Xaabsadde“Umadda Digil & Mirifle..war idinka yaad sugaysaan..wax aan Dalkaba ka dhicin baa idinku socda..ha la iska celiyo Nimankaas”

Published on June 21, 2009 by   ·   12 Comments   ·   print

XaabsadeU qaabilsanaha DKMG ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Ibraahim Xaabsade oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ugu Baaqey Dadka ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan kuwa Degan Baay iyo Bakool in ay Dowladda Gacansiiyaan, Ciidaamadda DKMG ahna ku biiraan Xoogaga Islaamiyiintana iska dhicyaan.

Xaabsadde oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Goboladda Koonfureed gaar ahaan Umadda Digil iyo Mirifle la yiraahdo war idinka yaad sugaysaan Ma kuwanaad islaamnimo hadda ka sugaysaan, Dadka kale almiino Goboladda waaba isla haystaane Idinka maxaad la jiiftaan oo la fadhidaan wax aan Dalkaba ka dhicin baa idinku socda Awoowyaashiin baa la fahoodii la qodayaa oo Xuskii Rasuulka ayaa la idiin diiday Mowliidka oo Qabuurihii Aw-liyadaa la qodayaa Maxaad Meesha u fadhidaan”.

“Haddii aan Digil iyo Mirifle Mas’uuliyiintiisa ka mid nahay ha la iska celiyo Nimankaas, Dowladda Gacan lama siiyo, Ciidamada Dowladda ha lagu Biiro, War Digil iyo Mirifloow Islaam oo meel aan laga keenay la ogayn la idinku qasbayaa”.ayuu yiri Xaabsadde.

Sidoo kale Xaabsadde ayaa Shaaca ka qaaday in Hub iyo Tashiilaadba loola diyaar yahay Dhalinyaradda ku dhaqan Goboladda Koonfureed sidaa awgeedna ugu baaqay inay ka soo hor jeestaan Xoogaga Islaamiyiinta, wuxuuna yiri“Hadda ayaan leeyahay Dhalinyaradda Diyaar baa loo yahay Tashiilaadkiinii waa idiin Diyaar Hubkiina waa idiin Diyaar taga Meelaha ay idinla joogaan waad ogtihiina kana soo horjeesta Shar-wadayaasha inaad iska celisaa”.

Xaabsadde ayaa sheegay in Xalka Soomaaliya uu Gacanta ugu jiro Q.M, Dowladaha Dariska, IGAD iyo IWM, wuxuuna yiri“Xalka Caalamka ayaa waday, Q.M ayaa waday, Dowladaha Dariska nala ah IGAD baa waday, Islaamka Dhan baa waday, Djibouti baa la iskugu tagay waa Diideen 4 Bilood baa la baryay, Madaxweynaha markii uu Airoporkii ka soo dagay Madfac bay ku bilaabeen, waa diideen Culimaa’udiinkaa gashay, Culimaddii Caalamkaa timid”.

“Nimankaa Dabaal waaye, oo laga soo eryay Afqaanistaan iyo meel aan anagu Aqoon, war anaga Usama Bin laadin yaa nagu yiri Rasuul waaye”.ayuu sii raaciyay Xaabsadde .

Hadalkan ayaan la saadaalin Karin sida ay u aqbali doonaan Dhalinyaradda ku dhaqan Goboladda Koonfureed gaar ahaan Baay iyo Bakool, xili ay DKMG ahi u muuqato mid sii bur-buraysa oo Bad-baado ka sugaysa Dowladaha Dariska iyo waxa loogu yeero Beesha Caalamka.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Odayaasha Dhaqanka Digil & mirifle oo ka dayriyay Xaaladda Amaanka ee Baydhabo
  2. Golayaasha Dhaqanka Beelahada, Daarod, Direed, Hawiye iyo Digil & Mirifle oo si wada jir ah u Cambaareeyay Xasuuqii Xaley
  3. C/raxmaan C/Shakuur “Dib u Heshiisiin waa soo dhamaatay…Waxaan idiin Balan qaadaynaa Maalmaha Soo socda Nimankaas wadanka in laga sifeeyo”
  4. Duqeymo & iska hor’imaad ka socda qeybo ka mid ah Deg.Hodan
  5. Iska hor’imaad ka socda Degmada Madiina

Readers Comments (12)

  1. sahal says:

    Asc wr wbkt

    Nimankan, 20 sano ku dhawaad, carurta ku dagaal gelinaayay hab qabiil, oo gumaad iyo dhib maahe wax kale dadka iyo dalka aan usoo siyaadinin, maa weli idinku baaqaaya, inaad kacdoon sameysaan?
    iyaga ayaa ah, kuwo mudan inla iska qabto. Lagana qabto dalka iyo shacabka soomaaliyeed.
    Dadkii wey baa ba’iyeen, dalkiina faraha ayey cadaw soo jireen u geliyeen.
    Danta shacabka waxay ku jirtaa,,inay tooda ka raacaan! Dheg jalaqna u siin, sheydaamiintaan, aan damiirka laheyn.

  2. Sayid says:

    ASC

    bal arka nin sheeganaya wasiir wuxuu ku hataaqayo ma waxaas baa dad maamulikara ama aqli u leh ?
    ifka waxaa u xun somali galoobey oo diinta iyo dadka been ka sheegi oo isku dayaya in uu dab hor leh dhaliyo.
    ilaahoow murtidiintaa naga qabo. amin amin.
    ASC WW

  3. DR YAABANE says:

    SC

    Shariifka iyo saaxibidii waxaan ku tilmaami karaaa hadaladan uu yidhi Abwaan Hore

    Dhiig Miirad inuu Dhamaado oo aan isku dhogor ahaaanaa loo dhaqaaqee , Kii Dhuumaanayee Dhabarku uu muuqdaw Dadkaaga Dhinac ka Raac .
    Islaaaamkii Lagu Gabaneyey iyoXabashi baan Wadahadal ku saaaray meeshay ku danbaysay Arka .kkkkkkk

  4. wadani says:

    kkkkkkkkk xaabsade doqon yaa kaa liita oo aad u akhrinaysaa warkaas.

    maxaad u haysay dhalinyarada gobolada bay iyo bakool qabiil ayaad iskugu diri jirtay dhiigoodana waad miiran jirtay

    hada waxay haystaan cadaalad nabad xornimo muslimnimo waana inta uu u baahan yahay qofka ibnu aadamka ah maxaad tartey adiga oo aan ahayn in aad dhiigooda daadisid

    tankale maxay tahay awliyada qabrigeeda la qotey uu sheegayo xagee awliyadu ku aasan tahay wakhtigii cawaan nimada waa laga baxay oo aad qabiilada ugu sheekayn jirtaan waxaan ahay caaqilkiina waxaan ahay geesi ilaahy cirka idiinka soo diray oo reer hebel anaa idin ka celiya.

    somaliyey inta qof oo fahansan xanuunka uu lee yahay gumaysiga ay gaalada waligood nagu haysteen iyo kan gaaladaan fakhriga ah oo jaahiliinta ah oo dariskeena ah ay nagu hayeen

    hadii ay soo diraan labaatan kun oo ay maanta imaadan gudaha somalia walaahy waa la xaraysan karaa oo la baa bi.in karaa hadii ay inta geesiyada ah la dagaalaan waxayna u noqon doonta ethiopia cashar

    laakiin hadii bam lagu tuuru laga cararo waxay u noqonaysaa taas gaalada guul somalidana fulaynimo war niman wadankeenii dhex jooga oo labaatan kun ah sidii ay doonaan haa u hubaysnaadaan dadka ku nool muqadisho kaliya waa labo milion ku dhawaad labaatan kun miyaa iska celin karta… waa in lagu qamaamaa

    dabadhilif waa dhamaanayaa cadawgana waa laga guulaysanayaa

  5. wadani says:

    geesiyada somaliyeed dhamaan isku diyaariya dagaal aanu mid ka laaban askarta ethiopia ee somalia u soo socota ciil badanaa ethiopia ayaa la iga celin la yahay

    war inta aan xaraysano yaan laga cararin kumanaan haa naga dhimato laakiin ragaas xabadu yaanay nus daqiiqo ka istaagan yaanan dhalinyarooy al shabaab iyo xisbul islaam kaliya lagu eegan gacmo wada jir bay wax ku gooyaan hadii dhalinyaradaan geesiyada ah aan kaligood ku eegana ogaado xabashku hadii uu ka adkaado gurigaaga ayuu kuugu imaanayaa wuu ku dilayaa hooyadaa iyo walaashaana hortaada ayuu ku fara xumaynayaa intuusan kuu imaan adiga waa in aad dagaalka geeskaaga ka gashaa

    cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaa ethiopia waxaa la gaaray wakhtigii ceebteeda iyo oohinteeda way ka bad badisay

  6. c/yare says:

    kkkkkkkkkkk.

    gardaradaas oodhan waxaa dhigay ninkii inta kuqabtay gaariga kusaaray oo kisii daayey maanta haddaad ama jeel kujiri lahayd ama qabri sidaan umaadan hadasheen xaabsadoow.

  7. Geedi says:

    Laa ilaaha illallaah.

    War cabaad badana munaafaqiinta mujrimiinta ah!!!!!!!

    dadka bay iyo bakool marakan waa heerkoodii ugu fiicnayd amaan iyo deganaanba wey ka jirtaa dagaal ka aad ku baryootamaysid abuu masnuur oo ku daayay baa noo leh

  8. Jiiqeey says:

    Wallee mar dambe inta lagu qabto inaan lagu sii deynin. Digniintaadii horaad u qabtaa.
    Haddii lagu qabto waa lagu dal dali.

  9. Garad says:

    Asc wr wb

    Asagu muu galo dagaalka muxuu dhalinayro u baabi,inaaya fuley dheh villa somaliya inta la isku aruuriyo ayuu leeyahay dagaal gala hub ayaan idiin heynaa kulaha hubka aad heysana idinka ayuu wax idiin tari lahaa oo mujaahidiinta idinka difaaci lahaa mise naf ayaada la baqdeen oo dagaaal ma awoodaan
    Ciil badanaa shakey inta lagu qabtey ayaa cafis laguu fidiye abaalkiina waad garan weyse dhib ma laha sida shaley oo kale ayaa laguu qabanayaa markaas cida ku cafin leheed ka sii fikir ama hada god sii qodo ileen laazim waa kii lagu qabteee dhalinyarada walalaha ah fadlan ha ku kedsoomina odeyga waa laga hadashiiyeee macnaha madaxdiisa ayaa amraaks oo siise marka dhalinyaro meesha dan u ah wey taqana dantuna waa kitaabka alle sunada nabiga wax kale ma aha saas ayana isku ognahay insha allah
    Asc wr wb

  10. Alle Magan says:

    Etoobia hadday timaado oo dad layso dumarna faraxumayso Xizbul Islaam iyo Al-shabaab oo xabbada joojin waayey oo heshiis iyo dawladnimada Soomaaliya hor istaagay ayaa ka mas’uul ah.

    Ninkii shalay u turuq weynaa xasuuqa maatada iyo duulaanka joogtada ah ha celiyo Xabishidii shalay heshiiska lagu saaray oo maanta soo gurya noqotay.

    Fool xumo weeye hadaad jannta rogtaan oo ilaa Ras Kamnooni mar labaad la idin baacsado adinkoo dulli iyo gumaysi cusub Soomaali u horseeday.

  11. muslima says:

    WAQTIGII WAA DHAMAADAY DHALINYARADA AAD GUMAADI JIRTEEN MAANTA, QABIILISKAG HORKEENI JIRTAY.

    DHALINTA SOOMALIYEED ODAYAASHA DHIIGIINII KA GANACSAN JIRAY MEEL UGA SOO JEESTA, ODAY DANBE WARKIISAHA QAADANINA WADANKA IDINKAA U AH HOGAANKII YAAYAN MID KALE WAXBA FARTA LAGUUU FIIQIN

    U ISTAAGA DHULKIINA DHALINYAROOY, WAAD ARAGTAAN UMAD LA SUGTAA MEESHA MA JOOGTO.

    DHALINTA SOOMALIYEED DHULKA IDINKAA HOGAAN U AH ODAY TUUG AH, XABASHI SHAAH SIISO, DHIIGEENII IIBSADAY, MEEL OOGA SOO JEESTA DHAMAANTIIN, KUWA AY WATAAN TUUGADA KA SOO REEBA, IS CAAWIYA.

  12. abuu muscab says:

    asc waxaan salaamayaa Somalimirror.com iyo DR yaabane oo aan isku Fikir nahay.
    C/yare waad asiibtay.
    Abuu Mansuur ayaa ku cafiyay mar hore ayaa meel lagu saari lahaa qabri ama Jeel.

    Xaabsade waa dagaal Ooge Maquul ah oo malahan damiir iyo diin laakin C/raxmaan cabdi Shakuur iyo shariifka ayaan la yaabanahay sida ay u dhaqmayaan.

    Caradaada la dhimo xaabsade reer Bay iyo Bakool Mujaahidiinta ayay barbar taaganyihiin marabaan Ashahaadda ladirir iyo gaalo Injireey




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Odayaasha Dhaqanka Digil & mirifle oo ka dayriyay Xaaladda Amaanka ee Baydhabo
  2. Golayaasha Dhaqanka Beelahada, Daarod, Direed, Hawiye iyo Digil & Mirifle oo si wada jir ah u Cambaareeyay Xasuuqii Xaley
  3. C/raxmaan C/Shakuur “Dib u Heshiisiin waa soo dhamaatay…Waxaan idiin Balan qaadaynaa Maalmaha Soo socda Nimankaas wadanka in laga sifeeyo”
  4. Duqeymo & iska hor’imaad ka socda qeybo ka mid ah Deg.Hodan
  5. Iska hor’imaad ka socda Degmada Madiina

Latest Headlines