Wasiirka Amniga Yuhuuda oo Galay Masjidka Al-Aqsaa.
By Somalimirror on 23 Jun, 2009 1:56 PM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Wasiirka Yuhuuda ugu Qaabilsan Amniga Gudaha Yitzhak Ohronovic ayaa Maanta Booqasho Jees jees ah mudo 2 saacadood ah ku soo dhex maray Gudaha Masjidka Al-Aqsaa gaar ahaan Mixraabka iyo Barxadaha kala duwan ee Masjidka.
Wasiirkan oo la sheego in uu yahay Yuhuuda xag jirka ah ayaa Masjidka ka soo galay dhinaca Galbeed oo ay xoog ku haystaan furihiisa Ciidamada Yuhuuda, wuxuuna soo galay isaga oo aad loo ilaalinayo.
Mid ka mid ah Waardiyayaasha Masjidka Al-Aqsaa oo u waramay Wakaaladda Wararke ee Falastiin ayaa sheegay in Wasiirka Amnigu ay la socdeen qaar ka tirsan Saraakiisha Amaanka Yuhuuda, waxaana ay u sharaxayeen qeybaha uu masjidku ka koobanyahay.
Mu’assasadda “Al-Aqsaa” ayaa si kulul u Dhaleecaysay Booqashada noocan ah, waxayna ku sheegtay Bayaan ay gaarsiisay Wakaaladda Wararka Falastiin “Booqashaddan waxay Cadaynaysaa in Yuhuudu ay Khatar ku tahay Masjidka Al-Aqsaa”.
Mu’asasada Al-Aqsaa ayaa isweydiisay “Xoog ku soo galka Wasiirka Amniga Booliiska Yuhuudu ma Booqasho jees jees ah oo kaliya miyaa? Mise ujeedo kale oo intaas ka weyn ayaa ka danbeysa”.
Yuhuuda ayaa tan iyo intii ay Xoogaga ku qabsatay Dhulka Falastiin iyadda oo Hiil iyo Hooba ka helaysa Dowladaha Reer Galbeed ayaa Tacdiyo Xoogan kuwadda Masjidka Al-Aqsaa iyo Shacabka Reer Falastiin.
Daabaco
waa wax murugu leh in cadawgu sidaa ugu tacadiyo masjidka labaad ee islaamka waxaana sabab u ah cumaasha dabadhilifka ah ee wadamada islaamka madaxda ka ah ilaahow kuwaas bari ayaan ka nahay mana aminsani sharafta islaamku ay ku sonoqoneyso wax aan jihaadaheyn
cabdulaahi gureey | Jun 23, 2009 | Reply
axx waa waxa laga damqadaa arintaasi ,walalkayga muslimka ahaw meel lagu jihaado halkaas ayaa ugdhaw inta soomali aad laynayso yuhuudaas aaya kaxun ,illaahay ayaa inooga waramay ,maruu fakar oo kutaam in aad ka xorayso yuhuuda masjidka labaad ee islamaka
hergeisa | Jun 23, 2009 | Reply
Ina lilah wa ina ileyhi rajicun Alow arinkan bari ban ka ahay alow ka dhowr guryahada barakeysan cadawgada kuna dhowr garbaha mumininta jihad donka ah Amin Amin
C/fatah abu ayub | Jun 23, 2009 | Reply
Gardaradda iyo xumaanta gaalada dhaafi mayso ilaa cirka la tuso.
Waxanoo dhan waxaa ka daran Sh sharif’ka beeneeyeey oo waliba xaqiray ayaatka iyo axaadithta tiradabadan ee ku saabsan badbaadinta dalka iyo umadda Islaam’ka ah kadib marka uu si bareer ah gaalo iyo huwantooda dalka ugu fasaxay.
Alloow towbada haynaga xumeen. aamiin.
Manexe | Jun 23, 2009 | Reply
ASC
Somaliyey intaan darsi ha idinku filaado sida muqadasaadka islamka loogu jeesjeesayo oo calamul islam oo dhan ka aamusan yahay. Kuwa xukumo wadamada islamka kuligood waa wada dabadhilif la soo kireystay. Sidaasoo kale, ayaa la rabaa in shariif uu noqdo cabbaska falastiin oo ummada gumaada, si toos ahna ugu xirnaada CIA da mareykan iyo Mosadka yahuuda. Waa haddii shariif u hirgasho shirqoolka uu la damacsan yahay islaamiyiinta. Illaahow Shariif ummada ka qabo. WSC
Miska wadahadalka imow | Jun 23, 2009 | Reply
Shabbabku hadii ay jihaad doon yihiin ha aadaan xagaas ay yuhuudu dhiiga islaamka caadaysatay iyo maskijidkii barakaysnaa oo ay iga oo qudhmuun dhex marayaan, Soomalidu waxeedu hadal ayaa ku filin iyo wacdi ee in la isku qarxiyo uma baahana.
Faarax yare | Jun 23, 2009 | Reply
ASCWW ILLAAHOW YUHUUDA IYO GAALADA JABKOODA ANOO NOOL ITUS AAMIIN
AHMED | Jun 23, 2009 | Reply
Faarax yare,
Nasteexada waxaa laga bilaabaa gurigaaga waana
taas waxa shabaab ugu mashquulsan tahay in
wadanka laga dhameeyo dabadhilifyada marka
hote, dabadeedna gaalada ayagaa iska carari.
Hadal kuma filna nimanka gaalada mashruuca
soo siisay oo hadana u yeeranaya ethiopia.
Xoog maahinee wax kale ma gartaan.
Jiiqeey | Jun 23, 2009 | Reply
layab maleh waayo haduu hurdo muslimku waxaa kaca gaalada kadib hurdadii eey hurdeen gaaladu waxaa dhacday iney kacen 100 nin ooyahuud ah waxayna qabsadeen masjidkii barakeysnaa waxaan leeyahay malahan falastiinkaliya wuxuu kadhaxeeyaa muslimka oodhan eedifaaca ooallah kabaqa hadiikale allah waa idinka bedel qaada doonaa waxaan rajaynayaa inaan gari doono qusus anagoo socod kabilaawnay muqdisho geyna doono calanka madow insha alllah diyaar garoobaayyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
qaliiil yare | Jun 24, 2009 | Reply
waxaan ka xuma hay waxay yuuhuud samanayso masaajidka laabad ee islaam ka waxaan somalida ka codsanayaa inay aadan falastiin oo ay jihaadka qayb galaan waxaan oo malaynaaya inaan jihaad ka jirin soomaaliya ee walaalyaal halkaa aada ilahay kheyr haynisiiye waa bilaahi towfiiq
abu_zubeyr | Jun 24, 2009 | Reply