17 Burcad Badeed oo Kenya loo dhiibay

Published on June 11, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa 17 Nin oo ay ku sheegeen Burcad Badeed u gacan geliyay Ciidanka Bileyska ee Dalka Kenya. Waxaa horey Kenya loogu dhiibay 101 Qof oo ka mid ah Burcad Badeeda kuwaas  Maxkamad sugayaal ah.

13 May ayaa ragan hadda Kenya loo gacan geliyay laga soo qabtey Gacanka Cadmeed xilli ay ku howlanaayeen Afduubka Markab Ganacsi oo halkaa marayay, sida hadalka loo dhigay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Bileyska Kenya ayaa sheegay in kooxdan la geyn doono meel dhanka Waqooyi Mombassa ka xigta 130km, si Maxkamad halkaa ku taalo loogu Maxkamadeeyo.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan heshiis ah in Dalkeeda Burcad Badeeda la soo qabto in lagu Maxkamadeeyo la gashey, dhowr Dal oo Mareykanka & Midowga Yurub ka mid yihiin, waxayna horey u xukuntay 10 ka mid ah 101 qof ee loo gacan geliyay kuwaas oo min 7 Sano oo xarig ah lagu xukumay.

War-Murtiyeed ka soo baxey Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Kooxaha Burcad Badeedu hor-mariyeen weerarada ka dhanka ah Maraakiibta mara Biyaha Soomaaliyeed, una badeleen Xilliyada Habeenkii, sidoo kalena Howl-galkooda ku baahiyeen goobo ka baxsan Xeebaha Soomaaliya.

Hadda gacanta Burcad Badeed waxaa ku jira 14 Gaadiidka Badda oo ay dul saaran yihiin Shaqaalihii la socdey oo gaaraya 200 Qof.

Intii sanadkan lagu jirey Burcad Badeedu waxay qaadeen 126 fal, oo 44 ka mid ah ku guuleysteen.

 

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Burcad Badeed, Dalka Yeman lagu Maxkamadeynayo
  2. Midowga Europ oo Kenya ku wareejiyey 11 Burcad Badeed ah.
  3. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  4. Burcad Badeed Soomaali ah oo la qabtay
  5. 7 Burcad Badeed ah oo la qabtey

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Related

  1. Burcad Badeed, Dalka Yeman lagu Maxkamadeynayo
  2. Midowga Europ oo Kenya ku wareejiyey 11 Burcad Badeed ah.
  3. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  4. Burcad Badeed Soomaali ah oo la qabtay
  5. 7 Burcad Badeed ah oo la qabtey

Latest Headlines