E.U oo Xilliga u Kordhisay Ciidamada Biyaha Soomaaliya ka jooga

Published on June 15, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

European UnionMidowga Yurub ayaa Maanta oo Isniin ah isku raacey in Ciidamada Badda ee ka jooga Biyaha Soomaaliya Xilliga halkaas ay sii joogayaan loo kordhiyo waxa uuna ka dhigay ilaa dhamaadka Sanadka danbe.

Inta ay lagu guda jiro xilliga cusub ee loo kordhiyay waxaa laga yabaa inay howlahooda ka baahiyaan sida ay hadda yihiin ayna tagaan goobo cusub.

Kulanka arintan lagu go’aamiyay oo ka dhacey Luxembourg ayaa sidoo kale Midowga Yurub isla gaaray inay ku howl galaan Magaca Atlanta,kaas oo ka dhigaya inay ka howl galaan goobo cusub.

Wakhtiga cusub oo ku eeg dhamaadka sanadka 2010 ayaa waxaa ka qeyb gelaya 12 Maraakiibta Dagaalka & Dhowr Diyaaradood oo caawinaya.

Waxa uu go’aankaas ku soo aadaya xilli ay jiraan hadda 12 Dal oo ciidamo kaga sugan yihiin Biyaha Soomaaliya kuwaas oo sheegta inay ka dhan yihiin falalka Burcad Badeeda.

Dhanka kale isbuucii tegay Ururka NATO oo ciidamo uu horkacayo Biyaha Soomaaliya ka joogaan ayaa isla gaarey qaraaro looga hortegayo falalka Burcad Badeeda.

Tan iyo markii cududa Military ee intaa leeg soo galeen Biyaha Soomaaliya kuwaas oo sheegayana inay u joogaan la dagaalka Burcad Badeeda ma jirto wax natiijo ah oo arintaa ilaa iyo hadda ka gaareen. Halka horumar muuqda laga gaarey dadaalo kale duwan oo si wada jir ah u qaadeen dadka deegaanada Burcad Badeedu ka jirto & Culimada.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. AU oo Xilliga u kordhisay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
  2. Jarmalka oo Ciidamo Biyaha Soomaaliya u soo diraya.
  3. Iran oo 2 Markab Dagaal Biyaha Soomaaliya u soo direysa.
  4. Ciidamada EU-da ee ku sugan Biyaha Soomaaliya oo Diyaarado Dagaal dalbadey
  5. India oo Ciidamo dheeraad ah u soo direysa Biyaha Soomaaliya

Readers Comments (1)

  1. nazir says:

    in xebehana malina sun lagu shubo malin la kordhisto xiliga sunta anaga isu kenay qasatan kuwa hada siyasada isku haysata e ka dhaman la dagalka mugdisho iyo gobolada dowladii noo dodi laheydna kuwaa ku hayo galo…. hohey somalay hurudoy cadaw ku heryee hurudooy hama lagu shubaa xebahagii horudooy




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. AU oo Xilliga u kordhisay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
  2. Jarmalka oo Ciidamo Biyaha Soomaaliya u soo diraya.
  3. Iran oo 2 Markab Dagaal Biyaha Soomaaliya u soo direysa.
  4. Ciidamada EU-da ee ku sugan Biyaha Soomaaliya oo Diyaarado Dagaal dalbadey
  5. India oo Ciidamo dheeraad ah u soo direysa Biyaha Soomaaliya

Latest Headlines