Wasiirka War Faafinta Itoobiya oo sheegay in ay kormeer ku hayaan Xaalada Soomaaliya

Published on June 5, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Wasiirka War faafinta Itoobiya Baraket Simon  ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Kooxo idha indhayn  iyo kormeer  isku jirta ay u direen xuduuda ay Soomaaliya la wadaagaan si ay ula socdaan  dhaq dhaqaaqyada ka jirta gudaha Soomaaliya una soo gudbiyaan wixii khatar ah ee ku soo fool leh Itoobiya.

 

Baraket Simon ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamadooda ay gudaha u galeen Soomaaliya wuxuuna yidhi isagoo arintaas ka hadlaya “ aragti ahaan ilaaladaas waa mid lagu tiranayo dabiici marka ay amuuraahan oo kale ay jiraan , Xukuumada IToobiya ma ahan mid ku galaysa Soomaaliya wado kasta , marka ay Aragagixisada Xag jirka ah ay si aad ah u dhaq dhaqaqaan anaguna waxaan sameynaa diyaar garow”

 

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday dagaalada u dhaxeeya DKMG ah iyo Xoogaga Islaamiyiinta ah wuxuuna sheegay in DKMG ah ay awoodo in ay ka guulaysato Xoogaga ka soo horjeeda wuxuuna yidhi “kadib markii ay Shababka iyo qaarka Caalamka laga doon doonayo Caalamka  ee Soomaaliya ku sugan ay weerar ku soo qaadeen DKMG ah  waxaan aragnay in Xukuumada Midminada Qaran ee KMG ah ay awoodo in ay kaga adkaato dhaq dhaqaaqa Al-shabab Badhtamaha Soomaaliya arimuhu ma ahan kuwo xaga Shababka ah  way ku kharaaseen Aragagixsadu in ay awoodooda la soo baxaan wakhtigan”.

 

Hadalka ka soo baxay Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya ayaa daba socday hadalo ay dhawaanahan ay baahinaysay Warbaahinta Caalamka qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sheegayay in ciidamo  Itoobiyaan ah ay gudaha u galeen Soomaaliya halka qaar ka mid ah Warbaahintaasi ay sheegeen in Maleeshiyaadka lagu soo Tababaray gudaha Itoobiya ee ay hogaaminayaan Hogaamiya Kooxeeyadu ay wehliyaan ciidamo Itoobiyaan ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Nicolas Bwakira oo sheegay in xaalada Soomaaliya ay tahay mid dagan
  2. Af hayeenka Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya “ ka bixitaankayaga soomaaliya ma lahan wax ka laabasho ah”
  3. Baraket Simon oo Beeniyay in ciidamadooda ay mar kale ay dib u galeen Soomaaliya
  4. Golaha Aminga ee AU-da oo kulan deg deg ah ka leh Xaalada Soomaaliya
  5. C/Qaasim Salaad oo sheegay in Mareykanku ka aargoosiga Soomaaliya u adeegsanayo Itoobiya

Readers Comments (1)

  1. sahal says:

    Ethiopia faragelin joogto aan dhamaad laheyn ayey ku heysay, kuna hayn doontaa Dalka Somaliya.
    Dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha Somaliya dhamaan iyada ayaa loo aaneeyaa. Dagaalada kala shakiga keenay, ee dhex maraya Mujaahidiinta iyada ayaa ugu wacan. Waana wax la wada og yahay, Inay sheegatana loomaba baahna! Kuwii 15 years u shaqeynaayay oo ilaa hadda gacan saar la leh ayaa ku sugan meel walba oo ka tirsan geyiga Somaliya.

    Waxaana kula talin lahaa inay faraha kala baxdo arimaha Somaliya. Horey ayaa loo yiri God qayaamo ha qodin, haddaad qodana Ha dheereynin, ku dhici doontid lama oga. Ethiopia Dhibka ay ku heyso Somaliya maalinbey ka shalayn doontaa. Calooshiis la cayaar mooyee.. Somalida xalaasha ah wey wada baraarugeen, mudo dheerna ma qaadan doonto meel inay ugu soo wada jeedsadaan cadawgooda xidida siibka ku haya ee Ethiopia iyo Kenya




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nicolas Bwakira oo sheegay in xaalada Soomaaliya ay tahay mid dagan
  2. Af hayeenka Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya “ ka bixitaankayaga soomaaliya ma lahan wax ka laabasho ah”
  3. Baraket Simon oo Beeniyay in ciidamadooda ay mar kale ay dib u galeen Soomaaliya
  4. Golaha Aminga ee AU-da oo kulan deg deg ah ka leh Xaalada Soomaaliya
  5. C/Qaasim Salaad oo sheegay in Mareykanku ka aargoosiga Soomaaliya u adeegsanayo Itoobiya

Latest Headlines