3 dhalin yaro ah ayaa ku dhaawacmay inta la ogyahay Rasaas uu ku furay Nin Hubeysan Xili ay ku sugnaayeen Xaafad ku taala dhanka Galbeen ee Magaalada Baled-Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa Sheegaya in Nin Dabley ah oo Wajiga soo duubtay uu Dhalinyarada oo Meel Fadhiday Raasaa ooda uga Qaaday.
Dadka ku dhaawacmay Dhacdadan ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala Gudaha Magaalada Baled-Weyne Halkaa oo haatan lagu Daweynayo Dhaawacooda.
Lama garanayo sababta ka danbeysa dhacdadan mana jirto cid ka hadaey ilaa iyo hada.
Magaalada Baled-weyne ayaa waxa ka jiray Maalmihii ugu Danbeeyey Falal isugu jira Qaraxyo, tacshiirado iyo Waxyaabo kale oo Dadka Deegaanka ku abuuray Walwal xagga Amaanka ah.

Related posts: