Warbixin:- Barakaca Xamar & Xilka Siyaasiyiinta.
By Somalimirror on 10 Jun, 2009 4:02 PM in Main, Wararka, Warbixinnada
Akhristayaasha Shabakada Somalimirror.com,waxaan halkan ugu soo gudbineynaa Warbixin ka hadleysa Barakaca ka dhashey Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho.(Daawo Sawiro)
Warbixintan oo dhinacyo badan arintaa ka taabaneysa waatan ee ka bogasho wacan:-
Warbixin:- Barakaca Xamar & Xilka Siyaasiyiinta.
Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho waxay dhaliyeen khasaarooyin xoogan oo intooda badani gaareen Dadkii Rayidka ah ee ku dhaqnaa Goobaha lagu diriray iyo kuwa ku xeeran ee ka agdhow, khasaaraha ka dhashey Dagaaladan ayaa isugu jiray, Dhimasho, Dhaawac, Bur-bur hantiyadeed iyo Bakarac Baahsan.
Ka sow Dadka ku dhintay Dagaaladan waxaa jira Kumanaan kale oo ka irdhoobay Guryahooda iyaga oo Naf ka dayeya duleedyada Magaalada iyo Gobolada kale ee ku xeeran.
Tirada Guud ee Dadkii Qaxey.
Marka la isku soo xooriyo tirooyinka kale duwan ee laga diiwaan geliyay Dadka ka qaxey Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa 117,000 Qof, kuwaas oo daruufo kale duwan oo Nolaleed ku heysato Daafaha Magaalada Muqdisho, Gobolada Dalka qaar iyo Xeryaha looga ooday Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Goobaha laga Qaxey.
Degmooyinka Gobolka Banaadir Duqeynta aan kala joogsiga laheyn ee AMISOM ka geysaneyeen iyo Dagaaladu waa u kala badnaayeen, Degmooyinka inta badan laga qaxey amaba la dhihi karo cidba kuma harin ee dadku sida aadka ah uga qaxeen waxaa ka mid ah: Yaaqshiid, Wardhiiglay, Hodan, Howl-wadaag, sidoo kale qeyb ka mid ah Boondheere iyo Shibis.
Si guud Magaalada Muqdisho, Dagaaladu saameyn weyn ayey ku yeesheen, markii Xaafad Amaba Degmo Dadkii degenaa ka qaxaan tan xigta Dadka ku dhaqan dhegtaa u taagan, amaba qeyb ka mid ahí horeyba ula qaxaan.
Goobaha loo Qaxey.
Inta badan Dadka ka qaxay Magaalada Muqdisho waxay saldhig ka dhigtaan Duleedyada Magaalada gaar ahaan Deegaanka cusub ee Ceelasha Biyaha oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose iyo Deegaanka Gal-galato loo yaqaan ee dhaca Dhanka Bari ee Magaalada.
Waxaa jira dad aan goobahaas ku hakan toosna uga gudba ilaa ay ka gaaraan goob dhawaqa Rasaasta ka maqleynin, waxa ayna dadkaas intooda badan beegsadaan Xeryaha Hay’adaha Q.M uga ooteen Gobolka Waqooyi Bari Kenya halkaas oo ay ku hayaan Sanado badan.
Tiro kale oo Qaxooti ah ayaa maciin bida Gobolada Dalka qaar oo ay ku taamayaan Nolol iyo Nabad dhaanta tan Muqdisho inay ka helayaan, sida Gobolada Bay iyo Bakool.
Maxaa keenay Qaxa intaa leeg?
Bakaraca Balaaran ee dib Magaalada Muqdisho uga bilowday, waxa uu Dadka dib u soo xasuusinayaa kii jiray Xilligii Dagaalada culus la gula jirey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya balse kaa la garey oo inta badan Marinada Magaalada isku xira Ciidamo ayaa degay, Dagaalo iyo Duqeyn kuwan ka balaaran ayaa jirey, Maaxaase xilligan Bakaraca intan leeg keenay?, Dhowr Sabab ayaa loo aaney karaa kii horena uu qaar kala wadaago.
I. Duqeyntii Ba’neyd ee Ciidamada AMISOM.
Intii Dagaaladu socdeen waxaa bar-bar socdey Duqeyn xoogan oo aan kala joogsi laheyn taas oo si bareer ah Ciidamada AMISOM ula beegsanayeen Goobaha Dadka Rayid ah u badan yihiin, gaar ahaan Degmooyinka aanu kor ku soo xusney ee sida weyn looga qaxey, Duqeyntani waxba ugama duwana tii Ciidamadii Gumeysiga Itoobiya ka geysteen Magaalada Muqdisho xilligii ay ku sugnaayeen, balse waxaaba la dhihi karaa waa ay uga argagax iyo saameynba badneyd marka loo eego Hubka culus ee ay u isticmaaleen.
Marka laga soo tago khasaaraha kala duwan ee Duqeynta Ciidamada AMISOM geysatey, waxa ay rajo beel ka dhigeysaa Hamuunkii Dadku u qabeen nolol cusub oo Xaafadihii dib uga yagleelaan mar haddii kuwii Gumeysiga Itoobiya Ilaahey ka baxshey.
II. Dicaayado Suuqa la geliyay.
Duqeynta iyo Dagaalada waxaa dheer Dicaayado xoogan oo Suuqa la geliyay oo sheegaya in Magaalada gaar ahaan Fariisimada Xoogaga Muqaawamada uga sugan yihiin Cirka laga soo duqeynayo, arintaas oo Dadka cabsi iyo wel wel kale oo kii horeba uga daran ku abuurtay, waxaa sidoo kale jira Waraaqo Digniino Xambaarsan oo Xaafadaha qaar lagu daadiyay.
III. Dhiiladaha Colaadeed ee Magaalada dib uga soo cusboonaatey.
Isu bir tumashada iyo saan saantii Dagaal ee Magaalada dib uga soo cusboonaatey iyada oo wali dadku xasuustaan natiijada Dagaaladii hore ka dhaxleen waxa ay soo dadajisay si fudud dadku inay u sal kacaan oo intii goori goori tahey ka Degel deydaan Magaalada Muqdisho ee la isku hayo colaadeeduna ayna soo Af-jarmeynin. Waxaa intaa dheer ciidamo Shisheeye oo ku soo qul qulaaya.
IV. Ifafaalo Nabadeed oo aan Muuqan.
Sidoo kale barakaca xoogan ee Magaalada ka bilowdey waxaa qeyb weyn ku leh, Dadkii oo ayna u muuqan xilligan ifafaalo Nabadeed oo ay ku sii negaadaan.
Dhibaatooyinka ka Dhashey Bakaraca.
a) Dhimasho.(208 Qof inta la diiwaan geliyay).
Inta badan dadkan dhintay waxaa laga diiwaan geliyay Isbitaalada iyo goobihii Madaafiicdu kula dhacdey waxa ayna u badan yihiin(Haween, Caruur iyo Dad Da’a ah).
b) Dhaawac.(700 qof inta la Diiwaan geliyay).
Waa wadarta inta Isbitaalada rasmiga ah ee Magaalada Muqdisho laga diiwaan geliyay amaba la geeyay waxaa dheer inta la kari waayay Isbitaaladaas in la soo gaarsiiyo amaba la gula tacaaley Goobaha kale ee Caafimaad ee Xaafadaha ku dhex yaala.
Haddii aad soo indho indhweyso Dadka jiifa Isbitaalada Tirada ugu badan ee indhahaagu qabanayaan waa maati(Haween, Caruur iyo Dad Da’a ah) daruufo Caafimaad iyo Nololeedba jirkooda laga dheehan karo sidoo kalena qaba dhaawacyo kale duwan oo qaarkood Dalka waxba aan looga qaban karin.
c) Cuduro kale duwan.
