Duqayn galabta ka dhacday Degmada Yaaqshiid

Published on June 22, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

duqeyn-xooganMadaafiic xoogan oo nooca BM-ka loo yaqaano ah ayaa waxaa galabta lagu garaacay Xaafadda Tookiyo ee Degmada Yaaqshiid taas oo ay ka dhalatay dhaawaca 10 qof oo rayid ah.

 

Dadkan ku dhaawacmay duqayntaas ayaa waxaa la dhigay Cisbitaalka Keydsaneey ee Degmada Kaaraan.

 

Duqayntan ayaa waxay joogta ka noqotay Goobaha ay gacanta dhawaan ku dhigeen Xoogagga Alshabaab iyo Al-Xisbul-Islaami ee Degmooyinka Yaaqshiid iyo kaaraan waxaana inta badan ku waxyeelooba dad rayid ah oo kamid ah inta tirade yar ee ku hartay Deegaanadaas.

 

Xilliga duqayntan dhacaysay ayaysan jirin wax iska horimaad ah oo ka dhaca goobaha ay isku horfadhiyaan xoogagga dagaalku ka dhaxeeyo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Faahfaahin Dagaalkii Maanta ka Dhacay Degmada Yaaqshiid
  2. Duqayn Lagu Hoobtay oo ka Dhacday Suuqa Bakaaraha
  3. Dagaal ka dhacay Degmada Yaaqshiid
  4. Dagaal iyo Duqayn Ba’an oo ka dhacday Muqdisho
  5. Al-Xisbul-Islaami oo sheegtay in ay galabta dib u qabsadeen Saldhigga Yaaqshiid

Readers Comments (3)

  1. omar shoble says:

    ARINTU WAY ISKA CADAHAY MAAHAN MID DAAH INAGA SAARAN CIDA XASUUQA U GEYSANEYSA MAATIDA SOOMAALIYEED WAA GAALADA CRISTIANKA AH EE DALKEENA LAGU CASUUMAY KUNA CASUUMEEN RAG SITA SHAAR AMA MAGAC ISLAAMI AH UUNA HORMUUD KAYAHAY SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED ALLLAHA HALIGEE, ISAGOO AAMINSANAA IN TANK CHRISTIAN UGA BAD BAADI KARO AYAA MAANTA U CADAATAY IN GODKIISA BIYO UGU SOO GALEEN OO DALKA OO DHAN INTIISA BADAN ALLAH FADLIGIISA AY GACANTA KU HAYAAN MUJAAHIDIINTA AAMINSAN KITAABKA ALLAH IYO KU DHAQANKIISA RUNTII HADUU YAHUUD U YEERTO XITAA KUMA BAD BAADI DOONTO KUFAARKA QARSOONAA EE SHEIKH SHARIIF, ETHIOPIA WACO AMA KENYA WACO LAAKIIN LAÁRKI DOONEE MEELUU KU DANBEYN DOONO, HORAA 60,000 ETHIOPIAN OO QALABKOODA U DHANYAHAY KABAHOODA UGA CARAREEN SOMALIA , IYAGOO TAAGEERO KA HELAYAY KOOX DHUUNI RAAC AHAA UUNA HORMUUD KA AHAA C/LAAHI YUUSUF IYO GEEDI LANA ARKAY INAY SOO DHAAFI WAAYEEN QASRIGII MADAXTOOYADA ILAA AY KA QUUSTEEN IN SHISHEEYE WAX LAGU NOQON KARIN, WAXA LOO BAAHAN YAHAY EE WAX LAGU GAARI KARO WAA IYADOO LAHANTAA DHALINYARADA XALAASHA AH EE AHLU TAKHWA AMA KUWA GACANTA MIDIG KITAABKA KUSITA TAN BIDIXDANA AK47, KUWAA LAÁANTOODA CID MEEL KU GAARI KARTO MAJIRTO, SHAREECADANA MAAHAN MID AFKA UN LAGA SHEEGO EE WAA MIDA LOOGA DHAQMO GOBOLADA AY KATALIYAAN MUJAAHIDIINTA ISLAAMKA SOOMAALIYEED ,

  2. cabdi says:

    scww amaa bacda horta qofwaliba waa lahadlaa ee hadal ama suxufi baan ahay ee waxaan doona aan sheego waa laga fiican yahay.
    teeda kale walaalayaal waxa maanta soomaliya yaal diin maahan ee diintii xaqa ahayd hala baadi goobo.
    shaar diineed baa qolo walba soo gashatey,
    mid waluiba aayad quraan ah ayuu soo daliishanayaa kee baa sax aawey culimadaii kala saari lahayd waaloo yaabaa aduun ee waxba hakala taageerina ayaan idinkula talin lahaa afkiina ka haysta.
    intaad danbi kale ku gali lahaydeen.

  3. abu khalid says:

    INAA LILLAAHI WAINAA ILAYHI RAAJUCUUN
    walaal waxaan layaabay shariif afcadeeye ee maanta leh hanla badbaadiyo miyaanu ahayn kii shalay lahaa kaare saleebiya xukun lagu qabsanmayo sawkan maanta nabad baadiyada haya cajiib
    calankii madoobaa ee uu isagu keenay maanta wuxuu leeyahay calan madobay wataan waar waxyahow kaad keentay miyaanu ahayn argagixisaad sheegaysaan miyaanay ahayn ku waad shalay adiga iyo MOORYAAN INDHACADE aad lahaydeen soo gala oo kaalaya oo noo soo gurmada waar waxyow isku xishood




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Faahfaahin Dagaalkii Maanta ka Dhacay Degmada Yaaqshiid
  2. Duqayn Lagu Hoobtay oo ka Dhacday Suuqa Bakaaraha
  3. Dagaal ka dhacay Degmada Yaaqshiid
  4. Dagaal iyo Duqayn Ba’an oo ka dhacday Muqdisho
  5. Al-Xisbul-Islaami oo sheegtay in ay galabta dib u qabsadeen Saldhigga Yaaqshiid

Latest Headlines