Aa kay iska maamulanaayaa!

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Waxaa lagu jirey salaadda, masjidkuna ciriiri ayuu ahaa. Markii la sujuuday baa ninkii ka dambeeyay cagihiisa dhinac isaga duway; si uu meesha ugu sujuudo. Iyadoo la sujuudsan yahay buu haraati madaxa kala dhacay ninkii ka dambeeyay!. Ninkii dan kama galine salaadiisii ayuu sii watay, wuxuuna u qaatay in uu waalan yahay, mar dambena iskuma taaban.

Markii salaadda laga baxay buu inta dib soo jalleecay wuxuu yiri: yaa cagahayga riixriixaayay?. Ninkii uu haraatida la dhacay baa yiri: aniga, isna war kaleba ma sugine kabihii hortiisa yaallay buu inta la booday ninkii madaxa kaga dhuftay!. Dadkii ayaa ku qayliyay oo yiri: waar maxaa dhacay?, markaasuu yiri: aa kay iska maamulanaayaa, lugahayguu marna xagga u dhigaayaa marna xagga u dhigaayaa!. Ninkii uu cagaha iyo kabahaba la dhacay baa yiri: waar iska daaya ninka!.

Kolkuu dibadda u baxay bay odayaashii masjidku ku dheheen waar maxaad ninka sheekha ah oo kaa xishoonaya kabaha ula dhacday?, see Alle kuu galay?, wuxuuna ugu jawaabay: aa kay iska maamulanaayaa, wallaahi aa dilaayaa!.

Dhaqan laga wacan yahay

Falka ninkaan sameeyay sharci ahaan, caqli ahaan iyo edeb ahaanba uma fiicnayn, gaar ahaan goobta uu ku sameeyay oo beyd Ilaahay ahayd, cidda uu ku sameeyay oo nin sujuudsan ahaa iyo isagoo laftiisu salaad ku jiray, waliba sujuudsanaa. Waxaa kaloo gef weyn ahayd inuu mar labaad isla masjidkii kabo kula dhaco ninkii uu horey sujuudda ugu cageeyay iyo inuu odayaashii u ergeeyay hadal qaballuus ugu jawaabay.

Kaaf iyo kala dheeri

Ninkaan caamada ah wuxuu u dulqaadan waayay in lugihiisa sidii la doono laga yeelo oo nin kale hadba dhinac u dhigo, taasina waxay ku kalliftay in uu isagoo salaad ku jira ka ficiltamo oo madaxa ka haraatiyo ninkii lugihiisa taabtay. Markuu salaama-naqsadayna hadalka ugu horreeyoo uu ku hadlay wuxuu noqday: yaa lugahayga riixriixaayay?, markuu ogaaday ninkii falka ku sameeyayna wax kale kama sugine kabihii horyaallay buu madaxa kala dhacay?. Markii odayaashu la hadleena wuxuuba ku dhaartay inuu dilayo ninka!.

Soomaalidu waxay ka mideysan tahay inay diido in la iska maamusho ama sidii la doono laga yeelo, waxayna liiddaa ninkii ama qoladii la arko iyagoo wax loo meerinayo ama afkiinna duu lagu leeyahay. Waxay kaloo dhahaan ninkii isagoon afti laga qaadin wax lagu guddoomiyo: ma gabar baa, iyadaa aamus lagu meherin jiraye?!. Waxaa isna arrintaa ka gabyay Cali dhuux oo labo qolo isku guubaabinayay, wuxuuna yiri:

Naagahaan dhankii loo dhigiyo              dhinac-na diidayne
Dhaddigaanshahaa lagu arkiyo              dhiigga caadada’e
Wax ka dhigan gobtii dhowrsatoon      ceeb ka dhiidhiyine

Haddaba waxaa is weydiin leh dadka waaweyn ee muslinimada sheegtay, kuna abtirsada Soomaali, isla markaana wata magaca dawladnimo (madaxnimo) oo iyagoon waxba la weydiin lagu yiri: maalin hebla isugu imaada meel hebla, waxa laga hadlayana annagaa idiin sheegi doonna, oo inay ka dhiidhiyaan iska daaye il-laawe iyo lug-laawe ku qamaamay meeshii looga gacan-haatiyey. Waxaa kaloo is weydiin leh sida ay u aqbaleen ihaanada intaa le’eg, isla markaana ay sal-muggi ugu dhageysteen dhaleecaynta iyo cayda ay u soo jeedinayeen nimanka MADMADOW ee MACATABLEY-da ah?, iyagoon wax hadal ah iyo wax jawaab ah midna ka bixin.

Ma is weydiinnaa sida ay nimankaas u yeeleen in la iska maamusho miskaxdooda, sharaftooda iyo sumcadda dalka ay masuuliyaddiisa sheegteen iyadoo ninkii caamada ahaa uu diiday in cagihiisa la iska maamusho?. Kolley lax walba shillalkay isdhigtaa lagu qalaaye waxay ila tahay inay raggaasi ka duulayeen: (ceebi ninkii isu goday wax ka dhintaa) iyo (ceebi waa labo af maroojis)!.

Gabagabadii qormadaan waxaan diyaariyay markii reer Imbagaati oo dhega-dhan ay IGAD ugu yeertay Nairobi oo madaxweyne, xukuumad iyo baarlamaanba ay u soo hogteen, ajande-na looga dhigay cay, ihaano iyo hanjabaad, iyaguna xataa ay oran waayeen war sidaani nama qabato. Waxaana yaab leh sida raggaasi dullinimada intaa le’eg uga aqbaleen dadkii Soomaali ka faani jirtay, iyagoo innaga is qaadqaad iyo santaag ina ku dilay!. La yaabse ma ahoo ninkii Alle dulleeyo ninna ma karaamayn karo, ninkaan naftiisa karaamayna lama karaameeyo. Si kastaba ha ahaatee waxay iyagu is badeen iyo waxay dadkooda badeenba waxaa ka sii khatarsan waxay nagu bareen gaalo madowda ay halaq mareenka u noqdeen, oo hadhow nin kastoo madaxnimo Soomaaliyeed sheegta sidii oo kale abjad iyo karbaash u soo qaadan doona, caynka iyo baydana ku adkayn doona, haddaan Alle rag cusuboo ceebtii ina ka mayra inoo soo saarin.

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

5 Comment(s)

  1. Baarakaalahu fiika yaa sheekh axmed c/samad.

    warka dawladaan waa cadyahay adigana sheekhow inaa mujaahidiinta mar walbe garab taagan tahay waa lagaa filayay Culimo reer puntland ah inay magacaaga bayaanada isaga qortaanna waan dareensannahay balse inaad radid ayaan rajeyneynaa…………..

    Geedi | Jun 12, 2009 | Reply

  2. aad ayaad u mahadsan tahay sida wanaagsan eed aad u qortay qoraalkaan waxaase wax lalayaabo ah sida aad u cabirtay damiir laawayaasha soomaalida hor boodo ee hadba meel u yaaco sidii haadkii

    cali xaashi | Jun 13, 2009 | Reply

  3. Walaal waad kumahadsantahay

    Waxaanse ku talin lahaa Duligaas uga bixi mayno wax aan jihaad aheyn ee waa ila fiican inta Nadwooyinka aan wax ka soo baxayn layka daayo dadka lagu booriyo wixii duliga looga bixi lahaa ee ah Jihaadka dhalinyarada lagu baraarujiyo wixii ay qaldaana la saxo

    RAAXEEYE | Jun 14, 2009 | Reply

  4. Sheekh kuwaas aad soo sheegtay walle kuwan waa ayagii oo la in yar oo kaba daran lagu suugeeyay.

    shiikhow ilaahay ha ku xifdiyee nimankaan iyo ragaas kale khaladaad haba ka dhaceene maxaad miisaanka u wada saarteen.

    Ragga aan naqaano oo meesha madaxda ka ah waxaan aqaanaa ku 60 sano ka weyn oo aan waligood sujuudin, oontooduna khmro tahay, wadaygooduna gaal yahay ragaas ma shareecadii xaniifka ahayd ayay wataan.
    ilaahay ayaan khyr ka rajaynaynaa.
    culimada salafiyiinta ah maanta hawl ayaa u taalla nadwooyin ay meelo ku qabtaan iyo safaro dibadda ah waxaa uga qurxoon anay maxsuulkooda goostaan oo jihaadka dhex fariistaan

    nabadoon | Jun 14, 2009 | Reply

  5. walaale culimada reer puntland waxba haka sheegina waan uun niman udibad baxay sidii ay dawlada kumeelgaarka ah utaageeri lahaayeene
    qofkuna fekerkiisa waa u xor laakiin nimankaa warkoodu waacadyahay waxay uhaystaan wax kadhacaya koonfur oo dhan keliya in ayxaqkayihiin dawlada kumeelgaarka ah keliya

    weheliye | Jul 16, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo