Ciidamada Dowlada oo Baaritaano ka Bilaabey Wadada Dabka

Ciidamada DKMG ah ee ku sugan Wadada Dabka ayaa halkaa ka bilaabey baaritaan xoogan oo ay ku hayaan Dadka & Gaadiidka Rayidka ah ee halkaa is ticmaalaya.

 

Ciidamadan ayaa Gaadiidka Rayidka ah istaajinaya sidoo kalena baaritaan xoogan ku sameynaya, waxa ayna dhulka uga soo dajiyaan dhamaan Dadka Rayidka ah ee saaraan iyaga oo mid mid u baaraya.

 

Marka laga reebo baaritaanada ma jirto dhibaato kale oo intaa dheer oo ay u geysanayaan Gaadiidka & Dadka Rayidka ah ee ay baarayaan ee isticmaala Wadada Dabka.

 

Sidoo kale Gaadiidka Rayidka ah ee isticmaala Wadooyinka mara xarunta Madaxtooyada & hareeraheeda ayaa la sheegayaa sidoo kale in Ciidamadu baaritaano ku sameynayaan.

 

Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli shaley uun uu Sh Shariif ku dhawaaqey inuu Dalku ku jiro Xaalad deg deg ah, waxa ayna baaritaanadan u muuqdaan kuwo qeyb ka ah Xukunka deg dega ah.

 

Ma jirto cid saraakiisha ciidanka ee Dowlada ka tirsan oo howl-galkan ciidamadu ku dhaqaaqeen ka hadashey.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

2 Comment(s)

  1. Asalamu Alaikum
    Ikhwaanii Waxaa Maanta Idaacada Bbc 04.00 Uk Time Ay Waraysi Layelatay Sh.cali Dhere Xafidahu Allaah Afhayenka Alshabaab
    Runtii Waxa Uu Ahaa Waraysi Aad Uqiimo Badan Alaahna Uu Waafajiyay Afhayeenka Xaqa Inu Ku Hadli Lisaankisa.

    Abdi Germany | Jun 23, 2009 | Reply

  2. WAXAAN FILIYAA IN LA GAARAY XILII AY IS QARXIN JIREEN ILAAHOW UMADA KA QABO, AL MUHIM WAY ISKA CADAHAY IN AY AWOODII KU SOO GAB GABOOBAYSO IS QARXIN IYADANA ILAAH IDANKII WAY DHAMAAN DOONTAA WAXAAN LA YAABAY MAR WALBO WAXA LA YIRAAHDAA KUWAN KUWA KA DARAN LAMA ARKI DOONO XILIGII C/ YUSUF WAXAA LA YIRI ETHIOPIA WAX KA XASUUQ BADAN LAM ARKI DOONO MANAT WAXAA LA JOOGAA SHABAAB WAX KA DARAN LAMA ARKIDOONO ILAAHOOW HANA TUSIN WAX KA DHIB BADAN KUWAN HADA JOOGO,

    Khaalid Ibnu Waliid | Jun 23, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo