Gudida Golaha Guurtida S/Land oo Go’aamo ka soo Saaray Shaqaaqadii ka Dhacday Ceelbardaale.

Published on June 8, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

HargeysaGudidii golaha guurtida maamulka s/land ee loo saaray xal u helida khilaafaadka deegaanka ceel bardaale ee u dhaxeeyey laba beelood oo ka soo jeeda deegaamada gebiley iyo dila ayaa soo saaray go’aamo miisaan leh oo la doonayo in lagu soo afjaro colaadan mudo labaatan sanadood gaadhaysa ka dhex aloosnayd labadan ardaa, dhinaca  gebiley ayaa aad looga soo dhaweeyey go’aamadan , halka dhinaca dila lagaga gacan saydhay go’aankaas ay gudigu ka soo saareen wuxuu u qornaa sidatan:

ref:gg/jsl/gg/08/06/2009.

Ujeedo : xukunka laga gaadhay mashruucii ceel bardaale oo ay isku hayeen jibriil abokor iyo reer nuur.

Gudida nabadaynta golaha guurtida ee beelaha isku haya mashruuca ceelbardaale oo ka koobnayd 12 xubnood oo dhamaantood ka tirsan golaha guurtida somaliland, kuwaasi oo loo xilsaaray inay soo xaliyaan arinta muranku ka taaganyahay ee mashruuca ceelbardaale, wadayna hawsha nabadaynta intii udhaxaysay 27/02/2009 ilaa 07/06/2009.

Gudidu intii ay hawsha ku jireen waxay kulamo, fadhiyo iyo shirarba iskugu keeneen dhinacyada arintaasi mashruuca ku muransanaa, fadhiyadaasi oo lagu kulmay qawska burdi iyo kalabaydh laguna dhaariyay min 25 xubnood oo dhinac walba leh, kuwaasi oo ka xaajo qaadanayay arinta furka, dhimashada, dhaawaca, iyo dhulkaba ahayd ee ay ku maransanaayeen iyada oo labada dhinaca mudiciga iyo mudaacayguba kala sheeganayeen anagaa leh mashruuca iyo dawladbaa lahayd mashruuca dhulkaana anagaa qaadanay, “guurtiduna ka garnaqaysay yaa leh dhulka mashruucaas lagu muransanyahay?”

markay gudida nabadaynta ee golaha guurtidu aragtay qoraalka dacwada mudiciga ee ku taarikhaysan 26/04/2009 nuxurkiisuna ahaa mashruuca ceelbardaale oo ka kooban sideed kaam, anagaa leh waxaa naga haysta reer nuur, horena waa la noogu xukumay 18/06/1993.

Markay gudida nabadaynta ee golaha guurtidu aragtay qoraalka jawaab celinta mudaa calayga ee ku taariikhaysnaa 02/05/2009 nuxurkiisuna ahaa mashruuca dawladbaa lahayd dhulkana anaga ayay naga qaaday iyo qoraal kale oo ah kalsooni bixinta oo ku taariikhaysan 09/05/2009.

Markay gudida nabadayntu dhagaysatay dacwadii doodii afka ahayd, muduciga oo 3 caaqil ku dawiyeen in ay muduci ku yihiin reer nuur kana doonayaan 2 (laba) qori oo fur ah (baasuuke, ak47) iyo 4 (afar) nin oo dhimasho ah iyo 7 nin oo dhaawac ah.
Iyo dhul ka kooban 8 kaam.


markay gudida nabadayntu dhagaysatay doodii afka ahayd ee mudaacalayga oo 3 caaqil ka doodeen iskuna difaaceen sheegayna in dhinacooda 2 nin ka dhinteen oo kala ah:
axmed yaasiin
cali kule
c/laahi cabdi cumar, oo ahaa wiil yar oo la joogay muduciga jibriil abokor oo la uus xabaalay iyo dhulkaas mashruuca oo hore dawladi nooga qaaday 1961.

Markay gudida nabadaynta ee golaha guurtida u cadaatay in laysla qiray dhimashada , dhaawaca, iyo furka.

Markay gudida nabadaynta ee golaha guurtidu soo eegtay xaalada dhaawacaas labada dhinacba ah oo kala yaalay gabiley iyo dilla taariikhdu markay ahayd 14/05/2009.

Markay gudida nabadaynta ee golaha guurtidu soo gaadheen hubkii furka aha ee reer nuur soo celiyeen laguna wareejiyay jibriil abokor hubkaas oo kala ahaa (baasuuke iyo ak 47)

markay gudida nabadaynta ee golaha guurtidu soo eegtay khasaarihii dhacay mudadii shaqaaqadaasi socotay, taasi oo guurtidu ku soo aragtey khasaarahaasi hal dergad oo seemaal ah iyo gubad yar oo boodhka ah , qiimaytoodana waxaa loo xilsaaray ergooynta beelaha ee labada dhinac jibriil abokor iyo reer nuur.

Markay gudida nabadaynta ee golaha guurtidu soo aragtay beero shaqsiyaad leeyihiin oo ku xeernaa mashruuca kuna yaalay xamarta baysaare iyo ceeriga kuwaas oo dhamaan cadayntoodii iyo mulkiyadoodii oo ka diiwaan gashan degmada gabiley loo soo gudbiyey gudida nabadaynta ee golaha guurtida.

