Xubno ka tirsan DKG ah oo Gaaray B/Weyne
By Somalimirror on 23 Jun, 2009 6:56 PM in Main, Wararka
Xubno isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan DKMG ah oo ka Ababaxay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Gaaray Magaalada Beld-Weyne ee Xurunta Gobolka Hiiraan.
Xubnahan ayaa sida la sheegay looga Qaaday Magaalada Muqdisho Diyaarad yar oo Gaar ah taas oo ka Dajisay Garoonka Ugaas Khaliif ee Duleedka Magaalada Balad-Weyne.
Lama garanayo ilaa iyo hada Tirada Xubnaha, Ujeedkooda iyo Halka ay ka Dageen Magalaada Beled-Weyne.
Ciidamo ka Tirsan kuwa DKMG ah ayaa Xayiray Dhamaan Dhaqdhaqaaqyada Dadka iyo Gaadiidka waxayna sidoo kale Al-Baabada iskugu dhufteen dhamaan Goobihii Ganacsiga ee Bariga Magaalada, waxaana la dhigay Wadooyinka Dhinaca Bari ee Magaalada Ciidamo Farabadan.
Majirto Wax Hadal ah oo ilaa iyo hada ka soo baxay Xubanaha Gaaray Magaalada Baled-Weyne.
Maalin kahor ayey aheyd Markii Xubin ka tirsan Baarlamaanka DKMG ah oo lagu Magacaabo Maxamed Cilmi Aar oo Shirjaraadi ku Qabtay Magaalada Muqdisho uu Sheegay in ay Dowladu u Xilsaartay siiwadista Howshii uu ka Geeriyooday Cumar Xaashi Isla markaana ay u amaba bixidoonaan Magaalada Baled-Weyne.
Daabaco

Asalamu Alaikum
Ikhwaanii Waxaa Maanta Idaacada Bbc 04.00 Uk Time Ay Waraysi Layelatay Sh.cali Dhere Xafidahu Allaah Afhayenka Alshabaab
Runtii Waxa Uu Ahaa Waraysi Aad Uqiimo Badan Alaahna Uu Waafajiyay Afhayeenka Xaqa Inu Ku Hadli Lisaankisa.
Abdi Germany | Jun 23, 2009 | Reply