Midowga Yurub oo si kulul u Canbaareeyay Qaraxii lagu Dilay Cumar Xaashi & Saraakiil kale.

Madaxa Siyaasada iyo Amaanka ee Midowga Yurub Javier Solana ayaa Shalay Si kulul u Canbaareeyay Falkii Is-Qarxinta ahaa ee lagu Dilay isaga, lanqanyo iyo Saraakiil kale oo ku sugnaa Hotel Madiina ee Magaaladda Baladweyne.

Solana ayaa ku sheegay Warsaxaafadeed uu siiyay Warfidiyeenadda “waxaan Cabirayaa inaan la wadaago Dhinacyadda iyo Hay’adaha Soomaaliya dhibkii ku dhacay, Habdhaqankani argagixisadda ah waa mid si weyn loo qorsheeyay loogana danleeyahay in lagu kala jabiyo Midnimadda Shacabka Soomaaliyeed”.

Javier Solana ayaa ugu Baaqey Dhamaan Dhinacyadda Soomaaliya iyo kuwa Gobolka in ay Hanbtaan naftooda kana shaqeeyaa Degenaanshaha Soomaaliya.

Qaraxa oo dhacay 11:10 Barqanimo ayaa Sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan oo xog-ogaal ah waxaa ku geeriyooday Saraakiil ilaa 4 gaaraysa oo itoobiyaan ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Nin lagu Magacaabo Nadiir Aadan oo dhulka la gumaysto ee S/Galbed ka soo qabtay xilal kala duwan gaar ahaan Gudoomiyaha Degmada Godey iyo madaxa Amniga Gobolka Nogob waxaana la sheegay in uu hadda ahaa Isku dubaridaha arrimaha Sirdoonka Itoobiya ee Soomaaliya wuxuuna xilliyadan danbe la socday Cumar Xaashi, waxaa kale oo saraakiishan ka mid ah Taliyihii Milatery-ga FeerFeer.

Waxaan sidoo kale Qaraxan ka badbaadin dad badan oo xilligaas la joogay ama ka agdhawaa Cumar Xaashi Aadan Waxaana ka mid ah ilaa 8 Odayaal dhaqameedyo ah kuwaas oo caan ka ahaa magaalada B/weyne, waxaana dadka geeriyooday ka mid ah 2 nin oo la dhalatay Wasiirka oo mid ka mid ah uu ahaa darawalkiisa, iyo Wiil uu dhalay waxaana la sheegay in xilligaas ay u sii socdeen Xaflad meher oo Wiilkiisu lahaa.

Waxaa Qaraxan si kulul u cabaareeyay Dawladda Maraykanka Safaaradeeda Nairobi, Q.M gaar ahaan Wakiilkeeda Soomaaliya Axmadu Weled Cabdalla, Jaamacadda Carabta gaar ahaan xoghayaheeda Caamir Muusaa, Midowga Yurub gaar ahaan Madaxa Amaanka iyo Siyaasadda ee Javier Solana,DKMG ah gaar ahaan Sharif Sh. Axmed, Cumar C/rashiid, Maamulka Dawladda ee Hiiraan iyo Afhayeenkii hore ee MMI C/raxiin Ciise Cadow oo ku sugan Nairobi.



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

5 Comment(s)

  1. ree galbeedku waa caadkood inay ka shaqeeyaan munaafaqad,isku dir,kharibaad, iska horkeen , abuurid nac iyo colaad,daneysi,muslim nacayb,wax kale ay oo ay u qaylinayaan ma jiro oo aan ka ahayn in soomaalidu is dagaasho, waxay iska dhigayaan dad soomaali wax la raba ama dowladino la raba,soomaaliya qaranimadeedii dadkii dumiyey soo ma aha, hadana duulaan ku ah in ay isasii raaciyaan wax ama dumiyaa ama lna nacsiyaan islaamnimada.

    oday | Jun 19, 2009 | Reply

  2. Waxaa iska soo dabadhacaya baroor diiqda Gaaladu u soo dirayaan ninkii qolada dawladda sheegata ay ugu yeeri jireen wasiirkii Amniga Qaranka laakiin soomaalida inta badan hada ay u taqaanay wasiirkii Amaan darada & hurinta qabyaalada beelaha soomaaliyeed dhexdooda maantase god la galay wixii uu walaaqayay sababteed waxaa dhab ah nin kasta oo isku daya inuu hagar daameeyo shacabkaan muslimkaa ee soomaaliyeed inuu meel xun ku danbeeyn doono oo aduunka lagula xisaabtami doono maalin ay noqotaba ama aakhiro ilaahay kula xisaabtami doono camalkiisii.
    Waxaa wax laga xumaado ah xataa inaysan soo hadal qaadin shacabkii ay Amisom ku gumaadeen magaalada Muqdisho taasina waxay cadeynaysaa inaysan wax dan ah ka lahayn somaliya marka laga reebo dadka danahooda gaarkaa uga shaqaynaya waana mida ay ugu tacsinaynayaan.

    Yaab & fajac | Jun 19, 2009 | Reply

  3. waa iwareeriyeen dadkaan
    alshabaab wuxuu leeyahay gaalo ayaan kujihaadaa,
    dowladu waxey leedahay khawaarij ayaan kujihaadaa,
    shacabka qaar waxey leeyihiin ninkii cumar xaashi iskuqarxiyay ilaahey ha`unaxariisto,
    kuwa kalane waxey leeyihiin cumar xaashi naftirkiisa allaha unaxariisto,
    naxariistane ilaah uunbaa haayo,
    hdii soomaali gacanta laga galilahaane waxey kudagaali lahaayeen mu camar baan siinaa mase kan isqarxiyay,
    waxaaba intaa iigasii daran:
    nin alshabaab uhadlay aniga magiciisa ma`aqaanee wuxuu yiri dilka cumar xaashi waxaan ugu aareynay shacabka ey AMISOM xasuuqday,
    waxaad moodaa in ninkani sidan uhadlaya eynaba maskaxdiisa kujirin su`aal shacabka isweydiinkaro oo ah:
    shacabka mawaxaa loogu aarayaa shacab kale?
    hadiise ayagu shacabka xamar u aarayeen, shacabka baladweynana yaa u aarayo?

    cumar | Jun 19, 2009 | Reply

  4. asc wrt wbt
    fidno soo socota in laga hordago ayaa fiican, ninkan hada dhintay, wuxuu hurinayey fidno hore leh,wuxuu ku baaqayey in dagaal dheer uu lagalo alshabaab iyo xisbul islam,oo uu dagaal ka bilaabo gobolo badan isagoo kaalmo ka helaya cadowga soomaaliyeed,mareykanka,kenya,ethiopia ,iyo au,europe,etc- sida gobolada dhexe, hiiraan, bay, bakool, jubada dhexe iyo jubada hoose,oo ay dhamaan ku sugan yihiin ururadan,goboladan dhamaantood waa nabad , wax dhibaato ah kama jirto,hadaba umada maslaxo ayey u tahay in nikaas iyo kuwa ku fikirka ah eebbe ka qabto umada,waxaana eebbe ka baryaynaa inuu na waafajiyo xaqa , kuwa dhibka wada ee gaalada u adeegayana naga qabto.
    aamiiin aaamiin

    oday | Jun 19, 2009 | Reply

  5. asc sxb ninkan wax uu beertay ayuun buuu goostay isaga yaa ka shaqaynayay dagaal hurin iyo dhibbato cusub oo dalka iyo dadkaba u soo jiidaaaayo maarkaa waxaanu leenahay ilaahii naka dhaafiyay ayaa mahad leh intaad dalkam galin lahayd marxalad cusub oo dagaal ah waxaan ilahayna ka baryaynaa ij uu naga qabto gaalada iyi daba dhilifkooda aamiin aamiin alaahuma aamiin

    sayaaf | Jun 19, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo