Sh Shariif:“Laga bilaabo Maantana Dalku wuxuu gelaa Xaaladaas deg dega ah”.

Sh Shariif Sh Axmed oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada ayaa sheegay Dalku inuu gelayo Maanta wixii ka bilowda Xaalad deg deg ah ama Marshal law. Qaadashada Go’aankan ayuu sheegay inay ku qasabtey Xaalada adag ee Dalku marayo iyo awoodii DKMG ah oo wiiqantay,”la tashi badan iyo markaan Xaalada Dalkan markaan daraaseynay waxaan garwaaqsaney arintaas, laga bilaabo Maantana Dalku wuxuu gelaa Xaaladaas deg dega ah, Baarlmaankana waxaan ka codsanaa inay meel mariyaan wakhti kooban gudahiis”.

 

Go’aankan ayuu sheegay inuu qaatey isaga oo ka amba qaadaya soo jeedintii Golaha Wasiirada ee DKMG ah dhawaan isla gaareen una soo gudbiyeen.

 

Waxa u sidoo kale sheegay inuu go’aankan qaatey ka dib markii Dowlada KMG ah lagu soo qaadey Dagaalo uu ku sheegay kuwo Argagaxiso, Ujeedluna yahey sidii looga takhalusi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

 

Xilli go’an oo Xukunkan Deg dega ah ee uu Dalka ku soo rogay uu soconayo ama ku eegyahey kuma uusan soo hadal qaadin Shirkiisa Jaraa’id.

 

Beesha Caalaamka, gaar ahaan Urur Goboleedka IGAD, AU, Mareykanka, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Urub & Qaramada Midoobay ayuu baaq ku aadan Dowlada KMG ah & Shacabka in la taageero u direy wuxuuna yiri:“Waxaa kaloo Xukuumadu Go’aansatey in Baaq loo jeediyo Dowladaha Aduunka gaar ahaan IGAD, Ururada Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub, Dowlada Mareykanka, iyo Qaramada Midowday & Beesha Caalamka in Soomaaliya gacan laga siiyo Xaalada adag ee ay ku jirto iyo Dowlada Soomaaliyeed”. Wuxuu kale intaa ku darey inay Beesha Caalamka ka codsanayaan si deg dega ah dhinac walba uga kaalmeeyaan. Shacabka ayuu ka codsadey inay garab istaagaan.

 

Dhanka kale Go’aankii Baarlamaanku ku dalbadey Ciidamo shisheeye oo deg deg ah lala soo gaaro ayuu taageeray wuxuuna sheegay inay noqonayaan kuwo Dowlada ilaaliya balse aan dhibaato u geysan Shacabka Sida uu hadalka u dhigay:“Ciidamada la dalbanaayo maaha Ciidamo Ujeedadu tahey inay dhibaato gaarsiiyaan Shacabka Ujeedadu waxay tahey inay badbaadiyaan isla markaasna ku shaqeeyaan aragtida Dowlada iyagoo daneynaaya danaha Shacabka Soomaaliyeed”. Wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa xilli uu qoyan yahey Dhigii Dadka Rayidka ee ka dhashey Duqeyntii ugu danbeysay ee Ciidamada AMISOM ka geysteen Xaafado ka mid ah Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, sidoo kalena Boqolaal kale Dhaawacyo kale duwan la jiifaan Isbitaalada.

 

Sababta Ciidamada shisheeye ku kaliftay xilligan inay dalbadaan ayuu ku sheegay inay tahey sidii uga difaaci lahaayeen Xoogaga ka soo horjeeda ee awoodeeda wiiqay.

 

Ciidamada AMISOM oo arintooda uu soo hadal qaadey ayuu sheegay Dowladu inaaney marnaba ka maarbin una baahan tahey intay ciidamo ku fulin ka sameysaneyso ayna difaac uga yihiin Xoogaga ka soo horjeeda.

 

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo ay ka mid yihiin Shariif Sh Aadan, C/raxmaan Ibbi & Farxaan Cali Maxamuud ayaa ka mid ah xubnihii garab fadhiyay xilliga uu Shirka Jaraa’id Akhrinayay.

 

Dhawaqan cusub ee ka soo yeeray Sh Shariif Sh Axmed ayaan waxba uga duwaneyn kii Aadan Madoobe ku dalbadey Ciidamo Shisheeye oo deg deg ah oo lala soo gaaro, waxa ayna isu geynta go’aamadan waxba kama jiraan ka dhigayaan go’aankii horey Golaha Wasiirada  ku ansixiyay dhaqan gelinta Shareecada Islaamka sidoo kalena uu ku meel mariyay Golaha Baarlamaanku.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

26 Comment(s)

  1. Asalaamu Calaykum
    War sheekh shariif ALLAHA ku abuurtay kacabso wadanka cadow faraha ha u galin maslaxad noqon mayseee in gaalo laysku dhiibee,
    ha u yeeranin cid aan bari kabax wadanka kaa aqbali doonin, Amxaaro soomali cadawada ay u qabto way ogtahay cid kastoo caqli u saaxib ah ee yaysan naf iyo shaydaan kuu been sheegin , oo hays oranin hadii shisheeye imaado kuwaan kaasoo horjeeda waad ka adkaan .
    Ogow xaq iyo baadil ALLE xaqa ayuu la jiraa haba kasoo daahee gar gaarkee , sheeq sabar oo ku sabar diintaada gaaalo inay lug kaa goyso mooyee lug kuu kabi maysee,
    INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN
    sheeekh Allaha kuu naxariisto

    ALLOW DARIIQA TOOSAN NA TUS | Jun 22, 2009 | Reply

  2. asc, sh, shariif waa hogaamiye islaami ah waa ku guuleysan donaa alle idinkiis in uu wadankaan ku xukumo sharaacada islaamka ee qolooyinka sheeganaayo diinta alle ha ka baqeen oo dhibka ha dhaafeen hadii kale fidnada ay wadan iyaga ayeey ku noqoneysaa insha-allah sh, shariiif guuuuuuuuuuuuul bye

    WAA MOHAMED ALI | Jun 22, 2009 | Reply

  3. HAYE WALAALAYAAL KAN MAAA KHAWAAJIR AH MISE MUJAAHIDIINTA .

    ILAAH WAXAAAN KA BARYAY INUU ADUUNKA KUGU CIQAABO.

    MAXAAN SHALAY C/LAAHI YUSUF KULA DAGAALAYNAY .
    MIDA ANIGU AAAN GARAN WAAYAY WALAALAYAAL

    maxamed cj | Jun 22, 2009 | Reply

  4. Wixii la is qariyaba maanta waa la is qarin waayey , wixii lagu marmarsiyoodo in danta dadka, dalka, & diinta laga shaqeynaayo maanta way soo dhaaftey.
    hadduu caqli uu wax ku garto leeyahay halkey ka martey wixii qabsadey kii isaga ka horeeyey ee uu ugu dayanaayo tallaabo tallaabo laga soo billaabo argagixiso , xaalad degdeg ah , ciidamo shisheeye, …… = meeshii uu ku danbeeyey unbuu ku danbeyn doonnaa ,
    shartiisa alle ha inaga qabto , aaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiin

    marshal law | Jun 22, 2009 | Reply

  5. Mujaahidiintana allaah caalamka iska leh bey gurmad iyo qeylo dhaan u dirsadeen.

    ALLAAH AYAAN U YEERANAYNAA
    BEESHA CAALAMKA U YEERO ADNA

    Geedi | Jun 22, 2009 | Reply

  6. shariifow aduun iyo aaqiro waad seegtay
    shariifow xukun doon ayaad noqotay asalkaaguna waa sifinimo
    war heedhe imisaa dartaa u barakacday waxan hubaa in aad ka naxariisdarantahay ILLAHAY na kuma naxariisan doono

    amxaarada aad u yeratay waxaad ka hesho waxba ha iga siin

    nasir haji | Jun 22, 2009 | Reply

  7. Ninkan waalan xaguu ka hirgelina xaalad degdega(marshal law)? madaxtoyada iyo hareraheda kaliya? oo wa mesha kaliya ay kataliyan

