Warbixin:-Soo Nooleynta Dagaal Oogayaashii yay Dani ugu jirtaa?

Shabakadda warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Warbixin ay ka diyaarisay Dib u Hubeynta Hogaamiye Kooxyaddii horay uga talin jiray Caasimadda Soomaaliya iyo qaybo kale oo kamid ah gobolada koonfureed isla markaana ay ka itaalka Roonaadeen Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

warbixintuna waxay ka koobantahay:-

 - Hordhac
- Ujeedka Dib u hubaynta Dagaal Oogayaasha
- Yaa la Hubaynayaa?
- Cidda Hubeyneysa
- Goboladda ay ka howl-galayaan
- Magaca ay ku howl-galayaan.
- Yaa ka hadlay dib u hubeynta Qabqablayaasha?
- Maxay soo kordhin karaan Hogaamiye Kooxeedyadu?

Hordhac

Ayaamahan danbe waxaa si weyn masraxa ugu soo laabtay Hogaamiye kooxeedyadii horay uga talin jiray Caasimadda Soomaaliya iyo qaybo kale oo kamid ah gobolada koonfureed kuwaas oo shacabka ku hayay dhibaatooyin aan la soo koobi Karin mid walbana ay u qoqobnayd jaan yar oo uu siduu doono ka yeelo waxaana Qabqablayaashaas garbo u ahaa dalal shisheeye oo ay ugu horayso Itoobiya oo u adeegsan jirtay fulinta falal guracan oo dhan ka ah Ummadda Soomaaliya, waxaa kale oo qabqablayaashu beer dulucsan jireen Qaba’ilka ay hayb ahaan ka soo jeedaan kuwaas oo ay ka heli jireen Maleeshiyada ay u adeegsandaan hawlahooda dagaal.

Dagaal ooghayaasha ayaa waxaa si weyn looga nacay dhamaan gayiga Soomaaliya waxaana kalsoonidii kala laabtay qabaa’ilkii Saldhigga u ahaa oo ay ka qoran jireen dhalinta, ilaa ay gaartay in bulshadu ku dhiirato la dagaalankooda kadib markii ay cadaysteen in ay la dagaalamayaan culimada ayna ku kaceen tilaabooyin ay ku dhoofinayaan dadka Astaamaha diintu ka muuqato kuwaas oo loo taxaabi jiray xabsiyada Itoobiya iyo Saldhigga ciidanka Maraykanku ku leeyahay Jabuuti .

Dagaalkii xilligaas ay Maxkamadaha Islaamiga ah oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed kaga guulaysteen Dagaal oogayaasha waxaa ka curtay daahiro ah in ragaas uu haleelay gablan Siyaasadeed waxaana laga xayuubiyay xilalkii ay u hayeen DKMG ah iyagoo markii hore ka mid ahaa Engineeradii dhagax dhigay aasaaskeeda, waxaana ka soo xirmay albaabo badan oo horay ugu furnaa, hase yeeshee Qabqablayaasha ayaan faylkoodii si guud loo laabin maadaama ay ahaayeen rag ruug cadaa ah oo u soo shaqeeyay Dawladaha shiyeeshe ee ku lug lahaa Deganaansha la’aanta Soomaaliya waxayna baaqi ku ahaayeen xubinidamad DKMG ah inkasta oo badidood laga duway xilalka ilqabadka leh ee dadka u muuqan kara waxayna ku laabnaayeen khaanaddaha kayd-ka ah si marka ay munaasab noqoto loo soo gole joojiyo.

Maalmahanna waxaa muuqanaya in dagaal oogayaashii dib uga soo dhex muuqdeen masraxa siyaasadda, waxaana soo noqotay in codkoodii laga maqlayo warbaahinta,iyo iyaga oo ku howlan inay dib u soo hinqadaan awoodna duntaan, iyaga oo dhinaca saaraya DFKM si aan mar kale bulshadu ugu gadoodin

Ujeedka Dib u hubaynta Dagaal Oogayaasha

Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxay tahay Ujeedada ka danbaysa in xilligan dib loo soo bakhti Afuufto Dagaal oogayaasha?.

Ujeedooyinka dib u soo noolaynta Hogaamiye Kooxeedyada waxaan u kala qaadi karnaa ilaa sadex qayboo oo kala ah:-

Ø Ujeedooyinka ay ka leedahay DKMG ah
Ø Ujeedooyinka ay ka leeyihiin Dalalka Shisheeye iyo Gacmaha Qarsoon
Ø Ujeedooyinka ay ayagu leeyihiin

Haddi aan marka hore ku bilawno Ujeedooyinka ay DKMG ah ka leedahay Dib u soo noolaynta Qabqablayaasha waxaan ku soo koobi karnaa:-

1. DKMG ah waxay hadda u hamuun qabtaa ciidan u dagaalama gaar ahaan maleeshiyooyin u abaabulan qaab Beeleed kuwaas oo isku wata kalarka Dowladda & kan Qabiilka sidaasna kula dagaalama Xoogagga Al-Shabaab iyo Al-Xisbul-Islaami oo caqabad weyn ku ah jiritaan keeda.
2. helitaanka ciidamo Dawladdu yeelato waxayna hogaamiye kooxeedyada u aragtaa il ka mid ah ilaha laga heli karo ciidamo ay yeelato mustaqbalka.

Ø Ujeedooyinka ay ka leeyihiin Dalalka Shisheeye iyo Gacmaha Qarsoon

Ujeedooyinka ay dalalka shisheeye ee sida tooska ah ugu lug leh deganaansha la’aanta Soomaaliya ka leeyihiin dib u hubaynta Qabqablayaasha waxaa ka mid ah:-

1. Sii murginta xaaladda iyo fogaynta ragaadka ku taagan shacabka Soomaaliyeed
2. Fulinta ahdaafta soke iyo tan fog ee ay dalalkaasi ka leeyihiin Soomaaliya ayada oo aysan uga bixin kharash farabadan.
3. Kala qoqobidda dalka iyo luminta rajada shacabka ee ah in ay helaan xasilooni iyo dowlad dhexe.
4. Khatar gelinta madax banaanida dalka
5. Ugaarsiga dadka muhimka u ah bulshada sida culimada, aqoonyahanka, Waxgaradka, iyo dadka kale ee lafdhabarta u ah dalka.
6. sii kobcinta deganaansha la’aanta ka taagan soomaaliya muddo 20 sano kudhawaad ah.

Haddaba si dhabbaha loogu xaaro soo noqoshada Hogaamiyayaashii dagaalka ee sida dhaga nuglaanta ah ugu adeegi jiray Dalalkaas waxay u abuurayaan Suuqgayn shacabka ku dhiiri gelinaysa in ay aqbalaan soo noqoshada dagaal oogayaasha

waxaana ka mid ah wadooyinka ay u marayaan arrintaas:-

1. Baahinta falalka Amni Darrada ah sida Dilka, Duqaynta, Barakicinta Burburinta hantida ilaa shacabku ay xilligii Dagaal oogayaasha u qiraan Beri-samaad ayna tamaniyaan soo noqoshadiisa iyada oo aan la inkiri Karin in xoogagga is haya ee mucaarad iyo muxaafidba leh ay ku lug leeyihiin falalka nocaas ah.
2. Iska horkeenidda Shacabka iyo Islaamiyiinta iyo fool xumeynta suurada ay bulshada ku dhexleeyihiin si dadku u aqbalo in ay dhinaca saaraan hoggaamiye kooxeedka ka soo jeeda beeleohooda.
3. Dib u afuufidda dambaaburada Qabiilka oo ah Degalku ugu weyn ee ay ka soo unkameen Hogaamiye Kooxeedyadu.

Ujeedooyinka ay leeyihiin Hogaamiye Kooxeedyadu

Waxaan qaybihii hore ku soo ogaanay wax ka mid ah ujeedooyinka ay leeyihiin darafyada kale marka waxaa la isweydiin karaa Maxay tahay Ujeedooyinka ay leeyihiin dagaal oogayaashu?:-

Ma waxay rabaan in DKMG ah ay dhidibadda u taagaan, mise waxay kor ka jeeqaaqayaan saldanadii farahooda ka baxday 3 sano kahor oo ay soo noqoshadeeda tamaniyayaan?

Ugu horayn dagaal oogayaasha iyo Asxaabtooda shisheeye ee ay Itoobiya ugu horayso ma doonayaan in ay dawlad Soomaaliyeed cagaheeda isku taagto, xattaa haddii aysan jiri lahayn Xoogagga Islaamiyiinta ee caaboon ayaga ayaa noqon lahaa caqabadda hortaagan DKMG ah, labada dhinacna waa ( DKMG ah & Hogaamiye Kooxeedyada) midba midka kale ayuu doonayaa in uu awrkiisa ku kacsado.

Fikradda Hogaamiye Kooxeedyada ee Dawladnimada waa midii uu horay u shaaciyay Muuse Suudi Yalaxow oo uu ku yiri ” Dowlad ma rabi, Wasiirna ma rabi, ku xigeenna ma rabi, Qashinna ma rabi”

Dagaal oogayaashu sida dhabta ah maaha niman Xukun dawladeed oo qaanuun iyo kala danbayn leh doonaya, ee waa qawlaysato u dhisan qaabka Maafiyada kuna mashquulsan Uruurinta maal xad-dhaaf ah oo ay ka helijireen:-
• Airportiyada
• Dekedaha
• Abuurista iyo dhoofinta daroogada iyo waxyaabaha koontarabaanka ah sida lacagaha been abuurka ah
• Maaliyadda iyo agabyada ay ka soo qataan dalalka danaha ka leh Soomaaliya
• Madax furashada dadka ay afduubaan
• Xoolaha ay ka dhacaan ganacsatada ama hay’adaha
• Lacagaha ay ku soo rogaan Hay’adaha ka shaqeeya goobaha ay ka taliyaan
• Jidgooyooyinka ay ku baadaan dadka iyo gaadiidka safarka ah
• Canshuuraha ay ku soo rogaan deegaanada ay ka taliyaan
• Iyo ilo kale.
Hogaamiye kooxeedyadu waxay hadda u egyihiin Aar dilaa ah oo muddo gaajo la golongolsanaa oo ay hortiisa ka soo muuqatay bidhaan ugaareed kaas oo su’aalaha maskaxdiisa ku soo degdegaya ay yihiin sidii uu mar afweynta uguga dhagi lahaa cawshaas wuxuuna isleeyahay ( Abooyaalow ma adiga oo aan calalin ayaad kuligeed si duuduuban dhuunta u marisaa mise si tartiib ah ayaad u loogataa).

Yaa la Hubaynayaa?

Hogaamiye Kooxeedyadda la hubaynayo waxay isugu jiraan kuwo ka tirsan DKMG ah iyo kuwo Madaxbanaan oo Dagaalo ka wada Qeybo ka mid ah Goboladda Dalka, hadaba inta laga warhayo Hogaamiye Kooxeedyadda la Hubaynayo waxaa ka mid ah:-
1- Barre Hiiraale.
2- Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabo-Geed)
3- Muuse Suudi Yalaxow
4- Maxamed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere)
5- Cabdi-Waal.
6- Axmed Daaci.
7- Cumar Finish.
8- Salaad Cali Jeele
9- Cabdi Qeybdiid
10- Aadan Saransoor iyo Maamulkii Gobolka Bay & Bakool
11- C/kariim Faarax Laqanyo.
12- Aadan Cabdi Ciise Garaaso
13- Iyo maamulkii Gobolka Gedo ee DKMG ah
14- Iyo Maleeshiyada la Magacbaxday Ahlu-sunna ee ka soo shaac baxday gobolka G/guduud.

Cidda Hubeyneysa

Dagaal oogayaasha sidaan horay uga hadalnay waxaa soo noolayntooda dawrka ugu weyn kaga jira Dalalka aabaha iyo hooyadaba u ah deganaansha la’aanta soomaaliya kuwaas oo ay horboodayso Itoobiya iyo dawladda ay wakiilka uga tahay geeska afrika ee Maraykanka.

Hubka iyo saanadaha kale ee milatery waxa dagaal oogayaashii hore iyo kuwa kale ee hadda adeegsanaya Magaca Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca si gacmo furnaan leh u gudoonsiinaya waa Itoobiya waxaana qaybinta iyo ishraafka xubin ka ah DKMG ah oo lafteeda ay xubnaheeda ka mid yihiin Dagaal oogayaashu.

Hindisaha lagu hubaynayo Hogaamiye Kooxeedyada waxaa si weyn ula dhacsan qaybta ugu muhiimsanna ka wada Dawladda Maraykanka iyo ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Hadii aan si kooban uga Jawaabno cidda dib u hubaynaysa Dagaal oogayaasha waxaan dhihi karnaa Itoobiya, Maraykanka, AMISOM iyo DKMG ah waxaana jira dalal kale iyo hay’ado dhinaca maaliyadda uga qaybqaadanaya socodsiinta arrintan ay gabi ahaan shacabka soomaaliyeed u arkaan mid khatar ku ah isla markaana sii murginaysa xaaladda laga tiiraanyoodoee ay ku jiraan.

Goboladda ay ka howl-galayaan

Gobolka Gedo iyo Jubooyinka waxaa ka howl-gala oo Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan si joogta ah uga wada Barre Hiiraale oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya Ciidamo Maleeshiyo Beeleed u badan loogu Tabo baray Magaalooyinka Dooloow iyo luuq ka hor intii aysan Itoobiya ka bixin Gudaha K/Soomaaliya.

Gobolka Gal-gaduud waxaa hadaba Dagaal ka wada oo ka howl-galaya Xubno uu ka mid yahay Cabdi Waal iyo Maleeshiyadda Suufiyadda.

Sidoo kale Goboladda Baay iyo Bakool ayaa waxa Dhaq-dhaqaaq Ciidan ka wada iyaga oo ay dabada ka riixayaan Saraakiil itoobiyaan ah Aadan Saran-soor iyo Maamulkii DKMG ah ugu Qaabilsanaa Goboladda Baay iyo Bakool.

Dhanka Gobolka Banaadir waxaa jira Hoogaamiye Kooxeedyo ay ka mid yihiin Salaad Cali Jeele, Maxamed Dheere, Axmed Daaci, iyo Muuse Suudi Yalaxoow oo Qeyb ka ah Dagaaladda ay iskaga soo horjeedaan Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku Dhinaca ah iyo DKMG ah ee ka socda qeybo ka mid ah Degmooyinka Muqdisho.

Magaca ay ku howl-galayaan.

Hogaamiye Kooxeedyadda Dib loo hubaynayo Waxay ku Howl-galayaan laba magac oo kala ah:-

Qaar ku Howl-galaya Magaca Ehlu Sunnah Wal Jameeca (Suufiyo), waxaana ka mid ah Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo Degmadda Baardheere ka sheegay 6 Jan, 2009 in uu yahay “Ehlu Sunna Wal Jamaica” anaga oo Ehlu Sunnah Wal Jameeca ah, anaga Calankeedii baan soo tolanay Calankeedii baa noo babanaya, Dowlada Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Ehlu Sunnah Wal-Jameecah ayaa na iskugu lifaaqan, Ehlu Sunnah Wal Jameecah ayaana halkan jooga hadda”.

Sidoo kale Magaca Ehlu Sunnah Wal-Jameecah waxaa ku howl-galaya oo iminkaba ku sugan Gobolka Gal-gaduud Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal ) oo ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii la magac baxay “Isbahaysiga Argagixiso la dirirka”.

Qaarka kalana waxay ku Howl-galayaan Magaca Dowladda KMG ah sidda:- Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo 20 May, 2009 ka sheegay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho “Waxaan la shaqeynaynaa DKMG ah haddana iyada ayaa sii Balaaratay oo waxbadan lagu daray ayaan la shaqeynaynaa, iyadaan la xiriirnay gobolka iyo anaga iyagaa iskukaaya xiray DKMG ah oo soomaaliyeed oo Sheekh Shariif Gudoomiyaha u yahay unbaa isku kaaya xirtay, waxaan hadda anagu ku soconaa si Nabad galyo ah ama is-fahan ah, Gobolkana cid naga celinaysa ma laha waa Gobolkii aan ku dhalanay Mas’uuliyiinta aan ka ahayn, Ciidanka aan wadno waa Ciidankii DKMG ah, isla sidii baa loo yahay DKMG ah, hadee Nimankii aan la dagaalanay ee Gobolka Naga saarayna iyagaa fur-fur badan iyo Dhibaato dhex taalaa, cidda aan la shaqeyndoono ama hadda inaan is-fahano doonayno waa intaas DKMG ah”.

Yaa ka hadlay dib u hubeynta Qabqablayaasha?

1. Qabqablayaasha Qaarkood.

Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) Dabageed oo Wata Ciidamo oo isla markaana kuwajahnaa Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay waxa uuna yiri:“Dowlada Soomaaliyeedaan u Shaqeynaa Meeshaan Tageynana waa Baled-Weyne Qofka hada Matagi kartiin Dhahaayana Maalmaha Soo socdaan kusii socdaa hadii Alle idmee Markaasow Matagi kartid ama ma’imaakartid idhihi doontaa wax Dhibaataa oo hada Maamulka Gobolka Hiiraan naga Dhexeeyaa Ma ogi oo aan wada Shaqeyn aheyn”.

Dabageed ayaa sidoo kale Sheegay in uu Hogaaminayo Ciidamo DKMG ah u dhiibatay isla markaana uusan hada Xil kale ka heyn Gobolka Hiiraan waxa uuna yiri: “Anigu hada wax Mas’uuliyad ah oo aan Gobolka Hiiraan ama Dowlada Soomaaliyeed aan ka Sheeganaayo Majirto Gobolka Hiiraan Dowlada Soomaaliyeed baa iisoo Magacawday hadana Dowlada Soomaaliyeed Ciidamo ay howlgalineyso ama ay abuurataan hada Hoogaaminayaa waxayna kow la shaqeynayaan Maamulka Gobolka Hiiraan Maamulka Dowladeed ee ka jira”.

Aadan Garaaso oo kamid ah Hogaamiye kooxeedyada isla markaana ay wada socdaan Yuusuf Dabageed ayaa xaqiijiyay in ay la shaqeynayaan DKMG ah ee uu Hogaaminayo Sheekh Shariif, isaga oo arintaasi xaqiijinayana waxa uu yiri“Waxaan la shaqeynaynaa DKMG ah haddana iyada ayaa sii Balaaratay oo waxbadan lagu daray ayaan la shaqeynaynaa, iyadaan la xiriirnay gobolka iyo anaga iyagaa iskukaaya xiray DKMG ah oo soomaaliyeed oo Sheekh Shariif Gudoomiyaha u yahay unbaa isku kaaya xirtay, waxaan hadda anagu ku soconaa si Nabad galyo ah ama is-fahan ah, Gobolkana cid naga celinaysa ma laha waa Gobolkii aan ku dhalanay Mas’uuliyiinta aan ka ahayn, Ciidanka aan wadno waa Ciidankii DKMG ah, isla sidii baa loo yahay DKMG ah, hadee Nimankii aan la dagaalanay ee Gobolka Naga saarayna iyagaa fur-fur badan iyo Dhibaato dhex taalaa, cidda aan la shaqeyndoono ama hadda inaan is-fahano doonayno waa intaas DKMG ah”.

2. DKMG ah

Wasiirka Warfaafinat u Qaabilsan DKMG ah Farxaan Cali Max’uud ayaa Beeniyay in ay Dowladiisu Dib u hubeyneyso Hogaamiye Kooxeedyadii hore ee Dalka, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Dowladu Cid ay Hub siinayso iyo Cid ay Hubaynayso midna ma jirto intay dooniba ha la ekaatee”.

3. Xisbul Islaam

Gudoomiyaha Xisbul Islaam Dr. Cumar Iimaan Abuubakar ayaa ku eeDeeyey DKMG ah in ay Dib u Hubaynayso Hogaamiye Kooxeedyadii hore oo uu ku tilmaamay in ay asaas u ahaayeen Dhibtii wadanka Soomaaliya ka dhacay.

Isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Nimankaan hadda Dowladda Sheegtay inay Dagaaladaas ka danbeeyaan oo ay iyagu Hurinayaan waad Maqlaysaa Habeen iyo Maalin inay leeyihiin si Deg Deg ah ayaan Wadanka wax uga qabanaynaa Umaddana Amnigoodaan soo afjaraynaa iyaga ayaa dhahaya, marka anagu ku eedeynaynaa Runtii inay Dhibkaa Dhacayo oo dhan ay iyagu ka danbeeyaan Gacmana ay u noqdeen Cadowgaas wadanka doonaya inuu Mashruuciisa ka fuliyo marka waxaanu leenahay Mas’uuliyadeeda iyaga ayaa qaadaya waanu ognahay Meel kasta inay lacag ku faraqayaan Dadkii marna Qabiil u ay adeegsanayaan waxyaalo ka horjeeda Hadafkii laga lahaa iyo Horumarkii Umadda Islaamka ay ka gaartay Walaalnimadii in Dhaawac la gaarsiiyo oo hadda Dib loo celinayo oo Qabaa’il iyo wax la soo dhaafay la abaabulayo, Hogaamiye Kooxeedkii aanu Ogayn ee Wadankaan Dhibka ka dhacay asaas u ahaa in maanta haddana Dib loo Hubaynayo ee la leeyahay waa la howl-galinayaa wax hadee qarsoon ma aha, marka Cidaas baanu leenahay Dhibka Wadanka ka dhacayo Iyadaa ka mas’uul ah”.

4. Al-Shabaab

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sh.Cali Max’ud Raage (Sh.Cali Dheere) oo arinkaa ka hadalya ayaa yiri:”waxaa ku dhaawacmay Dagaaladii Maalmahan ka socday Muqdisho Ninka la yiraahdo Nuur Daqle oo aad ogtihiin Mujaahidiinta inuu Dagaal kula jiro illaa 2006-dii ayaa maanta Dhaawacmay Dhaawaciisana uu yaalo Isbitaalka Ugandheyska taas waxay Daliil u tahay waxa Dagaalka ku jira inay yihiin Ashahaado la dirirkii 2006-dii ay Midowgii la Dagaalan oo Dhiiga Muslimka gadayay hadana waxa ay rabaan ay tahay uun inay Muslimiinta Dib u iibiyaan”.

5. Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye

Waxaa sidoo kale arrintan si kulul u dhaleeceeyay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan Karin isla markaana ku eedeeyay DKMG ah in aysan ku waafaqsanayn tilaabadan ay dib ugu hubaynayso Dagaal oogayaasha.

Afhayeenka dhanka Siyaasada Golaha Dhaqanka Hawiye C/laahi Dheere oo shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada muqdisho ayaa yiri “Waxaa wax laga xumaado ah Nimankii Dowlada ahaa, in hadda ay u laabtaan Barnaamij la yiraahdo Barnaamij Qabiileed iyo Hogaamiye kooxeed arimihiisa u laabtaan, sida aan la socono ayaan dhaweyd inay dhacdey in Beelaha Hawiye beel ka mid ah oo sameystay Maxkamad Islaam ah inay diideen Xukuumada oo ay yiraahdeen Qabiil waa laga baxey, marka hada inay iyagii Qabiilka u laabtaan ayagoo Dowlada magaceeda ku hadlaayo arintaas aadaan uga xunahey”.

C/laaahi dheere oo arrintaas ka sii faaloonaya ayaa yiri “Xildhibaanada Hawiye ee la sheegayo waa kuwii shaley anaga Amxaaro nagu laayay waaye, marka in maanta inta la isugu keeno oo la yiraahdo kaalaya arimaha umada ka hadla, shaley cudurkii la bixiyay hadana in la yiraahdo isagii ayaan soo nooleyneynaa waxaasi wax umadu yeelo karto iyo wax aanu yeeli karno midnaba maahan, waxaan leenahey arintaanu hogaamiye kooxeed iyo dhibaatadii shaley sidii looga baxey waa la ogaa”.

Maxay soo kordhin karaan Hogaamiye Kooxeedyadu?

Ayada oo ay aad u yartahay fursadda masraxa uga banaan soo noqoshada Dagaal oogayaasha isla markaana ifafaalaha hadda muuqda uu tibaaxayo in ay fikradaasu noqotay mid baartay kana gadmi wayday Suuqa, islamarkaana uu hanjab ka soo abbaaray jihooyinkii ku luglahaa abaabulkaas haddana haddii ayba dhacdo suurtagalnimada daahiradaas qaabkii la doonaba haloo dhigee, dagaal oogayaasha ma jirto cid bulshada ka mid ah oo ka filaysa wanaag haba yaraadee in ay ku soo kordhiyaan Dalka Soomaaliya waxaana tusaale noogu filan dhamaan goobihii ay ka talin jireen oo ay dadku leeyihiin Neecaw qaboow ayaa nagu babatay kadib markii uu eebe ka dulqaaday Dagaal oogayaasha marka laga reebo Caasimadda oo shacabkeeda nasiino loo diiday tan iyo markii la eryay ragaas oo wakiillo u ahaa dalalka asalka u ah deganaasha la’aanta soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Itoobiya iyo Maraykanka.

Hogaamiye Kooxeedyadu haddii ay dib u soo noolaadaan ma muuqato inay DFKM wax u tari doonaan dhinaca shacbiyadda maxaa yeelay iyaguba shacbiyad ma laha haddii ay leeyihiinna magan uma noqdeen DFKM ee waxay ula dhaqmi l;ahaayeen sidii ay ula dhaqmeen dolwladdii Kenya lagu soo dhisay ee ka horreysan midda hadda jirta.

Sidoo kale ma muuqato inay ciidan ahaan wax tari karaan DFKM maxaa yeelay ma haystaan wax ka badan ilaaladooda haddiiba ay dhacdo inay malleeshiyo tabcadaanna waxay u badantahay inay ka mid noqon doonaan awoodaha hor istaaga inay hirgasho DFKM ah, waxayna noqon doonaan kuwo halkoodii hore ka sii wada shaqadii ahayd ashahaado la dirirka ee ka fashilantay.

Sidoo kale waxaa cad in dagaal oogayaashu ay wax weyn u dhimayaan sumcadda DFKM ah oo aad ugu baahan inay sharciyad ka kasbato bulshada loona aqoonsado mid tirtiraysa dhibaatadii dadka soo daashatay ee ay qabqablayaashu aabaha u ahaayeen, umana ay baahna in loo arko mid dib u soo celinaysa mashaqadii qabqablayaasha ee laga raystay, maxaa yeelay dadku waxay sugayaan waa dowlad ee ma aha malleeshiyo beeleedyo iyo hoggaamiye kooxeedyo.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

16 Comment(s)

  1. Walaalaha Somalimirror wey ku mahadsan yihiin Dadaalka Dheeriga ah ee ay ugu jiraan sidii ay Soomaalida ugu soo badhigi la haayeen Xaqiiqada Jirata waana Wepka kaliya ee Marwalba Sheega Dhibaatada jirta oo Xaqiiq ah

    Dadaalkiina Allaha Barakeeyee Siiwada oo haka daalina in aad Si wanaagsan u Shaqeynsaa Xilliga ay hurdayaan Dadka Soomaalida ah ee ay Hurdadu la Dheeraatay

    idinka ayaa indho u ah Umadan ee laba jibaara Dadalka aad wadaan Alle Aduun iyo Aakhiroba ha idinka Abaal mariyee.

    Xasan Nasrullah | Jun 19, 2009 | Reply

  2. Wa dowlad aaydadhan qurun miiran ah. Dadad badan waxa maskaxda lagabuuxiyey rayi xuun oo ku aadsan mujahidinta al shabaab iyo walalahooda. Shariif maanta wu kadaranyahay C/lahi yusuf maxa yelay Sh shariif wa doqon ku gambanayo diinta asago maalin cad ah loojedo cida uu saxibo layahay ayu leyahay dowlad islam ah ayan nahay.

    Mahad | Jun 19, 2009 | Reply

  3. oo waa su’aale kuwa maanta dagaalka horkacaya ee dagaalamaya ee diiday dhagahana ka furaystay TALOOYINKII culamadii manhajka & saxwada islaamka keenay wadanaka sida (Sh. Sharif C/Nuur, Sh. Daahir, Sh Cali Warsame, Sh. C/Faruuq, Sh. Umal)

    ee hadana diiday TALOOYINKII Odaashii garabka siinayay markii Amxaaro wadanka haysatay

    walaalayaal kuwaas maxaan ugu yeedhnaa miyaanay ahayn DAGAAL-DIIN-MOODAYAAL

    aan ugu yeedhno cid walaba magaca ay xaqa u leedahay

    karim | Jun 19, 2009 | Reply

  4. asc. walaalayaal waad ku mahadsantihiin diyaarinta warbixintan oo runtii ah warbixin lahelay wakhtigedii sababtooah waa laga arinsan karaa kahortaggeeda (alwiqaayatu khayrun minal cilaaj)
    runtiina ” waa masiibo aasnayd oo afka loobanayyey”(qabqablayaal)ilaahayna waxan kabaryaeynaa inuu KAQABTO UMMADDA intaanay soo gaarin .
    walaalayaal cadowga shisheeyena waa lagu yaqaan inaanu kadaalin ragaadinta ummaddeenna qabqablayaashana “iyagoo horay loo aasay ayuu soo abaabulayaa”wax tii hore kaxunbeylakulmidoonaan inshaaallaah.
    walaalayaal maanta cadowga gumaysiga ah oo guunka ah (itoobiya)wuxu gaaray heer uu jidjidhka u jiifsado oo ay ushaqayyaan dadsoomaaliyeed oon arini sey tahay ogayn diintoodana hada kahor waxka baran illeen diintaa cadowgaaga iyo sxbkaa kula bartee !!.ilaah howga gargaaro ummadda gumaysiga siyaasiga ah.

    maxamed | Jun 19, 2009 | Reply

  5. Khoraafaadkaan mala awaalka u badan intaad noo cilimiyaynaysaan, maxaad marna uga hadli la’dihiin mashruuca dhabta ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam. Muxuu yahay agendahooda ku toosan dawlad iyo calan Soomaaliyeed.

    Matalan hadday labadaas kooxood dalka qabsadaan yey hogaamin? yaa ictiraafin dawlad ay madax ka yihiin. Sidee ayey iskugu keenin shacabka Soomaaliyeed ee gobollada u kala go’ay?

    Haddaad war bixin samaynaysaan wax miisaaman ayaa dadka la soo hordhigaa ee brobagaandada kuwa muqaawimada sheegta luguma ekeeyo dooda.

    Alle Magan | Jun 19, 2009 | Reply

  6. asalamu calekum warax matulahi wabarakaatuh
    insha alaah waxaan ilaah kabaryaayaa inuu ilaah u suurta kaliwayo qabqab layaasha
    insha alaaaah hubka qabqablayaasha lagu hubenayo waxow kacanta ukalayaa mujaahidinta islaamka insha alaah dhamaan qab qab layaalkaasna kacanta aya lagu dhigayaa howlahoda kahor bi idnilahil kariim waa 14howlahodana ale masurta kalinayo insha alaaaah
    nasriga ale xakiisa ayuu jiraa hib iyo qabqablayaal lahubuyo majiro insha alaaaah
    kushuna waxay racesa mujahidiinta
    wabilahi tow fiiq wasalamu calekum waraxmatulah

    seful lah | Jun 19, 2009 | Reply

  7. aaway culumadii tiri shariifka dowladiisa waa dowlad islaam ah sida sheekh shariif a/nuur , sh cumar faaruuq mise ayaa qaldan adinka

    dhagaxtuur | Jun 19, 2009 | Reply

  8. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    waa layaab somalimirror waxa ay ula safanthay argagaxisa oo u diidan dantahay dowladnimo

    dalmar | Jun 19, 2009 | Reply

  9. Somalimirror

    Waad tir tirteen maqaalkeygi, taasna waxey muujineysaa sida aad ugu dadaaleysaan inaad runta qarisaan, waxaadse moogtihiin in runtu ay tahay iftiinka oo kale oo aan sina loo xijaabi karin.

    Waxaa jira quwatul mandiq iyo mandiqul quwah. Waa xooga uu leeyahay waxa mandiqa ama caqli galkaa iyo mandiqa xooga, oo ah in qofka xoog is bidaya uu isticmaalo xoogiisa oo qaawan.

    Hadaba waxaad ogaataan wadaadada dagaalamayow xujo diineed iyo mid caqliya midna ma heysataane, xoog muruq oo dhawaan idin soo galey ayaad mahdiseen. Waxaadse ilowsantihiin xikmadii aheyd: Icmal maa shi,ta yaa ra,iis, low kaanat taduumu li axad maa aalat ileyka.

    Hore uwood umaadan laheyn oo raga aad sheegeysaan ayaa uwooda heysan jirey, taad maanta is bideena ma heysan doontaan oo beribey sidey iyaga uga wareegtey idiinka wareegeysaa. Ilaaheyna wuxuu idinku eegayaa waxa aad ku fasheen markaad uwooda hesheen. Dadka weliba kuwooda cilmiga iyo caqliga usaaxiibkaana waa shuhadaa,ullaahi fil ardi.

    Nush hidullaah inaad ka shar badantihiin oo ay idin dhaameen qab qableyaashii.

    wadaad yare | Jun 19, 2009 | Reply

  10. ahla wa mar xaba .
    waxaan idin leeyahay alaha barakeeyo qoraagii isku hawlay maqaalkan. waana xaqiiq jirtee inta akhrisatay wax haku qaataano ayaan leeyahay.

    hire | Jun 19, 2009 | Reply

  11. Waxaad buun buunisaan xumaanta iyo sharwadayaasha waana leydin kula xisaabtami aduun ama aakhiro

    aaaaaaaaar | Jun 19, 2009 | Reply

  12. asc
    walaalaha maamulka somalimirror waxaan leeyahey bartaa kaga haya oo sidaas oo kale u soo diyaariya warbixino dadka ka farxiya

    oday | Jun 19, 2009 | Reply

  13. KU: SOOMAALIMIRROR

    SOOMALI MIRIREEY WWAXAAN IDIN WAYDIIYAY ADINKA HORTA ALSHABAAB MAA TIHIIN MISE AL-ISLAAM AA TIHHIIN , WAABA IDINKU WAREERAYAA SABABATOO AH INAADAN AHAYN SAXAFI DABCIGIINA AYAY KU CADAHEY…

    HADDIISE AAD TIHIIN SUXIFI DADKA SOOMALIYEED U ADEEGO BAL WAXAAN IDINKAGA FADHINAA IN AAD NOOSOO SHEEGTAAN OO AAD WARBIXINTAN OO KALE KASOO DIYAARISAAN NIMANKA LA YIRAAHDO ALSHABEEBOOS IYO ALXISBUL ISLAAMEDOOS..

    BAL KUWAN IYAGAN CIDA AY U SHAQEEYAAN, CIDA HUBEYSO IYO DANAHA AY U SHQYAAN NOO SOOO QORO FADLAN. HADAY DANO ILLAAHEY U SHAQEYAN SOO SHEGAO DALIILNA KEENA , HADEY DANO SHAQSI U SHAQYAAN SO SHEGA DALIILNA U KEENA HADEY DANO QABIIL U SHAQEEYAAN SOO SHEGA DALLILNA U KEENA,.

    HOGAAMIYE KOOXEED SAWIRKA AAD KA BIXISEEN AAD IYO AAD AYAAN UGA HELAY, LAKIN WAXAAN IDINKAGA FADHIYAA SAWIR INAAD KA BIXISAAN ALSHABEEBOOS IYO XISBUL ISLAANEEDOOS///\\

    Togane | Jun 19, 2009 | Reply

  14. Somalimirror waxey u basaastaa xogta argagixisada waxeyna abaabulaan shabaabka iyagoo kasaacida dhanka hirgelinta waxyaabaha ay rabaan argagixisa iyo u basaasida argagixisada

    yosuf | Jun 19, 2009 | Reply

  15. ASSALAAMU CL WR WB..

    WAXAAN UMALEYNAA IN SOMALIMIRROR INUUSAN AHEYN
    DAD DHEXDHEXAAD AH SABABTOO AH WAXAAD MEESHA UGU TALA GASHEEN INAAD QORAALADA U OGALAATAAN
    WARKA AAD KU FARXSAN TAHIIN KALIYA MARKA ILAAH KAMA CABSANEYSAAN OO HAL DHINAC KALIYA AYAAD KU XIRAN TAHIIN.
    WAXAAN ILAAH UGA BARYAYAA QOLADDA DAGAALKA KAWADDA MAGAALADDA MUQDISHO CIDDI AY DOONTA HA NOQOTEE INUU CIQAAB ADUUN IYO MID AAQIROBO LA KULMIYO IDINKA SIDAAS OO KALE AYAAN IDINKAGGA BARYAYAA ..AAMIIN
    SABABTOO AH ANIGA MARKAAN QORAALKA HALKAA KUSOO QOREYAY MA AANAN UGU SOO QOREEYN INAAN QOLO DIFAACAYO LAAKIIN WAXAAN CABSI U QABAY UMUDDA MUSLINKA EE SOOMALIDDA MAATADDA AH OO 20 SANO DAGAAL JAHLI KUSOCDO LAAKIIN IDINKA XUMAATO AYAAD U ARAGTEEN SAAS LA ADLIGEED WAANA KA TIRTIRTEEN TAANA WALIGEEY IDINKA CAFIN MAYO MAANTA AYAANA IIGU DAMBEYSA WEBSITKIINA ..

    ASSALAAMU CL WR WB..

    NABADRAADIS | Jun 19, 2009 | Reply

  16. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    waa layaab somalimirror waxa ay ula safanthay argagaxisa oo u diidan dantahay dowladnimo

    dalmar | Jun 19, 2009 | Reply

    ayuub khaan | Jun 20, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo