Haasaawe siyaasadeed (Q 6-aad)
By Somalimirror on 8 Jun, 2009 12:19 PM in Maqaallo
Haasaawe siyaasadeed (Qeybta 6aad)[1]
Axmed C/samad
Waxaa muddo ka dib la isugu soo noqday kulamadii taxanaha ahaa ee maqaaxida shaaha, iyadoo muddo la kala maqnaa. Hadalka waxaa bilaabay oday Cabdulle, oo yiri: waqti dheer baynu kala maqnayn, waxyaabo badana intaas way dheceen, wadaadka oo shirkii culimada ka soo qeybgalayna waa inoo yimid, ee bal wixii warbixinno ah hadalka inoo ka bilaaba.
(Xaaji Ibraahin): waa talo fiican, laakiin wadaadka iyo labo ninoo kalaa is barashadii nooga dhimmanaaye, iyada inoo hormariya, Shiikh Ciise-na ha ku hormaro.
(Sh. Ciise): magaca la sheegye waxaan ahay Abas kuul[2], waxaana ku dhashay, Qabri Bayax, takhasuskayguna waa dacwada, khibrad dheeroo 32 sano ahna waan u leeyahay. (Nin): adeer anigu waxaan maqli jirey Habasguul, ee ma kaasaad u jeeddaa mise qolo kale. (Nin kale): adeer is raacsoo Qabri bayax-na noo sheeg halkay dhacdo. (oday kale): ceebeheena waxaa ka mid ah in aynaan dadkeena iyo dalkeena aqoon, waxaase ka daran intii la yaqaanayna si qaldan bay dad badan ugu dhawaaqaan. Magaca saxda ah waa sida Sh. Ciise u yiri ee Habas iyo guul midna ma jiro, Q/bayax-na waa degmo raacsan gobolka Jigjiga ee S/galbeed.
Magacay waa Buulle Axmed. Waxaan ku dhashay Daafeed[3], qabiilkaygu waa: Intii injeedi kiila jirow barbaarre. (Nin): walaal waxaasi waa sheekee qabiilkaaga noo sheeg. (Nin kale): waar waa jifo ka mid ah Shanta caleen’e dadkaaga kala baro.
(Buulle): waxaan bartay cilmiga beeraha, waxaana leeyahay khibrad 26 sano ah. (Oday): wadaadkaa inoo haraye ha ku soo dhawaado.
(wadaadka): magacaygu waa Axmed C/samad, miyiga Galdogob baan ku dhashay, waxaana ahay Xer. (nin kale): xertee ma Timaweynta?. (mid kale): Alla kani miskiinsanaa!, war mayee waa qabiil Xer la dhoho. (mid kale): Xer-tu ma tu direedbaa mise waa mid Daarood?. (nin kale): war innagaa yaab aragnay oo goormaa Xeraha la kala yeeshay?. (mid kale): war ninkaan afkiisaa sheegayoo haybsi kale uma baahnee iska daaya, waa Leelkasee. (Mid kale): oo maxaad kaga garatay afkiisa faradheertaan wada qaylinaysa?. ( ku kale): war iska daa waa reer Muduggii dhibtaan noo keenaye!.
(Wadaadka): Nimanyohow ogaada magacaan Mudug dad badan baa isla lahaa, markii dambe inta bar la jaray baa G/guduud loo baxshay, magicii eedaysnaana annagaa na loo ka tagay. (Nin kale) oo maxaad uga dagaallami weydeen?. (ku kale): ma iyagaa diidi karay dawladda markaas reer G/guduud baa haystaye!. (Xaawo): waryaa maxaad saa u leedahay xilligii Maxamed Siyaad baa magacaan (G/guduud) gobolka loo baxshaye?, (Cismaan): Xaawo adigaa isku maragfuray, ninkaad sheegaysid yuu ahaa?. Marreexaan asalkiisii soo Mudug kama soo faalalin?.
(Nin kale): Wadaadka daaya, waa runtiise, nimanka curadyadooda inta madaxa koombooyinka u saaray yiri: nin walba wiilkiisa koombada dul saaran xabbad ha kaga qaado sow idinka ma aha?. (nin kale): Daya daya!, Cali yare ficila reer Mudug-nimaa qaadaye, war adiga maxaa kaa galay ma awowgey baa Wisil ku dhashay baad ugu gurmanaysaa illaa adigu ciyaal Marka ayaad tahaye?. (Cali yare): Sow idinku ku dhashay iyo u dhashay ma keenin oo meeshii xuduntayadu ku duugnayd (aasnayd) nooma aydnaan diidin?.
(Nin kale): gartu Ilaah bay taqaane ma kala shar yaridin, waxaa la yiri: todobada cadaabood waa kala cawdu billaystaan!. Haddaan idiin fiirsadayna sharka qarsoon reer Muduggaa badan, kan qaawana reer G/guduudka. (Sh. Mukhtaar): illaa lammagoodle hadal looma bilaabo, war nimanyohoow kaftanka naga joojiya, waqtigu waa qaaliye. (dhammaan): haye, sheekh wado.
(wadaadka): shareecada ayaan wax ka barbartay, dacwadana waa ku lug leeyahay, far Soomaaligana mar mar baan wax ku qoraa.
(Oday): horta kulamadaan faa’iidooyin badan baan ka helnay, waxaana ka mid ah barashada dadka iyo dalka, xog iyo talooyin badan oo muhiim ah, in wax badan oo Soomaali isku hayso aysan sal iyo raad midna lahayn, waxyaabana si xal looga gaaro loo baahan yahay in si deggan oo walaalnimo ah looga wadahadlo.
(Oday kacsan): waryaara meeshu ma meel wadaadadaan ummadda kharribay loogu dacaayadeeyaa?, waar naga daaya dadkaan diinta ku qaraabanaya oo dadkana baaba’shay, gaaladana qabqablayaashii uga hoosmaray. (Nin): waar ii banneeya jaajuuska xunkaa, wallaahi inuusan geedo dambe calalinayne. (Nin): waar qabo ninka, adeer meesha waa la wada hadlayaaye dagaal ma jiro. (Kuwo kale oo yimid): waa maxay dagaalku?. (Ninkii): waar waa jaajuus xunoo diinta iyo culimadu ka baxsan weydaye yuu iga fakan. (Kuwii yimid): waar ka bayra ninka la sheegayo. (Oday): adeer shaydaanka iska naara, odaygaan annagaa naqaanoo jaajuus maahee, hadalkaa ka qalloocdaye. (Wadaadkii): waar dhallinyaro bal u suga, ninku ina ka fakan maayee, bal aynu ninka la xaajaysanee. Bal fariisiya ninka xanaaqsan. (Raggii yimid): haye, walaal fariiso ninku inteenaas ina kama fakan karee. (ninkii): waa hawraarsan.
(wadaadka): adeer magacaa?. (Nin kale): Sheekh ninkaan odayga ah waa la yaqaan, waana nin wanaagsan. Markii aynu sheekada bilownayna wuu ina ka maqnaa, oo waxa aynu ka hadlayno ma fahamsanayn ee yaan arrintaa waxba laga soo qaadin. Magiciisuna waa Warsame. (Wadaadka): Warsame adeer soo dhawow dadka meesha fadhiya waa walaalahaa iyo wiilashaadii. Goobtaana in aan ku kala faa’iidaysano ayaan isugu nimid annagoo walaalo is jecel ah ee muran iyo middi middi ku taag ma jiro.
(Odaygii): see baanu u jirin haddii ju’ la idiin dhoho xabbaddaaba idinka soo horraysee?. (Wadaadka): mayee adeer sida aad nooga maqanayd ayay raggaan kalena nooga maqanaayeen ee aynu is qancino. (Odaygii): waxba kama qabo.
(Wadaadka): horta annagu marna ma aannaan oran wadaadadu qalad ma leh oo waa ceeb ka saliim, waana qirsanahay inay si toos ah ama si dadban shacabka dilkiisa uga qeybqaateen, inkastoo aan hubno in arrintaa si ula kac ah cadawgu u buunbuuniyay. Tan kale ma diidanin in aan gaalada wadahadal la galnay oo wax kula heshiinay. Haddaba aan su’aal ku weydiiyee dalka annaga iyo qabqablayaal baa isku haynaye miyaanaan ka dhib iyo shar yarayn raggaas, adigoo dad baabi’inta aad sheegtay tusaale ka dhigaya?. (Odayga): Shaki ma leh inaad ka shar yar tihiin, inta ay dilaan iyo inta aad dishaana wax la isbarbardhigi karo ma aha.
(Wadaadka): dhinaca kale miyaanaan ummadda uga nafci badnayn?. (Odayga): waa la hubaa inaad ka waxtar badan tihiin dhinac walba.
(Wadaadka): Dhinaca heshiiska gaalada horta ma inkirayno, laakiin adeerow Ilaahay baan kugu dhaarshaye ma waxaa siman nimankii gaalada keenay iyo kuwii saaristooda ka shaqeeyay, mise waxaa siman raggii la dagaalamay iyo kuwii u dagaalamay?. (Odaygii): marag Ilaahay inaysan sinnayn. (Nin kale): Sheekh hadda arrintii Xabashida la idin kuma haysto ee African-kaan aad soo daldalaysaan iyo gaalada kalee aad u gacanhaatinaysaan baa la idinku haystaa.
(Wadaadka): horta eeddaa nala la maagaye hawshaan annaga way naga horraysay, haddana in cidi talo naga weydiinayso iyaga iyo kuwo kaloo la keenayo midna ilama aha, waxaana ku qancay fikraddii maanta halkaan odayaashu ka soo jeediyeen oo ahayd inay madaxweyne Shariif iyo wadaadada ka soo horjeeda labadaba dalka ka ilaalinayaan.
(Odaygii): adeer khayr Alle ha ku siiyo, jawaabtaada waan ku qancay ee raalli ka ahaada qadafkii iga dhacay. Nimankii aan is galnayna aniga waa iga cafis, iyagana inay I cafiyaan baan ka codsanayaa. (Raggii kale): adeer cafi iyo masaabax, raallina naga ahaw. (Oday Jaamac): waar Soomaali is faham la’aan bay isku dhammaysay, bal eega khatarta aynu maanta galnay iyo hadda sida raggii isu qanciyeen.
(Oday): waqtigii waxaa maanta ina ka lumiyey buuqii Warsame nagu kacshaye bal inta hartay wadaadku ha nooga waramo waxa uu la soo kulmay iyo siday ugu muuqato.
(Wadaadka): nimanyohow warka meesha yaal fadhigaan laguma soo koobi karee, waxaa ila quman inaan arrimaha qaarkood qoraallo ka diyaariyo, qaarna aynu kulamadeena soo socda ku gorfayno. (dhammaan): haye, haye. (Nin): kuwa aad qoraysid cinwaanadooda wax ma nooga sii sheegi kartaa?.
(Wadaadka): haayoo, waxaa ka mid ah: Shiikhoow waxaan ku weydiiyey, Is caddee iyo yaynu wax u qornaa?.
[1] Qoraalkaan waxaan diyaariyey intaanan Xamar tagin, wax yar baanse ka badalay.
[2] Waxaa la yiri: Abas macnihiisu waa ABEES (lab ah), KUUL-na waa indha-kuulan. Haddaba macnaha magucu waa Abeeskii indha-kuulnaa.
[3] Daafeed waa magaalada ku caanka ah Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.
aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan
Daabaco

shukran shiikh axmed c.samed.
jasaakalaahu alfa alfa khayr.
c.rixmaann jaamac | Jun 8, 2009 | Reply
Assalaamu Calaykum W/W
Ugu Horayntii Jazaakalllaahu Alfa Khayr Shekh Axmed
Runtii waxaan si wayn u dareemayaa in Akhristayaasha Somalimirror ay in mudaa tabeen Qoraaladaada Qiimaha badnaa
mar baan is iri Shiikhu miyuu daalay hadana waxaan filayay inaad wax wayn ugu maqanatahay Ardayda kugu xiran
mar labaad mahadasid adiga iyo walaalaha Somalimirror ee noo fududeeyay Xiriirkaas
Caashiq Alxuur | Jun 8, 2009 | Reply
kkkkkkkkkk sheekha khayr allaah ha siiyo
Rooble | Jun 8, 2009 | Reply
Salaan ka dib dadkii la rabey inay ummadda badbaadiyaan shaqadoodii waxay dhaafi weyday qoraallo iyo bayaano, in intaas waxtaraysana waa ogahay ee ka badan baa laga sugayey, ayna qaban karaan ee Ilaahay ha na asturo, hana na baxsho.
Yaabbane | Jun 9, 2009 | Reply
MAGACA RUWAAYADU WAA HAASAAWAHA SIYAASADA,
waxaa curiyay SHiikh ahna abwaan axmed c/samad aadbaanan uuga helay siday shekadu isugu dhacayso waana fahmay waad mahadsantahay shiikh
somalidu luuqada waxbay ku kala gataane sikale iskuma fahmaan MACNAHAYGU WAA ISFAHAN LA’AAN oo uu keenay hubsiina la’aanta
tusaale u qaado (odaykacsan)sida sheekada laga dhadhansankaro. aduunka xataa erey xushmeedka laguwada dhaqmo somali ahaan waan ka dhacsanahay sida (iga raali noqo)(waad mahadsantahay) (maku dhaafi karaa), iwm hadii sida shiikhu u sameeyay ruwaayada oo ninka wadaadkaa siduu u qanciyay ODAYKACSAN waxaan oran karaa dhulkeenoo dhan baa noqon lahaa mid la’ogaado nolashu qiimaheedu waxay tahay,
bariir | Jun 24, 2009 | Reply