Maamul Cusub oo Islaami ah ayaa shalay Galinkii Danbe looga Dhawaaqey Magaaladda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo xili la sheegayo in ay Dowladda Kenya Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka wado Xadka ay Magaaladaasi la leedahay.
Maamulkan oo lagu badalay midkii hore ayaa ka kooban 7 xubnood waxaana Gudoomiye loogu magacaabay Sheekh Aadan Maxamed Barre (Sh. Aadan Nuux).
Dhismaha Maamulkani ayaa imaanaya xili ay maal-mihii la soo dhaafay kulamo lahaayeen Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Islaamiga ee Magaaladaasi.
Maamulka Cusub ayaa shalay galinkii danbe Barxadda Saldhiga Booliiska kala hadlay Dadka Reer Balad-Xaawo, waxayna u sheegeen in ay ku dhaqayaan Shareecadda Islaamka.
Dhanka kale Wareegto ka soo baxday DKMG ah ayaa Col. Jamaal Xassan loogu Magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidamada ee Gobolka Gedo, isla markaana uu ka qeyb qaato Howl-gal ay ku sheegtay in ay ka wado Gobolkaasi, xili ay Ciidamo Maleeshiyo ahi ku suganyihiin Magaaladda Dowlow.
Col. Jamaal Xassan oo u waramay Idaacadda Shabeele ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Xilkaasi loo magacaabo.

Related posts:
waxaan jeclaan lahaa qofki wax akhbaara kahaya sababha loo badaly maamulkii hore iyo labada maamul waxa ay ku kala duwan yihiin malaba xisbi oo kala duwan miyaaa
tan kale waxaan ognahy in maamulki hore uu ku gacan seeray maaqaan sababta ay somalimirror uga gaabstay tasoo maalimahaan uxuubsiibatay shabaabnimo kadib marki ay ahyd ICTISAAM
MA INQILAAB BAA DHACAY MAAN GARAN
Col. Jamaal Xassanaw haddii aad soo hungurayso Kismaayo, la soco in lagu soo baacsan doono sidii Barre Hiiraale oo kale.
Si aan Sh.Xassan Turki gacanta kuugu dhigin, diyaarso gaadhi Cabdi Bile ah oo dheereeya oo aad kaga baxsatid dagaalyahanada Raaskambooni iyo Al-Shabaab.
saaxiib ilaahoow nahanuuni waxaa loo badalay maamulkii waxa uu ahaa mid jilecsan ooy ka dhax muuqdaan rag maamuladii hore la shaqaynaayay ee waa in uu kataliyaa hal maamul teeda kale waxaa ku jiray niman xisbul islaam ah oo wadan ka waa in uu maamulaan shabaab shabaab
WALAAL ASBAABTA LOO BEDELAY WAXA ADIGA KU KHUSEEYA MA AHA LAAKIIN MAXAAD UGA XANAAQAYSAA WALAALHA ALSHABAAB WAA MUJAAHIDIIN DAR ALLAAH ISKU XILQAAMAY WAXAAN KALOO KUU SHEEGAYAA ICTISAAM IYO ALSHABAAB WAA WALAALO WAX U DHAXEEYAANA MAJIRAAN LAAKIIN WAXAA YARA JIRTA IN YAROO ICTISAAMA OO XASAD HAYO OO WALIBA UBADAN WAA WAYNKA OO KA XANAAQSAN DHALINYARTAN DALKIIBA QABSATAY OO AY LEEYIHIIN AGANA NAGA AMAR QAATA OO MAXAY KA AMAR QAATAAN DAGAALDADA MA SOO GALAANE MA IYAGA OO HOTELADA WAA WYN KU RAAXAYSANAYA MAALMAHAY QADHAADHAHAY AYAA LAGA AMAR QAADANAYAA MAALMAHA BADA WALAY IDINKA TAHAY WAA LAYDIN DIIDAY KABID CADHADII AYEY YIDHAAHDEEN WAAR DOWLADA SHARIIF AAN KURAAS UDOONANO MARKASAY YIDHAAHDEEN MUSAALXO AYAANU NAHAY WAAR ALLAAH KA CABSADA OO XERADA HAKA BIXINA OO ISKU XISHOODA
Maamulka hadda la dhisay waa mid islaami ah oo shareecada islaamka degmada ku dhaqaayo horayna wixi loo magacaabey wuxuu ahaa maamul ku meel gaar ah o dhinaca amniga ah waxaa kasii horeeyey midkii uu gudoomiyaha u ahaa BURKUUS midkaasna qorraxdiisaa dhacday waana haraadigi SNF dhinaca kale JAMAAL XASAN TAREY ee taliyaha ay u magacaabeen waxaan xasuustaa in uu kamid ahaa CIidanki AL ITTIXAAD AL ISLAAMIYA E SH maxamed x yusuf gudoomiyaha u ahaa marka waxaad fahmeysaa dadka la xulanaayo in ay yihiin dad calooshood u shaqeystayaal ah in ay yihiin oo xabashida LA HAL MAALO oo is badal badan sida SHARIIFKA la soo gamay.
