Runtaa reerka u roon

Maxamed C. Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com

13kii jannaayo, subaxnimadii xigtay habeenkii ay ciidamada Itoobiya ka huleeleen saldhigyo muhiim ah oo ay Muqdisho ku lahaayeen, ayay BBC-du wareysatay dhowr ka mid ah dadweyne fara badan oo dabbaaldeg isugu soo baxay. Hooyo qiyaastii 70 jir aheyd oo labo sano ka hor gurigii ay ka qaxday dib ugu soo noqotay, ayaa hadalkeedii ku billowday farxad ay qiiro ku dheehantahay:

“ Allaahu akbar, Allaahu akbar,.. ha noolaato.., guul, guul,..guuleysta…”

Laakiin, daqiiqad gudaheed ayuu haddana dareenkeedii isku baddalay mid murugo iyo rajoxumo ay la soo deristay. Waxayna hadalkeedii ku soo afmeertay, ereyo xambaarsanaa digniin culus oo ay ka mid ahaayeen :

“ Midooba, midooba,… ha isku ridinnina xabbad, .., eeddo ha isku ridinnina,.. haddaad xabbadda isku riddaan waan qarracmayaaye, ha isku ridinnina…”(halkan ka dhageyso).

Waxaa haddaba isweydiin mudan; dhiiggii xoriyadda loo daadiyay oo aan weli dhulka ka qallalin, waa kuwee, kuwa ay hooyadu ka digeyso in farxaddii loo dabbaaldegayay ay u baddalaan fitno iyo fowdo lagu hoobto?

Meel kale ha ka goobin, waxbana yaysan su’aashu maankaada gadin; kuwa ay ka go’antahay iney guusheennii gambiyaan, god dheerna ku ridaan, waa Godinliqeyaashii uu tilmaamay gabaygii Guubaabo ee soo baxay muddo yar ka hor intii aan ciidamada Itoobiya Muqdisho laga ceyrin.

“Gaadiid in laga yeesho uu gorodda laalaadsho
Geeri bey ka doorteen shacbigu iney gumoobaane
Gantaal culus wixii aan gamuun uga jawaabeynay
Garruun iyo wixii lagu diriray mindiyo gaalleef ah
Gaangiistarradii markey jabeen gooste badankoodna
Gegidii Muqdisho iyo markii goobo lagu owday
Oo ay gabaabsiba yahiin godad ku hoos dhuunta
Guushii mekey soo dhowdoy gacantu haabhaaban
Inuu samuhu naga gaagaxoon seegno godolkeeda
Gabbal baasna uu noo dumoo dhiiggu galacleeyo
Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye
Kuwa gambin dadaalkeenniyoo balada goobaaya
Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe
Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye”

(Guubaabo, Nofeembar 2008)

Nasiibdarro, inkastoo uu waxgarad badani horay uga digay foolxumada imaan karta; haddii aanan feejignaan iyo fiirodheeri lala imaan, hadddana maanta waxaa muuqata fitno nacabkeenna faa’ido u ah, fashilna u keeni karta halgankii ay kumannaanka geesi ku nafwaayeen.

Qoraalkan oo ay ujeeddadiisu tahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha sokeeye ee sii baahaya, waxaan jeclahay in aan talooyin ugu soo jeediyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna, inta ku dhaqan gobolladda koofureed iyo kuwa dhexe oo ay musiibooyinka ugu ba’ani moddooyinkaan dambe martida u ahaayeen.

Qoraalka waxaan u kala qaadi doonaa saddex qaybood: Qaybta hore, waxey ku socotaa guud ahaan bulshada. Qaybta labaadna, kooxaha hubeysan, gaar ahaan kuwii shalay hubka u qaatay iney diintooda iyo dadkooda difaacaan, nasiibdarrose, maanta qaar badan oo ka mid ah la marihabaabiyay, hubna la isugu dhiibay. Qaybta ugu dambeysa waxaan ku soo qaadan doonaa kuwo ay la qurxoonaatay in dandarrada iyo dabargo’ a shacabkooda ay dano gaar ah ka dhex raadinayaan, ayagoo diin iyo direys culimo ku soo duggaalaya, kuna dagaya intii dar Ilaahey ku aaminta.

Nin muraayad daawaday, muuqiisuu dayayaa

Dhinac kasta oo wax laga qiimeeyo, waxaan nahay ummad uu Ilaahey(swt) u nimceeyay. Haba ugu horreyso, inaan dhamaanteen Muslimiin nahaye. Haddana, mashaqo kama baxno. Maxaa khaldan?

Cidina ma inkiri karto; in shisheeye uu xaaladaha cakiran ee Soomaaliya ka jira calwinayo, siina ceynwareejinayo. Laakiin, haddana, in la iska celiyo oo la iska caabbiyo ha joogtee, miyey caqli tahay; in aan cadowgeenna ku eedeyno inuu col nala yahay, colaadda dhexdeenna ahna hurinayo? Shisheeye ha noo dambeeyee, horta annagu ma nahay shacab sharfan oo badi shardiid ah? Mise shilalka nalugu qalayo annaga ayaa is dhignay, walibana hilbaheennii wax ka shiileyna? Waa su’ aale; sifahee ayaan la wadaagnaa umadda silloon ee ay sugaantani suureyneyso?

“Ummad uu waxdarankii qabiil waabab ku xaraystay
Ummad tuugga wada aamintoo uu u yahay waali
Ummad caaqilkeedii wid loo wadata maangaabka
Ummad aan wax hubinayninoo waa la yiri haysa
Ummad waawarey iyo colaad ka jecel waanwaanta
Ummad uu widaaygeedu yahay nacab wareemaaya
Ummad wadajirkii diiddanoo kala waswaasaysa
Ummad waddici gobonimadiyoo wacan gumaystiina
Ummad uu wadkeedii galoo waalo tumanaysa !! ”

(Waajib, Juunyo 2005)

Hadii uu isku ekaansho badani jiro. Walibana, kuwa lagu tilmaamo iney noogu firfircoonyihiin uu habdhaqankoodii sidaas ku sifeysanyahay. Haddii intii kale ee samaddoonka aheyd maanta laga sad roonaaday, saameyntooduna ay xaddidantahay; sow markaa madaxdan aan miyirka qabin ee isku keen dabamaraysa iyo musiibooyinkan la maareyn la’yahay uma muuqdaan kuwo aan muteysannay, Mowle ha na badbaadiyee?

“Nin muraayad daawaday
Waxan doorsameyn iyo
Muuqii un buu dayi
Bulsho darawalkeeduna
Hummaaggii damiirkiyo
Dabcigeeda weeyaan”

(Dadaal, Maajo 2004)

Sida uu Quraankeenna kariimka ahi noo sheegay; Alle (swt) qoom ma bedelo ilaa uu isagu isbeddel la yimaado. Sidaas darteed; in xumaanta sii faafeysa la fiirsado, xal suubban iyo madax xalaal ahna la fisho, sow xikmaddaro iyo xisaabtan la’aan laguma tilmaami karo? Runtaa reerka u roon.

Miyir qab ma lagu sheegi karaa; dad madaafiic ku garaacaya guriyihii qoysaskooda, iyagoo marmarsiinyo ka dhiganaya in meelo agagaarkaas ah laga soo weeraro, amaba cadow halkaas ku gabbanaya uu gantaalkoodu ku liishaamanyahay? Waxa taas ka sii daran, in maalmahaan dambe ay sii badanayaan shirar abaabulan oo u muuqda kuwo lagu taageerayo tacaddiyada socda. Qiyaas, qof subixii qabriga wax ka geeyay dad ehelkiisa ah oo dulmi bareer ah lagu laayay. Duhurkii ka qaybgalay oo u ololeeyay xaflad taageero ah oo loogu hambalyeynayo, laguna dhiirrigelinayo kuwii dambigaas geystay. Galabnimadiina, dib ugu soo noqday gurigiisii oo ay gantaalihii dhoolla tuska ahaa ee lagu soo sagootiyay gudaha u galeen, geeri badanna sababeen!

Hadda iyo dan, waxaan la hureynin waa heshiis, horayna Soomaalidu waxay ugu maahmaahday “ Isma hurtoy ha is halleyn”. Sidaas darteed; waxaa habboon in aan la sugin inta haadda loo warayo hilbaha kumannaan halyeeyadeenna ah. Waxaa habboon in maanka lagu hayo in cadowgii hororka ahaa ee hamuunta qabay uu weli soo haliilayo, halistiisuna intii hore ay aad uga badantahay. Doorashadu waa waa labo: in hurdada laga tooso, heeganna loo ahaado halista noo wada muuqata iyo in la dabagalo hawo dhalanteed ah iyo hunguri beenaad jab iyo hoog noo horseedi doona.

