HUBKU U TUNNAYNOO
TOORRAYDA DHAAFAYNIN
OON TAAR SAMAYN KARAYNIN
UURKUTAALLO WAYNAAYEE
SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
HADBA WAXAAN LA TAAHAAYOO
TOGAGGA UGA QAYLYAAYAA
NIN DALKIISA CADAW TAABOO
U TOL WAAYEY BAAN AHAYEEY
SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
HADBA WAXAAN LA OOYAAYOO
ILMADU IIGA QUBANAYSO
IKHTIYAAR NIN LOO DIIDOO
LA ADDOONSADAAN AHAYEE
SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
KARAAMA B.
Assalaamu calaykum,
Bismillaah,
Aan kuu dhammays tiree sidaan aad loogu wada aqoonnin baan ogahaye waa tan:
TAN BAA KA MACAAN
MUSLIM ALLOOW TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
CALANYMADOW TILMAAN WACANBAAD
ABIDKAA KU TAAGNEYDOO
SHAHADAA NA TIRINAYSAA
DHEXDA KAAGASII TAALLEE
MUSLIM ALLOOW TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
IDINKAYSU TUUKHAAYOO
IDINKAYSU TAAMAAYEE
AADAMUHU TACLIIN BARAYOO
WADDANKIISA TAAMYEELYEE
MUSLIM ALLOOW TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
ARLIGIINAA TAAKA AHOO
SHAREECADUNA ISU TIIRIYAYO
QURAANKA TU WAAXIDAHOO
KUMA KALA TAGAYSAANEE
MUSLIM ALLOOW TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
TIRO ADHIYA OO DHAXALAA
SIDII LAYDINSOO TUBIYEY
NINBA TOBAN LA MEEL MARIYOO
CADAAWUHU IDIN TALINEE
MUSLIM ALLOOW TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
TULUD GEELA OO DHACANBAAD
TOOGASHO UGU BADHEEDHTAANEE
MA DHULKAA DHANE EE TEGAYBAAN
NINNA DHAGAX U TUURAYNEE
MUSLIM ALLOOW TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
QARANKAAN HUBKU U TUNNAYNOO
TOORRAYDA DHAAFAYNIN
OON TAAR SAMAYN KARAYNIN
UURKUTAALLO WAYNAAYEE
MUSLIM ALLOOW TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
HADBA WAXAAN LA TAAHAAYOO
TOGAGGA UGA QAYLYAAYAA
NIN DALKIISA CADAW TAABOO
U TOL WAAYEY BAAN AHAYEEY
MUSLIM ALLOOW TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
HADBA WAXAAN LA OOYAAYOO
ILMADU IIGA QUBANAYSO
IKHTIYAAR NIN LOO DIIDOO
LA ADDOONSADAAN AHAYEE
MUSLIM ALLOOW TOOSOO TOOSOO
ISKU TIIRSADE EE
HADBA KIINNA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIINEE
MUSLIM FIRST THEN SOMALI
aniga waxa leeyahy yaan latagerin galda iyo gaalda jihiiadkana wala wdo ayaa leeyahy ilahy hani guulaysiiyo mujaahidinta melkasto ayay jogan marxab marxab ayaaa leeyah ramdan kariim