Dagaal ka dhacey Ex-control Afgooye
By Somalimirror on 14 Jun, 2009 2:00 PM in Main, Wararka
Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada DKMG ah ee ku sugan Isgoyska Ex-Control Afgooye & Ciidamo ilaalo ka ahaa Gaadiid Raashin Mucaawino ah sidey ayaa halkaa ka dhacey.
Inta la xaqiijiyay waxaa Dagaalkan ku dhintay 3 Askari oo ka mid ah dhinacyadii Dagaalku u dhaxeeyay, sidoo kale waxaa jira tiro kale oo dhaawacyo kale duwan soo gaareen, dhanka rayidka qof Dumar ah oo ka mid ah Dadkii Rayidka ee halkaa ku sugnaa ayuu dhaawac soo gaarey.
Waxa uuna dagaalkan yimid ka dib markii uu is maan-dhaaf dhex maray ciidamadii DKMG ah ee ku sugnaa Isgoyska Ex-control Afgooye iyo kuwii ilaalada ka ahaa Gaadiidka Xamuulka ee halkaa marayay.
Dagaalkan oo bilowdey Saaka Barqadii la isuna adeegsadey Hubka fudud noocyadiisa kale duwan ayaa soo gaarey Duhurnimadii Maanta waxa uuna saameyn ku yeeshay isu socodka Dadka & Gaadiidka rayidka ee halkaa is ticmaalayay, waxa uuna markii danbe ku fidiyay Nawaaxiga Jaamacadaha.
Waxaa jiray Gurmad u imaanayay Ciidamada Dowlada ee halkaa ku suganaa kuwaas oo dhanka Soobe la arkayay iyaga oo ka soo gudbaya.
Ma jirto hadal ka soo baxey dhanka DKMG ah oo ku aadan Dagaalkan ka dhacey Ex-control Afgooye.
Dagaalada noocan oo kale ah ee sida kediska uga dhex bilowda Ciidamada DKMG ah ayaa ah kuwo ay khasaarooyin kale duwan ka soo gaaraan dadka Rayidka ah ee goobahaas ka agdhow.
Daabaco
Odayaashii ciidanka Soomaaliya hogaamin jiray dib ha loo soo aruursho. Inta ay nimankaasi Maraykan ku shirayaan waa inay saaxada dagaalka yimaadaan si aqootooda iyo xirfadooda looga faa’iidaysto. Dad aan aqoon u lahayn hab milatari iyo isgaarsiinta ciidanka ayaa mooryaan la soo aruushay doonaya inay dal dib u hantaan.
Dowladdu way lumin kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee gargaarka ka sugaya hadday ciidamadeedu maalin walba is rasaasaynaya duhur cad ama ay dadka dhib u gaystaan.
Xooga dalku waa inuu noqdaa mid lagu soo hirto oo ay gabaadsadaan maatada Soomaaliyeed ee xasuuqa iyo barakaco daashaday.
Alla Magan | Jun 14, 2009 | Reply
Ciidamada dawladu raashinka ayey rabeen inay dhacaan. Ha ogaado Sh.Sharif in mooryaan loo xidhay xidhay tuutihii militariga aanay ciidan qaran noqon kari.
Prof. Gaandi ha iskaga tago Muqdisho inta aanuu ku ceeboobin meesha, inuu wax hagaajiyo ayuu rabaa, laakiin reer Muqdisho mooryaanimo dhaqan ayey ka noqotay.
Raage Ugaas | Jun 14, 2009 | Reply