Markab Seychelles laga leeyahey oo Burcadu dibu sii daysay.
By Somalimirror on 22 Jun, 2009 5:06 PM in Main, Wararka
Burcad Badeeda ayaa dib u sii daayay Markab & Shaqaalihii saarnaa oo horey u afduubeen, waxaana laga lahaa Dalka Seychelles.
Burcadda ayaa Markabka & Shaqaalihiisa horey u afduubey Bishii Marso ee la soo dhaafey, waxa ayna ka afduubeen meel u dhow Jaziirada Asambcn, waxa uuna noqoneyaa Markabkii Labaad oo Calanka Seychelles wata oo Burcad Badeedu afduubaan.
Dibu sii daynta Markabkan waxaa Wakaalada Reuters u qaxiijiyay mid ka mid ah Kooxdii Afduubka u heysatey oo lagu magacaabo Xasan.
Joel Morgan oo ah Wasiirka Bey’ada ee dalka Seychelles ayaa sheegay inuu ku sugan yihiin Xarunta Dalka Kenya ee Nairobi, wuxuuna sheegay inuu halkaa u joogo sidii uu gor gortan uga geli lahaa dibu sii deynta Markabka & Shaqaalaha saran.
Reuters oo la xariirtay wasiirka ayaa ka gaabsadey inuu arinta dibu sii deynta markab faahfaahin ka bixiyo.
Xarunta Barnaamijka Caalamiga ah warbixin laga soo saarey ayaa lagu sheegay in falalka Burcad Badeedu ku kacaan maalinba maalinta ka sii danbeysa sii kordhayaan.
Daabaco
Fikrad ka dhiibo