Ciidamada DKMG oo Dhac ka wadda Xaafadaha Saybiyaano & Ex-control

Published on June 14, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

dDadka ku Dhaqan Xaafadaha ku yaala inta u dhaxeysa Saybiyaano iyo Ex-control Afgoye ayaa ka cabanay Dhac Baahsan oo ay Ciidamada DKMG ahi u geysanayaan Barqo cad, iyada oo Maanta ay Isgoyska Ex-Control ku dagaalamayaan labo ciidan oo ka wada tirsan DKMG ah.

Mid ka mid ah Dadka Deegaanka oo u waramay Idaacadda Shabelle ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada DKMG ahi ay xiliyadda qaarkood gaar ahaan Subixii geystaan Dhaca iyo Baarashadda Rakaabka saaran Gaadiika Bl-ka iyo waliba shacabka lugaynaya intaba.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Dhaca u geysanaya ay yihiin kuwo dhawaan halkaasi la soo dajiyay.

Farxaan Casaayo ayaa Beeniyay in Ciidamadu ay Dhac ka geystaan inta u dhaxeysa Saybiyaano iyo Ex-Control, wuxuuna xusay in ujeedka halkaasi loo geeyay ay tahay sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka goobtaasi.

Ma ah markii ugu horeysay oo ay shacabku ka soo cawdaan Ciidamada DKMG ah, Mana jirto wax talaabo ah oo ay DKMG ahi wax kaga qabanaysa Cabashadaasi.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Ciidamada DKMG ah oo dhac ka geystay deegaano ka tirsan G/Bay.
  2. Ciidamada DKMG ah oo Dhac & Jirdil Xoogan ka wada Muqdisho
  3. Ciidamada DKMG ah oo Dhac & Tacadi ku haya Wadayaasha Gaadiidka
  4. Ciidamada DKMG ah ee Isgoyska Makka Al-mukarama ku sugan oo dhac geystay.
  5. Dilal & Dhac ay geysteen Ciidamada DKMG ah

Readers Comments (1)

  1. Geedi says:

    Ciidamada Dawlada islaamiga dhaca ma u banaan yahay???????????????

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada DKMG ah oo dhac ka geystay deegaano ka tirsan G/Bay.
  2. Ciidamada DKMG ah oo Dhac & Jirdil Xoogan ka wada Muqdisho
  3. Ciidamada DKMG ah oo Dhac & Tacadi ku haya Wadayaasha Gaadiidka
  4. Ciidamada DKMG ah ee Isgoyska Makka Al-mukarama ku sugan oo dhac geystay.
  5. Dilal & Dhac ay geysteen Ciidamada DKMG ah

Latest Headlines