Maamulka S/land Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Eritrea.

Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey  hadal ka soo yeedhay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Dalka Eritrea 15-kii bishan June, oo lagaga hadlayey  siyaasada  S/land ee ku wajahan Gobolka.

War-saxaafadeed  uu amuurahaas kasoo saaray  Wasiirul Dawladaha Arrimaha Dibada  ee Maamulka S/land Siciid Maxamed Nuur ayaa jawaab kulul ka  bixiyey  hadalkaasi,  waxaanu dawlada Eritrea ku tilmaamay mid dhaqankeedu ka dhex saaray wadamada Gobolka iyo kuwa caalamkaba oo kaligii taliye haysto.

wuxuu kaloo sheegay  Eritrea iney  Kow Ka Tahay Qas Abuurida  Geeska Afrika iyo mandiqadaba iyo inay Ceel ku Ridayso  Nabada iyo Xasiloonida Gobolka.

War-saxaafadeedkaasina wuxuu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:-

“Waxa Ummadda u liita qofka dabeecadiisu dadka oo dhan ka dhex saarto, Eritrea waxay la mid tahay qofka ay maahmaahdaasi ku soo baxday oo kale ah.waxay mandaqada ka tahay tuke baal-cad oo qas iyo faro gelin mooyaane aan wax kale ku hawlanayn.

Waxa la wada ogsoon yahay dhibaatada ay ku hayso Itoobiya. Waxaan qarsoonayn handadaadda iyo cadaawadda ay ku hayso xukuumada Jabuuti. Waxaan qarsoonayn Xiq-digga iyo xaasidnimadda ay u hayso Somaliland oo ay kula colowday daris- wanaagnimadda ay kula dhaqanto jaarkeedda awgeed.

Eritrea haddii ay hagaagsan tahay oo ay masuuliyadi ku jirto ma dhacdeen inay waxba iskula hadhi waydo, ha noqoto mid darisnimo, mid goboleed iyo mid caalamiba.siyaasada ay ku dhaqmaysaa waa waxba dhawran mayno, waa go’aan keligii taliye ah oo aan dan iyo muraad-toona ka lahayn maslaxaada shacbigiisa.

Eritrea waxay kow ka tahay qas abuurida iyo inay ceel ku rido nabada iyo xasiloonidaGobolka. Somaliland waa xukuumad Dimuqraadi ah oo ka tashatay madax-banaanideeda mana jirto cid ay u daba fadhiisanaysaa xorioyadeeda, mana jirto cid ay haybaddaysanayso, iyadaana danteeda taqaan halkay ku jirto ummana baahna cid u tilmaanta Somaliland waxa ka wada raali ah gobolka oo dhan oo aanay ku jirin shar wadeyaashu.

Somaliland iyo inta aad meelo kale ku mashquulsan tihiin, waxa haboon inaad eegtaan gudahiina iyo wixii dantiinu tahay oo ah inaad u dhaqantaan sidii dal xor ah oo madax banaan.”

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

7 Comment(s)

  1. waligood waxa ay dhahaan itoobiya ayey qasee ,afka ugu hareeya itoobiya ayaa lagu difaacaa
    xataa ayaga isisoo hormarimaayaan,marka hore itoobiyaa ,marka labaad anaga wasaq qaligiin banaani maheleeysiin mana madax baanidiin oo itoobiya ayaa ini xukunto ayaga ayaad ushaqeysiin
    kuligiin waxa aad tihiin taayeero iyo daba dhilif itoobiya
    insha alaahu itoobiya waa jabi rabtaa adinkuna waad kusoo xigtaan

    caaqil | Jun 19, 2009 | Reply

  2. Caaqil,

    Walaahi si fiican baad u dhigtay. Bilaa calayk bal u fiirso hadaladan ku qornaa warsaxaafadeedka: ”Waxa la wada ogsoon yahay dhibaatada ay ku hayso Itoobiya”.
    Waxaan layaabanahay waxa karaamadda ka qaaday – subxaanallaah. Ila xadkaa in aad isku bahdisho waa ”Asfala saafiliin”.
    Waxaan Allah uga baryayaa inuu xaqa tuso iyo karaamadda uu siiyey ee ay hadh cad iska qaadeen AAAMIIIN.

    Manexe | Jun 19, 2009 | Reply

  3. caaqil ayaad sheeganaysaa sidaasna waad u hadlaysaa, walahi inaan wax caqli ahi kugu jirin xawayaan oo kele ayaad tahay waar dalkaaga dhiso oo somaliland iyo itoobiya iska iloow markaas hadal,lakin adiga oo labadoodaba ka hooseeya ha aflagaadeeyn dadka wadamadooda dhistay

    abdi kadir | Jun 19, 2009 | Reply

  4. Caaqil, amiin.

    Nin Rag ah | Jun 19, 2009 | Reply

  5. warkan kasoo yeedhay jamhuuriyada dimuqraadiga aha ee somaliland runtii waa mid lagu diirsado waana mid muhiim u ah in laga hadlo oo xataa loo baahanyahay in markasta la muujiyo dhibaatada iyo xasilooni darrada ay erateria ka wado gobolka gaar ahaan xaasidnimada ay u hayso dawladaha afsoomaaliga ku hadla sida somalia somaliland iyo jabuuti oo xataa ay si cad u qasto amaanka iyo xasilaoonida somalia oo ay hubayso mucaaradka ku kacsan dawlaada xalaasha ah ee sheekh shariif oo ay rabto in ay ethopia iyo somalia isku jeediso ayana ay isku hawsho sidii jabuuti iyo meelo kale ay qas iyo qalaanqal uga bilaabi lahayd
    mida kale waxaan ka codsanayaa si naxariis iyo talo ku jirto maamulka iyo shaqaalaha bogga wararka ee somali mirror oo aha runtii mid aan aad u xiiseeyo una aqristo in ay isticmaasho marka ay somaliland ka hadlyso jamhuuriyada somaliland ee aanay isticmaalin maamulka somaliland waayo saxaafadu cid waliba waxay sheegato ayay ku sheegtaa sida alshabaab oo la ogyahay dhibaatada ay wadanka ku hayaan aad u tidhaahdaan xarakatu shabaab al mujaahidiin waayo iyagaa la baxay waa ku saxsantiin ee sidaas oo kale somaliland u sheega jamhuuriyada somaliland

    aadan daahir cabdilaahi (adan cadde) | Jun 19, 2009 | Reply

  6. to caaqil xume
    caaqil matihid waxaad caaqil xumee ummad iska dhan lama aflagaadeeyo,mana ahan dhaqan islaam iyo soomaalinimo midna,afkaaga xishoodka iyo akhlaada bar,hadaad diido ku hadal waxaad doonto,waxxaad ka mid tahay shayaadiintee

    waar hoow akhlaaqdaa u tudho,ilaahayna ka cabso

    maxamuud cali macallin | Jun 20, 2009 | Reply

  7. assalamu calleykum

    bacda salaam
    Allah dhammaanteen sida xaqa ah ha ina waafajiyo, Allah waxaan waydiisanaynaa dhammaan Umadaha Islaamka ah in uu sharaftooda iyo karaamadooda kor-yeello.

    midda kale,qofka muslimka ah waxa wanaagsan in uu hab-dhaqan muslim ku socdo,ku hadlo kuna ficiltamo,maaha mujtmac dhan oo malaayiin ah in lagu sheego kuwo gaalo daba-dhilif u wada ah ama in la wada habaaro sida waad burburaysaan iwm. xaasidnimo iyo xumaan islaamnimada ka fog ayayna u muuqataa dhaqanka noocaas ah,qof isagii qaawan oo hadana dad maryo xidhan caayay waa yaab runtii,mida kale anigu somaliland ayaan u dhashay waana ka soo horjeedaa Ethiopia waliba cadaw xun ayaan u arkaa,sidoo kale in ay soomaali oo dhan tashato oo wanaag isku kaashato waa hamigayga koowaad,laakiin waxaan aad u nacaa hadalada inta badan meelahan oo kale ay ku soo qoraan wax-ma-garatada reer koonfureedka sheegata ee cayda iyo habaarka oo la soo taagan,waar hadaad sharaf leedihiin wadankiina hagaajista iskuna keen keena idinkoo xor ah oo xalaal ah intaad aniga i habaaraysana ogow Allah xaq ma-mooga waana ku arkaa waxna kuu hagaagi maayaan hadaanad xiqdiga iyo xaasidnimada ka tagin,maatadii aad xamar ka soo barakiciseen ayaa Hargeisa,burco,booramaha iyo meel kasta jooga oo sharaf iyo nabad ku jooga oo walaalahood la jooga markaad habaaraysid dadka muslimka ah dhamaantood ogow adiga ayuun buu habaarku ku haystaaye.
    wsc.wr.wb

    Ibnu Muxumed | Jun 20, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo