u qeybsanaha Qaramada Midoobay Arimaha Bini Aadanimada ee Soomaaliya Marka Bowden ayaa Wakaalada wararka ee Reutres u sheegay in hoos u dhaca dhaqaalaha Caalamka uu saameeyay Xawaaladaha ay soomaalidu isticmaasho.
Marka Bowden waxa uu sheegay in arinta hoos u dhaca dhaaqaalaha aduunka ay hoos u dhigtay dhaq dhaqaaqii xawaalada xili buu yidhi Mark Bowdenay sare u kaceen ascaarta Maciisha Daruuriga ah taas oo ka dhalatay dagaalada sii baahaya iyo korodhka dadka qaxaya.
Mark waxa uu xusay in tira koob ay sameysay Qaramada Midoobiya Afartii bilood ee Sanadkan (2009) lagu ogaaday in ay hoos u dhacday 25% lacagaha ay dadka Soomaalida ah ee Dibadaha ka shaqeeya ay u diyareen Soomaaliya wuxuuna yidhi isagoo arintaas ka hadlaya “Soomaalida dibaha ayaa ah kuwa ugu horeeya ee ku saamoobay dhibaatada dhaqaale maxaa yeelay iyagu waxa ay ka duwan yihiin Qurba jooga ka soo jeeda wadamada kale, Soomaalidu sida caadiga ah way ka shaqo yar yihiin intaas kadibna dhimida shaqaalaha ee Yurub iyo Maraykana si wayn ayay ugu saamoobeen “.
waxa uu sidoo kale sheegay in xaalada Amni xumahada ah iyo Abaaraaha ay soo kordhiyeen sicir barar xaga Maciisshada Daruuriga ah ayna sare u qaadeen 300% gobolo badan oo Soomaaliya ka mid ah wuxuuna yidhi ” sanadkan waa mid aad u daran sababayna in uu bur buro dhaqaalihii la filanayay ayna keeneen abaaraha waxaa la helayaa khatar xaqiiq ah taas oo suura gal ka dhigtaysa in Soomaaliya ay si wayn ugu tiirsanaato kaalmo si aysan ugu baahan waligeed xiliyadii tagay”.
tirada dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Qurbaha ayaa lagu qiyaasaa 1.5 Milayn oo qof waxaana inta badan dadkaasi ay biilal joogta ah u soo diraaan qoysaskooda ku sugan Gobolkada kala duwan ee Soomaaliya , waxayna arinta dhabaatada Dhaqaale ee Caalamka ka jirtaa si muuqada u saameysay Soomaaliya Qurbaha oo intooda badan lagu xisaabiyo in ay yihiin dadka qabta shaqooyinka hoose ee aan ku dhisneyn aqoonta iyo xirfadda.

Related posts:
Asalamu Alaikum
Ikhwaanii Waxaa Maanta Idaacada Bbc 04.00 Uk Time Ay Waraysi Layelatay Sh.cali Dhere Xafidahu Allaah Afhayenka Alshabaab
Runtii Waxa Uu Ahaa Waraysi Aad Uqiimo Badan Alaahna Uu Waafajiyay Afhayeenka Xaqa Inu Ku Hadli Lisaankisa.
Beenaalahan iska dhigaya mid soomaali u naxaya waxaan leeyahay idinkaa ayaan somali u ogolayn inay noolaadaan , idinkaa ugu wacan in uu hoos u dhaco dhaqaalahoodu , idinkaa dagaalo saliibiya kusoo qaaday , waxaa tihiin dad cadaawadu ku fogaatay oo waxaa afka ka sheeganaysaan ay ka wayntahay waxa uurka aad ku qarsanaysaan , laakiin waxaan xasuusinlahaa gaalkan afka qudhmuun miyaanad ogoyn tan iyo markii adhiga somalida laxidhay in cunaqabatayni saarantahay umada muslimka ah ee ku dhaqan somalia.