Dadkii kale duwanaa ee ka hayaamey guryahooda una bareeray dibad yaalnimo waxa ay la kowsadeen cuduro kale duwan, sida: Daacun, Xummado, Haweenkii oo dhiciyay kana Dhashey Sunta Hubkii Cuslaa ee Magaalada lagu garaacey.
d) Dhibaato Nolaleed.
Dhibaatooyinka Nolasha ee Dadkii bakaracay la soo gudboonaadey waxa ugu daran Biyo la’aan ka jirta Deegaanadii ay u barakaceen, inta badan wakhtigooda waxa ay faylal dhaadheer u galaan Biyo dhaamis, umana kala soocna Har iyo Habeen, sidoo kale dhibaatooyinka kale ee la kow sadeen waxaa ka mid ah Quutal daruurigii oo ciriiri ku ah waxaana iska yar inta Nolashooda si rasmi ah u dabooli karta.
Hoygii Kulka Maalintii iyo Qabowga Habeenkii ka geli lahaayeen oo sidoo kale helidiisu ciriiri ku yahey, waxaana laga soo sheegay goobaha qaarkood Dadkii u qaxey in Habeenkii ugu horeeyayba la kow sadeen Roobab xoogan oo Ilmo iyo dadkii kale ee taagta darnaa qaarkood dilay.
Goobaha loo qaxey intooda badani goobo caafimaad oo dadka xanuusan la gula tacaalo ma lahan, sidoo kale goobo Waxbarasho iyada hadalkoodaba daa.
Qoys walba oo ka mid ah Dadkii Qaxey, buulka uu ka yagleelay deegaanka uu qaxa u tegay hadii la booqdo Qiso ama Sheeko xanuun badan ayaa loogu tegayaa.
Rajada Barakacayaasha.
Si guud Niyada Dadkii laba qaxey ama Magaalka ha ka fogaado amaba haku dhawaado waa isku mid, marka laga hadlayo dib u soo gurayo noqashada, maxaa yeelay Taag uma hayaan bakarac kale, qof walba yar iyo weyn oo la weydiiyo xilliga xigga ee Gurigiisa dib ugu noqonayo wuxuu kuugu jawaabayaa Muqdisho dhinac ha u dhacdo.
Maxaa la gudboon dhinacyada is-haya?
Isku soo duub, dhinayacada is-haya -marka laga soo tago Ciidamada shisheeye ee -AMISOM oo iyagu aan Xisaabta ku jirin, Xoog & Gardanada Dalka ku joga- dhinac walba xilka ka saaran dadkaas banaan yaalka nasiibka u yaashey wuu garan karaa, Waxaana la gudboon inay u tudhaan Shacabkooda oo ayna ka eegan Danahooda gaarka haddii ay doonayaan inay hogaamiyaan.
1. In ay joojiyaan sababaha keenay qaxaan, oo dagaalka iyo loolanka siyaasadeed ugu horreeyo, ayna wada raadiyaan xal waara oo bulshadu dhibta kaga nasato.
2. In ay tixgalin weyn siiyaan bulshada, diinteeda iyo daneheeda marka ay go’aamada qaadanayaan, ee aysan wax ku dhisin danaha kooxohooda oo kaliya.
3. In ay xilliyada dagaalada ka taxadaraan dhiigga muslimiinta ee xaqdarrada ku daadanaya, ayna wada ogaadaan in Rabbi horti la weydiin doono qof walba iyo koox walba waxay gaysatay. Waxaa kale oo muhiim ah in koox walba ciidamadeeda ka reebto dhibaataynta bulshada.
4. In ay dadaal badan ku bixiyaan sidii looga khafiifin lahaa dadka qaxootiga ah dhibaatooyinka haysta ee isugu jira xanuunada, gaajada iyo biyo la’aanta, hoy la’aanta, waxbarasho la’aanta iyo nabadgalyo xumada.
5. In ay dakhligooda gaarka ah wax uga qoondeeyaan xallinta ama khafiifinta dhibaatada qaxootiga haysata, ayna sumcaddooda iyo calaaqaadkooda uga faa’iidaystaan sidii dadka tabaalaysan loogu soo gurman lahaa, isla markaana ay dadka ku hawlan wax u qabadka bulshada caawiyaan, una sahlaan shaqooyinkooda.

Barakacayaasha oo Gaadiid Xamuul ku Qaxaya

Haween & Caruur Gaadhi Dameer ku Qaxaya

Gaadiidka Qaxootiga Muqdisho Daabulaya

Gaadhi Dameer Agab Qaxiiti Daabulaya

Hooyooyin & Caruurtii oo Dhakhaatir Geed hoostii fadhiya u Safan

Daabaco
ilaahow wad u jeeda dadkan maskinta ah cida qaxisay oo sidan u gashay ilaahow ka qabo ilaahow kuwa ku dul dagaalamaya ilahow ka qabo ilahow dadkan dhargay oo kibirka ka batay oo isku dul dagaalaya masakinta ilahow wey qooqen ee ilahow balayo u keen dadkan ka qabo ilahow ilahow ada ka qaban kuwan kibrey bal masakintan bal fiiriya somaliyey sida loo galay cid u naxaysa maleh cidi la weydiyana waxey lee dahay ha iska sabraan ciyalkodana qurbahey nala joogan oo inta ayey keensaden masakintina ha iska sabran ayey leeyihin mey kuwooda geeyan celasha biiyaha hadey run shegayaan
dhakafaar | Jun 10, 2009 | Reply
waa maqal fiican hadii la qadanayo talooyinka idinkana qolyihiina somalimirror waa inaad ilahay uga toobad keentaan qebtaad ka qadateen hurinta dagaalkaan maxaa yelay buunbuunin aan caadi eheyn ayaad u sameeseen dhinac ka mid ah dhinacyada dagaalka ku jira .
hadana sida muuqata maqaalkaan waxa uu kabaya baaqyada kasoo baxaya culimada iyo waxgaradka kale ee leh damiir iyo danqasho ee ka gubanaya dhibtan sii socta ee u bahan in la joojiyo badalka xabaduna uu shaqeeyo caqliga iyo wada hadalka .
waa talo fiican in mawaaqida ay sidaan oo kale uga hadlaan dhibta jirta ayna raciyaan waxeey xal u arkaan .
samatar | Jun 10, 2009 | Reply
walalao yaal waxaan halkan mahad balaran uuga soojeedinayaa dhaman umada somaliyeed gaar ahaan walaalaha webkaan soodiyaariya eesida xaqiiqda ah wax usoo bandhiga una damqanaaya walaalo hooda somalaiyeed waad kumahad santihiin sida fiican ee aad noogu soo gudbisen wararka xaqiiqda ah ee wadnkeena ka dhacaaya markaa waxaan talo usoo jeedinlahaa dadka dagalamaya waa iney fiiriyaan marka uugu horeysa aakhiradooda marka labadna walaalohooda muslimiinta ah
jamal c.naasir | Jun 10, 2009 | Reply
Guusha Islaamkeena wee soo Dhawaatay
Samra Soomaali maxamadeey
Illaahay kuweena dhintay Shahaado haka aqbalo
Dhawaceenana ha daaweeyo asaa qaadir oo raxmaan ah
Shabakada SomaliMirror
Jazakum ALLAH Khayran
nusayba | Jun 10, 2009 | Reply
dadkan wax masaakinta ah waxaa qaxiyey maquusteyaal somali ah iyo qaramada midoobey oo isbiirsaday qori qaain ma quuste bey guryohoodi uga carareen illaahey ha u gargaaro
qaxooti | Jun 10, 2009 | Reply
As,Maashaa allaah, walaalkeen Runsheeg, hadal saxan oo qiimo leh ayuu soo qoray, arrinkaani waa sax qolyaha u sacaba tumaya, oo leh shekh xasan, shekh sharif war afkiina ka daysta, oo ilaahay ka baqa..