Markay gudida nabadaynta ee golaha guurtidu soo aragtay dhulka lagu muransanyahay ee uu ku fadhiyayay mashruucaasi ceelbardaale oo hanti badani ku taalay hantidaas oo ka koobnayd dhismiyaal dunsan ceelaal iyo beero.

Markay gudida nabadaynta ee golaha guurtidu ku qanacday cadaymihii iyo maragmuujintii u keenay muwdicigu iyo go,aankii xukunkii hore ee guurtidu ka gaadhay mashrucaasi oo murankiisu u dheexeyey jibril abokor iyo reer nuur 18/06/1993.

Sidaas dardeed gudida nabadaynta ee golaha guurtida oo cuskanaya asbabahaas kor ku xusani waxay soo sareen xukunkan:-

in magta dhimashada lixda nin lagu xukumay midkiiba 100 halaad oo geel ah sidaa sharecadu islaamku qabto
in aaska lixda nin ee dhintay midkiba laga bixiyo $500 dollor lana siiyo qoysaskii geeridu ku timid laguna bixiyo sadex maalmood oo ka bilaabmaya maalinta xukunkaasi soo baxo.

In $2000 ( laba kun oo dolor) ay dheertahay magta wiilka yare e maganta ahaa ee la uus xabaalay marxuum ( cabdilaahi cabdi cumar)
in dhaawaca sadex iyo tobanka nin la siiyo badhigooyo labada dhinacba , sadexda ugu dhaawaca culus midkiiba sadex milyan oo somaliland ah, isu gayn ah lix nin dhaawaca hadhay ee fudud oo dhami todoba nin oo labada dhinacba ah la siiyo midkiib hal milyan oo somaliland ah, lacagtaasna waxaa lagu bixinaya sadex maalmood oo ka bilaabmaaysa maalinta xukukunkani soo baxo, iyadoo la xaqi doono maalinta magwaynta la kala qaadanayo.

In qofkasta oo reer somaliland ah uu xaq u leeyahay lahaanshaha hantidiisa ma guurtada ah sida beer, dhisme , barkad, aqal, iyo ceelbereed.


In aan cidna gaar u sheegan karin, xoolaha dadkan laga celin karin daaqa, ceelasha caadiga ah biyaha qulqulaya iyo wadooyinka
in qofkasta looga tago hantidiisa gaarka ah bil gudeheedna ku dago gurigisii iyo beertisii.
In mashruuca ay leedahay cidii hore u lahayd ee loo xukumay 18/06/1993 oo ahayd muduciga.

Gudida nabadaynta ee golaha guurtidu waxay ayiday xukunkaas hore looga gaadhay mashruucaasi 18/06/1993 oo wafaqsana shareecada islaamka, waxayna gudidu uu xukuntay dhianca muduciga.
In bixinta magtaas iyo celinta dhulkaasba lagu fuliyo muddo hal bil ah oo ka bilaabanta maalinta u xukunku soo baxo iyadoo xukunkan ay fulinayso xukumada somaliland.
Cidii jabisa xukunkaani waxaa la ganaxaya $35,000 (shan iyo sodonkun oo dolor).

Xukunkani wuxuu soo baxay oo u dhaqan galaya laga bilaabo maanta oo taarikhdu tahay 07/06/2009.
 
Shaqaaqadan ka dhex taagan ardaayada oodwadaagta ah ayaa markii labaad laga soo saaray go’aan isku mida, ka dib markii 1993 dii loogu saaray gudi xal u hela khilaafaadkan dhuleed oo loo eenaynayo in xiligii ay jirtey xukuumadii dhexe ee somaliya iyadu ay ka faramaroojisay dadkii deegaankaas ku lahaa kaamamka iyo beerahaas.
 
Inta badan dhibaatooyinka is qaqabaqabsiga dhuleed ayaa soo baxa waqtiga ay soo dhow yihiin qabsoomida doorashooyinka madaxweynaha iyo dawladaha hoose, kuwaasoo bixiya dhul iyo magacaabis gobolo, degmooyin iyo balan qaadyo ku eg waqtiga doorashooyinka kuwaasoo marka danbe abuuro is qabqabsi iyo colaado ay adkaato xal u helidoodu.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gudiga Joogtada ee Golaha guurtida S/land oo warbixin laga dhegeystey
  2. Golaha Guurtida Beelaha Direed oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Xasuuqii Guriceel, Matabaan & wada hadalka Yemen
  3. Golaha Guurtida S/land oo ka hadlay Doorashada Sh, shariif iyo Waqtiga Komishanku u Cayimay qabsoomida Doorashada Madaxtooyada.
  4. Golaha Guurtida ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood oo warsaxaafadeed ka soo saaray Xaalada Kismaayo
  5. G/Guurtida Maamulka S/land oo Xilliga u kordhiyay Daahir Riyaale.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gudiga Joogtada ee Golaha guurtida S/land oo warbixin laga dhegeystey
  2. Golaha Guurtida Beelaha Direed oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Xasuuqii Guriceel, Matabaan & wada hadalka Yemen
  3. Golaha Guurtida S/land oo ka hadlay Doorashada Sh, shariif iyo Waqtiga Komishanku u Cayimay qabsoomida Doorashada Madaxtooyada.
  4. Golaha Guurtida ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood oo warsaxaafadeed ka soo saaray Xaalada Kismaayo
  5. G/Guurtida Maamulka S/land oo Xilliga u kordhiyay Daahir Riyaale.

Latest Headlines