Prof. Dalxa oo aanu ka Wareysaney Sababaha keenay Baaqashada Fadhigii Maanta ee Baarlamaanka.

Published on June 15, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

DalxaMaanta waxaa lagu wadey Baarlamaanka KMG ah inuu fadhi yeesho sidii uu horey Saxaafada uga shaaciyay Afhayeenka Baarmaanka Aadan Madoobe, balse dib ayuu u dhacey, waxaana jira sababo kale duwan oo Hogaanka Baarlamaanku dibu dhaca fadhiga u sababeeyay

 

 Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo Shabakada Somalimirror la xariirtay ayaa dibu dhaca fadhigii Maanta ee Baarlamaanka ku sheegay inaanu aheyn mid rasmi ah oo horey loo shaaciyay fadhigu balse uu yahey mid hor u dhac u ah fadhiyada xiga ee rasmiga ah laguna ogeysiinayay Xubnaha Baarlamaanka inay isu diyaariyaan laguna kala warqaato.

 

Prof. Dalxa oo ugu horeyn aanu wax ka weydiinay sababta keentay baaqashada fadhigii Maaanta dibu dhaco waxa uu ku jawaabay sidatan:“Horta Marka hore waxaad moodaa arintaan bari dhaweed markii uu Gudoomiyaha uu Iclaaminaayey in Shirku uu dhicidoono 15-ka wixii ka danbeeyo ee laxiriirtay in ay soo galaan Xildhibaanada badi oo hada Fasax iyo shaqo kumaqan intaba ay ahaayeen ayaa waxaad moodaa in loo fasirtay 15-ka ayuu Dhacayaa kulanka in layiri oo kale, balse arintu saasmaaheyne waxay aheyd in laga bilaabo waxa ka danbeeyo 15-ka lagabilaabo in uu Caadiyan Baarlamaanka Kalfadhiyadiisii ay bilaaban Doonaan marka sidaasi aawadeed ayaa loogu baaqay in ay soo wada galaan dhamaan Xildhibaanada  inta haatan ka maqan Xarunta”.

 

Ajandaha ugu horeeya ee Baarlamaanka hor yaala xilliga ugu horeeya uu fadhiisanayo mar aanu wax ka weydiinayna waxa uu ku jawaabay:“Shaqooyinka Caadiga ah ee Baarlamaanka uu wada inta badan waxaa Faraha kula jiray Gudiyadoodii, laakin ajandihii Yiilay ee ahaa dhinaca Badda Xageeda oo isna aad iyo aad hadal heyntiisa u badneyd ayaa ajandaha la doonayo marka Xildhibaanada ladajiyo imaanayaa”.

 

Baaqashada fadhigii Maanta ee Baarlamaanka in looga gol lahaa daboolida ka hadalka heshiiskii is afgarad ee xagga Badda ee dhex marey DKMG ah & Kenya, mar aanu weydiineyna waxa uu ka yidhi:“Baarlamaanka ayey ka timid Mooshinka Xildhibaanaa keenay hadii Baarlamaanka uusan rabin in uu ka Hadlo lama keeneen Mooshin markaa Dadkii hadalka saas u yiri iyaga unbey ku kooban tahay Baarlamaanka isaga oo ka turjumayo Dareenka Shacabka in uu  iyaga Qanciyo ayuu Baarlamaanku arintaa u keenay , insha Allah waxa rajeyneynaa dhawaan wax Dalka, Dadka iyo Umada Soomaaliyeed Qancinkaro oo shaki bixi karo in ay ka soo baxaan kulankaasi ugu horeeya ee looga hadli doono arintaasi”.

 

Aragtida Baarlamaanka ee ku aadan Heshiiska Badda mar sidoo kale aanu wax ka weydiineyna waxa uu ka yidhi:“Hada anagu Baarlamaan manihin Baarlamaanku waa midka hada ay horyaalaan Ajandaha in laga hadlana loo balan sanyahay marka mar hadii Baarlamaanku Diyaar u yahay in uu ka hadlo waxa aan aniga hada si gooni ah aan u sameeyo waxba soo kordhin meyso laakiin Go’aankii Rasmiga ahaa ee Sharciga ahaa oo in lagu dhaqmo kabacdi ay noqon doonto ayaa waxa uu noqon doonaa kan hada loo balan san yahay markaa in aad ka warsugtaan baan Cosan lahaa Shacbigana kaas ayuu noqon doonaa midka ay ku kala baxaan”.

 

Xilliga xigga ee Baarlamaanku fadhi yeelanayo mar aanu wax ka weydiinay waxa uu sheegay in dib ka soo sheegayaan balse aanu jirin hadda xilli u go’an.

 

Waxa uu sidoo kale ka Hadley Xaalada Amaan ee fadhiyada Baarlamaanka, wuxuuna sheegay arintaa inay ula siman yihiin shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale Cismaan Cilmi Boqore oo ah Godoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo la Hadley Somalitalk ayaa sheegay in fadhigii Maanta ee Baarlamaanku u baaqdey koronto la’aan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Fadhigii Baarlamaanka KMG ah oo dib u dhacay.
  2. Fadhigii Maanta ee Baarlamaanka KMG ah oo la duqeeyay.
  3. Dalxa oo ka Hadley Fadhiga Baarlamaanka & weerarada lala beegsado.
  4. Dr Axmed X C/raxmaan oo aanu ka wareysaney Kulankii Xisbiga ay la qaateen.
  5. Golaha Baarlamaanka KMG ah oo Maanta lagu wado inuu Fadhi Yeesho

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Fadhigii Baarlamaanka KMG ah oo dib u dhacay.
  2. Fadhigii Maanta ee Baarlamaanka KMG ah oo la duqeeyay.
  3. Dalxa oo ka Hadley Fadhiga Baarlamaanka & weerarada lala beegsado.
  4. Dr Axmed X C/raxmaan oo aanu ka wareysaney Kulankii Xisbiga ay la qaateen.
  5. Golaha Baarlamaanka KMG ah oo Maanta lagu wado inuu Fadhi Yeesho

Latest Headlines