Qolyahaan war laliska ah, waxaan kula talinayaa naga daaya dhibka aad nagu haysaan, waayo qofkasta wuxuu ku mashquulay, Akhrin website iyo dhagaysi Radio, marka dadkaan ilaahay baa abuurtay, dhibkana u qoray…
Waxaan ku raacay rusheeg, magac fiicanaa
Falanqeeye | Jun 10, 2009 | Reply
asc.wr.wb walayal runti wa wax laga naxo dhibatadan ad iyo ad ilahow xaqa nawafaji dad xaq nagumaamulo ilahow noo sahal run waa xaq darro wax problem ah hada aragtan rabiyoow raxmanow dhibka naga dulqaad xaqana na tus asc//mahadsanidiin
yaya mohamet | Jun 10, 2009 | Reply
Qaxaan shacabka Muqdisho waxaa ka masuul ah kuwa wadahadalka iyo Nabadda diidan oo aan u naxaynin shacabkaan muslimiinta ah ee dhibaatadu daalatay.
Dagaalka maanta Xamar ka socda ma ahan dagaal diineed waa dagaal xukun lagu raadinaayo iyo dhaqaale, qofka muslimka ah waa in muslimku ka nabad galaa, dhiiga muslimkana waa ka xaaraan. Xamar dhiiga muslimka waa la banaystay. Ilaahayow umaddaan nabad u keen wax u naxaaya ma jiraan, Ilaahoow adigu badbaadi, kuwa dhibka ku wadana ka qabo.
Sheekh Mohamed | Jun 10, 2009 | Reply
waa wax aad looga xumaado in dad masaakiin ah korkooda lagu dagaalamo ilaaheey kacabsada oo umada dhibka kadaaya waxaad tabanaysaana si nabad ah kuwada xalista
Xalane | Jun 10, 2009 | Reply
ASCWWB ,Marka hore waad mahadsantihiin sida aad usoo diyaarineysaan akhbaaraatka degdega ah iyo dhacdooyinka markaas ka jira wadankeena hooyo ,intaas kadib ra’yigeyga waxaan ka leeyahay dhibka somaliya ka jira ilaah baa keenay alxamdulilaah ,laakiin anagaa ka mas’uul ah ,gaar ahaan niman wax ma garato ah oo shisheeyuhu ama gumeysiga uu ku shaqeeysto ,shacbiga soomaaliyeed indhaha yey is tirin wey ujeedaan markhaatina wey ka yihiin gantaalada bmka iwm nimanka ku baabi’inaya ,somalida waa inaay garab istaagaan walaalhooda u diidan dhulkooda gumeysiga kusoo duuley oo aan naxriista lahayn ,waa in laga saaraa gumeysiga iyo kuwa dabadhilif u ah oo wadankooda iyo diintooda, dadkooda aduun siisanaya oo dhamaanaya ,ilaahna wuxuu la jirayaa kuwo xaqa wada ,baadilkana waa suulayaa inshaa alah ,ilaah somalia ha u gargaaro.
QURBAJOOG | Jun 10, 2009 | Reply
ASc
Dagaalkan xamar ka socdo somalimirror ma keenin, mas’uuliyadeedi waxaa hore u xambaarsanaa cabdimeles, hadda shariif kursi. Madaafiicdan waaweyn ee ummada lagu barakiciyey waxaa soo tuuro waa AMISUN. Suntay ummada ku afuufeen ayey la ildaran yihiin soomalida. Illaahow sharif iyo kooxdiisa umada ka qabo. Waa tan Jubbooyinka, Gedo, Bay, Bakool iyo Shabeelada Dhexa lagu nimceestay isku xukunka shareecada. Kuwa Beesha Yahuud 260 million uballan qaaday in la siiyo haddii dhiiga muslimiinta ay cabaan, Illaheyow ka qabo shariif kursi iyo kooxdiisa oo dhaxlay cabdimeles. Kuwa Somalimirror wax ka sheegayo xujo cad ma haystaan ee waxay daboolayaan dambiga uu gaalay saaxiibkood shariif kursi.WSC
Miska wadahadalka imow | Jun 10, 2009 | Reply
asc waaba kuwa dadka somaliyed layay shababka aad shegeysan ee ilaah ka cabsada oo iska daaya qabilka iyo qurunka qof muslima dad madilo ii ilah kacabsada
Liban | Jun 10, 2009 | Reply
ilahey towfiqda hana waa fajiyo marka wan salamaya umada somaliyed mel walba ay jogan wan arakna dadkan la dhibateyey xaqana waa u so bixi dona haso daho ama ha so degdego lakin waxa hubantih dadkan la dhibateyey xaqoda mar unbu so dahiri dona waxana u shegana dadka donayo dantoda in ay qori cardis ku gaaran ma ku garayan ee danta ay leyihn waxaa wayay in ay kursi helan lakin wax is weydin mudan yey xukumayan dadku wa ay wada layen marka waxan u shegeyna dadka somaliya kunol wa islam galana majogto waxana galobay qof islam qofki gal ku tilamama marka ilhina ka cabasada inti baba,day waa baaben kuwa haray hala badbadiyo anigo ku hadalayo magaca qurba jogta somalyed
mahamad yare | Jun 10, 2009 | Reply
waxa masul ka ah dhiBkan o dhan wa UN EU IYO IGAD maxa yelay wax laga la’yahay somlai faraha kala baxa iyada aya kala hareysa ama heshineysa wxi so baxa ama tagera ama hadad rabtan ha tagerina idinka faragalinta siaysaded iyo dhaqale iyo militai ahanedba naga joojiya ma yelayan sababta o ah ma yelikaran dad wada muslim ah o wada sunni ah in ay sameystan dowlad islam ah maxa yelay illaah aya no shegay in aysan sura gal aheyn in ay rali ka noqdaan dowlad islam ah o saxiix ah marka wa in la qusiya gaalo o dhan iyo cida dabada ku wadataba ila ay iskod faraha ugala baxan somaliya SOMALIYA SOMALIBA LEH WANA DAD ISLAM AH O ISLANIMADA JECEL WAYNA KU DHAGNANDONAAN INSHA ALLAH WA LAGA QUSANDONA O FARAHA LAGALA BIXIDONA MAR DHOOW E HA LA SABRO
okash | Jun 10, 2009 | Reply
Somalimirror maxaa ku kalifay iney hadda la safato shacabka kadib hurinta dagaalka oo ey dhiiri gelinayeen qolooyinka nabad diidka ah.
Su’aashu waa waa laga kala tegay kadib markii la arkay iney xizbul islaam afkooda ku hadlaan. Waan caqli xumo sababtoo ah waxaan ognahay in somalia arrimaheeda xal siyaasadeed loo helo mahane inaan xoog lagu muquunin karin kuwa dowladda sheegta.
Waxaa idin kula talinayaan inaad ilaahey ka baqdaan oo aad iska deysaan waxa aad ku jirtaan.
Wabilaahi towfiiq
xassan
xassan | Jun 11, 2009 | Reply
a/c/w/w/ salaan abcdi waxan rabain aan u tacsiyeeyo dhamaan dadka dhibaatdu gaartay ee walaalaha masaakiinta shacabka ah inta dhawac ah ilaahay ha caafiyo lakiin waxa lays waydiinayaa cidda mas,uul ka ah ilaahy hurtiis waa lays waydiinaa adunkana waxaa layaga yaabaa in lala xisaabtamo insha,allah somali mirror waxaan leeyahay ilaahy ka cabsada oo dagaalka joogiya aad ninaciina ka wadan oo qalin ku dhiigle ayaad noqateen ee iska dhaafa dadkan danbiile yaalka ah oo aad tagayraysan oo runta sheega wabilaahi towfiiq
c/raman haji | Jun 11, 2009 | Reply
asc dhammaan bahda wax akhrisa ee soomaaliyeed.
Anigu waxaan arkaa dhibka jiraa waa mid sare oo kor laga maleegayo, laakiin dadkii fahmi lahaa ayaa nala ka weysan yahay oo dhihi lahaa dalka inagaa iska leh oo dheeftiisa iyo dhibkiisu gaar ahaan nootaabanayaa ee aan ka talo baxno dadka kor naga maamulaya ee danaha gaarka ah wata.
