Xoghayaha Jaamacadda Carabta Caamir Muusaa ayaa Canbaareeyay Qaraxii lagu dilay u qaabilsanihii DKMG ah Wasiirka Amniga Cumar Xaashi Aadan iyo Tiro Saraakiil ah oo ka tirsan DKMG ah wuxuuna ku Baaqey in la joojiyo Dhamaan Dagaaladda ka socda Soomaaliya.
Bayaan uu soo saaray Caamir Shalay oo Khamiis ahayd ka dib markii uu Qaraxaasi dhacay ayuu ku Baaqey in la joojiyo nooc kasto oo dhibaato ah isla markaana Fursad loo siiyo sidii dib loogu soo celin lahaa Degenaanshihii Wadanka.
Sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan oo xog-ogaal ah waxaa qaraxan ku geeriyooday Saraakiil ilaa 4 gaaraysa oo itoobiyaan ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Nin lagu Magacaabo Nadiir Aadan oo dhulka la gumaysto ee S/Galbed ka soo qabtay xilal kala duwan gaar ahaan Gudoomiyaha Degmada Godey iyo madaxa Amniga Gobolka Nogob waxaana la sheegay in uu hadda ahaa Isku dubaridaha arrimaha Sirdoonka Itoobiya ee Soomaaliya wuxuuna xilliyadan danbe la socday Cumar Xaashi, waxaa kale oo saraakiishan ka mid ah Taliyihii Milatery-ga FeerFeer.
Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu soo dhaqaaqay xilli ay Mas’uuliyiinta ka soo baxeen Gudaha Hotelka ayna isu diyarinayeen in ay fuulaan Gaadiidka waxaana gaarigu ku dhacay Gaariga Cumar Xaashi qadar ilbiriqsiyo ah kadibna waxaa dhacay qaraxan oo ay inta badan ku dhinteen dadkii goobta ku sugnaa oo u badnaa ilaaladii iyo dadkii kale ee Weheliyay Wasiirka, waxaana la sheegay in uu gubtay jirka Cumar Xaashi halka meel aad u fog laga soo qaaday Laqano waxaana jira dad googo’ay oo hilbahoodu isku darmeen, waxaa sidoo kale qaraxan dhaawac halis ah ka soo gaaray Madaxii Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Inji.
Waxaa Qaraxan lagu khaaraiyay Col. Cumar Xaashi Aadan si kulul u cabaareeyay Dawladda Maraykanka Safaaradeeda Nairobi, Q.M gaar ahaan Wakiilkeeda Soomaaliya Axmadu Weled Cabdalla, DKMG ah gaar ahaan Sharif Sh. Axmed, Cumar C/rashiid, Maamulka Dawladda ee Hiiraan iyo Afhayeenkii hore ee MMI C/raxiin Ciise Cadow oo ku sugan Nairobi, waxaana falkan Mas’uuliyadiisa Sheegtay Dhaqdhaqaaqa Alshabaab Al-Mjaahidiin.
Dilka Xubnahan ayaa Dhabar jab weyn ku ah Dhaq-dhaqaaqii ay DKMG ah ka waday qeybo ka mid ah Goboladda Soomaaliya.

Related posts: