Muqaawamadda Falastiin ayaa saaka Miino ku Qarxiyay gaari“Jiib” ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Yuhuuda Bariga Magaaladda Khaanyuunis, waxaana Xigay Qaraxaasi Duqeyn ay Yuhuudu u geysatay Dhul Beereed ku yaala labada magaalo ee Qarara iyo Abassan taas oo keentay dhimashadda 2 Qof.
Qof goob jooge ah ayaa yiri “2 Muqaawamo ayaa ku Qarxiyay Miinadda markii ay Jiibtu maraysay meel u dhaw Afaafka hore ee Al-Sariix, ka dib waxaa xigay inay Ciidamo xoogjin ah yimaadaan, waxayna Duqeyn culus u geystayn magaalooyinka Qarara iyo Abassan ee Cusub”.
Dhanka kale Ciidanka Cirka Yuhuuda ayaa Duqeeyay Xuduuda u dhaxeeya Qazza iyo Masar, waxayna Yuhuudu ku andacoonaysaa inay Halkaasi ku yaalaan Godad loo adeegsado soo galinta Hubka gudaha Magaalada Qazza.
Afahayeenad u hadashay Yuhuuda ayaa xaqiijisay inay ku qaadeen Koonfurta Qazza labo weerar oo Duqeyn ah, waxayna Dhakhaatiirta Falastiin qaarkood sheegayaan in 4 Falastiini ah ay ku dhaawacmeen labadaasi Duqeyn ee ka dhacay meel u dhaw Xuduuda Masar.

Related posts: