Warbixin:- Somaliland Ma ka Badbaadi Doontaa Muddo-kordhin dambe & Qalalaase Siyaasaddeed?

HargeysaIyadoo xubnaha Komishank Doorashooyinka Maamulka Somaliland kala qaybsan yihiin, isla markaana ay afar xubnood dalbadeen in laga bedelo laba ka mid ah todobada xubnood ee Guddiga, ayaa waxay taasi abuurtay is eedayn iyo soo-ifbixida musuq-maasuq markii horeba loogu tirinayay xubno Guddiga ka tirsan.
 
Todobaadkii hore, ayaa qaar ka mid ah Wargeyska ka soo baxa Maamulka S/land faafiyeen qoraal uu qoray mid ka mid ah Guddiga Doorashadu. Qoraalkaasi wuxuu sheegayay, in Komishanku u qaamaysan yahay shaqaalaha uu masuulka ka yahay oo aan muddo dhowr bilood ah aan Mushahar qaadan. Sidoo kale, qoraalkaasi wuxuu muujinayay in hawlmaalmeedka Komishanku yahay mid murugsan oo isku daadsan, isla markaana waxa lagu sheegay in lacag $ 40.000 oo Doollar aanay xubnaha kale ee Komishanku ku qancin qaabka uu lacagtaas u maamulay Hoggaanka Komishanku.
 
“Waxa xusid mudan in hoggaanka Komishanka lagu eedaynayo inuu ku tagrifalay xisaabaadka, iyadoo aan soo xiganayo eed xubnaha Komishan dhexdiisa ka soo yeedhay, taasoo aan lagu qancin qaabkii Hoggaanku u maamulay lacag dhan US 40.000 oo sida la sheegay ka soo baxday Khasnada dhexe ee dawladda, iyadoo u qorshaysnayd gunooyinka xubnaha Komishanka iyo hawlgalka.”
Weedhaasi waxay ka mid ahaayeen qoraalkaas Saxaafaddu todobaadkii hore faafisay ee uu qoray xubinta Guddiga ka tirsani.
 
 ”Horta, xubnuhu (Komishanka) kama shaqeeyaan lacagta oo inta badan Maamulka lacagtaa ka shaqeeya, Maamulka lacagta iyagana haddii la waydiiyo way ka hadli karaan. Dee Miisaaniyaddii cusbaydna may iman, mid kalena may iman, balse xafiiska waxa lagu wad-waday uun… Markaa, runtii halkaa wax ku jiraa ma jiro.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Jaamac Maxamuud Cumar
 
Si kastaba ha loo isticmaalee lacagtaa afartanka kun ee Doollar lagu sheegay ma soo gashay gacanta Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka?. Isla arrintaas mar aanu wax waydiinay Guddoomiyuhu wuxuu ku jawaabay; “Walaahi, kollay qolada Xisaabaadkaa aad ugu warhaysee, laakiin wax lacag ah oo aan si aan sifo Sharci ah ahayn u baxday ma jirto.”
 
Inkastoo Guddoomiyuhu uu jawaabtaa kooban kaga baxay, haddana, waxay xubnaha Komishanka qaarkood ku eedeeyeen in ku-takrifalka lacagtaasi ay ku kooban tahay Guddoomiyaha. Laakiin, Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden) waxa uu yidhi; “Maya, maya. Waar waa Mushaharooyin iyo wax caynkaas ah oo wax cidla ku dhici karaa ma jiro.”
 
Dhinaca kale, lacagtaasi waxa la sheegay inay ahayd gunooyinka xubnaha Komishanka. Sidaa darteed, mar aanu Guddoomiyaha wax ka waydiinay meesha ay martay gunadii xubnaha Komishanku, waxa uu ku jawaabay; “Adeer, marka Illaahay laga baqdo warkaasi run maaha, balse waa war ceeb uun lagu raadinayo’e, halkaas waxba kuma jiraan.”
Dalabkii Lacagta:
 