Carruurta reer galbeedka waxaa lagu tarbiyeyaa saddex arrimood:
1- In aan maskaxdooda lagu shaqeysan ee ay ka xoroobaan xagga maskaxda, macnaha aan laga dhaadhicin waxaan dani ugu jirin.
2- In ay dalkooda ka u huraan waxwalba oo aysan dhib yar u horseedin, kana hortagaan xumaan oo dhan.
3- In ay dadkooda ilaaliyaan xag naf, maal iyo sharaf intaba.
Haddaba inagoo muslim ah 100% maxaa inoo diiday, in aan maskaxdeenna xoreynno oo aan lagu shaqeysan oo aan danteenna kaliya fiirsanno oo dalkeenna dhisanno.
Maxaa inoo diidan wadahadal iyo isqancin buuxda?.
Waxaan leeyahay yaanan dano shisheeye iyo mid gaar ahaaneed loo shaqeyne dalka iyo dadka aan badbaadsanno oo hala joojiyo dulmiga, dhiigga iyo barakicinta bulshada.
Waddani
waddani | Jun 11, 2009 | Reply
Somalimirror waan hubaa oo kollay Tacliiqayga soo qorimaayaane, waxaan odhan lahaa Dhibta qayb baad ka tihiin waayo Dhinac baad la safantihiin, ee Dhex-dhexaad noqda
wali waxaad jirtaan Dhinac waxa caddaynaysa qaybta warbixinta ee cinwaanka looga dhigay Maxaa keenay Qaxa intaa leeg.
waxa ku jirta Duqaynta AMISOM, waa sax oo waa ka mid ah laakiin Dhinaca kale xabbadoodu ma biyaa iyo hoobiyahoodu cid waxba ma yeelo miyaa wali Somalimirror daraf ayaad tihiin, fadlan is daba qabta oo Arrimaha Dhex-dhexaad ka noqda.
Ilaahaw u gar-gaar Umaddaada dhiban ee loo diiday Guryahoodii in ay si nabad ah ugu noolaadaan
Xaq ku addin | Jun 11, 2009 | Reply
Tixgalin siiya Tiro Koobka Dhacdooyinka aad qoreysaan, si Aqristayaashu eey ugu Noqoto Xigasho eey Cuskan karaan hadii Ay u timaado Baahi qoraal.
Mahdi | Jun 11, 2009 | Reply
a/c/w/w
waxaan rabaa inaan fakarkeyga ka dhiibto cidda ka mas’uulka ah qaxa dhacay bixitaankii amxaarada ka dib,sida aan la socono markii markii cadowgii soo jireenka ahaa ee amxaaradu ay baxeen dadkii waxaa usoo laabtay rajo fiican oo qof welba waxuu kusoo noqday gurigiisii waxaa la dayac tiray guryihii la dumiyey waxaa suuqyadii laga guuray ka bilaabmay ganacsigii,hadaba iyadoo xaalku sidaas yahay culimadii soomaaliyeedna ay fariisteen soona saareen sagaal qodob oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in xabada la joojiyo, ciidamada shisheeyey la saaro, Shareecada islaamka in lagu dhaqmo ay dowladu ka dhawaaqdo muddo 90-cisho ah ayaa waxaa arintaasi diiday oo iclaamiyey dagaal xoog leh oo umaddii ku hoobatay kuna barakaceen Dr, cumar iimaan abuubakar oo ahaa gudoomiyihii xisbul-islaam waxaa dagaalkaasi socday 2-cisho waxaa ku dhintay 53-qof waxaa ku dhaawacmay 361-qof waxaa ku barakacay dadkii daganaa xaafadaha km4.Taleex.Tarabuunka Kasabalbalaare,African village iyo Black sea dadkii qaxay waxaa lagu qiyaasay 253,000 qof waxaa ku xirmay jaamacadihii iyo iskuuladii oo dhan,waxaa xigay haddana dagaalkii dhacay bishii 5 09 oo socday muddo dheer waxaa isagana ku dhintay dad kor u dhaafaya 991-qof waxaa ku dhaawacmay 4312-qof waxaa ku barakacay dadkii xamar daganaa oo dhan waxaa maalin welba dhinta ama dhaawacma dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku haray guryihii laga guuray waa gartay haddaba waxaan maqalnaa mar welba waxaan la dagaaleynaa cadowga ilaahey ee amsom yaa maqlay ama arkay dad la dilay oo amsom ah yaa maqlay intii dagaaladasi socdeen dhib la gaarsiiyey? waa yaabe maxaa keenay in xisbiga islaamiga ah ee xisbul islaam ay mas’uul ka noqdaan dhibka amxaaradii ka dib dhacay oo dhan?
waa dhab iney ka danbeeyeen waxayna noqdeen xizbigii islaam sheegta oo dhiiga shacabka macna daro ku daaya, waxaana muuqata iney haddana weli u hamuun qabaan,
haddaba waxaan siinayaa taladaan,
-inaad joojisaan xabada dileysa dadka shacabka ah oo kaliya
-inaad umada ugu baaqdaan iney guryahoodii dib ugu soo noqdaan \
-inaad ka deysaan xabada aad dadka ka dhex rideysaan oo aan cadowgiina waxba gaarsiineyn
-inaad cafis weydiisataan eebe weyne iyo shacabkii sababtiin loo xasuuqay
-inaad ogaataan dagaalkaan macnadarada ah ee aad wadaan inuu yahay midkii wadanka mar labaad cadowga ugacan gali lahaa,
-inaad wax welba oo damac ah uga tanaasushaan shacabka dhibaateysan
mahadsanidiin
ali yasin yare | Jun 11, 2009 | Reply
anigu waxaan la hadlayaa soomalimirror walalayaal waxaad ogaataan ale in uu ogyahay waxa laabaha hoostooda ku jira marka ku dadaala in aad alle raali galisaan oo aad ka fogaataan raali gelin koox ka mid ah kooxaha isku haya kursiga somaliya ama diin ha u mareen ama diin la’aan ha u mareene.mida kale maqaalkan ruuxadiisu ha idin baro in aan dhiig muslin oo ladaadiyo uusan faaiido keeneeyn aakhiro iyo aduun intaba kuwan is hayan qaasatan qolooyinkan dagaalka bilaabay ilaaheey xaqa ha fahan siiyo……oo allaha ka joojiyo dadka qalbiyadooda oo aad moodo in eey akhrinayaan
luqmaan | Jun 11, 2009 | Reply
walaalayaal waad aragtaan dhibaatada kataagan muqdisho yaa dhibaatada keenay waxaa keenay hawiye oo kursi kudagaalamayo oo leh sideed madaxtinimo kuheshaa hawiyooy dagaalka kadaaya umada waligiin waa laidin xukumi jirey xukuna wax kama taqaanaan ee dagaalka joojiya hadeynu nahay soomaali alaha naga qabto hawiye iyo wixii daba dhilif u ah waxaad noosoo gashateen shaati diimeed umadiina waad dhamey seen waligiin horu mar gaari meysaan abadan hakayaabin
WAR IYO DHAMAANTII HAWIYOOY DAGAALKA JOOJIYA UMADII AADLEYSEEN HABAARKOODA AYAA IDINKU DHACAY WAR ILAAH KACABSADA OO DAAYA DAGAALKA AAD UMADA KUBARA KICINEY SAAN DOWLADA NIMO WAX KAMATAQAANAAN BARAKICIN UNBAAD TAQAANAAN ISKU XISHOODA XISHOODKA ALLA IDINKA QAAD WAR MIYEYDAAN XISHOONEYNI MARLABAAD UMADA KADAAYA BARAKACA CUQUBO IDINKU DHACDAYE
ajuka | Jun 12, 2009 | Reply
dowlad ma jirtee aloow shicibka islamka ah ee dhibaateysan dhibaatad ka bixi aameen!
4.5 | Jun 12, 2009 | Reply