Haddii qof walba iyo qoys walbaa uu kan wax halaagaya ee hoyga la wadaaga ka horjoogsado, kan wanaagga u heellana la hinjiyo, howshu wey fududaaneysaa, himiladuna waa khayr Insha-Allaah. Haddiise dulmi la isugu hiilliyo, annagoo reer Huriye ah iyo annagoo reer Hambade ahna ay howli ka dhamaan weyso; hiille waa hiishiisii, hoobiya iyo hugunka madaafiicduna halkooda ayay ka soconayaan ee hambada maatida ha la daqabto.

Dilka walaalkaa ha ku dagmin

Nasiibdarrada ugu weyn ee maanta taagani waxay tahay; in geesiyaashii naftood-hureyaasha ahaa, ee uu Alle (swt) badbaada ummadaan sababta uga dhigay, qaar badan oo ka mid ah la marinhabaabiyay, la iskuna hubeeyay si loo wiiqo awooddii iyo wadajirkoodii la loodin waayay. Waa arrin aan sinnaba loo aqbali karin in walaalihii muslimiinta ahaa ee shalay dhufeyska ku wada jiray maanta dhiiggoodii la isku xalaaleeyo.

Maanta cadowgeenna isi soo gaashaanbuureysanaya ayaa ciiddaas ka badan. Cudur dhexdeenna ku beerma iyo cuddudeenna oo kala dhantaalantana waxaa laga dhaxlayaa cawaaqibxumo ay ka soo kabashadeedu adkaan doonto. In shalay markuu cadowgu na gumaadayay aan god yar ku wada gabbanno. Maanta, markaan guuleysannayna uu gayigii oo dhami nagu filnaan waayo, waa gaf aan garowshiinyo laheyn ee Godinliqeyaasha gurracnaanta wadana ha laga gaashaanto. Waa ayaandarro in wax shalay gumeysigii soo duulay uu ku guuldarreystay, maanta gacmo Soomaaliyeed lagu hirgaliyo, walaaluhuna ay is gowracaan.

“Ciidankii midnimo giigsanloo aan la kala gaynin
Dadweynuhuna garabsiinayaa laga gariiraaye
Haddii geeshku tafaraaruqoo hamigu soo gaabto
Garwadeen hadduu waayo uu gabo hoggaankiisu
Haddii gaasaskii qeybihiyo guuto kala yaacdo
Ururkuna uu kala gaardiyoo horinba gees aaddo
Haddey kooxdii sii googo’doo leysku geli waayo
Oo unugga gow iyo gish ma leh garashadii siiso
In sidii galley daadsan meel loo gurbiyo aayar
Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye
Kuwa wadajir ka gadoodayee goonni wax u raadin
Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe
Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye.”

(Guubaabo, Nofeembar 2008)

Dabin halis ah iyo Deel-boqol-dhibcoodle:

Muddo dheer waxaa ummadda Soomaaliyeed ku socotay qeybqeybin reereed iyo mid degaan, iyadoo ujeeddadu ay tahay in la wiiqo quwaddeeda iyo qarannimadeeda. Waxaa loo qurbay; jilibjilib, jufojufo, degmodegmo iyo tuulotuulo. Kala hormeyntaas ku dhisan dhalashada iyo degaanku inkastoo ay ilaa xad hirgashay, haddana waxay u muuqatay mid heerkii la rabay ka hooseysa. Taasina waa tan keentay in mar kale la maleego hagardaamooyin cusub oo howl iyo hanti badan lagu bixinayo.

Maanta, waxaa si aad ah loogu ololeynayaa qorshe-dhagareed lagu abuurayo qoqob cusub oo diineed. Waxaa sii badanaya kooxo kala aragti ah oo iska soo horjeeda una muuqda kuwo aan ku baraarugsaneyn qorshaha cadowga ee ah “ Qeybi oo xukun” iyo halista uu kalataggu leeyahay.

