Isbitaalka Dhexe ee magaalada Baydhaba ayaa waxaa jiifa Dad ka badan 40-ruux, kuwaasi oo saacadba saacada ka dambeysa la geynayo halkaasi, isla markaasina uu soo ridanayo Maleeriyada.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in magaalada Baydhaba ee gobolka Bay uu cudurka Duumada ama Malaariyada loo yaqaan fara ba’an ku hayo dadka degan magaalada iyo weliba nawaaxigeeda.
Dhaqaatiirta ka hawlgasha isbitaalkaayaa waxay ka dayrinayaan sida ba’an ee cudurkaan Duumada ah ugu sii fidaayo deegaano ay ka midka yihiin Awdiinle iyo Daaynuunaay.
Dhinaca kale faafitaanka cudurka ayaa waxaa ugu wacan nadaafad xumi weyn oo ka jirta magaalada Baydhaba xilli labadii toddobaad ee la soo dhaafay halkani ay ka da’ayeen roobabka Guga iyo xaaladda nadaafadeed oo aan wanaagsaneyn ayuu leeyahy Agasimaha Isbitalka Magaalada Baydabo.
Hase yeeshee agaasimaha waxa uu intaasi ku darey in iminka ay ku hoolanyihiin la tacaalida dadkani uu soo ritey cudurka Duumada amaba Maleeriyada.
Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horeysay oo isbitaalka Magaalada Baydhabo la keeno Dad la ildaran xanuunkaasi.

Related posts: