Macalin Daahir oo ku hanjabay in ay Qabsan doonaan G/Sh.Dhexe

Published on June 21, 2009 by   ·   9 Comments   ·   print

C/BilleGudoomiyihii Gobolka Sh.Dhexe u Qaabilsanaa MMI Garabkii ku biiray DKMG ah Macalin Daahir Cadaw Calasow ayaa ku hanjabay in ay Qabsan Doonaan isla markaana ay doonayaan in ay Dib ula wareegeen Gobolka Sh.Dhexe.

 

Macalin Daahir oo u Warameyey Idaacada Siimba ayaa Sheegay in ay wadaan Abaabul iyo diyaar garow ay ku Doonayaan in ay Dib ugu Qabsadaan Gacan ku heynta Gobolkaas, Xili Gobolkaas ay horey ula wareegeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Al-Xisbul Islaami.

 

Macalin Dahaar ayaa intaa ku daray in ay Amar sugayaal yihiin kana Sugayaan DKG ah isla markaana ay diyaar u yihiin Ciidankii iyo Saanadii ay kula wareegi lahaayeen Gobolka.

 

Waxa uu intaa ku daray in uu aamin sanyahay in ay Saacado Gudahood kula wareegi karaan dhamaan Gobolka Shabeelada Dhexe waxa uuna Sheegay in ay Qeybo badan haatan ka joogaan Gobolka.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Xasan Daahir Aweys oo u Hanjabay Dowlada Kenya
  2. Gudi Dhex-dhexaadin ah oo gaaray G/Sh.Dhexe
  3. Dagaal ka dhacay G.Sh/Dhexe
  4. Macalin Xaashi:- shirka Djibouti wuxuu u egyahay kii Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada
  5. Gobolka Sh/Dhexe oo Sh Shariif laga taageeray.

Readers Comments (9)

  1. Hargeisaawi Shahiid Rajeeye says:

    Allaahu Akbar
    Allow Xaqqa nagu sug.
    Waar inta aad leedahay Mujaahidiinta ayaan weerarayaa maad u diyaar garowdid sidaad u weerari lahayd Dawladdan Shariif ee Kiristaanka iyo Yuhuuda u yeedhanaysa inta aad leedahay iyada ayaanu amar ka sugaynaaaa.

    Waar waan kuu nasteexaynayaa Wallaahi ye Akhiro xumo ha ku dhiman niman badan oo wanaagsan ayaa khaatumo xumo ku dhintaye.
    Waar ma waxaad raalli ku tahay in aad ku dhimato safka Yugaandhiiska, Yuhuuda iyo kiristaanka oo aakhiro meel laydinka soo wada saaro. waar Diinta Alle difaac, haddii kale Wadadii Cumar Haashi ayaad mari, haddii ay Hanjabaadi cid wax yeelaysana Cumar Xaashiba cidi kamay hanjabaad badnayn.
    Bal waanu ku dhawri doonaa xilliga ay kugu dhacdo seefta mujaahidiintu.

  2. shafto says:

    ismlamka wuu ku tagersanyahay ama culimada somaliyeed ama kan calamka islamka ama odayasha ama shacabka somaliyeed camalin dahir hore usoco ,,,

  3. abul ashbaal says:

    ascwwr ,macalin daahirow islaamak intaad weerarayso ,maad weerar ugu diyaar garowdid gaalada soo duulayaso ee soomaliya dhinac walba kasoo fariisatay,mujaahidiinta waxan leeyahay u xiira gaala raacyda ilahaya ha idin brakeeyo ,allahu akbar.

  4. Sayid says:

    ASC

    ninkan uguma horeyn nin wadaad sheeganaya oo murtid ah gaalaane waligood bey u adeegi jireen illaa iyo waqtigii gumeysiga iga oo gaalada difaacaya wadaadna sheeganaya.yaa lidinku qaldin cimaamada waa mid been ah camalkooda fiiriya.
    ASC WW

  5. maxamed says:

    waxaan ugu naseexeenayaa walaalahaa soomaaaliyeed gaar aahaan shabaab waalaalayaaloow walaahi inaadan jano ku galaynin muslim aad dishay waxa aad ku dhaqmeysaan walaahi waa diin la,aan waryaan been la idiin sheegin nimnaka aad ushaqeysaan e janada idiin sheegayo waxay qabaan afar afar nagood war diinka alle barta waryaan laidin sirin

  6. maxamed cali maxamed says:

    allahu akbar allahu akbar macalin daahir waad mahdsan tahay alle ayaa macaaga ah alqaacida shaaydaan ayay cabudaan iimaanka ay sheekanayane waa been dhalin yarada laqalday wxaan leeyahay waryaa isagataga meesha jano ku gali maysaan islamka aad leeyneysaan waxaa lasoo ogaaaday inay xiriir leeyihiin usaama iyo yahuuda oo ay ku heshiiyeen in islaamka la,laayo aydoo lasheeganayo islaamka ayaan u hiilineynaa

  7. saufulaah asuumaali says:

    ilaahaygii na khalqay baan ku dhaartee macalin daahiroow xaq kuma taagnid ee waaad ku halaagmaysaa inshaa alaah hadaadan ku halaagmin walaahi ma ihi inan xalaal ah maclin isku shegoow balsoo soco seftii mujaahidiinta ayaa kaa horayso wayna ku leefaysaa inshaa alaah waayo maanta wadankeenii gaalo ayaa u soo tabaabushaysanaysa adigana waxaad u tabaabushaysanaysaa muslimiinta wadanka joogta marka hadaad gaalo la safatay anagana xaqa ayaan la safanahay waana ogtahay xaq iyo baadil ilaahay inu kala saari doono waadna ku bakhtin dooontaa inshaa alaaaah

  8. Puntland Boy says:

    Itoobiya intii aay dishay laba sano in la mid ah ayeey al shabaab ku dileen Hal maalin, diinna wax kama oga oo waxeey bad baadin waayeen dhiiga muslimka, joowhar Kitaabka quraanka ayaa looga dhaqmayey al shabaab maxeey ka dooneen ma Uganda iyo Burundi ayaa Joogta? shiikh daahir intii uu joogay xadka labada gobol ee hiiraan iyo sh/dhexe dadka degan nabad ayeey ku noolaayeen markii al sheydaan shabaab yimid eeg habeen walba imisa ayaa la dilaa? waana cadahay in shayaadiinta al shabaab la socota aay ka dambeeyaan isku dirka beelaha walaaha ah ee dagan xadka labada gobol. guul Shiikh Daahir.

  9. bod says:

    hadaa macalimiintii rabaan daday xasuuqaane
    kuwii duurka joogoo diin aan aqoonoo duliga rabi uu baday maxay smayn doonaa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Xasan Daahir Aweys oo u Hanjabay Dowlada Kenya
  2. Gudi Dhex-dhexaadin ah oo gaaray G/Sh.Dhexe
  3. Dagaal ka dhacay G.Sh/Dhexe
  4. Macalin Xaashi:- shirka Djibouti wuxuu u egyahay kii Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada
  5. Gobolka Sh/Dhexe oo Sh Shariif laga taageeray.

Latest Headlines