Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee Kala-beryka ku sugan oo Xoojiyay Baaritaanka Gaadiidka & Dadka Rayidka

Published on June 22, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

 Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee Bilihii ugu danbeeyayba ku sugnaa Isgoyska Kal-beyrka ee Gobolka Hiiraan ayaa beryihii ugu danbeeyay Baaritaano xoogan ku hayay Gaadiidka & Dadka Rayidka ah ee halkaa is-ticmaala.

Darewalada Gaadiidka Rayidka ah ee halkaa is-ticmaala ayaa sheegay in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku hayaan Baaritaan xoogan, waxay sheegeen inay Rarka oo dhan ka dajinayaan Gaadiidka, marka ay baaritaanada dhameystaan goobtii uga tegayaan iyaga oo aan Rarka dib ula rarin.

Waxay sidoo kale sheegeen inay baaritaano gaar ah kula dhaqaaqaan Dadka Rayidka ah ee la socda Gaadiidka, arimahaas ayay sheegayaan Darewada Gaadiidka Rayidka ah ee halkaa isticmaalaya inay dhibaato ku tagey.

Baaritaanada Ciidamada Gumeysiga Itoobiya kula dhaqaaqaan Gaadiidka Rayidka ayay sheegayaan Darewaladu inay qaataan mudooyin saacado ah.

Waxaa intaa u dheer lacago baad ah oo Ciidamada Soomaalida ah ee la socda kuwa Gumeysiga Itoobiya ka qaadaan Gaadiidka Rayidka.

Waxa ay arintan ku soo beegmeysaa xilli dhaq-dhaqaaqyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka wadaan qeybo ka mid ah Gobolada Gal-gaduud & Hiiraan.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. 180 kun Sh/So oo laga qaado Gaadiidka Rayidka ee Gobolada Banaadir & Sh/Hoose isaga kala goosha
  2. Dadka Rayidka ah oo ka Cabanaya Dhaca & Amaan dara Ciidamada DKMG ah Kula Kacaan
  3. Dhaq dhaqaaq Guuritaan oo laga Dareemayo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Baydhabo.
  4. Maxaa ka jira in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee degay Kala-baryka ku wajahan yihiin Jowhar & Buulo-barde
  5. Warbixin: – 21 November Maxaa ka hir-galay ka Bixitaanka Ciidamada Gumeysiga Itoobiya Goobaha Rayidka?

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 180 kun Sh/So oo laga qaado Gaadiidka Rayidka ee Gobolada Banaadir & Sh/Hoose isaga kala goosha
  2. Dadka Rayidka ah oo ka Cabanaya Dhaca & Amaan dara Ciidamada DKMG ah Kula Kacaan
  3. Dhaq dhaqaaq Guuritaan oo laga Dareemayo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Baydhabo.
  4. Maxaa ka jira in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee degay Kala-baryka ku wajahan yihiin Jowhar & Buulo-barde
  5. Warbixin: – 21 November Maxaa ka hir-galay ka Bixitaanka Ciidamada Gumeysiga Itoobiya Goobaha Rayidka?

Latest Headlines