    Mahad | Jun 22, 2009 | Reply

  8. alle ha ku qabto waxaad tahay qiyaanoole umada qiyaanay shariifoow waad gaaloowday ee toowbad keen

    xaamuud | Jun 22, 2009 | Reply

  9. Ilaahow si degdeg ah nooga qabo shariif iyo waxa la socda bedel qeyrqabana na sii.

    Ilaahow madaafiic BM ayey nala dhacday gaalada waardiyaha u ah Ilaahow wey na bara kiciyeen weligeen oo aan xamar weyn ka qaxin buu naga qaxiyay ilaahow meel aan u qaxno ma hayno ilaahow caruurtii iyo waayeelkii Rucbi buu ku riday Ilaahow rucbi kuwan ku rid.

    Ilaahow Muslimiintii bay masaajidada ku laayee sidii masaajidkii madiina wadaadadii ugu laayeen, Ilaahow gaalo amxaaro ah buu u yeeratay, Iaahow adaan kuu yeeranay keligaa ayaan ku talo saaranay adiga ayaa weli noo ah aduun iyo aaqiro Ilaahow sida aad quraankaaga noogu sheegtay adiga ayaa nooga aqoon badan cadawgeen ( Walaahu aclamu bi acdaaikum wa kafaabilaahi waliyan wa kafaa bilaahi nasiiran) suratul Nisaa 44. Ilaah baa ugu aqoon badan cadawgiina ilaah baa idiinku filan weli nimo ilaah baa ku finan gargaarkiina Ilaahow kan nooga soo gargaar oo wax ka kheyr badan noogu bedel.

    Ilaahow u gargaar kuwa diintada sax ka tahay ee kelimadaada kor yeelayo Ilaahow adaa u aqoon badan cida diintaada u jihaadi ee Ilaahow kuwo aan kursi iyo aduunyo dooney oo diintaada ay daacad ka tahay Ilaahow noogu bedel kan

    War maxaad C/LLahi yusuf uga duwan tahay Wuu na qaxiayay waad na qaxisay, culimadii buu masaajidkii tabliiqa ku laayay adigana culimadii baad masaajidkii madiido ku laasay, Amxaaro ayuu u yeertay si ay noo gumaado, adna amxaaro ayaad u yeeratay Ilaahow kan si degdeg ah nooga qabo bedel kheyr badana na sii

    Ilaahow maanta waa isniin waa maalin acmaasha laguu soo gudbiyo iyada oo aysan waxba kaa qarsooneyn Ilaahow ducada naga aqbal oo shariifka iyo kuwa la socda degdeg nooga qaad bedel kheyr qabana na sii.

    War wixii damiir lahow ka soo taga kan waa qaain, munaafuq ah amxaaro buu u yeertay ,gaalo buu u yeertay, islaam waxba uma soo wado awelba kursi doon iyo gaalo u adeeg buu isku soo keen dhex qarinayay maanta wuu cadeystay.

    War wixii damiir lahow sida Prof. Ibraahim cadow, Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Ugaas axmed Bele, maxamuud garweyne , janaqow war wixii haba yaraatee diin ku danbeysow meesha ka soo taga

    Ilaahow Ducada naga aqbal amiin aamiin yaarabi

    Abdallah shiikh.
    Mogadisho _ Somalia

    RAAXEEYE | Jun 22, 2009 | Reply

  10. AS/C/W/W WALAALAYAL NINKII WADAADKA QIIL URAADINJIRO MAANTA URAADI AMAXAARO SHACABKA WAXYEELAYN ANIGANA IDIFAACDA ARGAGIXISADA WADNKA KASIFAYSA BAAN UYEERANAYNAA ??
    UGANDHAA SHACABKA HAR IYO HABAYNBA GARAACAYSA WUXUUNA LEEYAHAY SHACABKAY DIFAACAYAAN
    WAA INTII C/LAAHI IYO KADARAN KHAATUMADII BAAKALUNTAY WADAADKA

    c/qaadir | Jun 22, 2009 | Reply

  11. MARSHALL LAW OO KA DHAQAN GALAY VILLA DE SOMALA

    IYO SHARIIFKII SIDA INDHA LA’AANTAA LOO TAAGEERAY AYAA MAANTA AXMAARO IDINKU YEERTAY IYO KENYA UGANDA,SADEXDII WADAN EE SOMALIYA LOO SOO DIRAY IN AYSAN DAWLA ISLAM KA HIRGELIN, AMRIIKKA IMAN MEYSO LAAKIIN SÁDEX SANWEYN EE GEESAHA NOOGA JIRA RAGOW MA CARIRIDOONTAAN MISE WAAD ISKA CELIN DOONTAA.

    munay | Jun 22, 2009 | Reply

  12. Acs wr wb.
    Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
    Go’aanka madaxweynaha Waa mid ay dani ugu jirto shacabka,Maadaama uu madaweynaha masuul ka yahay soomaalida waa inuu badbaadiyaa si kasta oo ay tahay,Maanta waxa ka socda soomaaliya waa wax aan waligeed la arag Khawaarij iyo ajaanib isa soo bahaystay oo naxariislaawayaal ah waaye umadiina iska gumaadaya barakicinaya silcinaya.
    Maanta waxaa mareynaa her aan maqli karin Muqaawamo iyo wadaaad.
    Shalay waxaa la lahaa Maxamed siyaad bare hala rido wax kasta ha dhacaane,waxaa imaatay Usc oo aan ognahay waxii ay sameeyeen markaasaa la gaaray in dib loo fiiriyo Ustaad barre waxaa Imaaday Caydiid oo la dhahay hadii uu mar dhinto soomali waa u khayr markii uu dhintay intii hogaamiye soo baxday waala ogaaa,heer aan caydiid dib u milicsano ayaa la gaaray,hogaamiyaashii ayaa imaaday oo bulshada sheelaraha u qabtay waala ogaa waxii ka dhacay,wadaadaa ayaa imaaday oo somalida wax yar oo borsaminda ah tusay ka dibna la dumiyay maamulkoodii oo xabashi ayaa imaatay wala ogaa intii ku shahiiday dagaalkoodii soomalaida waxaan ahayn wadaado ma rabin mana marayn ilaa sheekha lasoo doortay..Laakiiin maanta waxaa maraynaa Hogaamiyaashii aa ka fiicnaaa ee hals soo celioyo marka waxaa ual jeedaa wadaada taariiq madow ayay somalida ka galayn,
    Qof la dila wala arki jiray laakiin Tashwiiha meyda mala banayn maanta waxaa arkeysaa qof dhintay oo madaxa laga goonayo ama la sii gubaayo waxaan la arag ayay dadka u isticmaalhan Marka waxa maraynaa waqtigii uu Rsuulkeena suuban uu sheegayay ee somaaliyeey ilaah haloo laabto.
    Ilaahoow xaqqa nagu dil.aamiiiin

    Ugaaaska | Jun 22, 2009 | Reply

  13. kkkkkkkkkkkkk
    Shariif Aakhiro xumo ayaa kuu dambayn, waana lagu arki halkaad ku dambayn doontaa.

    Abu Hamze, | Jun 22, 2009 | Reply

  14. asc dhamaan muslimiinta uusan shar shariif kamid ahayn waan salaaamayaa
    insha allah xaaladda deg degaa waa inay madaxtooyada kacararaan oo magangalyo caalamiya raadsadaan
    gaalo waxba utari mayso dalkaan ilaah wuxuu rabaa kasoconayo ee gaalo waxa ay rabto yurub halla aado
    xaaladda deg degaa waa in madaxtooyada musqulaha loo badiyo sababtoo ah mujrimiintii oo dhan ayaa kusoo dhuuntay musquluhuna kuma filno
    iloohoow naguuleey adaan kubaryeenaaye

    abuu ayman | Jun 22, 2009 | Reply

  15. WALAALAYAAL SOW WAAGA UMA BARYIN KII INDHAHA LAHAA?? SHARIIFKA WAA KAN KURSI KADOORBIDAY IN WAX WALBA UU ISAGA KAHORMARIYO UUNA MARO RAADKII C/HI YUUSUF. ASAGOO ILAALSANAYA MADAXTINIMADA UU UMALEYNAYO INUU MEEL KUGAARAYO??? WALLEE DHAHDAYAA MARSHAALE LAW!!!! AMA MARSHAL LAW!!! WAAD KUHALAAGSAMEE ADOO DULEYSANNA AMA WAAD KUTAGEYSAA AMA LAGAA DAJIN XILKA ILLEEN IS GARANWAYDAYE!!!!!

    akhuukum | Jun 22, 2009 | Reply

  16. Sharif

    Somali government ayay difaaacayaan shacabnaka dhibaateen mayaan kulahaa. What a farce dirtortion talk.

    Manhajkiisu waxaa weeye rag iyo rabbi ka cabsi meelna islama gasho.

    Waxaan la yaabanahay ikhwaanka Soomaalida ee uu matali jiray golihii ikhwaanka dawliga ah sida ay u dhaqmeen. Alwalaa walbaraa halkuu ka maray. War xitaa kuwa gaalooba ayaa ka leexda gaalada. Bal fiiri Cuba iyo North Korea sida ay u diidaan in ciddooda ku gorgortamaan. Lama haayo taariikhda Afirca xitaa dawlad loo gurmaday kaddib markii AU mafia iyo wixi la mid ah taageereen.

    U yeerashada gaalada waxay caddaysay

    1) in Sharif iyo kooxdiisu ahayeen koox aanay diintu dhab ka ahayn markii hore
    2) In towxiidkoodu ku jirin alwalaa walbaraa
    3) In jecalyka gaalada calaamka kala waynta jacaylka manhajka saxda ah
    4) in Mujaahidiintu ka aragti dheer yihiin kooxdan ikhwaanka ee dhaqantay
    5) In keenida iyo qabsashada Xabashida iyo Kenyan iwm dhulka Soomaaliyeed ay kala weyn tahay kursiga AMISOM ku ilaaliso ee Villa Soomaaliya
    6) Inaysan dan ka lahayn dalka Soomaliya iyo madax bannaanidiisa
    7) In macangagnimada shariif lagu matali karo kii sii Siyaad Barre iyo Abdullahi yusuf haddii uusan ka liidan

    8) In xitaa waddanimmo wixii la dhihi jiray ayasan ku jiran

    Waa taariikh qoran. Kooxdii Islaax ayaa laga kari wayeey berigii daba maryada,,,,maanta Aala sheekh oo lalaha way dhaamaan waa ka dar oo dibi dhal.

    Waa duulkan miyaysan akhrisan macaalim fi dhariiq.

    Shariif hadii uu wax maqlayo this is lamadage suggestions.

    1) Ka deg kursiga beenta ah si aad u badbaadiso Soomaliya iyo diinteed

    2) Towbah dheh kana hor leexo mujaahidiinta Soomaaliyed si ay u dhisaan dawlad islaami ah oo caadil ah.

    Haddii aad diiddo wallee ogow in Xisbul islaam iyo Barbaarta Xalaasha ee Alshabaab cimil gal kuugu jiraan, cirib xumana kuu dambayn doonto.

    Allow u gargaar mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo kuwa afghan iyo Pakistan iyo filipin iyo falastiin iyo dhammaan inta jidkaada ku toosan.

    Haddii ay Xabashida iwm soo galaan wallee muslimminta Soomaaliyeed ee gumeysiga neceb way difaaci doonaan diintooda iyo dalkooda

    Khalli masiiratu dharbi lil dhuqaat tastamirr xataa tuqaama dawalah Islaamiyah miya bil miyah

    Lamadage | Jun 22, 2009 | Reply

  17. Asc walaalayel shariif iyo c/lahi yusuf maxee isdhaamaan waxuulahaa c/lahi amxaarado dooladey ilaalinayan waxujiri sharif dooladey ilaalinayan culumadi gaaleysey clahi iyo jihad kudhawaqdey maantey maxey uleeyihiin waa dagaal fidno dhinacakale sh.c/qadir wasirka gudaha maxuu la aamusanyahey ilaahow xaqa nafahansii aamin

    Jama | Jun 22, 2009 | Reply

  18. Xalka iyo Danaha Dadka iyo Dalka Somaliyeed ma iyagaa ka tashanaya mise Beesha Caalamka? marka aad leedahay halaga soo gaaro, macnaheedu ma waxaa hala qabsado dalka oo hala gumeysto?

    Dalka iyo Dadka ma beesha Caalamka ayaa iskaleh adigaana u ah masuul mise waad madax banaantahay?

    shariif waxaan ku weydiinayaa maxaad ka duwantahay C/lahi yusuf oo la ogyahay taariikhdiisa meesha ay martay.

    waad ogtahay dalkaan waxa dhibka ku haya waa 2 qolo oo kala ah 1. Beesha Caalamka 2.iyo kuwa u adeega ( cumaaliinta ah )adigana waxaad ku biirtay ayaga waa haddii aadan ka noqon go’aanka aad qaadatay ee raadi mid kaduwan kaas.!!!!!!!

    sidoo kale, waxaad ku dadaaleysaa mar walba in aad baa’bi’iso dad islaam ah adigoo badbaadinaaya kuwa danbiilayaasha ah ee Diinta, Dalka iyo Dadka danbiga ka galay.

    waxaan rajeynayaa in aad xaqa fahmi doonto.

    Feysal | Jun 22, 2009 | Reply

  19. macaadallaahi shariifow ashahaadda ladirir baad noqotay ilaaha haku hanuuniyo hadii aad diidana ilaahey haku marsiiyo halkii uu maraya Cumar Xaashi

    abuu muscab | Jun 22, 2009 | Reply

  20. Asc

    Sidaan ugu farxay magac Lamadage markaan arkey, inbadan ayaa lagu
    waayey, waxaanan maqlay inaad dhaawacantay, haddana Allah mahadi,
    waadigan halgankii halkii ka hayaa. Allah khayrkiisa ayaan kuu rajaynayaa.
    Salaam Calaikum

    Qof yaaban | Jun 22, 2009 | Reply

  21. Asc wr wb

    To:Ugaas

    akhii su.aalo ayaan ku weydiinaya fadlan hadada qoraalkeyga aragtid iiga soo jawaab
    1-in gaalo loo yeerto wax walba oo dhaca diintee ayaa baneeyse?
    2-muslim la dilo iyo gaal la baryo keebaa shirki ah?
    3-shariif wuxuu yiri shareecada waxaan u qaate si aan uga gar helo kuwa iga soo horjeedo shareeca ma in dad looga gar helo ayaa loo qataa?
    4-shariif shacabkee ayuu madaxweyne u yahay ma kuwa la gumadao oo uu asagun u fasaxey AMISOM in shacabka gumadaan baa?
    5-shariif gaalo ayuu u yeeret si ay u kaalmeyso kufri ma tahay mise?
    6-shariif dowladiisa goormeey islaami noqote illen moryanta shaley iyo TFG aya aka buuxdo oo wada quddacu diriq ahaa hadana gaalo wadanka ku sii haayo?
    7-adiga shariifka maxaad ku taagerte?
    8-Tawxiidka waxa buriyo waxaa ka mid ah in cid aan allah la eheen la baryo shareef gaalo ma barye mise walise muslim ma yahay?

    fadlan akhii su.aalahaan jawaab caqligaaga ah ha iga siini axaa yeeley dhamantooda wexeey ku saleysan yihiin diinta jawaabtaadana daliil ii saar quraan ama sunnada am ijmaac ama qiyaas ah

    TO.somalida oo dhan
    walaala yaal nabiga S.C.W. maalin asagoo jihaad ku jiro ayuu safka muslimiinta ku dhax arke nin gaal ah markasu ku yiri islaam galku wuu diide markaasu nabiga ku yiri iska laabo(fa innii laa astaciinu bi mushrik) iska laabo anigu gaal ma kaalmeestiye
    soomaliye yaan ku dayana nabiga mise shariifka?
    nabiga S.C.W. haduuba dhahaayo anigu gaal ma kaalmesti adiga gaal in aad kalmeysatid xaged ka keente ma diintaa mise caqligaa?
    hadaad dhahid diinta walaahi been ayaad sheeget adigana been loow ayaad tahay waadna ku galobeysaa arrintaas
    hadaad dhahid caqligeyga arrintu wa arrin diin diin iyo caqligaagana waxba iskama galin

    walaalayaal umada somali ahaan waxaa loogu gargaari la.ayahay dambiga ay ku jirto hadeey allah u towbad keeni leheed walaalhi waa loo hiilin lahaa laakin wey madax adagtahay soomaali walalayaal dambiga aan ku jirno waxaa ka mid ah
    1-Allah in aan khilaafno oon quraanka ka talaabsano
    2-rasuulkiisa S.C.W. in aan khilaafmey oon sunadiisa garab marney
    3-Odey ama nin siyaasi ah oo khaa.in an warkiisa yeelney
    4-anaka oo dhiig xaraan ah 20 sano ku dhawaad iska soo daadineyne
    5-diinta oo aan lagu camal faleynin xaqqana aan la qaadaneynin
    6-diintana laga dhigo haduuba hebel wado ma qaadanaayi ma saas baa muslinimadu ma saasaa lagu rabaa in lagu guulesto ma saas baa janno lagu rabaa ma saasaa somaaliyee
    walaahi waan hubaa in uu allaah noo gargaarayo lakin waa markaan towbad keeno e aan towbad keeno inta aysan qoraxdu galbeed ka soo bixin ama uusan malakul mawtku noo imaanin
    soomaliyee kibirka iska dhafa iyo madax adeeg aan xaqqa labada gacan ku qaadano wixii xaqqa khilaafsnna aan meel fog ku tuurno
    somaliyee taariikha muslimiinta dib u fiiriya wexeey jabeen markii ayu qabiil iyo koox koox iyo gaalo soo wateen kuwa gulestena wexeey ku guulesteen markee jidka nabiga horey u sii qaadeen anaka allah hanoo gargaare aan nabiga jidkiisa horey u sii qaadno
    somaaliyee diinta allah uga baqa dalkana allah uga baqa dadkana allah uga baqa nin dartiisa ama koox darteeda yaan diin loo diidin
    soomaaliyeey allah ka baq adba waad ogtahay markuu dhib ku qabsado allah ayaad gacanta u hoorsataa markaad barwaaqo heshidna waad kibirtaa ee soomaliyee mar walbo allah garo allahna bari hakuu gargaare ha ku jeclaade somaliyee mar walbo waxaad is weydiisa allah wan barayey maxaa ducadeyda loo aqbali la.yahay jawaabtuan waa
    1-caloshada xaraan maka ilaalise
    2-allah ma adeecde
    3-nabiga ma adeecde
    4-diinta ma ku dhaqante
    5-ceebta dadka inta aad ka harte cebtada ma racde
    6-sheydaanka aad acuudu bilaahi tiri jidkiisa maka leexate
    7-hadalkaaga iyo fcilkaaga ma is lahade
    8-allah ma raali galisaa mar walbo
    9-dhiiga xaraan ah ma iska ilaalise
    10-xanta,cayda,isku dirka,jaajusnimada,khiyaanada,xatooyada,waalid ku caasinta,isla weyninka iyo wax yaabo kale oo badan ma iska ilaalise

    soomaliyee hadeey jawaabtaadu haa tahay iska sug shaki ma laha goor ay ahaataba llah wuu kuu gargaaray jhadeey jawaabtaadu maya tahayna maxaad gargaar ka sugee mudnib aydba tahaye
    somaliyee allah u towbad keena ha idiin gargaare
    cafwan hadalka aan idinku dheereye dartiisa
    akhuukum filaah Abuu-cammaar-As-Salafi
    from nairobi

    Garad | Jun 22, 2009 | Reply

  22. Assalaamu calaykum,
    Bismillaah,
    Haddii uu Sheekh Shariif maanta uu ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah, Soomaaliya muddo dheer ayey ku jirtay xaalad deg-deg ah. Go’aanka uu ku dhawaaqayna wuxuu aad ugu egyahay mid loo yeedhiyey. Ninkii caqli lihi wuu arkayey inaan wax wanaag ahi ka imaanaynin dagaalkii ay labada kooxood isaga hor yimaadeen. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah koox waliba ay dib isugu noqoto oo loo noqdo Kitaabka ALLAAH iyo Sunnada Rasuulka s.c.w.

    Waxaan shaki ku jirin in haddii aan tanaazul la isu sameynin in Ethiopia ay waddanka soo geli oo labada dhinacna ay mas’uul ka noqonayaan.

    Karaama | Jun 22, 2009 | Reply

  23. shariifoow biijada allaha kugu sii fogeeyo gacanta mujaahidiintana allaha kugu dilo

    munaafiq ujawaab | Jun 22, 2009 | Reply

  24. Ninkan Sh Shariif karaamadii iyo xikmaddii ayuu Allah ka qaaday maadama uu ka leexday mashruucii Islammiga uuna fulinaayo mashruucii gaaladda. Bil calaykum, bal u fiirsadda oo isbarbardhiga siduu uhadlo bilahan danbe xikmad laaanta iyo berigii uu mujaahidka ahaa??? waa kaaf iyo kala dheeri.

    Sharifoow adiga iyo gaalo iyo dhamaan xizbul shaytaan waxaad haysaan soo daaya. Horaa loo yiri ciyaari waa geln danbe.

    We are prepared to hold fast to the rope of Allah tacalaa.

    Manexe
    Bristol UK

    Manexe | Jun 22, 2009 | Reply

  25. Dhamaan akhristayaasha waan salaamayaa
    salaam kadib
    shariifku waxuu qarsanayey ayuu banaanka soo dhigay, marka waxaan u arkaa arin guul ah oo shacabka soomaaliyeed u soo hoyatay , maadaama ay u cadaatay waxa uu yahay shariifka.
    war haddaaan xabashi kheyr aad ka heleysia maad ku quusqaadatid C/lahi yuusuf iyo cali geedi.xaggee uga tagtay
    tankale miyaadan ogeyn in ay shacabkkii, malkiisa nafiisa iyo cirdigiisii ay ku xadgudubtay.war alle ku hoojiye miyaadan arag waxa ay masjid alle ay ku xaartay.
    Xaggee ku taallaa gaal loogu yeerto dadka muslimiinta ah. illaahey waxaan kaaga baryayaa tii ku dhacday maxamed dheere, culimada soomaaliyeed waxaan leeyahay ninkaan warkiisa waa cadeystaye , war idinku warkiina cadeeya oo hadla maxaad la aamusantihiin.war kuwa la joogow qaarkiin ayaan ku arkay kheyre haddaad alle ka baqeysaan isaga soo taga illaa wax idinsiine maantay taariikhdiina iyo diintiina haka taginina.

    faqaye | Jun 22, 2009 | Reply

  26. allaylehe shariif wuxuu qaaday wadadii walaalkii c/llahi yuusuf oo uu ku fariistay kursigiisii,marshal low ama xukun dagdagana waa xunbadii uu c/llahi cuskaday markii doontu la ciirtay villa somaliyana uu fadhiyi waayey ,c/llahi yuusuf waxaa soo sharaxay reer galbeed iyo xabashi si somaali loogu adeegsado,shariifna sidoo kale maraykan ayaa soo sharraxay markii mabaadi’dii uu ku andocoon jiray laga dhar siibay ,heshiis hoosaadyana lala galay dhagtana wax gaara loogu sheegay laakiin taa oo laba sano loo sheegay inuu madax wayne ahaanayo xabashi iyo maraykanna taageerayaan wuxuu dhaafsaday diintiisii iyo magacii qaliga ahaa ee uu ummadda islaamkaa dhexdeeda ku lahaa ,ilaahay ayaa fashilay allaha fogeeyee ,maantana wuxuu marayaa in uu wadanka gaaloo dhan ku casuumo oo dadka muslimiintaa iyo diintooda iyo dalkoodaba uu dhaafsado kursiga ciriirigaa ee villa somaliyada hareeraysan ,arooy shariifoow awalaad muslimiintii daacadda ahayd khayaantay haddana mudaba kuuma harin ee maraykan magangalyo waydiiso ama c/llahi yuusuf yaman uga daba tag laakiin magacaa ba’ye gaalada wadanka aad ugu yeerayso ka daa

    xaaji macow | Jun 23, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo