Gorden Brown ayaa markii ugu horeysay Golihiisa Wasirada ee uu dhawaan isku shaandheynta ku sameeyay waxa uu ku soo daray golihiisa Wasiirada Wasiir Muslim ah oo lagu magacaabo Sadiiq Khan oo horay jiray wakiilka Wasaarada dadka laga tirada badan yahay.
Sadiiq Khaan ayaa noqon doona Wasiirada Arimaha Isgaadhsiinta, waxaana lagu wadaa in uu la shaqeyn doono Wasiirka Isgaadhsiinta Lord Edwin’s , wuxuuna Sadiiq Khan Xafiiska kala wareegi doonaan Jif Hawn oo xilkiisa iska casilay maalintii Jimcaha ahayd ee la soo dhaafay.
Dhicana kale Xisbiga Muxaafidka ayaa baryahanba waday qorshayaal uu ku soo jiidanayay dadka Muslimka ah waxayna tani ka dambaysay kadib markii Xisbaga Mucaaradka ah ee Ingiriisku oo u fasaxay dadka Muslimka ah in ay dhisan karaan Iskuulo Islaami ah taas oo ay ku sheegeen in ay qeyb ka tahay baahiyadooda xaga Diinta
Wargeysa York Shire ayaa sheegay in Michael Jove Skater oo ah nin caan ka ah Ingiriiska uu ku qanacsan tahay talaabada ay qaadeen Axsaabta kala duwan wuxuuna u sheegay York Shire “waxaan doonaynaa in aan dhisno Xaquuqda Waalidiinta si ay Caruurtooda ugu helaan Caqiido iyo Tacliil ku dhisan Caqiiqada Islaamka “ wuxuuna intaa ku daray in Xisbiga Mucaaradka ah uu qorsheynayo in uu Aabayaasha Muslimiinta ah u oglaado Mu’asasadaha kheyriga ah iyo in ay dhistan Iskuulo Islaami ah.
Magacaabida Sadiiq Khan ayaa noqneysa tii ugu horeysay ii uu qof muslim ah uu uga qeyb noqonayo Dowlada Ingiriiska , waxayna tani u muuqataa talaabo ay Dowlada Ingiriisku ku soo dhaweysaneyso dadka Muslimta ah kuwaas oo dhibaatooyin badan lagu hayay.

Related posts:
timir lafbaa kujirta!!!
waxa rabtan sameya wale in aan la idin deyneyn ila a cidamadina ka so qadatan wadamada islamka ah se rali idnka noqona iyadao cidamadinu ka tagen cariga england o ay xog ku galen wadamada islamka o ay intas leynayan dad muslimiin ah se nagu so jidankartan waxan u shegilaha hadi an awodo dadka manta nooli ma ahn kuwi nola xliyadi aad umadaha gumeysiga galinjirten o sidad dontan ka yelijirten o waxa rabtan u shegijirten manta wax xaqiqo ah wax an aheyn ma soconayan e xaqiqada ha iska indhatirina e cidamadina ka so qata wadamada islamka kuna ekada in aad difacatan wadankiina hadi kale suga is qarxin dhib iyo wax idan ka so kabankarin