Baaq ka soo baxay culimada gobollada W/bari Soomaaliya (Puntland)

Published on June 8, 2009 by   ·   40 Comments   ·   print

Fadhi CulimoShabakadda warbaahinta ee Somalimirror waxaa soo gaaray nuqul kamid ah bayaan ay soo saareen culimaa’uddiinka gobollada waqooyi bari ee Soomaaliya. Bayaankan oo ku saabsan dagaallada ka holcaya gobollada koofureed ee dalka iyo heshiiska badda ee dhexmaray dowaladda Kenya iyo DFKMG wuxuu u qornaa sidan:-

Shir dhowr casho socday oo ka dhacay magaalada Garoowe arrimo door ahna looga wadahadlay, ayna isku arkeen culimo ka kala timid magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, & Laascaanood, oo wadatashiyadiisii maanta soo gabagaboobeen 08/06/2009, loogana arrinsaday xaaladda qallafsan ee dalku marayo, ayaa falanqeyn ku saabsan marxallada lagu jiro & saadaalin ku aaddan khataraha waaweyn ee dalka ku soo fool leh kadib, waxaa ka soo baxay bayaankan:-

1) Dagaalka ka socda gobollada koofureed ee sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur dhaqaale, sumcad xumana usoo hoyiyay dadka Muslimiinta ah, waxaan garabyada isaga soo horjeeda dirirtaas ugu baaqeynaa in ay is-maan-dhaafkooda ku xalliyaan wada hadal & in ay si deg-deg ah u joojiyaan dhiigga xurmada leh ee ay daadinayaan, annagoo Alle ku dhaarineyna xasuusineyna mas’uuliyadda adduun iyo tan aakhiro, waana in la ogaadaa mas’uuliyadda dhibaatada arrintaa ka dhalata inay ku gaar tahay dadka faraha kula jira oo kali ah. Mar kale waxaan si adag ugu baaqaynaa in la joojiyo dirirta lana wada hadlo si dagaalkan uusan sabab ugu noqon in ciidamada shisheeye ee dalka jooga ay marmarsiinyo ugu helaan joogitaankooda ciidda soomaaliyeed iyo in lagu soo kordhiyo kuwo hor leh oo lagu xoojiyo kuwa jooga iyo tiyaaraad munxarif ah inay soo noolaadaan.

2) Dagaalkaas ka socda gobollada koofureed waa dagaal u dhexeeya dad muslimiin ah, sheegashooyinka & waxyaabaha la isku hayana is dhex galeen, dagaalka noocan ah ee dhex mara dadka muslimiinta ah, waxa ka dhalan karana la saadaalin karo, xagna ujeedadiisunaysan caddeyn waa dagaal fitno ah, taageeriddiisa iyo ka qeybgalkiisuna ay xaaraam tahay.

3) Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan ummadda Islaamka in ay si hagar la’aan ah ugu gurmadaan dhaawaca walaalahooda Soomaaliyeed ee isbitaallada buux-dhaafiyay iyo kuwa ka barakacay dagaallada ka socda gobollada koofureed ee dibad-yaalka u noqday roobka, milicda iyo dhaxanta, iyadoo ay u weheliyaan gaajo, harraad iyo cudurro ka dhashay duruufta adag ee ay ku jiraan.

4) Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG wuxuu abuuray jahawareer, shaki iyo kalsooni darro, iyadoo dad bandanna ay tibaaxayaan heshiiskaasi uu yahay mid khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed; waxaan ku baaqeynaa in heshiiskaas loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG, haddii laga maarmi waayana la soo hordhigo shacbiga Soomaaliyeed si go’aan mideysan oo calool fiyoobi iyo hufnaan leh looga qaato. Waxaanan ku baaqeynaa in xilligan uu dalku ku jiro xaaladaha aan caadiga aheyn ee aysan dowladdu laheyn awood fulineed in DFKMG ay ka baaqsato inay gasho heshiis saameyn ku yeelanaya masiirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Saxiixayaasha bayaanka

1) Sh. C/Qaadir Nuur Faarax

2) Dr. Axmed X. C/Raxmaan Maxamed

3) Sh. Daahir Aw-Cabdi

4) Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen

5) Sh. C/Naasir Xaaji Axmed

6) Dr. C/Qaadir Maxamed Cabdalla

7) Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf

8) Sh. Axmed C/Samad Cabdille

9) Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xassaan)

10) Sh. C/Qani Qorane Maxamed

11) Sh. Yaasiin C/laahi Cali



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. culimada Puntland oo baaq ka soo saaray bixintaanka ciidamada gumeysiga
  2. Culimada W/Bari “Waxaan u soo jeedinaynaa Maamulka P/land iyo kan Federalka inay ka noqdaan u Ogolaanshaha Ciidamada Ajnebiga ah Biyaha Soomaaliya…”
  3. Baaq Nabad-doon oo Culimada Soomaaliyeed ee UK soo saareen.
  4. Gudiga Culimada & Musaalaxada oo Baaq u Jeediyay Xoogaga Muqaawamada.
  5. Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo Baaq ka soo saaray Xaaladda Kismaayo

Readers Comments (40)

  1. nazir says:

    waa ku mahadsantihii culimada waqoyi bari wacyigiina ‘ dhibka waa ogateen sagasha madkii aa fahanteen nimankan lakin anaka alahena ala ah waxan jeclaan lahaa in aa si wanagsan u dhahdan dowlada hala tagero waayo xaqa iyo badilka dhaxdhaxad malahan .. thnks 4 all

  2. Rashid says:

    Muslimiinta ALLAH kabaqeeno, culumada warkeedana halamaqlo. Waa haday iimaan leenahay. Halajoojiyo fitnada.

  3. Waaye Arag says:

    Allaha idin barakeeyo waxay ku hadleen cilmi iyo aragti diineed, iyo qalbi soomaalinimo iyo aragti dheer.waxaan ka socda koofurta soomaaliyo ee lagu sheegay ”jihaad’ laguna jihaadayo maato iyo dhul baab’ay waa wax lala yaabo.Xaggee islaamka kaga jirtaa waxaan. doktoorada xaggee caqligii ka aaday.Ummadda soomaaliyeed ee islaamka sugeeysay waxaan leennaha ma aha kan islaamkii aad sugeeyseen,
    XAAL QAATA culimada waa yaabbanyihiin sidaad u yaabbantihiin.
    Culimada Puntland Allaha idin xifdiyo.

  4. Culimada putland says:

    Culimada bari kama hadli karaan arrinka koofurta soomaaliya, maxaa yeelay markay itoobiyaanku garaacaayeen way ka aamuseen. Welibana waxay yiraahdeen dowlad ayaa keensatay ee dawladda halala heshiiyo. Markaa waxaan kula talin lahaa culimadaas inay ku ekaadaan inay ahaadaan culimo maamulka putland.

  5. Diiriye says:

    SC WR WB salaan kadib waxaan jeclaanlahaa in
    aan marka hore u mahad celiyo culamada, taladii ey soo jeediyeen.laakiin waaxaan ka
    codsanyaa in ay wax ka yiraahdaa arimahan

    1: joogitaanka cidamada shihaeeye ee dalka
    jooga,maalin kastana ku laaya shacabka
    soomaaliyeed.

    2:soo noqoshada ciidamada itoobiya ey dalka
    ku soo laabteen

    3:dib u soo nooleeynta ashahaada la dirirkii

    4:kooxaha sheegta AHLUSUNA WA JAMEECA ee
    u shaqeeya codowga kana howlgala
    gabalada dhaxe.

    Waxaan ka codsanyaa in culamadu ka hadlaan
    arimaha aan soo sheegey

  6. Hassan Hashi says:

    salaanta islaamka ayaan dhaman ini ku salaamay walaalayal. salaan kadib hadii aan fakar ku darsado qoraalkaaneeto waxaan dhihi lahaa culimada qortay warkaaan wax ay hada ku soo kordhiyeen xaalada oo aan jaha wareer cusub aheen ma jiraan.
    horay ayaan u haysanay wadaado aan warkooda cadeeyn oo aan la fahmi karin waxa ay ka hadlayaan kuwaana waa la mid.
    waxaase intaas dheer culimada waqooyi bari warkooda maanta ka hor ma aanan arkin wax ay so saareen waxaana xasuusanaa dalka wixiii uu soo maray. waxay ka hadleen badda la gatay taas oo ah baadilka ay ragan sheegtay dowlada ku hayaan dalka soomaaliya waxaanse la yaaabay marki dalka oo dhan la qabsaday culimadaani xagey jireen oo dareenkooda wanaagsan ee ay ku arkeen in la gatay biyaha soomaaliya maxay u arki waayeeen markii dalkoo dhan maqnaa?????
    Cajiib!!!
    warkooda waxaa ka mid ah dagaalka waa fitno lamana taageeri karo. waxaa la yaab leh in aysan culimadu xitaa kala cadeen dagaalka kay kala jeedaan ileen waxan wada ognahay dagaalka waxaa qaybta ugu wayn ku leh ragaas gaalada ah.
    aniga waxaan dhihi lahaa culimada allaah ha ka baqaano oo waxay ay ka yaqaanaan diint islaamka.
    hana ka madaxnaannaaadaano waxyabaha ay gaalada gadaal kawado.
    ac wr wb.

  7. cabdulaahi says:

    ilaahayoow ku wii qaata dhig waanada culumadaa islaamkaah kuwaan dagaalada wadana ilaahay xaqa ha tuso umada soomaaliyeedna ilaahay ha isu soo dumo qof kasta oo soomaaliyeedana waxaan ka codsanayaa inuu fekerkisa ku cabiro wanaaga iyo ala ka cabsiga inshalaah
    wabilaahi toowfiiq

  8. xandal says:

    SCWW

    Dagaalku inuu fidno yahay oo aan innagu islaynayno iyadoo nin waliba uu helayo intaas oo addillo oo uu ku bannaysanayo walaalkiisa kale dhiiggiisa ama shubuhaad isu soo bandhigayso waa arrin iska badiihi ah waana arrin la rabo in aan sidaa u fahanno.

    Tan aadka inooka baxsatay ayaa ah in gaaladu ay rabeen in dadkii ahlu saxwada ahaa ay isku baabi’iso oo ay iyagu is laayaan adduunkana ay tirtirmaan aakhirana ay noqdaan “AL QAATILU WAL MAQTUULU FINNAAR”

    Nin kasta oo labada qolo ee ishaya ka mid ahi ha ogaado inuu sidii laga rabay oo gaaladu ka rabtay uu faraha kula jiro isla markaan uu yahay mahzuum. Ogowna inaadan Alle ku raalli galin karin inaad dhiig xaaraam ah daadisid.

    Nasalullaaha Assalaamata Wattowfiiq

  9. adam says:

    culimo khayr Alla ha idin siiyee , kuwa dhibaatada koonfurta ka wada waa ardeydiini ee la hadla ee u sheega in dhiig muslim dheef lgu gaareynin , soomaaliduna ha ogaato in culimo walba ay reerkeeda culimo u tahay.

  10. maxamed says:

    Asalamu calaykum.
    Culimada Alle kheyr ha siiyee weey dadaaleen, laakiin bayaankaan muxuu kaga duwan yahay kii ay culimada xamar ka soo saareen?. waxaa muuqata in nimankan dowlada mucaaradsan inaysan u soo jeedin wadahadal hadda, ayna ku mashquulsan yihiin dagaal. Sidee dagaalka loo joojin karaa???

    Salaamu Calaykum.

  11. Saynab says:

    ASC

    Xaq & Baadil meel ma wada galaan, Culimadana
    alaha barakeeyo.

    Baadil
    ——
    Kuwana ee soo dhistay Walda C/lle & beesha
    caalamka oo walaalahood oo eey isku fikrad
    ahaayeen, ka doorrtay in eey xabad ku
    dhameeyaam, kuna tilmaamaan in laga hago
    buuraha aganisan,,,, subxaanalaah…

    Xaq

    Kuwa waligood fikradda eey ku taagnaayeen
    aan wax iska badalin, Codsanayana in xalka
    Soomaaliyeed uu ku jiro, ayadoo geed lasoo
    hor aristo iyadoo leeyska ilaabaayo waxa,
    kuwa neceb diinta & qaranimadda Soomaaliyeed
    eey u soo dhiibeen.
    Dalkana laga bixiyo Ugaandheeska &
    burundiyeeska eey soo tababareen kuwa meel
    walba ku ugaarsaddo ruux walbo oo diintiisa
    ku dhegan,,,,

    Bal u fiirso aduunka sida eeysan xaq ugu irin
    Hadii aad diintaada aad ku dheganaatid waxaa
    laguugu yeeraa xagjir. Xitaa hadii aad
    raacdid waxa eey democracy eey ugu teeraab
    lagaa yeeli maayo ilaa aad ayaga waxeey kuu
    soo qoraan aad yeeshid-> Tusaalo ahaan,
    Xamaas ururka la dhaho oo ka jira dhulka
    falastiin, waxeey ku guuleesteen
    doorashadii dalkooda, maxaa dhacay ka
    bacdi,,,,jawaab uma baahna, qofkii ilaah
    garaad siiyo ayuunbaa fahmi kara…

    Mawaadin Soomaaliyeed fikadiisa

    WWW
    /

  12. karim says:

    Culimadu way gaabiyeen hada ka hor baa la rabay inay runta u sheegaan alshabab & xisbul islam

    Sumcada islaamka (Salafiyada) ee luntayna maanta waxba kama qaban karaan mana sixi karaan dhawaca gaadhay

    TALO MAALIN BAY QABASHO LAHAYD !!!

  13. abaabule says:

    asc run ahaantii waxaan qabaa, in dadka soomaaliyeed ee aqoonta leh noocay doontaba ha ahaadeene, in ay isugu yimaadaan sidii loo kala qaban lahaa labadaan qolo ee isku haysata dalka, dadka iyo diinta oo aan dareensaneyn ujeedda iyo ahdaafta ka dambeysa dagaalkooda, waa in qofwalba oo diin iyo damiir soomaalinimo ku jirto xamar yimaadaa oo go’yaal cad cad inta la qaato la kala dhexgalaa. Talow qabiilooyinkaba waa la kala dhexgali jiraye see wax u jiraan, ma mareykan ayaa diidan, mise contact group?.
    Waxa la doonayo waa;
    1) In dadka dalka laga saaro oo la qixiyo, si loo waayo dad difaacda mustaqbalka.
    2) In sumcadda laga dilo ahlu diinka oo meesha looga saaro sidii qabyaaladeystayaashii.
    3) In marmarsiiyo badda soomaaliyeed loo helo lagu soo galo oo qaramada midoobay sharci been ah looga raadsado.
    4)In qabyaaladdii dib loo soo huriyo oo dalka lagu celiyo 1991.
    Haddaba dalka xalkiisu waa dhawyahay ee yaanan fogeyn oo cadow loo fududeyn, arrimaha muhiimka ahn waxaa ka mid ah:
    1 In dadka aqoonta leh meelkasta oo ay joogaanba isugu yimaadaan dhibkaan sidii loo xallin lahaa, iydoo loo hurayo waqti, maal iyo nafba ee aan bayaan iyo qoraal lagu ekaan, iyadoo laga bilaabayo xabbad joojin, kaddibna qolo walba dalabaadkeeda lasoo dhirin-dhiriyo, si caddaaladi ku dheehan tahay.
    War aan ka shaqeynno wax carruurteenna carruurtooda u roon iyo dalkeenna hooyo ee naga wada badan.

    waddani

  14. Max'ud (abucubayda) says:

    salaamullaah c.w.w.

    marka hore culumada baaqa ku saxiixan baan mahad usoo jeedinayaa .
    marka labaad , cid kasta oo ummadda soomaaliyeed unasab sheegata waa inay ka tiraahdaa waxa uu ka qabo sharcigu iyo caqliga saliimka ah , kana dhiidhidaa dagaalada kasocda koonfurta somalia , ayadoo dagaalada noocaan oo kale ah cawaaqib danbe oo aan si sahlan ku dhammaanayn ku reebi karta dadka iyo dalka soomaaliyeed .

    midda kale , saxiixa sida sahlan uga dhacay maamulka hadda kajira somalia , ee lagu caddaynayay in badda somalia 116,000 km2 lasiiyay dowladda Kenya ayadoo aanan lagu badalanayn wax agab ah oo muuqda , waa in si deg-deg ah looga laabtaa , sababtoo ah baddu ma’aha wax cid gaar ah leedahay , ee waa hanti qaran . cid allaale iyo ciddii si sharci darro ah u maamushana laga hari mayo , adduunka haddii aan lagula xisaabtami karinna tan aakhiraa lala sugayaa .

  15. M.SABRIYE says:

    ASCWr;wlaalayaal waxaan idinka codnanayaa in aad arinta=HESHIIS KU SHEEGA BADDA=SOMALIA IYO KENYA- aad wax badan kaqortaan,oo aad boggiina hore kuxustaan maalin kasta,sida =somali talk= ay arintan xooga u saartay oo kale,ARINTANI WAA ARIN AAD QATAR U AH OO SAAMEEYSA MUSTAQBALKEENA DHOW IYO KAN FOGBA. JZKHEYRAN MAHADSANIDIIN.

  16. daahir says:

    a/s marka hore waxaan salmayaa walaalahayga musliinta ah ee mel kasto jogo siiba waxaan aad usalamayaa mujahidiinta dar ilaahay udagalamaayo melkasto oyjogaan siiba xarakatu alshabaan la mujahidiin iyo xisbol islam mida kale dagalka soomaliya kasocdo mid fitan ah ma aha ee waa jahaad nimanka culumada isku shegaayo ee soomaliyeed haday baqayaan oy galo kabaqayaan jahaadka waxbo yaysan kasheegin ha iska aamuseen wiilasha mujahidiinta ahna yan dacayadeynin oy wax kashegin hadaki kasoobaxay shalay culumada garoowe iyo bosaaso iyo lasacanood hadal lobogoy ma aha kafiirsada hadalka waragaa 1) Sh. C/Qaadir Nuur Faarax

    2) Dr. Axmed X. C/Raxmaan Maxamed

    3) Sh. Daahir Aw-Cabdi

    4) Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen

    5) Sh. C/Naasir Xaaji Axmed

    6) Dr. C/Qaadir Maxamed Cabdalla

    7) Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf

    Sh. Axmed C/Samad Cabdille

    9) Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xassaan)

    10) Sh. C/Qani Qorane Maxamed

    11) Sh. Yaasiin C/laahi Cali
    mida kale jahaadka wuu socon insha alaah ilaa gaal iyo gaalo raac laga sifaynaayo gaalna wax uutaraayo malaha oo rabi ayaa nosheegay macno malaha

  17. Waddani Suufilaaye Gaalodiid says:

    CULUMADU WAXAY FIIRIYEEN DAAHIRKA XAALADDA TAAGAN, LAAKIIN WAX KALE AYAA KA HOOS DUSAY OO AYSAN SHEEGIN AMA AYSAN SHEEGIBA KARIN OO NAFTOODA AYEY U BAQAYAAN.

    MEESHA WAXAA ISKU HAYSTA QOLO ETHIOPIA HUBKA IYO SAADKA SIISO IYO DADKII ISLAAMKA AHAA EE WADDANKAAN U DHASHAY. HADDABA, CULUMADU MAXAY U ORON WAAYEEN “ETHIOPIA HA JOOJISO FARA GELINTA”?. TAAS KUMA DHACAAN.

  18. MIDNIMO says:

    AS.w.w. way ku mahad san yihiin Culimadan ahna Aqoonyahankii Umadda iyo wax garadkodii, haday isu taageen inay Umadda u Iftiimiyaan dhibta taagan iyo hadimooyinka Umada loo maleegay. Waxaan anigu ku darsan lahaa, Umadu waxay u baahan tahay Juhdi wacyi gelineed, wax baris iyo waqti badan lagu lumiyo in Umadu noqoto kuwao iyagu wax fahma, tan xukuumada uma baahna so jeedin ee wxy u bahan tahay in baaqyo qaylodhaameed oo ka hadlayxaqiiqada waxa taagan ama soo socda, Xukuumada wax iska celinta u ooman iyo kuwa is bedelka u ooman iyo kuwo kale oo iyaguna Dil u ooman, waxba lama aha inuu galo heshiis Umad ama maguurtadeed lagu dhaxal wareejinayo.
    Waa yaabe goormay Umadani ka baxaysaa xaabada Naarta ee nin waliba maalin boqolaal dabka ku shidayo?
    waa yaabe goormay Umadani baraarugi oo ka bixi jeebabka Kooxaha haliilka u ooman.

    Illaahay xaqqa ha ina wada Tuso

  19. MIDNIMO says:

    Waxaa odhan lahaa Dad baan maqli jirey Galaadu u bixiyeen Diinta ayaa madax maetay, maanta maha in jihaad wax loogu yeedhi ina madax maro, hala kala saaro Msaalixda kooxeed , Danta shakhsiyadeed iyo asalka diiineed.

    maha in Culimad hadii uu odhan waayo waa jihaade Gala la canbaareeyo, falka sharciga ahi waa inuu mafaasid defcinayo laakiin waa inaanu dhib ka weyn aburin,
    wax badan culimada haloo celiyo hadii kale
    dibbaalaga qoomamayndoonaa.

    Allaa wakiil

  20. MIDNIMO says:

    Saynab aad ayay u mahad san tahay fikirkaaga saliimka ah. kolay umadi meel ku wada dhamaan mayso laakiin waxaa ,muhiim ah inuu jiro wax umadu ay wada lee dahay isla ogoshaya masladina ugu wada jirto,
    Waa in la helo Umad ka xor ah caadufad iyo qabiil iyo hogaam ka xor ah gacan ku rimis dhisheeye iyo dhul ka xor ah quwad shisheeye.
    iyo culimo u daacad ah Kitaabka Alle oo aan daad raacayn dabayl kasta oo soo kacdaayi

    Aalaa wakiil

  21. MIDNIMO says:

    Wadani yaanay kaa hoos dusin masaladu ninkii xabashi xabadiisa ku saaray u malayn maayo maayo inuu maanta weedh kala masuugayo ninaba. ogowse in xikmadu ku jirto in Umada wax loogu sheego waxa ay wax ku fahmayso.

    Nin Alle ka baqaayi nin kale waxba iskaga tirin maayo waa hadaynu fahamsan nahay
    Manduub ka shsreecadeena iyo yabooha Alle.

    Midnimo

  22. Mohyadin Gure says:

    Asalaamu Caleykum
    Jazaakumu Allah
    Waa laga sugayey mowqifkaan oo kale cidii Alle ka baqeysa oo ku xusaab tameysa in ay dambeysa maalin qof kasta la xisaabiyo wuxuu aduunka ku soo sameeyay.
    Waxaan u arkaa Iman Ahmed Ibnu Xambal mowqif cad ayuu ka istaagey fikraddii aheyd (???? ???????) Khalqul Qur’aan. Maanta culimadeenu boos kaas oo kale ayay ka istaageen Fitnadda ka socota Somalia ee u jeedadeedu aysan cadeyn marka Allah ka jaaziyo Cidii ku tilmaantey waxaan (WAA DAN GAAR AHAANEED OO DAR ILLAAHEY AH). Waxaa umadda Islaamku og tahey maanta waxa Somalia ka jira ay ay huwan yihiin shaati diineed oo laga dhaigayo arin Alle wato. Waa kuwaas culimaddii diinta ee lagu yaqaaney WARAC, ALLE KA KACABSI, AQOON DIINEED. Waxaa ka maqan culimmo badan oo horey uga hadlay kuna tilmaamey fitan.
    Ilaahey haka baqeen dadka daadinaya dhiigga Muslimiinta, Barakiciyay, cadowga ku soo wada wadanka, oo hadalka ka soo yeeraya uu yahey oo kaliya dagaalku wuu sii soconayaa.

    ????? ??? ???????
    ??????? ????? ????? ???? ???????

  23. samatar says:

    mesha waxa ka socda jihaad ma ehee waa dagaal fito iyo kursiga anaa kaa xaq leh waxaana cadenaya odayga xasan dahir ah marki la yiri dawlada mala hadleysaan waxa uu yiri maya lama hadleeno ee waxaan la hadleena beesha calamka marka waa iska cadahay inuu shariifka ku heysto kuris ee uusan ku heysan diin iyo jihaad .

    baaqa culimadana waxa uu ku socdaa waa inta uu ku danbeeyo caqli iyo damiir dadnimo una naxaya shacabkan malin walba la xasuuqayo ee labada dhinacba ku jira ineey ka wantobaan waxa ay ku jiraan diintana y usoo laabtaan iyo caqliga saliimka ah .

    looma jeedo mid fulinaya dan shisheye looma jeedo miduu ka dhintay damiirka iyo islaamnimadi oo dhiiga ku farxasha looma jeedo daneeste aan tiisa ma ehee midkale aqoon intaas dhanba looma jeedo saa maleh caqli ay kusoo noqdaan waxaana u danbeeneyso hoog iyo halaag aduun iyo akhiraba .

  24. somaali says:

    culimada hadalkooda waxaa ku jiraa in badan oo wanaagsan, waxaana dhihi lahaa u duubta joojinta dagaalada oo adinka laftiinu dawr dadban ayaad ku leedihiin sii socoshadooda sabta oo ah cidda nabadda diidan dadka gaalaysiinaysa iyo cidda nabadda ku baaqaysa in aad isla sintaan oo xitaa aad dhihi waydaan waxaad xaq u leedihiin in aad isdifaacdaan laakin in fitno lagu gaabsadu waxbaa ku jira. awlal koofuri ku baaba’day cali kar leh caydiidna gar leh. dadkan dadka qarxinay oo qofkii dhaqaaqaba dilaya iyo wadaadaan kursi doonka dadka u laynaya oo wax ay ka naxayaan iyo wax ay u naxayaanna jirin. dalkana u hoorseedaya burbur iyo in cadaw qabsado, shalayna iyagaa itoobiya u yeeray oo daandaansaday maantana waxa ay leeyihiin u gaandha ayaan la diriraynaa wax ka waynaa waa u yeerayaa. waxa ay la dagaaleen xoriyatul qolkii, Al amru bil macruuf wanahu canil munkar waa u dhaatay, ciddi hadashaa waa dil, maxay tahay diinta noocaas ah, aaway Naseexadii iyo in cid walba xaqa loo sheego, war adinkuna xaqa sheega oo iska daaya in aad raali ku noqotaan gobolada aad joogtaan kaliya dalka intiisii kalena aad hilmaantaan, taasi qaybinta cadawgu nala rabo.

  25. muslima says:

    ASC

    Waxaan kheyr Allah ha siiyo wanaag unbeey rabaan.Tankale culimada wadanka dhi badan ayaa soo maray ay u geyteen rag somali ah oo kufaar wata,wax fataawa ah kamaay soo saarin, culimada.

    Tan hada nimankan suufiyada sheegtaa—suufi horta maahan waa mooryaan hub aad u faro badan ayaa maalin dhaweed ka soo galay balanbale oo aan sidaa uga fogeyb magaalada gurceel–waxaa baabuur badan ka timid garoowe kuwa dagaal—-waxaa rag badan ka yimaadeen gaalkacyo–4nin waa isku faamil, 4tii nin mid kama soo noqon, waa inta aan xog ahaan u ogahay.

    1. Marka waa maxay xukunka ninka welli ka dhigtaa kufaar.

    2.Waa maxay xukunka ninka gaalada hubka siisaa?

    ALLAH AYAAMAHAD LEH XAQA IYO AADILKA INOO KALA CADEEYEY.

  26. MATAAN says:

    Asalaamu Caleykum
    Jazaakumu Allah

    WALAALAYAAL ILAAH HALAGA BAQO

    OO WADAAADA DA HA KA HADLAYN DHIBKA JIRA SI RUN AH OO XAQA HA GARAB ISTAAGAYN JIHAADKA SII SOCDANA HA GARABSIIYAN GALADA DHAMAAN WAA IN AY DALKA ISAGA BAXAAN AYAGA IYO ASHAHADA LADIIDRKABA

    BY MATAAN

  27. sahal says:

    Culumada waqooyi Bari inuu C7laahi Yuusuf ka xaalufiyay ayaan u qabay!

    Maasha allaah Hadey weli waxoogaa culumo ku harsan yahiin Puntland!

    Waxaana ka codsan lahaa Inay ka wacdi geliyaan, Una caqli celiyaan, Dadka Ilaa Maanta weli ka ganacsanaya Dhiiga Dadka Masaakiinta ee soo barakacay, kuna Guraya Badda si arxan daro ah, intay ka qaataan waxoogaagii yaraa ee xagal jeebka ay heysteen.
    Baaq haka soo saareen dhibaatada ay usoo jiidaan, kooxahaas iyo kuwa Burcad baddeeda ah, iyo dhamaan kuwa ku shuqulka leh arimahaas, ee sumcada SOMALINIMO hoos u dhigaaysa. WABILLAAHI TOWFIIQ

  28. somalinimo doona says:

    Arrinta somaliya waxay noqotay meel la isku haysto
    waxa is haystana somali maaha ee hala ogaado
    dabcan waxa dhimanaya waa somali, laakiin fikirka ama mabda’ah lagu dagaalamayo maaha mid masaalix somali ka tarjumeysa.
    waxa isdilaya waa eriteria iyo itoobiya, laakiin dhiigga daadanaya waa mid somali.
    marka maxaa xal noo ah somaliyeey?
    anigu waxaan dhihi lahaa aan maatada badbaadsanno, haddii kale hala ogaado in dhul kan lala dhaxal wareegi doono mar aan fogeyn oo haddaba awoodo shisheeye badaheenii noo fadhiyaan, ayna ka sugaayaan intaan iska dhameyneyno

  29. muscab says:

    sc dadba si indho la’aan ah isaga dhaleeceeyo culimada walal culimada waxbalba wey ka hadleen sida dadka bada ku dhamaanayo iyo burcad badeeda e indhaha ha la furo

  30. Miska wadahadalka imow says:

    ASC

    Qofka leh ethiopia iyo eriteriya aya isku haysta soomalia. Arrintaas sax ma aha waxa isku haysto waa gaal iyo gaaloraac oo isku meel ah iyo Muslimiinta oo dhan oo isku meel ah. Wadankan waxaa dano ka leh quwadaha waaweyn sida mareykan, yahuuda, europe, iwm. Ethiopiana dabcan waxay ka soo galeysaa dhanka diinta masiixiga gaar ahaan orthodox oo iyada looga dambeyo. Sidaas darteed, Soomaliya waa quwadahaas kuwa ka xasili la’dahay. Waana in la iska celiya quwada sharka wadata ee yahuud iyo mareykan madaxa u yihiin.WSC

  31. Hassan Hashi says:

    SAHAL WAA RUNTAAA SXB AAD AYAAAN UGA HELAY FAKARKAADA WAANA MID SAXDA KA HADLAYA RUNTII. QOF KASTA MARKII UU KA HADLAYO DHIB JIRA WAA IN UU KA BILAABAA KAN KA JIRA XAAFADA UU ASAGA DEGANYAHAY.

  32. Izm says:

    Salaam, war niman yahow waan yaabanahay…war dagaal joojiya oo hooyadaa iyo walashaa ha dilin haddii lagu yidhi ma ethiopia laga baqayaa, war dadkii Ilahay caqligii buu ka qaadey…war dhiiga dadka islameed iyo mid gaallo labada yaa ku xallaaleeyay.

    muwafaqada Allaha ha ina waafajiyo.

  33. abu maryam says:

    a c salaan ka dib waxaan u mahadcelinayaa culimada sharafta leh ilaahay ajar ha ka siiyo talooyinka ay soo jeediyeen .
    waxaan ku darsan lahaa anigu arintan iyada ah culimada loogama baahna bayaan ay soo saaraan sida madax dhaqameedyada ama isimada ee waxaa looga bahan yahay in ay masalada ka taagan soomaaliya ay baxsi fiican ku sameeyaan oo cilmi ku dhisan si ay umada u anfacdo aadna ha u fiiriyaan jawaanibta masalada oo dhan

  34. yibaayil says:

    waxaan salaamayaa culimada somaliyeed ee ku hadashay wanaaga
    waxaan la yaabanahay waxma garadka halkaan ka canaananaaya culimada waa jaahil jaahilna waxba ma galaan
    tankale kuwa taageersan dadka sheeganaaya xisbul islaam ama alshabaab ama aldubaab ama ahlu sunna ama itoobiyaan
    war waxaas iskaga hara kuwa sheeganaaya xisbul islaam iyyo alshaab ee tooganaaya weriyayaasha iyo shacabka ayaa ka xun itoobiyaanka iyo amisonta
    dalka joogta
    waayo idinkii baanba mawqif la ahayn midaysan
    ee maalinba meel weeraraaya dilayana qof aan waxba galabsan
    war culimada warkeeda maqla
    ninkii yiri culimadaani itoobiyaan bay taageersanaayeena isagaa akhaario la imaan doona waxa uu ku doodaayo asc

  35. jaamac yare says:

    BISMILAAH, ASC, YAA MUSLIMIIN.
    KHAYR ALLAHA SIIYO CULIMADA BAYAANKA SOO SAARTAY.BIYA SHUBKA QAWLKOODUNA WAXA UU U DHACAYAA, “WAR QOLYAHA DAGAALKA WADOOW, GAARIGA WAXAAD KUWADAAN 150KM P/H EE KU WADA 60KM P/H YUUSAN INALA WADA GADOOMINE.” DABCAN XIGMADOODU WAA MID FIICAN.LAAKIIN DADKA ISHAYAAYI WAXAY KALA YIHIIN KUWO WAX XUMAYNAYA OO XUMAAN UUN UTAAGAN, IYO QOLYO MUSLIXIIN AH OO WAX HAGAAJINAYA LAAKIIN KHALADAAD AY KA DHACAYAAN. MARKA LABADAAS QOLO MARNABA LAMA SIMI KARO. HADAAD SII DHUUXDID BAYAANKA CULIMADA WAXAA KA MUUQATA ORAAHDA SOOMAALIYEED EE ORANAYSA “XOOG WAXAA U XUN MIDKA XARIGA KAAGOOYA.” NAS ALULAAHA CAAFIYA.

  36. Miska wadahadalka imow says:

    Yibaayilow

    Ma ethiopian baad tahay is caddee, magacan magac ethiopian ayuu u eg yahayee? Qofka muslimka ah waxaa ka xaaraam inuu ku hadlo, wax uusan hubin. Weriyaha ay dileen muqaabaraadka ethiopianka, miyaad rabtaa dusha inaad ka saartid walaalaha mujaahidiinta. Kalaa, wa kalaa, walaalaha mujahidiinta xabadoodi waxay ku jeedaa gaalo iyo kuwa safka kula soo gala oo difaacaya gaalada.WSC

  37. ibrahim says:

    waxaa layaab ah in xushmaddii iyo qaddarintii culimadda inaga luntey! aad ayaan u naxay markaan aqriyay dadka wax ka sheegaya culimadda. alle ha dhowrsado culimada soomaaliyeed meel kasta ooy joogaan. kuwa lunsan ee fikirka khaldan heystana alle hanoo soo celiyo. shacabka soomaaliyeed dhamaan waa muslimiin, dhamaan waajibka nasaaran waa in aannu u istaagno danta guud, allena ka baqno.

  38. Abu saabir says:

    asalaamu aleykum walaalaha somali mirror iyo walaalaha kale ee booqda webkaan sida aniga oo kale maalin kasta, walaalayaal waxaad noo furteen meel aan fikirkeena saliimka ah ku dhiiban karno, aniga waxaan qabaa qofkasta oo aan caatamaynin in fikirkiisa loo daayo hadii uu rabo ha qaraarnaadee, ama rules u sameeya qofkii ku xadgudba sharcigaas kadib hasoo bandhigin fikirkiisa laakiin saa rabtiin ha yeelina, dhowr mar ayaan fikir ka dhiibtay mana soo bandhigin.
    Baaraka allaahu Feekum.

  39. Yaabbane says:

    SCWW.

    Walaalow haddii wanaag laguu sheego waa la qaataa, haddaadan yeelayna waa la iska aamusaa; si aadan dad kale xaqqa uga hor istaagin oo aadan aakhiro u noqon kuwuu Alle yiri: waxay xambaari doonaan culaysyadooda iyo culaysyo kuwooda la jira.

    Ninka aan dagaalka ku jirin ee muslinka isku baab’aya inuu kala celiyo iska daaye isku sii diraya muxuu ka helayaa oo aan dambi ahayn, hadduu qolo u ciilqabo inuu wax ka laayo la garay ee inuu dad uusan layn dambigooda qaato maxaa saaray?.

    Qaar baa yiri: xaqa ha la caddeeyo, waa sax, waana la caddeeyay ee qaadoo ku dhaqan, mise waxaad rabtaa in qoladaada nicibtahay la dhoho: laaya?

    Ilaahow hana fitnayn, caqligana ha naga qaadin.

  40. Dr Ali Lamadage says:

    Waa dagaal fitno kulahaa. Halka ay mujaahidiinta ka garab istaagi lahaayeen ayay dhabarka ka tooganayaan jihaadka.

    Reer bari waxban idin ka dhageysan mayno ilaa aad diinta ka run sheegtaan.

    Bukhaari iyo ummahaatka hadaad xifidsan tihiin oo towxiid khaalis ah dadka bartaan maxaa idinka keenaya is yeel yeelkan aad ku hadasheen.

    Mujaahidiintu salafiyiin murjiya kaga jira xagga xaakimiyadda way fahamatay ee sharafta ha iska qaadina.

    Allow culimadii itixaadka xaqa ku soo toosi
    oo fulaynimada ka saar qalbigooda.

    Jihaadi mayno mana jihaadaysan war shaqaynaayo ma\aha.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. culimada Puntland oo baaq ka soo saaray bixintaanka ciidamada gumeysiga
  2. Culimada W/Bari “Waxaan u soo jeedinaynaa Maamulka P/land iyo kan Federalka inay ka noqdaan u Ogolaanshaha Ciidamada Ajnebiga ah Biyaha Soomaaliya…”
  3. Baaq Nabad-doon oo Culimada Soomaaliyeed ee UK soo saareen.
  4. Gudiga Culimada & Musaalaxada oo Baaq u Jeediyay Xoogaga Muqaawamada.
  5. Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo Baaq ka soo saaray Xaaladda Kismaayo

Latest Headlines