Shil Gaadhi oo geystey Khasaare Badan oo ka dhacay Duleedka Berbera

Published on June 15, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Berbera HospitalUgu yaraan 2 Qof ayaa ku dhintay, 18 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii gaadhi kuwa xamuulka qaada oo noociisu yahay Dhayne shalay ku qallibmay duleedka magaalada Berbera.  

Baabuurkan oo ka yimi tuulooyinka dhinaca Bari ka xiga magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, isla markaana siday dad ka badan labaatan qof oo badankoodu safar ka yimi dhinaca miyiga ahaa, ayaa ku rogmaday duleedka bari ee magaalada, agagaarka Madaarka Berbera, waxaana halkaas markiiba ku dhintay mid ka mid ah rakaabkii la socday, iyadoo 19 kalena ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaar ka mid ah dhaawacoodu halis yahay.  

Dadkii ku dhaawacmay shilkaas ayaa markiiba loola cararay Cusbtitaalka Guud ee magaalada Berbera, halkaas oo lagu daweynayo, balse mid ka mid ah dhaawacaas ayaa xalay geeriyooday.  

Lama garanayo sababta keentay shilkaas khasaaraha ba’an dhaliyey, laakiin waxa la sheegay in ciidammada waddooyinku ku hawlan yihiin baadhista arrintaas.

Gadoonka gaadiidka xamuulka qaada ee ka dhex adeega gobollada iyo degmooyinka Maamulka Somaliland, ayaa beryahan dambe sii kordha, kuwaas oo khasaare badan oo naf iyo maalba leh ka dhasho.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shil Gaadhi oo ka dhacay Deegaanka Jaamacada ee duleedka Magaalada Muqdisho
  2. Dagaal khasaare badan geystey oo ka dhacey M/Muqdisho.
  3. Shil Khasaare geystey oo ka dhacey Deegaanka C/Biyaha.
  4. Shil Dhimasho & Dhaawac geystey oo ka dhacey Duleedka Deg. Matabaan
  5. Qarax khasaare badan geystey oo ka dhacey Deg. Baardheere.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shil Gaadhi oo ka dhacay Deegaanka Jaamacada ee duleedka Magaalada Muqdisho
  2. Dagaal khasaare badan geystey oo ka dhacey M/Muqdisho.
  3. Shil Khasaare geystey oo ka dhacey Deegaanka C/Biyaha.
  4. Shil Dhimasho & Dhaawac geystey oo ka dhacey Duleedka Deg. Matabaan
  5. Qarax khasaare badan geystey oo ka dhacey Deg. Baardheere.

Latest Headlines