isqarxinta shriifka iyo saaxiibadiis!!
By Somalimirror on 21 Jun, 2009 12:16 PM in Maqaallo
بسم الله الرحمن الرحيم
W/Qoray:- Sheekh Maxamed Idriis.
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.
Maanta oo Taariikhdu tahay 27kii Jumaad Thaani 1430, kuna began 20 June 2009 ayaa waxaa soo gabagaboobey Falkii Ismiidaaminta Siyaasadeed ahaa ee ay galeen Koox wadaada ah ama loo yaqaanno (Islaamiyiin) oo uu horkacayo Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyihii hore ee Maxaakimtii Islaamka Muqdisho (2006), kadibna ku bahoobey Isbahaysigii la magac baxay Asmara, Waxaana falkaas daaha loogu rogay Markii ay Wadaadadaasu kusoo gabagabeeyeen Noloshoodii Siyaasadda ee gaabnayd iyo Socdaalkoodii Nairobi iyo Asmara kasoo Bilawday, Jabuuti & Sanca soo maray, New York, Brussels iyo Addis Ababa Transitya kala duwan kusoo nastay, iney maanta si rasmiya u codsadeen (Amxaaradu iney Dalka Soomaaliya Qabsato Mar kale) Weliba Amxaarada Keliya maahine, ay ka codsadeen (Yurub, Maraykan, Kenya, Igad, Afrika oo dhan, cid kasta oo dooneysa dal bannaan) iney kasoo qayb galaan qabsashada iyo kala qaybsiga dalka Soomaaliya iyagoo ugu yeeray waxa ay ku tilmaameen (In la Badbaadiyo DKMG). Wadaadadi warkaa ma sheegin, waxaase ugu hadlay Aadan Madoobe iyo Afhayeenka Wasaaradda, iyana ma beenin ilaa hadda.
Falka Isqarxinta ama (Intixaarka Siyaasiga) noocan ah ee lagu waayo Diinta, Sharafta, Wadaninimada, Geesinimada iyo Raganimada, iyo qiima kasta oo qofku adduun iyo aakhiraba ku yeelan karo, (Waa Inuu Amxaaro ugu Yeero Iney Qabsato Soomaaliya Isna dabqaad u noqdo) waxaa horay isugu miidaamiyey Soomaali badan oo ay ka mid ahaayeen Col. Cabdillaahi Yusuf, Dr. Cali Maxamed Geedi, Gen. Cumar Masalle, laba alifle Maxamed Dheere, Col. Barre Hiiraale, iyo kuwa kaloo badan, waxaan sharaf darro iyo magac xumo ahaynna kama dhaxlin. Waa arrin laga xumaado in rag wadaada ahaa, oo diinta ku abtirsada ay maanta dalka ku casuumaan Amxaaro, arrinkanna ku khatimaan nolol siyaasadeed oo aad u gaaban.
Gaaja kasta baqti looma cuno, oo sharafta shey kasta looma daadiyo, oo wajiga wax walba laysagama diiro, oo magaca wax kasta oon macna lahayn laysagama dilo.
Soomaalidu wexey tiraahdaa Nabar la filayey Naxdin ma leh, laakiin waxaa la filayey iyagana u sharaf badnaan lahayd, kolley Amxaaro, iyadaanba casuumad iyo fasax cidna ka rabine, iney iskaga tagaan meesha, hadday iska cabin kari waayeen xoogagga kasoo horjeeda, u yeeridda xabashidana aan iyaga taariikhdu ku qorin.
Shariifka iyo Wadaadada la socdey waxaa soo martay fursad fiican oo wax lagu badbaadin karey, tasoo ahayd, sida wax badan lagula taliyey, iney la heshiiyaan saaxiibadii shalay ee kasoo horjeeda, soo dhoweyaan, isku dhabar jebiyaan, laakiin kama faaiidaysan. Shariifka iyo raggiisu ma garwaaqsan ciilka iyo carada saaxiibadoodi shalay, markay kooxda shariifku u malayeen iney keligood cuni karaan lana carari karaan, dherigii bisaylka dhowaa ee lawada dhawrayey, dabadeedna ay ku kaaftoomaan, trainka ama soo raaca ama guryihiina jooga, siduu Shariifku mar ku khudbeeyey!
Shariifka iyo kooxdiisu maalintey nabad iyo dibuheshiisiin ku dhawaaqeen dad badan oo Soomaaliya ayey kasbadeen. Waxaana dad badan soo gashay yididiilo in wax degaan, ummuurtuna xasisho, cidnana kuma qancin karaan, wadahadal waa nala ka diidey, oo haddii wadahadal lagaa diidey, waxna aad iska dhicin kari weydey, ma Xabashi ayaad u yeeraneysaa? Maad iska tagtid.
Nimanka maanta sida qayaxan u dalbaday (Amxaaro ) iney dalka qabsato, oo ciidamadeedu dib ugu soo noqdaan, kuwa kalena meela kale ka yimaadaan, dalka iyo dadka Soomaaliyeedna mar kale Gumaysi galaan, meel xun oo taariikhda u gashay ayey is dhigeen, ninkastoo wadadaas qaadaana dulli ayuu ku dambeeyaa, umadda Soomaaliyeedna weligiis taageero iyo magac kama filan karo.
Kuwa ku riixey meesha xun, ee sabab u noqonaya iney nimankaanu gaalada usii shalwadaan, oo ku cararaan, ummad badanina halaagsanto, boqollaal kunoo cusubina qaxaan, iyana saan filayo, amaan badan Shacabka Soomaaliyeed kama sugayaan, hawlaha ay maalmahaan dambe faraha kula jireen dartood, iyo sida dadban oo ay waxa dhacaya qayb uga noqdeen.
Waxa maanta taagan wixii Culimada iyo Wax garadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in badan ka digayeen, oo ah, in Itoobiya Sallaxaneyso sidey si sharciyaysan Soomaaliya ugu xalaalaysan lahayd, waana tan maanta dalbaneysa in Adduunku u xalaaleeyo Soomaaliya, Kharashkana laga bixiyo, Mar dambana aan la weydiin goortey ka bexeyso. Waa wixii ay Culimada iyo Wax garadku u lahaayeen, war walaalayaalow khatar idinka weyn ayaa soo muuqata eek u baraaruga oo fursadda yar aan Soomaali ahaan dib isugu dhisno, laakiin dhegaha laga cufaystay, sidaas ayeynaan maanta u Maqlayn war culimo, iyo war Odayaal toona, waayo markii la maqli waayey, ayey in badani hawshaba faraha ugala bexeen.
Hal Baaq oo iigu dambeeya waxa weeye: Kooxda wadaadada ee Shariif hoggaaminayey, haddeey weli waxuun dhawranayaan:
Waa Iney si deg dega Saacadaha Soo socda ugu dhawaaqaan: Iney Ka bexeen Siyaasadda oo dhan, ugana tageen Kooxihii kasoo horjeedey, Dalkana aaney marna ku casuumayn Amxaaro, (oo weliba leh gumaysiga Soomaaliya lacag hala iigu daro, Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun). War Duf kubaxa e meesha isaga taga inta goori goor tahay, Aaadan Madoobe iyo Wixii Amxaara u yeeranaya, uga taga meesha haddaad weli wax isku falaysaan.War Maanta uun wax naga Maqla.
Ilaahay waxaa ka baryeynaa Imtixaanada cusub ee la galay inuu naga bad baadiyo, Muslimkana Ilaahay u Naxariisto.
Aragtidda Qoraalkan waxaa iska leh Qoraaga Magaciisu ku Saxiixanyahay.
Daabaco
Assalaamu calaykum w.w.
Sheekh Idriis aad baad u hagaajisay waana odhaah adigoo kale laga filayay ahalna aad u tahay, hase yeeshee ninka aad la hadleyso ayaa qalbiga iyo dhegaha inta u dhaxeyso qaanjeer ku leh, sidaa aawadeed war kastoo macaan ama xikmad kastoo loo akhriyo inteysan u gudbin laabtiisa ayey kala g’aan ama sidii caano baqay noqdaan.
Ninkaas waa ahaadaye sheekhow bal soo ducee in dhagarta uu maleegayo Ilaahay dhuuntiisa ku jaro ummaddana masaakiinta ahna ka badbaadiyo dabannida sheydaan ee Shariif iyo shurkadiisa ijraamka ay maleegayaan.
Muxyaddiin | Jun 21, 2009 | Reply
Waa arin muhiim ah hadalka shiiq maxamed idiris ilaah ejer badan hakaa siiyo hadalkas kuwa aad usheegtana maqalkoda allaha furo waxan ku darsan lahaa soomaliyey isku tanasula oo wax iska maqla oo maanta ka fiirsada aayaha dalkiina kuwa sheganaya maxkamado oo dalka hada madaxda u ah war ilaah ayaan idinku dharinee masidan ayaa idiin qarsoneed ma maanta ayaad uwacaneysiin kuwii shalay kalsonida aan idinku siiney oo aad nagu beerlaxowsaten amxarada anagaa bixiney !! shariif aawey hadalkagi ahaa anagaa bixiney cadowgii ithobia !! wallahi wankugu qaldanay waxadna nagu jiidatay hadal munafaqnimo lakiin bal aan eegno ciribtada mesha eyku dambeyso hadaadan toobad keenin allahu akbar by daahir hanad
Daahir hanad | Jun 22, 2009 | Reply
Jazaakalaahu kheyr waad ku a siibtay baaqaaga.
Dhinaca kale Soomaaliya ma soo marin mana soo mari doonta sida ay ila tahay musiibo ka xun midda ay maanta horseedka ka yihiin Alshabaab & DKMS.
Nabad
Faqi | Jun 22, 2009 | Reply
BISMI LAAH
ASC WRM WBR
WADAADA SOMALIYEED EE AHAAN JIRAY AABAYAASHA SAXWADA SOOMAALIYEED WAXAAD MOODAA IN WAAYADAN AY IN BADAN XAQA DHINAC MARAYAAN OO MAS’ALADII TIMAADABA LABA DHINAC LA KALA NOQDO.
1- DHINAC WADAADA WAAWAYN AH OO MARKASTA KU BINEEYA ARAGTI UU CAQLIGU NAQLIGA KA HOREEYO, IYAGA OO QIIEMEEYA AWOODO SAAIF AH, ILAAWANA AMA ISKA INDHA TIRA WACDIGA IYO WACIIDKA RABAANIGA AH.
TUSAALE:
A- SHIRKII ASMARA: CULIMADU WAY TAAGEEREEN WAANAY KA QAYB QAATEEN, WAXAY KHILAAFEEN QAWAACID BADAN OO SHARCI AH, AAKHIRKIINAA WAXAY OGAADEEN IN AY KHALDANAAYEEN.
B-SHIRKII JABUUTI: CULIMADU WAY TAAGEERTAY SI KA BADAN SIDII AY U TAAGEERTAY SHIRKII ASMARA, AAKHIRKIINAA WAXAY OGAADEEN IN AY KHALDANAAYEEN.
2-QOLYAHA ALSHABAAB AMA SALAFIYAH AL JIHAADIAH: ILAAHAY KHAYR HA SIIYEE RUNTII NAQLIGA AYAA UGA HOREEYA CAQLIGA, WAXAY MAREEN TIJAABOOYIN MARKA ISHA BANII AADAMKA LAGU EEGO AY KU SIINAYSO IN AAD ISDHIIBTO AMA AAD CALMAANIYIIN IYO GAALO LA MIDOWDO SI AAD U BADBAADO, LAAKIIN WACDIGII IYO WACIIDKII ILAAHAY AYAY QAATEEN MARKAASAY BADBAADEEN.
TUSAALE:
A- SHIRKII ASMARA: WAY KASOO HORJEESTEEN XILI UMADA INTEEDA KALE OO DHAMI AY TAAGEERTAY MARKAASAA LA DURAY OO LA YIDHI WAX GAARA AYAY WATAAN, LAAKIIN AAKHIRKII WAA LOO SOO NOQDAY.
B-SHIRKII JABUUTI: WAXAY UGA SOO HORJEESTEEN SI KA ADAG SIDII AY UGA SOO HORJEESTEEN KII ASMARA, MARKAASAA LA DURAY OO CULIMO LOO SAMAYSTAY MEEL KASTA KAGA QAYLIYA LAAKIIN AAKHIRKII WAAD ARAGTAAN IN IYAGA LOOSOO NOQDAY.
DARDAARAN: CULIMOOY AAMINA CILMIGA AAD XAMBAARSANTIHIIN OO WUXUU IDIN AMRAYO KA HOREYSIIYA WAXA AY NAFSADIINA DACIIFKA AHI IDIN TUSINAYSO.
WSC WRM WBR
jugjug | Jun 22, 2009 | Reply
asc sh/mahomed idiris jazaakalaahukhayra khayral jazaa wa axsanalaahu ilayka aadbaan waxaan filayaa in waanadaa iyo waciidkaasi uukufilanyahay nimankaa walaalahen ah washariifka iyo inta lajoogte waxaan leenahay wey idinku filantahay hadii wax un imaana idinkujiro walibana waxaan dhihi lahaa furso idiinka wanaagsan majirto aakhiradiina iyo aduunkinaba in aad maanta meesha isaga tagtan hadi aad katagi weydaan wele khizyi iyo hoog ayaa idin danbeyn waxaadna weliba kuqormaysaa liiski salaad jele iyo mahamed dhere iyo amthaalahum
intaakadib waxaan leyahay walaalkan qoray asmara latageray iyo jabutibaa lataageray walaaal shabaabna wax maha hayaan waxbadana kuwan madhaamaan wax aymeelkenayaana majiraan oo aan ahayn in ay badalen mooryaanti dadka leyn jirtay waxaansaleyahay walaataziru waaziratu wizra ukhraa waxaalagaa rabaa cida kufartay in qofkasta tuihma lagu dilo wabilaahi towfiiq
ws wr wb
mahamed | Jun 22, 2009 | Reply
Asc
Waxaan aad ugu faraxsanahay qowlka manta sheekha kaso yeray oo aan u arkay talo tii ugu wanagsaneyd oo nin walaal la siyo inu manta sinayo shariif iyo group kisi lakin ilama ahan shariif manta iney jirto cidu war ka maqlayo an ka aheyn besha calamka uu asiga u qabo besha calamka hadeysan rali ka aheyn inaan la nolan karin shariif waxa ka maqan muda ku dhow 20 years somali dhaxdeedi aya is dileysay besha calamka maline umeysan so gurmanin wana noleyn marka asiga besha calamka caradodi hadey ula weyntahay tan eebe ayaa anagane inalaga weyn sheekh maxamed idris hadal an ka sugeynay ayaad manta afka so marisay insha allaah dad cayiman walaga yaba iney qatan hadalka ooy ka baxan dowladan camilka ah insha allaah ilaaheyne haka jaa izeyo umada lagama weyn dono culimo xaqa cadeyso oo sidado kale eh.
G-Cute1 | Jun 22, 2009 | Reply
asc
aad ayuu u mahadsanyahay shiikhu, qof kula dhashay oo aan kula talo ahayn aydaana kala maarmin waa dhib,shariif waa aragnaa maanta waxaase igala liita raga kale ee uu hor kacayo xasan daahir iyo xasan turki,masuuliyada ugu wayna iyaga ayaa qaadanaya kuna faraxsan in ethobia iyo yahudi ay yimaadan somalia, waxan oron lahaa sh cumar iiman in uu isaga sootago meeshaas,
abdulkadir,d | Jun 23, 2009 | Reply
aduunyada in la rogayo waxaa ka marqaatiya
afcaashii reer banii israa,iil oo ay dadka muslinka sheegtaan caadaysteen
waxaa taasna kuu sheegaya ninka oo cilmi iyo magac diimeed lagu yaqaanay oo u hanqaltaagayaa kursi iyo madaxnimo iyo gumaad iyo halaag isaga oo tii danbe ka door biday tan hore
Hadaba sheikh maxamed idiris waxaan odhan lahaa haday meesha ka tagaan maadiga qabsan lahaa waa su,aale ?
mise axmed godane oo bali gubadle qaadka isbaaro u dhigan jiray dumarka u socda safarka baadhan jiray xoolaha baadida ahna qalan jiray ayaa madax ka noqonayaa?
ma xasan daahir aways oo 31 sano sidii cabdilaahi yuusuf riyadiisu ahayd mar qudha madaxweyne i dhaha ayaa qabanayaa ?
amxaarka iyo alshabaab, xisbul islaam, jabhal islaamiya, macaskarka raaskambooni iyo macaskarka caanoole maxaa farqiya oo u dhaxeeya xaga gumaadka iyo tacadiga umada soomaaliyeed ?
adiguse hadaad damiir leedahaay ninka fekerka afawerka wata maad taageerteen waayo muslimiinta aad ka soo jeedo ee ereteriyaanka ah waxaa uu ku hayaa gumaad kuwa soomaliya joogana axsaan u samayn maayo
waxaan ugu danbayn kuu sheegayaa inaad adigu saaxada wadaadnimada ka baxdo oo aad magaca sheikhnimada iska dayso safka mufsidiinta al habaab iyo xisbul fasaadna soo gasho iyo inaad dhawrsato sidii kuu roon yeel qoraalkan oo kalena ha soo qorin
Cabdiraxiin Hilowle Galayr | Jun 29, 2009 | Reply
scww
waxan uga mahad celnayaa sheekh maxamed idiris arintan uu ka hadlay oon odhan karo waxay ku salaysantahay diin ee maaha fikir keliya.scww
miskin | Jun 30, 2009 | Reply