Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii & Duqeymihii u danbeeyay

Published on June 20, 2009 by   ·   9 Comments   ·   print
Inta la hubo 5 Qof ayaa ku geeiyooday Dagaalkii iyo Duqeyntii maanta, iyada oo 105 qof oo dhaawac ahna 24 saac ee u danbeeyay la kala dhigay Isbitaaladda Magaaladda Muqdisho.(Daawo Sawiro)

 

59 Rux oo ka mid ah Dhaawacyada ayaa maanta la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo ku soo Waxyeeloobay Dagaaladii & Duqeymihii ugu Danbeeyey ee ka dhacay Degmooyin ku yaala Bariga Caasimada.

Howl wadeenada Isbitaalka Madiina ayaa Sheegay in ay Gudaha Isbitaalka ku Geeriyoodeen Maanta ilaa 2 Ruux oo ka mid ahaa Dhaawacyada Saacadihii ugu Dambeeyey soo gaaray waxa ayna Sheegeen in ay Guud ahaan Isbitaalka yaalaan Dhaawacyo gaaraya 194 Ruux.

Sidoo kale waxaa jira Tiro Dad Rayid ah oo ku Geeriyooday Dagaaladaasi , Meydadka laba Ruux ayaa laga helay Agagaarka Saldhiga Degmada Kaaraan, waxaana sidoo kale jira Meydad kale oo aan la heyn Tiradooda Rasmiga ah.

Shabakada Warbaahinta Somalimirror ayaa Maanta Soo indha indheeysay isla markaana Socdaal ku soo maratay Qeybo kamdi ah Dhaawacyadii ugu Dambeeyey ee ku soo Dhaawacmay Dagaalada iyo Duqeymaha ka soconaya Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Shibis iyo C/casii ee Magaalada Muqdisho.

Shabakada Somalimirror ayaa lakulantay Maanta Dhaawacyo Farabadan oo Qaar kamid ah ay ahaayeen Garaabito kuwaas oo ku soo waxyeloobay Dagaaladii iyo Duqeymihii ugu Danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah gaar ahaa Amiin Voluntary Ambulance ayaa si weyn u Daabulaayey Dadka Rayidka ah ee ku Dhaawacmay Dagaaladii ugu Danbeey iyaga oo ugu Tagayey isla markaana ka soo Qaaday Xaafado Cidla ah oo ay ka Qaxeen inta badan Dadkii Daganaa.

Sidoo kale waxaa jiray in ay iyana Dhaawacyo Cusub Daabulaayeen Gaadiidka kale ee Gurmadka Degdega ah waxaana sidoo kale Jira Gaadiidka BL-ka oo iyaga Dhaawacayada si weyn loogu Daabulayey.

Dadka Dhaawacmay ayaa la geynayey Isbitalada Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Madiina, Keydsaneyn & Dayniile.

Isbitaalka Madiina oo aanu booqanay ayaa waxa iska soo daba dhacayey Saacadba Saacada ka dambeysa Dad Garaab ah oo ku soo waxyeeloobay Madaafiicda iyo Raasaasta ka dhaceysa Goobaha lagu Dagaalamayo.

Mararka Qaar waxaad arkeysaa iyada oo la keenayo Isbitaalka Dad aad Garaab u ah iyada oo aanu aragnay Dad Geeriyooday inta aan Isbitaalka lagaarsiin oo jidka ku soo Naf baxay.

Isbitaal Madiina ayaa la Ciirciiraya Dhawaacyada aan kala Go’a laheyn ee Daqiiqadba Daqiiqada ka Danbeysa soo gaaraya ka soo gaaraya Goobaha Dagaalka, waxaadna arkeysaa Dadka oo bilqan Dhirta hoosteeda kadib Markii ay buuxsameen Dhamaan Qeybihii kala Duwanaa ee Isbitaalka.

Dhaqaatirta ayaa aad ugu Mashquulsan Wax u Qabashada Dadka ku soo dhaawacmaya Dagaalada ka socda Magaalada waxaanad arkeysaa Mararka Qaar Bareelooyinkii Dadka Dhaawaca ah lagu Qaadayey oo Buuxsama isla markaana Darmo lagu Qaadayo Dadka Dhaawaca ah.

Oday Garbaha la hayo oo Gaadiidka Gur madka Deg Deg ah loo wado
Oday Garbaha la hayo oo Gaadiidka Gur madka Deg Deg ah loo wado
Dad Gaariga sarayo
Dad Gaariga sarayo
Haween & Caruur baabuurka lagu soo guray oo dhaawacan
Haween & Caruur baabuurka lagu soo guray oo dhaawacan
Qof Garaab ah oo Gaadhiga laga soo dajinayo
Qof Garaab ah oo Gaadhiga laga soo dajinayo
Xayn Dad ah oo Gaadhi la isla saaray
Xayn Dad ah oo Gaadhi la isla saaray
Haweyn Garaabo ah oo Gaadhi isla wada saaran
Haweyn Garaabo ah oo Gaadhi isla wada saaran
Haweeneyd aad u dhiigbaxeysa oo Gaadhiga laga soo dajinayo
Haweeneyd aad u dhiigbaxeysa oo Gaadhiga laga soo dajinayo
Qof dhaawac ah oo Bareeli lagu wado
Qof dhaawac ah oo Bareeli lagu wado
Haweenay Gaadhi Gacan lagu soo qaadey oo Gaadhigii Gurmadka Deg Deg ah la saarayo
Haweenay Gaadhi Gacan lagu soo qaadey oo Gaadhigii Gurmadka Deg Deg ah la saarayo
Haweennay Gaadhiga Gar gaarka deg dega dhex jiifta
Haweennay Gaadhiga Gar gaarka deg dega dhex jiifta
Gadhab Dhaawacan oo Isbitaalka la geeyay
Gabadh Dhaawacan oo Isbitaalka la geeyay
Caruur ay ka dhaawacantay Hooyadood oo Dusha ku Qaxineysay
Caruur ay ka dhaawacantay Hooyadood oo Dusha ku Qaxineysay
ilmo Dhaawac ah oo Waalidkii Dhabta u saaran
ilmo Dhaawac ah oo Waalidkii Dhabta u saaran
Odoy Dhaawac ah oo kor loo sido
Odoy Dhaawac ah oo kor loo sido
Haweeney Tabcaan ah oo Bareelo saaran
Haweeney Tabcaan ah oo Bareelo saaran
Qof Dhaawac ah oo Falenbo kusurantahay
Qof Dhaawac ah oo Falenbo kusurantahay
ilo dhaawac ah oo Hooyadii Dhabta u saaran
ilmo dhaawac ah oo Hooyadii Dhabta u saaran
Canug Garaab ah oo ay Saalada ku diyaarinayaa Kalkaalisooyin
Canug Garaab ah oo ay Saalada ku diyaarinayaa Kalkaalisooyin


WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Saaka
  2. Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Maanta
  3. Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Guri-ceel
  4. Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Guri-ceel ee Saaka
  5. Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalkii Deg. Dharkeynlay.

Readers Comments (9)

  1. nabad says:

    waa arin dhibkeeda leh in maalinba maalinta ka danbayso ay kasii darayso xaalada soomaaliya dadkii webkaan dilo yo qabsada kusoo qori jiray baryahaan waa amuseene ma ayagibaa ku galay?w
    waligiin waxaad ku dadaashaan in ad nabada ka shaqaysaan walaalayaal wslm clkm wrxm wbrk

  2. da'yarta says:

    allaha kaqabto dadkani caruur iyo hooyoyin ayay dhameynaya somaliyeed mana garanayaan waxa kadambeeyo alle kabaqo waxani waa aduunyo xisaab ayaaa lasugayaa naarta dheel dheel malosuubinin ee waxay rabataa cid lagu guro ee alle kabaqa dadka muslimiinta eh dagaalka kadaayo oo unaxariista alle kabaqaba alle kabaqa alle kabaqa………

  3. Geedi says:

    allaah ha u gargaaro shacabka iyo mujaahidiinta soomaalyeed gaaloo dhan baa isasasoo bahaysatay

  4. Hargeysa says:

    Ilaahow adaa wayne’e u gargaar dadkaa masaakiinta ah!

  5. saciid m caato says:

    waa dhibaato aad ufool xun waxa wadan keenii kamuu

  6. daljir says:

    ilaahayow mujaahidiinta iyo shacabka muslimka ah ba ugargaar cadowga kusoo duulay iyo kuwa ay ku adeeganayaanba kaqabo insha allahu islaamka wuu guuleysan doonaa waxa ay gaalada kusheegaan islamka artifishal ka ah iyo ayagaba wey isla jabi doonaan sabirka hala badiyo waalaga bixi doonaa insha allah

  7. Garad says:

    Asc wr wb
    walaalayaal walaahi waa wax aad u murugo badan umada muslimka o o saan loo galaayo uma hadlaayi taagere ahan iyo mucaarad ah laakin an u hadlo qof caadi ah oo kale walaalayaal ma sax baa dolwadu marka ay meel weerareeso in ay madaafiic iska rido oo ay shacabka ugumaadan dhado=howan la dhoho al shabaab ayaa dadka laye subxaanalaah walkaalayaal ya u sheege kuwaas in ay xisaab culus ka dambeyso dambigooda xataa ma qaadi karaan gormeey ku daraan dambi ay dad ka galeen allah haka qabto umada walaaha idinkana ducada ha ka daalina macxaa yeleye hubka ugu weyn e aan heeysano wwa ducada allah ha u garghaaru umada allahna ha ka qabto cadowga
    Aahin thuma aahin calaa xaali ummatinaa

  8. maxaamed says:

    Asalamu Caleykum
    waxaan mahadcelin aan dhameysrirneyn udirayaa xassan dahir iyo xasan mahadi iyo axmed godane waxey ad ujecleysteen indadka somaliya oo dhan janada galaan sidaa daraadeed waxey hada rabaan iney janada udiraan dhamaan dadka dagan muqdisho balfiiri siduu mashquul uyahey isbitaalka madiino waxaas waa dadkii ey laayeen oo ay janada udirayeen

  9. Miska wadahadalka imow says:

    ASC

    Mohamedow maad farta ku fiiqdid walaalkaa shariif kursi oo ku goodiyey in dagaalkan ku dhameynayo ama ku soo afjarayo 10 berri gudaheed oo markii dambe loo beddelay 100 berri gudaheed. Maad farta ku fiiqdid AMISUN oo ummada ku garaacayo madaafiicda waaweyn. Maad farta ku taagtid wallalkaa shariif oo ciidan ethiopian iyo kenyati oo soomalida xasuuqa dalbaday!! Jano iyo Naarba Illahey gacantiisa ayey ku jirtaa.Ogow in jihaadka uu qaraar yahay, laakin mirahiisa macaan yahay. Naf baa ku go’eysaa jihaadka, waa lagu barakacaa, waa lagu maalwaayaa. Hase yeeshee, mirahiisa waxaa ka mid in umada diinteeda u madaxbanaanaato, sharaf iyo cizo ku noolaato, nabad waartana ku gaartaa. Inta dhimatay ee madaafiicda gaalada iyo gaaloraaca ku dhufteen ilaahey ha u naxariisto inta dhaawaca ahna allah ha dhabiibo. Mohamedow walaalkaa shariif hadduu warkaa yeelayo umada madaafiicda ka jooji dheh. Haddii kalena afka reer galbeedka aad ku hadleysid iska jooji. Maxaa yeelay reer galbeedka ayaa jihaadka ku tilmaama wax dadka lagu khiyaano. Jihaadka waa asal min usuulidiin.WSC




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Saaka
  2. Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Maanta
  3. Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Guri-ceel
  4. Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Guri-ceel ee Saaka
  5. Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalkii Deg. Dharkeynlay.

Latest Headlines