Dibad Baxyo ka dhan ah Hay’adaha Samafalka ee Q.M oo ka dhacey G.Sh/Hoose

Published on June 22, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Boqolaal ka mid ah Dadkii Rayidka ah ee ka qaxey Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dibad baxyo ka dhigay deegaanada loo qaxey ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Goobaha dibad baxyo ka dhaceen waxaa ka mid ah Deegaanada Lafooge, Siinka-dheer & Calamada, dadka goobahaas isu soo baxey oo u badnaa Haween & Caruur ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Hay’adaha Q.M ee ka shaqeeya barnaamijta bani’aadanimada.

Dadkan rayidka ah ee isu soo baxey ayaa Hay’adaha ku eedeeyay inay ka cuno-qabateeyeen cuntooyinkii loogu talo galey ayna isaga xirteen Bakhaaro.

Dibad-baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan hay’adaha Samafalka, Socdaal dheer ayayna ku mareen Wadooyinka isku xira Deegaanada ay ku dibad baxayeen.

Dadka Walaalaha ah ayay ka codsadeen wixii ay awoodaan inay la soo gaaraan oo aan lagu eegan Hay’adaha shisheeye ee Samafalka ugu qaabilsan Q.M.

Waxa dibad baxan ka dhanka Hay’adaha Samafalka ku soo beegmayaa xilli Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo eedeyn tan la mid ah u jeediyay Hay’adaha Samafalka. Sh Xasan Yacquub oo ah Afhayeenka Maamulka Kismaayo ayaa sheegay Hay’adahu dhulka nabadu ka jirto inaaney ka howl gelin.

Waxa uu sidoo kale dhawaqan ku soo beegmayaa xilli Kumanaan dad rayid ah oo ka qaxey Magaalada Muqdisho ku dacdareysan yihiin Goobihii kale ee ay u qaxeen.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Dibad bax looga soo horjeedo Ciidamada Amisom oo ka dhacey G.Sh/Hoose
  2. Dibad bax ka dhan ah, Duulaanka Yuhuuda ee Reer Qazza oo ka dhacey B/weyne
  3. Al-shabaabka oo fasaxay in Hay`adaha ay ka howlgalaan Baydhabo.
  4. Xubnihii Baydhabo laga saaray oo Digniin u jeediyay Hay`adaha Samafalka ee Bay & Bakool.
  5. Dibad baxyo lagu taageerayo Nuur Cadde oo ka dhacey qeybo ka mid ah G/Banaadir

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dibad bax looga soo horjeedo Ciidamada Amisom oo ka dhacey G.Sh/Hoose
  2. Dibad bax ka dhan ah, Duulaanka Yuhuuda ee Reer Qazza oo ka dhacey B/weyne
  3. Al-shabaabka oo fasaxay in Hay`adaha ay ka howlgalaan Baydhabo.
  4. Xubnihii Baydhabo laga saaray oo Digniin u jeediyay Hay`adaha Samafalka ee Bay & Bakool.
  5. Dibad baxyo lagu taageerayo Nuur Cadde oo ka dhacey qeybo ka mid ah G/Banaadir

Latest Headlines