Marka laga reebo hurinta dagaallo sokeeye oo lagu hoobto, danta ugu muhiimsan ee dabinkan cusub laga leeyahay waxey tahay; in dad badan oo aan waxgarad aheyn loo muujiyo in diintuba ay tahay wax kooxo damaaciyiin ahi ay danahooda gaarka ah ku raadsadaan. Wuxuu ku talagalku yahay in la jihowareeriyo oo shaki lagu abuuro inta daacadda u ah ee u heellan difaacidda diintooda iyo dalkooda, is aaminaaddii iyo kalsoonidiina meesha laga saaro. Si gaar ah waxaa duullaan loogu yahay oo ceebo loo daydayayaa culimada diinta iyo doorkooda sharfan. Midda ugu daran ee maanta Soomaalida ka dagi la’ina waxay tahay; in dibindaabyadaan halista ah iyo dirir-doqomeedka socota loo adeegsado ayna hormuud ka yihiin qaar duub culimo leh, damiirkuse uu wax kale yahay.

“Dadka Shiikh wacdinayoo
Dusha taqi la moodoo
Ilmadiisu daaddoo
Wax is daba marsiiyoo
Dir kaleba qalbigu yahay
Deel boqol dhibcood liyo
Amuuro lagu diimaa
Ku soo biiray dunidoo
Yaab baa dig soo yiri”

(Dawo, Nofeembar 2003)

Waxaa haddaba lagama maarmaan ah; in si aad ah looga digtoonaado kuwa dabinnada maleegaya, kana faa’ideysanaya
jacaylka ay dadka Soomaaliyeed u qabaan diintooda Islaamka ah. Arrinkaan wuxuu si gaar ah waajib uga saaranyahay, culimada xalaalmiiratada ah ee waligood u taagnaa badbaadinta ummaddooda. Shacabkana waxaa la gudboon in ay ciseeyaan culimadooda, kuna garabgalaan howsha hiilka u baahan ee maanta hortaalla.

Ugu dambeyntii, kuwa uu shaydaanku u qurxiyay in ummaddii dar-Ilaaheyku aamintay ay dabinno u maleegaan, waxaan dhihi lahaa; haddaad diin leedihiin dib u xisaabtama, Daa’inkii idin abuurayna ka baqa oo dulmiga qaawan daaya. Kan diida ee weli uu damac ka hayo inuu dux ka helo dirir sokeeye iyo dhiigga maatida ee durduraya waxaan isna leeyahay;

“Danmooge Danmooge
Direys culumoodle
Hoostana dibindaabyo
Duul kale u adeegga
Siraha dusintooda
Guureynta ma daaye
Markuu digsi soora
Diinnaarro u jeedo
Dhareerku ka daate
Dibnaha dhaqdhaqaaqa
Inaad digrineysood
Quraanka dareerin
Xadiisyo daliishan
Kii daacad u haysta
Haddaad ku dabeysood
Shacbiga ku dageyso
Inuu Daa’in weyne
Ku daalacanaayo
Malaa’ig diyaar ah
Iney dambigaada
Diiwaanno ku keydin
Ku daabaco buugga.”

(Danmooge, Sebteembar 2008)

Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

6 Comment(s)

  1. A/C/W/W.

    Allow dardaaran ma yahay, baarakallaahu fiika wa jazaakallaahu khayral jazaa’

    Allaah ha nanagu anfaco guud ahaan, si gaar ahna ha ugu sii anfaco kuwa qormadu si toos ah iyo si dadbanba wax ugu sheegtay ee qadiyadii umadan iyo masiirkeedii ka dhigay wax go’ lagu qaado(Berberi wax go’ qaado ka weyn) waa hal ku dhig soomaaliyeed oo hore u baxay bal ka waran kuwa soomaaliya wax go’ lagu qaadi karo oo hal fadhi lagaga kici karo ka dhigay allaah hasoo hadeeyo hadii hanuun u qoranyahay hadii kalena umada sharkooda ha uga fududeeyo, mar labaad allaah haku anfaco kuwa qiyaastii 16000 ee difaaca dalkan,dadkan, iyo diintan u shahiiday allaah ha u aqbalee,sidoo kalena qiyaastii 50,000 ee u dhaawacantay allaah ha u boogo dhayee, malaayiinkii shacabkeena sharfanaa ee u barakacay isla qadiyadaa iyo bilyaniskii hantida ahaa ee qaybna la sahayday inteedii badnaydna la isla jiidhay allaah ha ku anfaco kuwa waxaa dad iyo duunyo tegey ku micneeyey in loo huray (li’iclaa’i’ manaasibihim) si iyagu jagooyin sar sare u helaan, sarayntaasuse waa aragtida cadowga ee ta shacabkeena ma aha, wax nin ka faanaa nin ku faanaa.
    Allaah ha ina waafajiyo dariiqa toosan.
    A/C/W/W.

    Samadoon | Jun 8, 2009 | Reply

  2. WAX KASTA OO DALKAAN KU DHACA OO SHARAFTA IYO KARAAMADEENNA WAX U DHIMA WAXAA KA MAS,UUL AH BEESHA HAWIYE IYO ODAYAASHOODA MARKASTA SOOMAALI KALA QAYB QAYBIYA OO YIRAAHDO ANAGOO AH ODAYAASHA BEESHA HAWIYE.

    DAAROOD | Jun 22, 2009 | Reply

  3. walaal fikirka gaayga aad ayuu u fiican yahay

    ABUU ZARQAAWI | Jun 30, 2009 | Reply

  4. “Danmooge Danmooge
    Direys culumoodle
    Hoostana dibindaabyo
    Duul kale u adeegga
    Siraha dusintooda
    Guureynta ma daaye
    Markuu digsi soora
    Diinnaarro u jeedo
    Dhareerku ka daate
    Dibnaha dhaqdhaqaaqa
    Inaad digrineysood
    Quraanka dareerin
    Xadiisyo daliishan
    Kii daacad u haysta
    Haddaad ku dabeysood
    Shacbiga ku dageyso
    Inuu Daa’in weyne
    Ku daalacanaayo
    Malaa’ig diyaar ah
    Iney dambigaada
    Diiwaanno ku keydin
    Ku daabaco buugga.”

    it is not right why the poems man has not give the realy way so I dont know what will be next I sa sorryy

    cali | Jun 30, 2009 | Reply

  5. Islaam-nimadu waa in dadku kaa nabad galaan ee ma ahan inaad hoobiyo ka dhex tuurto. Ogoow dadka aad ka dhex tuurtayna wixii soo gaara adiga ayaa dambigooda leh. Ninka afka duubanoow hadaad diinta ka run sheegeyso ilaahii ku uumay ka cabso oo bini’aadanka aad afka ka duubatay haka cabsanin ogoowna inuu ilaahay ku daawanayo. Dowladuna waa dowlad islaami ah sida ay sheegeen culimada. Anagu waxaan nahay umada wada muslim, culimadana waxa ay soo jeediyaan waa in la raacaa. Ogoowna Dowlad La’aan dowlad xun ayaa dhaanto marka walaalkeyga muslimka ahoow ilaahay ooga cabsoo jihaadkuna marnaba uma dhaxeyn karo labo qolo oo muslimiin ah. Ogoodana maanta hadii aad xaaladaan sii wadaan in aad gacmihiina ku laayneysaan shacab muslim ah oo aan waxba galabsan.

    Garta Danta Umadda Muslim-ka ah ee soomaaliyeed. Nabadana siiya fursad. Sababtoo ah hadaan la isku sabrin xal ma yimaado diinta islaamkuna waa diin nabadeed (?????? ???).

    Umada Soomaaliyeed quluubteeda ilaahay ha isku dumo. Midka hoobiyaha ridaya waa muslim dadka ay ku dhaceysana waa muslim. Marka isku daya inaad umadiina badbaadisaan.

    dalmar | Feb 28, 2010 | Reply

  6. acwb salaanta islaamka kadib sxb dalmarow waxaad taHay nin hal dhinac lajira ee nin umad kanaxaya ma tihid waxaadna taageersantahay nimankaan adoonta hooyadood dileysa gurigoodana duminaya aan kadaaya oran karin adna waxaad ku sheegtay dawlad islaami ah islaamow xaal qaado,xitaa waxay awoodi waayeen dadkii mareykanka iyo amxaaradu qaxiyeen iyo waliba adoonta hada joogta ee gaalo madawda ah in ay aduunyada uweydiiyaan baco ay roobka iyo qoraxda kagalaan iyo biyo nadiif ah iyo cunto ,ridista madaafiicdana iyagaaba badan kana waxyeelo badan dadkii iyo hantidiina baabi,iyey ee kuwaas maxaad u arki weyday weliba mareykanka amarkiisa ku shaqeynaya wcwb

    farxaan | May 29, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo