M.Afrika “DKMG ah way sii Sakaraadaysaa mana haysato Fursad ay ku guuleysato”

Jariiradda “Daral Al-Hayat” ee ka soo baxda Dalka Sacuudi Carabiya ayaa Arbacadii la soo dhaafay ee ay Taariikhud ku beegnayd 10 June 2009 soo daabacday Warbixin sir ah oo ay ka heshay Midowga Afrika oo ku saabsan Xaaladda DKMG ah iyo guud ahaan Soomaaliya.

Jariiradda Daral Al-Hayat ayaa tiri “Waxaa lagu sheegay Warbixin sir ah oo uu soo saaray Midowga Afrika:- Xukuumadda Soomaaliya ee uu Hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa ka Buuxa Ceebo Fool xun wayna sii sakaraadaysaa(sii Dhimanaysaa) mana haysato Fursad ay ku guuleysato ama awood ay ku jabiso Mucaaradka Islaamiga ee Hubaysan ee Wacadka ku maray inay Afganbiyaan, warbixintan oo ay ay Nuqul ka mid ahi heshay Al-Xayaat waxaa kale oo lagu xusay in Shacbiyadda Madaxweyne Axmed ay wali tahay mid sii baaba’aysa Maalinba Maalinta ka danbeysa laga soo bilaabo xiligii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya Bilowgii Sanadkan, Taageeradda Qabiilkiisana kama difaaci karaan khatarta ku soo fool leh in kastoo uu Gurmad weydiistay uguna Baaqey Dhalinyaradooda inay ku soo biiraan Sufuufta Ciidamada Difaacaya Xukuumadiisa”.

Al-Xayaat “Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay in Qeyb ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ay wali rumaysanyihiin in Xukuumadda Axmed ay Dabo dhilif u tahay Q.M iyo Reer-galbeedka, waxayna dhahaan Shaqsiyaadka ay soo diyaarsadeen Reer-galbeedka iyo Q.M si ay u Hogaamiyaan Soomaaliya kama suulin inay ka shaqeynayaan Maslaxadooda Shaqsiyadeed iyo Mida Qabiilkooda”.

“Macluumaadkan ayaa yimid xili ay Shir Deg Deg ahi ku yeesheen Ergadda Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Caasimadda Kenya ee Nairobi iyo Mas’uuliyiin ka mid ah Q.M, iyo Safiiradda Midowga Afrika u jooga Kenya, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Max’ed Cabdi Gandi, ujeedka shirkuna wuxuu ahaa in la falanqeeyo xaaladda cakiran ee ay xiligani marayso Soomaaliya” ayay tiri Jariiradda “Daral Al-Hayat”.

Sidoo kale Warbixinta Midowga Afrika waxaa lagu yiri “Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya kama aysan suulin in ay wali ku jirto Xaalad Sakaraatul Mowd ah gabi ahaanteedba, waxayna ku dhaliileen inaysan xiriir dhab ah la sameynin Mucaaradka, waxay isku dayaysaa inay u yeerato Dagaalyahano iyo Jihaadiyiin Ducafa ah, mana jirto wax Niyad dhab ah oo ay labadooduba ka leeyihiin ka miro Dhalinta Xukun Dhab ah iyo waliba Hanashadda Xaaladda Amaan midna”, wuxuuna intaa ku daray “Xukuumadda KMG ah ee Federaalka ah waxay kasbatay Ceebo Fool xun, mana haysato Fursad ay ku guuleysato, jiritaankeedu waa Wakhti dhumis Qorshayaal kalana ma lahan”.

“Shaki kuma jiro in Midowga Afrika ee ka Taageera Xukuumadda xagga Ciidanka iyo Siyaasada uu ka hayo Xukuumadda Soomaaliya Macluumaad badan oo run ka dhigaya Runimadda Warbixintan, laakiin Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud ayaa si kulul u difaacay in Xukuumadu ay Qarka u saarantahay inay bur-burto, mar ay Al-Xayaat khadka Taleefanka kula xiriirtay isaga oo jooga Muqdisho ayaa waxa uu yiri “Anagu si aad ah ayaan uga Awood badanahay sidii aan ahayn Bilooyin ka hor, Tiradda Ciidamadayadda waxay kor u dhaafayaan xiligan 5 kun oo askari, anaga ayaana weerar ah halka qolyaha kale ay difaac yihiin, ayna sii jabayaan halka anagu aan gaarnay Guulo xagga Milatariga ah, Wada hadalkayaga ku aadan Mucaaradkuna waa mid aan ku doonayno Nabad, wuuna ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo Warbixinta Midowga Afrika” ayay Tiri Jariiradda “Daral Al-Hayat”.

Waxa kale oo lagu yiri warbixinta “Maamulka cusub ee Maraykanka wuxuu Doorbiday inuu sii wado Siyaasadihii Madaxweynihii hore ee Gorge Bush ee ahayd adeegsiga Hogaamiye Kooxeedyadda Taas oo ay uu ku fashilmay, waxayna mar labaad soo celinaysaa Fashilkii horey ula soo darsay Siyaasadda Arimaha Dibadda Maraykanka.

Warbixinta oo ka koobnay 5 Bog ayaa waxay Daboolka ka qaadeysaa in Sheekh Shariif uu isku dayay Bishii la soo dhaafay sidii uu uga heli lahaa Qabiilkiisa Taageero Ciidan iyo Mid Dhaqaale, taasna waxay ahayd xiligii ay Dagaaladii ugu danbeeyay ka socdeen Muqdisho ka dib markii uu Taageero Dhaqaale ka helay Dowlado ka mid ah Reer-Galbeed.

Tiradda Ciidamada DKMG ah ayaa lagu xusay Warbixinta “Ciidanka Milatariga iyo Booliiska ee Xukuumada Soomaaliya kama badna 1000 illaa iyo 1500 oo Askari, Dhamaantoodna waa Maleeshiyooyin ay leeyihiin Hogaamiye Kooxeedyo iyo Shaqsiyaad ku ad-adag Xukuumadda” lamana sheegin Magacyadda Shakhsiyaadkaasi.

“Kaalmo kasto oo Muuqata oo ay Xukuumaddu ka hesho Reer-galbeedka iyo Q.M waxay kor u sii qaadaysaa Shacbiyadda Islaamiyiinta” ayaa lagu yiri warbixinta Midowga Afrika.

Warbixinta Midowga Afrika ee Al-Xayaat Halkan ka Akhriso

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

6 Comment(s)

  1. Acww.

    Maamulka Websidka Somalimirror aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin Warbixinta aad noo soo gudbiseen waa wax aad iyo aad loogu farxo waana cadeyn ay gaaladii soo dhooboobtay kuwa dowlada sheeganayo ay qiryaan in ay sii dhimani Inshaa Allah dhawaan wey dhimani Waayo Alle quraankiisa wuxuu ku yiri ( Walaa yuslixu camalalmufsidiin) Alle ma hagaajiyo kuwa waxfasahaadiyo camarkooda dowlada taagero ka raadisay qabqablayaashii dagaalka ee wadankan fasahaadinayay 20 sano , dowlada taagero ka raadisay amxaaradii wadankan burburisay oo fasahaadisay dowlada taageero ka raadisay suufiyadii qabuurta caabudeysay ee mudan fasahaadisay Alle kuwaas camalkooda ma hagaajinayo waa la hubaa ee

    Kowa habeen iyo maalin taageerada beenta ah la garab taagan ee fikradaha liita webkan ku soo qora ha ku quusteen in meeshaas aysan dowlad ka soo socon taageerada indha laaanta ahna ha iska daayeen ee Mujaahidiinta Gaalada amison jihaadka kula jirto ha taageereen kuwaas ayaa xaqa u dhawe

    RAAXEEYE | Jun 14, 2009 | Reply

  2. asc wrwb allaahu akbar allaahu akbar waa guul u soo hoyatay kuwa xaqa runta ka sheegey nin gaal wato ma guuleysto waligiis

    layla | Jun 14, 2009 | Reply

  3. Kuwii u daba dhaqayey gaalada sida C/Raxmaan C/Shakuur, ha arkaan in gaaladu ku shaqaysanayso. Ujeedada laga lahaa dawlada sh.Shariif waxay tahay in lagu gumaado Alshabaab iyo Xizbul Islaam, wayna fashilantay. Guuleysta Sh.Xassan Turki, Sh.Xassan Daahir Aweys, Abuu Mansuur, Ibraahim Afghaani iyo Godane iyo dhamaan Mujaahidiinta kale. ALLAHU AKBAR.

    Raage Ugaas | Jun 14, 2009 | Reply

  4. waa arin quus ugu filan kuwii taageerada indho la,aantaa siinjiray shariifka iyo kooxdiisa kiraysan waxaaba qiray inay sakaraadayaan gaaladii walaalaha shariifka ahaa waa illaahay fadligii wax rajaa meesha umayaalaan maantana waad maqlayseen hadalkii qiimiga lahaa ee uu sh xasan yacquubka jeediyay xamar looga dabcun maayo ilaa qashinka wadanka laga xaaqo

    gaarhaye | Jun 14, 2009 | Reply

  5. Midawga Africka waxaan dhihi karnaa wuu ka gaadhay danihii uu kalaha Dawlad kusheegtan oo waxa uu dhobdhoob keedi kuhelay Lacago aan caadi ahayn, hadana wuu iska furayaa madama aysan wax anfac ah aysan lahayn dantisina uu ka gaadhay.

    Walaalka Raaxeye ee Falada ugu horaysa dhiibtay wuu ku mahadsanyahay sida waafiga ah ee uu noogu sharaxay Ayadaas Quraanka ah ee ah in saysan marna guulaysanaynin Daalibiinta iyo kuwa umda Fasahaadinaya.

    Nasriga ALLAH wuuso dhawyahay ee hala Sabro hana. Dawlad kusheegtana in ay Sakaraad tahay waa mid aan Cidna ka qarsonayn.

    Maanta waxa Ex-Control ka dhacay waad lasocotaan in ayagiiba layeen dadka halkaas daga ama marana ay badhaan ooy biliqaystaan.

    Mooryaan iyo waxa kusalaysan 4.5 Midna najixi mayaan ee aanku dadaalo in aan Kitaabka karun Sheegno ku dhaqankisa oon raadino raali ahaanshaha ALLAH Qabiilna aan iska dhaafno Qudhunkiisa.

    Waxaan Thanks leeyahay Somalimirror web Admins.

    Abu Abdul | Jun 15, 2009 | Reply

  6. kkkkk ceeb iga dheh shariifoow wajiga qarso sxb wan kugu fhanay sheekada aad waday kk waaba i qayaantay laakiin maanta yaa ugu danbeyso taagero aan ku taageero kk bax shariif

    ayfulaah asuumaali | Jun 15, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo