Maamul Islaami ah oo hoos taga Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed ayaa Maanta looga dhawaaqey Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Xaflad Maamulkaas lagu daahfurayay oo aad loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen qeybaha kale duwan ee Bulshada Magaalada Afgooye & Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga ayaa looga dhawaaqey Maamulkan.
Ma’uuliyiinta Al-Xisbul Islaami ayaa Sheegay in ay Wadatashi iyo Kulamo Dhowr ah oo ay la yeesheen Dadka Deegaanka kadib ay isla garteen in ay Dhisaan Maamulkan.
Xubnaha loo Magacaabay Maamulkan ayaa kala ahaa sida soo socota:-
1. Max’ed C/raxmaan Max’ed Gudoomiyaha Degmada Afgooye.
2. Axmed Mursal Xuseen Gudoomiye ku Xigeynka Degmada Afgooye.
3. Sh.Cali Sh.Cumar Xaji Cabdi Madaxa Xafiiska Dacwada.
4. Sh.Fiidow Xasan Madaxa Xafiirka Garsoorka.
5. Max’uud Xuseen Axmed Madaxa Xafiiska Amniga.
6. Sh.Ibaraahim Max’ed Ibraahim Madaxa Xafiiska Maaliyada.
7. Muuse Xaaji Cali Madaxa Xafiiska Arimaha Bulshada.
8. Khaliif Max’ed Cabdi Xoghayaha Degmada.
Kuxigeenada
1. Aadan Cabdi Jimcaale ku xigeynka Xafiiska Dacwada.
2. C/llahi Cabdi Shire ku Xigeynka Xafiiska Arimaha Bulshada.
3. Mahad Cali Barre ku Xigeynka Xafiiska Amniga ahna Taliyaha Ciidanka Degmada.
Taliye yaasha
1. Xuseen Ibraahim Kadiye Taliyaha Saldhiga Degmada.
2. Xasan Max’ed Rooble Taliye Xigeynka Saldhiga Degmada.
3. Max’ud Cumar Buraale Taliyaha Xabsiga Degmada.
Maamulkan ayaa ka shaqeynaya arimaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Afgooye & Degmooyinka kale ee hoos yimaada, waxa uuna qeyb ka noqonayaa Maamulada Islaamiga ah ee ka jira Gobolada kale ee Dalka ee Xoogaga Muqaawamadu gacanta ku hayaan.
Maamulada Islaamiga ah ee Xoogaga Muqaawamadu ka dhiseen Gobolada gacanta ku hayaan ayaa wax badan ka bedelay arimaha Amaanka & Nolasha ee Goboladaas, si aad ahna u soo dhaweeyeen Shacabka ku dhaqan.

Related posts:
Maamulka waan u hanablyeynayaa waxaana kula dardaarmeynaa in ay alle ka baqaan diintana sida ay tahay ay ugu dhaqmaan si sinaan cadaalad ah loo doortayna waa in iyagu ay wanaaga ugu horeeyaan tawaaduc badan sameeyaan dadka masaakiintan aad iyo aad ugu naxariistaa waana in ay iska ilaaliyaan in xoolaha islaamka ay si qalad ah u cunaan
wax yaabana laga rabo waxaa ugu horeeya raga maamulka qabtay
1- In salaada la oogo oo masaajidada jamaacada lagu soo wada dukato
2- In zakada dadka laga qaado xoolahood nooc walba waana in marka hore dadka la baro zakada kuwaajibtay xoolahooda iyo waxa laga rabao sandwalba waana in zakadaas laga qaadayo dadka xoolaha leh la siiyo dadka masaakiinta ah ama fuqurada ah ee deegaankaas.
3-Waa in farida wanaag iyo reebida xumaanta aad iyo aad xooga loo saaro ( Al amru bil macriif wa nahyo canin munkari) sida dadka oo laga saxo caqiidooyinka xun xun iyo caadooyinka xun xun sida istunka, qubuurada oo la baryo ama shardi laga xirto, is dhex galka raga iyo dumarka, dhegeysiga heesa iyo filamada xun cabda sigaarka iyo cunidagaadka
4- In dhalin yarada reer afgooye loo furo mucaskaraad lagu tababarto si jihaadka loo xoojiyo waayo gaalo islaam ayaan ku dhaqmi ma kugu dayn doonto sida keliya ee islaamka lagu dhaqmayo lagu difaacan karo waa jihaadka oo la koryeelo sidaas daraadeed waa in dhalin yarada aad iyo aad loo taba baro xaga dagaalka waayo dhalin yaradau waa madaxda mustaqbalka madax aan jihaad rabina waa kuwa duliga somalia baday.
Ugu danbeyn Muslimiinta meel walba oo ay joogaan guul ayaan u rajeynayaa Alle islaamka ha cizeeyo gaalo iyo munaafiqiina Allaha jebiyo
ilaahay ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay, nebed galyo iyo naxariisna eebe korkiisa hayeelo nebigeenii.
aad ayaan ugu faraxsanahay wanaag u ku dhaqanka shareecada islaamka ee laga hirgaliyay dagmada afgooye ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu ka dhigu dadka masuuliyada loo djiibay kuwo dariiqii nebiga iyo dadkii wanaag sanaa mara mar labaad waan u hanbalyaynayaa guul iinsha allaah.