Anagaaba ku wareeray waxa ka dhacay beled xaawo ma ragii shariifka ayaa dhinaca ka soo galay ma aanaan fahmin ma isla socdaan taliyaha cusub iyo raga meesha qabsaday mise waxay ka baqeen marshal low uu shariifku soo rogay waligeedba hadii dagaal dhaco ragu waa kala hari jiray
A S c walaalayaa salaan ka dib waxaan oran karaa maamulkaan waa maamul islaami ah oo ku dhaqaya shareecada islaamka, maamulkii hore ee burkuus wuxuu ahaa nabadoon dadka deegaanku jecelyihiin oo ay doorteen, hadana waa oday beeleed oo la xushmeeyo lana shaqeeyey islaamka maamulka islaamka markii ay yimaadeen B/xawo waxaana oran lahaa wiilka caayaya ee leh waa SNF iyo urur hebel in uu ka xishoodo hadalka uu iska qorayo asagoon aqoon qofka uu caayayo taariikhdiisa, iyo shaqsiyadiisaba,
Mahadsanidiin
WELI MA MAGAC URUR-QABIILEED AYAA SOOMAALIYA KA JIRA SIDA: SNF, SSDF, USB, SPM, USC IYO WAX LA MID AH. KUWAASI WAA URURRO QABIIL. HAATANSE WAXAA LA QAATAY URUR DIINEED EE DADOW SOO RAACA DIINTA ISLAAMKA.
MAAMULKII HORENA CEEB MA LAHAYN, MIDKAANINA KII HORE AYUU SII KAABAYAA. KULLIGOODNA DEEGAANKA AYEY U DHASHEEN. QOF WALBANA XAG AYUU U LEEYAHAY IN UU DEEGAANKIISA IYO DADKIISA WIXII UU KARI KARO UU U GUDO.
SHAREECADA ISLAAMKU WAA TUBTA KALIYA EE MAANTA UMMADDAANI AY UGU BAD-BAADI KARTO HANJAABADHA FARAHA BADAN EE GAALADA.
WABILLAAHI TAWFIIQ
TO-XAQ SHEEG walaal BURKUUS waxbo kama sheegin waana nin qaali ka ah agteyda sharafna leh maxaa yeelay waa ninka kaliye ee xabashida aadin kadib marki ay dabo dhilifka maciin bideen xagee ka dhow xabashi waana nin nabadeed o hada mujaahidinta la joogay marka SNFna waan naqaanaa iyo dadki ka tirsanaaee nabadey
asc
walaale maamul horey ugama jirin magaalada marka laga reebo maamul dhinaca amaanka iyo garsoorka.
ninkaan magaalada gudoomiyahay looga dhigay waa ducaada ugu dadaalka badanka gobalka waana nin ehlu diin ah sidaa aan ku bartay ilaahey ha u sahlo howshiisa .
sh,aadan nuux waa nin diinta in uu u shaqeeyo jecel
ilaahay ha barakeeyo, mida kale jamaal xasan sarey waa fashil kale oo qolyaha ku meel gaarka ah oo waxay qaraabo yihiin yuusuf dhuumaal marka wax saas ah ma soo kordhinaya sababtoo ah doolow buu cabsi uu alshabaab ka qabo u jooga
ka dib markii gaari mujaahidiintu laheyd xaday itoobiyana ku wareejiyay
wsc
Haa waa iska caadi maamul islaami ah weeye dadkana marbo qof ayaa lagu dayi shardi waxaa ah shareecada islaamka in lagu dhaqmo xabashidana la cadaabo.johannesberg~s/afrika.
Maamulka waan u hanablyeynayaa waxaana kula dardaarmeynaa in ay alle ka baqaan diintana sida ay tahay ay ugu dhaqmaan si sinaan cadaalad ah loo doortayna waa in iyagu ay wanaaga ugu horeeyaan tawaaduc badan sameeyaan dadka masaakiintan aad iyo aad ugu naxariistaa waana in ay iska ilaaliyaan in xoolaha islaamka ay si qalad ah u cunaan
wax yaabana laga rabo waxaa ugu horeeya raga maamulka qabtay
1- In salaada la oogo oo masaajidada jamaacada lagu soo wada dukato
2- In zakada dadka laga qaado xoolahood nooc walba waana in marka hore dadka la baro zakada kuwaajibtay xoolahooda iyo waxa laga rabao sandwalba waana in zakadaas laga qaadayo dadka xoolaha leh la siiyo dadka masaakiinta ah ama fuqurada ah ee deegaankaas.
3-Waa in farida wanaag iyo reebida xumaanta aad iyo aad xooga loo saaro ( Al amru bil macriif wa nahyo canin munkari) sida dadka oo laga saxo caqiidooyinka xun xun iyo caadooyinka xun xun sida istunka, qubuurada oo la baryo ama shardi laga xirto, is dhex galka raga iyo dumarka, dhegeysiga heesa iyo filamada xun cabda sigaarka iyo cunidagaadka
4- In dhalin yarada reer afgooye loo furo mucaskaraad lagu tababarto si jihaadka loo xoojiyo waayo gaalo islaam ayaan ku dhaqmi ma kugu dayn doonto sida keliya ee islaamka lagu dhaqmayo lagu difaacan karo waa jihaadka oo la koryeelo sidaas daraadeed waa in dhalin yarada aad iyo aad loo taba baro xaga dagaalka waayo dhalin yaradau waa madaxda mustaqbalka madax aan jihaad rabina waa kuwa duliga somalia baday.
Ugu danbeyn Muslimiinta meel walba oo ay joogaan guul ayaan u rajeynayaa Alle islaamka ha cizeeyo gaalo iyo munaafiqiina Allaha jebiyo