Imaaraadka oo Cunaqabatayntii ka qaaday Hilibka Xoolaha Soomaalida

Published on June 12, 2009 by   ·   7 Comments   ·   print

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shaaca ka qaaday inay ay Cunaqabatayntii saarnayd Hilibka Xoolaha Soomaaliya uga imaan jiray ay ka qaadeen Mudo Sanad.

 

Dr. Raashid Axmed Fahad oo ah Wasiirka Deegaanka iyo Biyaha ayaa sheegay in uu soo baxay Go’aan Wasaaradeed oo Qeexaya in Cunaqabataynta laga qaado Hilibka Xoolaha Soomaalida ee la keenayo Imaaraadka Mudo sanad ah iyada oo ka bilaabanaysa maalinta uu Go’aankani soo baxay oo ah 10 June 2009.

Go’aankani ayaa yimid iyada oo ay Golaha Wasiiradu eegayaa Fulinta Ujeedooyin Istiraatiijiyadeed oo la xiriirta ka qeyb qaadashadda Xaqiijinta Bad-baadada Cunadda Dowladda iyo ilaalinta Danta Guud.

Go’aanka ayaa lagu xusay in Maamulka Kheyraadka Xayawaanka ee Wasaaradda Deegaanka iyo Biyaha Hoostagta ay Qaabilsantahay Dabo galka Xaaladda Caafimaad ee Xoolaha ka imaanaya Soomaaliya si loo xaqiijiyo in aysan qabin wax Cudur ah.

Dhamaan Dhinacyadda uu khuseeyo Go’aankani ayaa loogu Baaqey in ay Dhaqan galiyaan laga bilaabo Xiliga uu so baxay, waxaana lagu faafiyay Wargeyska Rasmiga ah ee ku hadla Afka Dowladda.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Imaaraadka oo xayiraadii ka qaaday Xoolaha nool ee Soomaaliya.
  2. Cumaan oo Cunaqabateyntii ka qaaday Xoolaha Somalia
  3. Xaalada Deegaanka Suuqa xoolaha oo saaka degan
  4. Xasuuq Shacab oo ka dhacey Maanta Suuqa Xoolaha
  5. Raashin Mucaawino ah oo Suuqa Xoolaha lagu boobey

Readers Comments (7)

  1. jamal c.naasir says:

    waaxilima waaxili aad umadii cunaqabateyseene maxa idiin diidey walalaihiina soomaliyeed emuslimka ah aad ugargaartaan indkoon gaalo iyo rergalbeed tixgalineyn

  2. DR YAABANE says:

    SC

    Go’aaankan wadanka Gaaray waa kee Ma Imaaradka CArabtaa Mise BAxrayn ama dal kale oo ku yaal khalijka carabta waayo saan ka warhayo Hilibka Somalia waa loo dhoofiyaa Imaaraadka .website kalana waxaa ku qoraa inay BAxrayn tahay inkasta oo uu yar yahay saan ka warhayo Xoolo From Somalia to Baxrayn ah oo aan ka ahayn in kooban oo Lo’ ah

  3. faysal says:

    ILaahay ayaa na irsaaqa ,haddaad furtaan iyo hadii kaleba ,alle hodana lihin ,xooleheeniina waa dhaqaaloobeen

  4. Barkhadle says:

    Xaqiiqdii waa Arin lagu Farxo waxaana ugu baaqayaa Emiraatka, iney arintaas sidey u shaaciyeen iyada oo ficil ahna u fuliyaan, waayo, inaga dan ayaa inoogu jirta in Xoolaheena la qaato, aduunkuna waa inport iyo Export inaga wax Export ah ma sameyno mana haysano oo aan ka aheyn xoolaha.

    Iyagana 2-faa’iido ayaa ugu jirta oo kala ah:-
    1- Xoolo Hilib koodu Fresh yahay, oo waliba dhir macaan soo cunay
    2- iyo Tanlabaad oo ah, laga soo iibsado Badeeco badan.
    sidaas-darteed, arintaas waan soo dhaweyneynaa.

  5. cali aloore says:

    bismilaah
    dadka waxaan layaabnahay soo qoraayo waa ku mahad santihiin sida aad u furteen ama uga qaadeen cunno qabataynta xoolaha somaalia lakin waxaan aamin sanahay taas inaysan xagooda kasoo go’in ayna wax ayagu u madax banaan aysan ahayn lakin fikirkaan u leeyahay reer galbeed ama ayaga ay baahi ku kaliftay iney soodalbadaan xoolaha somalia
    wabilaahi towfiiq

  6. akhuukum says:

    AL XAMDULILAH CALAA KULLI XAAL. CIDWALIBA IYADA AYAA GO’AANKEEDA LEH OO GAARI KARTA WAXA EY U ARAGTO MASAALIX AMA MAFSADO,HASE AHAATEE WALAALEHEENA CARBEED EE ISLAAMKA AH WAXEY MARIN U NOQDEEN DANAHA REER GALBEEDKA EE EY KULADIRIRAYAAN BULSHAWEYNTA ISLAAMKA IYAGOO TAA DHAAFSIISANAYA MACAASH EY KAHELAYAAN REER GALBEEDKA UU UTUN WEYN YAHAY MAREYKANKA, TAASI WAXEY KEENTAY IN BULSHAYOWGA MUSLIMIINTA AH IN DHINACWALIBA LAGALADIRIRO DHAQAALO XAGII HA’AHAATO,XAG RUUXI IYO DHINAC WALIBA,SOMALIDA KHAAS AHAAN ISHAN DHAQAALO EE HADA EY LEEYIHIIN WAAN KAQAADNAY XAYIRAADII SAARNEYD, WAXEY U AHEYD BULSHADA SOMALIYEED EE MUSLIMIINTA AH MIDA UGU WAYN EE EY KUTIIRSANTAHAY NOLOSHOODA AHNA UDUB DHEXAADKA MICIISHADOODA, MAREYKANKUNA DHAQQHAQAAQAA CEYNKAA AH WUU LASOCDAY OO WUXUU QAATAY TALLAABADII LAGU MEELMARIYAY CUNAQABATEYNTAN ILAA MUDO DHOWRSANA AHNA SOCOTAY OO MARMARSIIYO LOOGA DHIGAY IN XOOLAHA SOMALIDU QABAAN CUDURKA (RIFT VALLY) ,TAA WAXAA BARBARSOCOTAY JOOJINTII PASSPORT-KII SOMALIYA IYO UMUURO FARABADAN OO QAAR AAN DAREEMI KARNO QAARNA UU RABBI KALIYA OGYAHAY.MARKA WAXAAN LEENAHAY DADKA MUSLIMIINTA OO DHAN ALLAHA TUSIYO INEY IYAGA WALI ISU NOQDAAN OO EY DANAHOODA GARTAAN ,IMAARAAT KUNA WUU KUMAHADSANYAHAY CUNAQABATEYNTA UU KAQAADAY XOOLAHEENA!!!!

  7. Xaqraac says:

    waan soodhawaeynaa go aankaas imaaraadka kasoobaxay ee xoolaha




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Imaaraadka oo xayiraadii ka qaaday Xoolaha nool ee Soomaaliya.
  2. Cumaan oo Cunaqabateyntii ka qaaday Xoolaha Somalia
  3. Xaalada Deegaanka Suuqa xoolaha oo saaka degan
  4. Xasuuq Shacab oo ka dhacey Maanta Suuqa Xoolaha
  5. Raashin Mucaawino ah oo Suuqa Xoolaha lagu boobey

Latest Headlines