Sida ku cad Dokument qoraal ah oo ku taariikhaysan 15/02/2009, Guddoomiye Jaamac-Sweden waxa la sheegay inuu Rayaale u diray qoraalka nuxurkiisu sidan u dhignaa; “Mudane Madaxweyne, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa salaan ay ku dheehantahay xushmad iyo qadarin. Sida aad la socoto, hawsha xafiiskan u taala aad bay baaxad u leedahay. Sidaa awgeed, waxaanu si muuno leh kaaga codsanaynaa in xafiiska lagu kabo kharashka aanu halkan ku soo gudbinay;
1-Gunno Xubnaha Komishanka 3 bilood oo xubintiiba $ 1000 ah, isugeyna noqonaysa $21000 (kow iyo labaatan kun oo doolar).
2-Kulamada iyo shaqo-hawleedka oo $7000 (todoba kun oo doolar).
3-Furniture guryaha xubnaha oo uu ku sheegay $7000 (todoba kun oo doolar).
4-Safarada Guddoomiyaha ee dibadda oo uu ku sheegay $5000 (Shan kun).
Lacagtaa isugaynteedu waxay noqonaysaa $40.000 (afartan kun oo doolar).”
Soo-jeedinta Agaasimaha Guud:
 
Qoraalkaa hore ee Saxaafaddu faafisay wuxuu sheegayay, in bil gudaheed ah lagu isticmaalay Shidaal loogu talogalay in lagu adeegsado muddo saddex bilood ah. “Sida ku cad qoraalka Agaasimaha Guud ee Komishanka, waxa lagu tagrifalay isticmaalka Shidaalka, iyadoo bil gudaheed lagu dhameeyay qorshihii saddex-biloodka. Siday Xoghayntu sheegtay awoodaha uu ku baxay Shidaalkaa dheeraadka ah”. Sidaa waxa yidhi qoraalkaa hore loo faafiyay oo xiganayay warqad arintaa ku saabsan oo uu Agaasimaha Guud ee Komishanka Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf, taasoo uu u diray Guddoomiyaha Komishanka.
 
Haddaba, nuqul ka mid ah qoraalkaa Agaasimaha oo aanu helay, kuna taariikhaysan 22/04/09, waxa uu u dhigan yahay sidan; “Mudane Guddoomiye, waxaan si mushmad leh idiinla socodsiinayaa in qorshihii ku-talogalka Shidaalka ee saddex-biloodka (Jan – March, 09) oo ah 25,000,000 Sl Sh aynu bishii March, 09 isticmaalay 29,000,000 Sl Sh, taasoo macnaheedu yahay in kharashka isticmaalka Shidaalka xarunta bishiiba u dhigmo ku-talogalkii Miisaaniyaddeed ee saddex-biloodka.
Sidaa darteed, waa in isticmaalka Shidaalka la beekhaamiyo si aan daymo hor leh loo gelin, iyadoo dayntii horeba loo awood la’yahay.
Qorshaha isticmaalka Shidaalkuna noqdo mid ka soo fula Maamul keliya ee aanu noqon mid xubnaha Komishanka u siman yihiin.”
 
Gebogebo:
 
Inkastoo dhaliilahaa iyo kuwo kale oo tiro badanba loo tirinayo Komishanka, haddana, marka la eego marxalada ay maanta ku sugan yihiin Komishanka Doorashadu, lana barbar-dhigo muddada kooban ee xilliga doorashada ka hadhay, isla markaana la milcsado hanaanka ay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale u dheelayso iyo kala qubnaanta Mucaaridka qorshihiisu liitaa, waxay iswaydiintu noqonaysaa, Somaliland ma ka badbaadi doontaa muddo-kordhin dambe iyo qalalaase siyaasadeed oo ka dhasha doorasho dambe oo dhaxal-xumaysata?.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

7 Comment(s)

  1. Su’aashu maaha: Somaliland ma ka badbaadaysaa qalaalase iyo muddo kordhin ee waa XUKUUMADA RIYAALE MA BADBAADAYSAA MAR DAMBE ? waxay ila tahay MAYA (MAYA wayn). Laakiin warka wanaagsan wuxuu yahay in wadanka arintani aanay dhib wayn ku keenayn. Wuxuun baa la dhisayaa dawlada ku meelgaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa.

