Xaalado caafimaad daro oo soo wajahdey Dadkii u qaxey Baydhabo

Published on June 22, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Mid ka mid ah DhibanayaashaAyadoo maamamihii ugu danbeeyey gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ay kusoo qulqulayeen boqolaal dad ah oo ka imaanaya dhanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa iminka dadkii magaaladani soo gaarey waxaa ay ka cabanayaan caafimaad daro. 

Dadkani barakacyaasha ah ayaa waxaa ay sheegeen in Kaamamka ay ku jiraan ay ku heysato dhibaatooyin kala duwan gaar ahaana waxaa ay sheegeen in dhibaatada uga wey ee ay qabaan ay tahay cuduro oo ka dilaacey meelaha ay geedaansanayaan. 

Xaliimo Axmed Kheekh waxaa ay ka mid tahay dadkii maalamiii ugu danbeeyey kasoo cararey dagaalada aan dhamaadka laheen ee Muqdisho kasocda kuwaasi oo intabadan wax yeelada kasoo gaarta Dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan. 

Waxeyna sheegtey Xaliima in markii Magaaladani ay soo gaareen dhibaatada uga weyn ee ku heysata gudaha Magaalada ay Caafimaad daro waxeyna sidoo kale intaasi raacisey in caruurteeda iminka ay kaga dhaceen cudurka Shubanka. 

Hase yeeshee ayadoo dhibaatadaasi iyo kuwo kaleba ay heysato dadkani Muqdisho kasoo cararey iyo kuwii horey uga jirey kaamamka Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ay dalbadeen in gargaar lalasoo gaaro. 

Si kastaba ha ahaateee ma ahan markii ugu horeysay oo dhibaatooyin ay ka cawdaan dadka ku jira xerooyinka ku yaala Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bakool xerooyinkani oo maalin walba ay kusoo biirayaan qoysas hor leh.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dadkii Muqdisho ka Barakacay oo Dhibaatooyin kala duwan ku heysato Duleedyada Magaalada Baydhabo.
  2. Ganacsatada Deg. Rab-dhuure oo Gacan u fidinaya Dadkii ku soo qaxey
  3. Dibad bax ay dhigeen Dadkii ugu danbeeyay ee ka qaxey Muqdisho
  4. Nuur Cadde oo ku Baaqey Dadkii Qaxey in dib Guryahooda loogu soo celiyo
  5. Amaan daro ka taagan Deegaano hoos yimaada Baydhabo.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dadkii Muqdisho ka Barakacay oo Dhibaatooyin kala duwan ku heysato Duleedyada Magaalada Baydhabo.
  2. Ganacsatada Deg. Rab-dhuure oo Gacan u fidinaya Dadkii ku soo qaxey
  3. Dibad bax ay dhigeen Dadkii ugu danbeeyay ee ka qaxey Muqdisho
  4. Nuur Cadde oo ku Baaqey Dadkii Qaxey in dib Guryahooda loogu soo celiyo
  5. Amaan daro ka taagan Deegaano hoos yimaada Baydhabo.

Latest Headlines