Hay’adaha Q.M oo loogu Baaqey inay xafiisyadooda ka furtaan Muqdisho.

Published on June 12, 2009 by   ·   5 Comments   ·   print

UNXukuumadda DKMG ah ayaa ka Codsatay Laamaha kala duwan ee Q.M inay Xafiisyadooda ay ku leeyihiin Nairobi ee khuseeya Soomaaliya u soo raraan Muqdisho isla markaana ay ka furtaan Caasimadda, xili ay wali Muqdisho ka socdaan Dagaalo ka dhan ah DKMG ah iyo AMISOM.

Farxaan Cali Maxamuud oo u qaabilsan DKMG ah Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay ka dib kulan ay shalay yeesheen Golaha Wasiiradda DKMG ah inay ugu Baaqeen Hay’adaha kala duwan ee Q.M inay dib uga furtaan xafiisyadoodii Magaaladda Muqdisho

“Q.M qeybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha Caalamiga ah intaba inay ku soo dhawaadaan Dalkay Mas’uulka ka ahaayeen inay yimaadaan kana soo qeyb galaan Wada Shaqeynta ay la leeyihiin Dowladda Midnimadda Qaran ee Magaaladda Muqdisho, taas oo ay Dowladu aad iyo aad ugu adkaynayso iyaga oo ku dayanaya Safaaradda Talyaaniga oo Noqonaysa midii ugu horeysay oo Yurubiyaan ah oo Reer Galbeed ah oo laga furo Magaaladda Muqdisho, sida ay ku dhawaaqday Dowlada Talyaaniga Dhawaan… Golaha Wasiiradu waxay ugu Baaqeen Hay’adaha Caalamiga ah Dhamaan Q.M inay xafiiskooda ka furaan kana Shaqo Bilaabaan Magaaladda Muqdisho”.

Mar ay BBC-du weydiisay Farxaan sida ay xiligan suuro gal ku tahay inay Hay’adaha Caalamiga ahi u soo wareejiyaan Xafiisyadooda Dalka iyada oo ay jirto Amni xubno, DKMG ahna aysan Dalka Gacanta ku haynin, wuxuuna ku jawaabay “waxa ay Dowladdu Gacanta ku haysaa inta badan Muqdisho oo ay ugu horeyso Dhamaan Meelihii Caanka ku ahaa Safaaradihii ka jiri jiray Soomaaliya Barigii Dowladda Dhexe”.

“waxay Dowladda Balan qaadaysaa Guud ahaan Amnigooda iyada oo la kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed, Ciidamada AMISOM oo iyagu gacanta ku haya ilihii Dhaqaalaha iyo meelihii Dowladda lagu yaqiinay intaba”. Ayuu sii raaciyay Farxaan.

Lama oga Go’aanka ay Hay’adaha Q.M ka qaadan doonaan Baaq DKMG ah ee ah inay xafiisyadoodii Dib uga furtaan Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha Q.M ayaa inta badan Bixiya Gar-gaar Bani aadamnimo oo Ujeedo badan ah, waxaana la tilmaamaa inay ujeedooyin guracani ka leeyihiin arimahaasi, iyada oo mararka qaar ay dhacaan sida kuwa qaabilsan Cuntadda ee WFP in ay la soo beegsadaan Bixinta Raashinka xiliga ay dalaga u soo go’aan Beerlayda Soomaalida si loo qiimo dilo Tacabkooda.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Suxufiyiin loogu baaqey inay Howshooda sii wadaan.
  2. DKMG ah oo loogu baaqey inay saarto Ciidamada AMISOM.
  3. C/Fataax Geesey oo u Hanjabay Hay`adaha ka howl-gala Bay & Bakool.
  4. Al-shabaabka oo fasaxay in Hay`adaha ay ka howlgalaan Baydhabo.
  5. Go`aankii Al-shabaab ku fasaxeen Hay`adaha Q.M oo Baydhabo laga soo dhaweeyay.

Readers Comments (5)

  1. jamal c.naasir says:

    waryaadheheen..waayaab saraadaha muqdishoo loogubaaqaayo xalkee tagayaan mafila soomaliya ileen melkale oo aytegi karaan majiraane maguriga barlamaanka uun bay rabaan iney dejiyaan maxayse soo gordhinayaan

  2. jamal c.naasir says:

    su.aal maidin latahey suurtagal muqdisho maanta insafaarad rergalbeed laga furikaro??? hadey su.aasho tahey haaaa maxeytahey faa iidada aysoo kordhinaayaan /…..

  3. jamal c.naasir says:

    ama gaalo uyeera ama marba meel madaxa kudhufta welee hadii aydaan kitaabka rabi waxkudhisin in aydaan labo isku raaceyn taas ogada

  4. kaligiis jabhad says:

    sheekadu ma waxay noqotay waa soconla’nahaye ma orodnaa? Qoraalkii wargayska time Mgazine ee wali ku qoran hiiraan online waxaa ku qoran in dawladdu ay xukunto oo kaliye halka ay magaalada ka deggan tahay. Gaalo safaarado sooma waddo. dawladduna way ogtahay ee waxaa la rabaa in AF lagunooleeyo iyo taageero been ah. War nin ka shaqaynaya xasuuqaaga oo millions dollars ku bixinaya barakicinta maatadaada, sideed uga filataa inuu wax kuu qabto? war yaan laisdaaline ALLe ha loo noqdo, oo kitaabkiisa aan isku xukunno.

  5. darwiish dhalad ah says:

    kkkkkkkkkkkkkk,
    waaa yaab farxaan wuu waashay ,waxa uu rabo ayuu ku hadlayaa
    waa hadii aad dhimanaysid dhareerkaa li iska duwaa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Suxufiyiin loogu baaqey inay Howshooda sii wadaan.
  2. DKMG ah oo loogu baaqey inay saarto Ciidamada AMISOM.
  3. C/Fataax Geesey oo u Hanjabay Hay`adaha ka howl-gala Bay & Bakool.
  4. Al-shabaabka oo fasaxay in Hay`adaha ay ka howlgalaan Baydhabo.
  5. Go`aankii Al-shabaab ku fasaxeen Hay`adaha Q.M oo Baydhabo laga soo dhaweeyay.

Latest Headlines