    Hargeysa | Jun 20, 2009 | Reply

  2. waxan salaama dhamaan dadweyinaha reer somaliland meelkasto ayii joogan salaan ka dib waxaa waxa la yaabo ahaa waxaa ayii qoryan nimaanka reer koonfureed yaado ayii cadwaadu ka gadhasiisan tahayi hereka ayii odhan somaliland ma ka bad badayiisa qalalase siysadeed haa somaliland waa ka badaadayiis in shalaha ee indhaga ka jeedaya siiba kuwaan somali mirror waxaa ku qor waxaa waxaa idiinku hagagiiwayen waa xasiidnimaad xaasiidka somaliland haa dhaaco somailand haaaaaaa noolaato haaaaaaaaaaa waarto haaaaaaaaa jirto ilahayi idiinkii waxaan idiin leyahayii fiir gar ayaanu idiin lenahayii dhamaan wesite somalil mirror 2 dayniile 3 shacabkamedia dhamaatin waxaan rajeenaya idiinko qoxatiy am refuge in aad somaliland imaan doont inshalaha waayo xasiidin ayaad tihin waxaa waaxaa idiinku hagaga wayiine waa cuqaabad dadka iyo dalkaaba ka gsna

    in libaax ciije | Jun 20, 2009 | Reply

  3. kkkkkkkk libaax ciije iska daa qaylada wuxu waa qoraal siyaasad ka hadlaya dadku waxay rabaan ayay qori karaan dhib maleh laakin webka dayniile waa wasaq somalimirror ha la mid dhigin waa web fiicane.

    yonis | Jun 20, 2009 | Reply

  4. ASC
    Marka hore illaahay shacbka sland iyo dhamaan shacabka somaliyedba meel kasytay joogaan hasiiyo nabadgalyo iyo burwaaqo farbadn. Intaakadib hadii aan isku dayo inaan kajawaabo su’aasha korku qaran, sland waxay kasoo badbaaday oo ayka soo gudubtay wakhti iyo xaalado aad u’adag tanina waxba kuwaa kamaduwana waxaanan leeyahay isha allah sifiican oo quruxbadan ayay yag gudbi doontaa arimahan doorashooyinka iyo khilaafyadan siyaasdee ee yaryar. AMIIIN.

    Bulxan_01 | Jun 21, 2009 | Reply

  5. Show wali rag baa nool

    Hargeysa | Jun 21, 2009 | Reply

  6. Hadalka Maamulka sheegtaa somaliland waa:
    1. xabashida waa walaalahayo
    2. Gaal hebel waa Saaxiib SL
    3. Soomaalida shir iskuma arki karno.
    4. Reer galbeed ku waa na amaaneen
    5. Ictiraafka Gaaladaan ka sugeynaa
    Soomali weyna waxay leedahay.
    1. Xabashi waa cadawgaya taariikhiga ah.
    2. Muslimiintaa walaalo ah.
    3. Qofkii hadal raba halala hadlo.
    4. Aqoonsiga inagaa isu hayna

    Adoon Eebe | Jul 1, 2009 | Reply

  7. Xaqiiqda soomaliland ma noqotay dawlad jirta haddii Gumeystuhu baxay?
    26 june 1960 ayaa waxaa dalka ka baxay gaalkii ingiriiska oo xoooga iyo tabta is huwan ku qabsatay dhulkan soomaaliyeed wuxuuna maamulkii ku wareejiyey Ina Ibraahim Cigaal.

    Intii u dhexeysey 26 ilaa 30 kii June sacab, ciyaar iyo dabaal deg ayaa lagu jirey.

    Ma jirin wax qaab dawladeed ah oo la sameeyey isla markaana hawl gashay waayo waaba la cayaarayey dhowrka maalmood.

    1 dii July-na Xamar ayaa lawada tegey midowga laba qaybood ayaan dhacay.

    Bal walaalayaalow dawlada la leeyahay dib ayaa loola soo noqday oo dadka lagu khaldayaa xagee ku jirtaa?

    Adoon Eebe | Jul 1, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo