Xiisad ka jirta Guriceel

Published on May 31, 2009 by   ·   14 Comments   ·   print

guri-ceelDeegaanka Curiceel ee Gobolka Galguduud ayaa maleeshiyooyinka gacanta ku haya ee Iskumagacaabay Ahlu-Sunna Waljamaca waxay caawa ku soo rogeen Bandow habeenkii ah oo bilaabanaya 09:00 fiidnimo ilaa 12:00 Aroornimo kaas oo dhaqan galkiisu uu caawa bilawday.

 

Bandawgan ayaa la sheegay in uu daba joogo kadib qalalaaso muddadii ugu danbeysay ka jirtay deegaanka taas oo ka dhalatay Maleeshiyo beeleed sheegtay in ay ka gadoodeen Xoogaggan isla markaana tilmaamay in ay isaga baxeen Ururkan.

 

Afhayeen u hadlay Maleeshiyo Beeleedka sheegtay in ay ka goosteen Maleeshiyada ka arrimisa Deegaanka Guriceel ayaa tibaaxay in ay go’aankan u qaateen kadib markii ay dhaceen falal aargoosi iyo aanooyin qabiil ku salaysan wuxuuna yiri “waxaan ku baaqaynaa in cid walba ay ku noqoto deegaanka ay ka yimaadeen Gaar ahaan Xeraale iyo C/Waaq maadaama ay bilaabatay falal aargoosi ah”

 

Afhayeenka ayaa sheegay in ay tiro ahaan dhan yihiin ilaa 110 askari oo isku hayb ah kana soo jeeda Deegaanka Guriceel.

 

Arrintan ayaa waxaa maanta beeniyay qaar ka mid ah Maamulka ka arrimiya Guriceel waxayna ku tilmaameen kuwo khalkhal gelinaya amniga.

 

Dadka ku dhaqan degmada Guriceel ayaa waxay si weyn u hadal hayaan xiisadan ka oogan Deegaanka taas oo la sheegay inay ka dhalatay kadib markii 3 maalmood ka hor deegaanka lagu dhaawacay nin ka tirsan xoogagga Maleeshiyada ka arrimisa deegaanka.

 

Maleeshiyada isku magacaabay Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa waxay gacan saar la leedahay ciidamada Itoobiya waxaana maalintii shalay ahayd 6 gaari oo 2 kamid ah ay yihiin nooca Xamuulka oo loo yaqaano Candha-maydle iyo 4 tikniko ah ay u gudbeen Degaanka laasa-caanood oo 70km u jira Degmada B/balle kuwaas oo la sheegay in ay saanad milatery ka soo qaadeen fariisinka ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Laasa-Caanood.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal Xoogan oo caawa ka dhacay Guriceel
  2. Xiisad ka dhalatay Dil oo ka jirta G. Sh/Dhexe
  3. Carruur oon darti ugu Geeriyootay Guriceel
  4. Xiisad ka jirta Deegaan hoostaga Deg Diinsoor ee G. Baay
  5. Sarkaalad ka Tirsan Hay’adda IIDA oo Caawa lagu Toogtay Guriceel

Readers Comments (14)

  1. mudacyo-afkood says:

    XAQIIQDA DARUURTA DAGAAL EE DUL HOGAN HIIRAN IYO GALGADUUD.

    waxaa maanta magaalada Buukeburte ka tilaabay kumanaan dagaal yahan, oo ku hubaysan gawaarida gaashaaman iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

    ciidamadaan oo uu hor boodayo SH, XASSAN TURKI ayaa saacadaha soo socda ku wajahan meelaha murtadiintu joogaan, sida Kala-bayrka iyo GALGADUUD.

    goobjoogayaal ku sugan HIIRAAN ayaa sheegay inay arkeen kumanaan islaamiyiin ah oo kusii qulqulaya jiidaha hore ee dagaalka si ay cadowga illaahay meesha ooga saaran.

    qibrado milatary oo ay dajiyeen xeeldheerayaa dagaal kusoo jiray rubuc qarni iyo taatiko aanay miskaxda gaal iyo murtadba fahmi karin ayaa la filayaa in loo adeegsado goobaha dagaalka.

    sidoo kala waxaa maanta dhaqdhaqaaq xoogan ay islaamiyiintu ka wadan magaalad CEEL-BUUR waxaan saacadaha soo socda la filankaraa dagaal culus iyo dharbaaxooyin gaara ilaa waxa luugu yeero Puntland.

    waxaa xusid mudan in wado isku xidha HIIRAAN IYO bakool xala saqdhexe laga maqlay guuxa baabuur aad u badan iyo takbiirta, taasoo quburo dagaalada u dhuun daloola ku sheegeen islaamiyiin kasoo ruqaansado min Gado ilaa Bay iyo Bakool si ay u halaajiyaan maryacalasta iyo umula dooxa itoobia.

    news from Baladweyn

  2. mohamed dk says:

    ilaaaaaah madax isku kiin galinyo ooo kala yaaca awalba tuugo baad ahaydeen magaca sunaha ku qaraabta ooo itoobiya u shaqeeeeya

  3. wadaad yare says:

    waxaan la yaabey nimankaan alshabaab. sidey soomaalida ugu xoog badanyihiin iyo sidey gaalada uga cabsadaan!

    Dagaalka ay wadaan gaalada way ku awr kacsanayaane soomaaliduu ku socdaa.

    Itoobiya dhowr gaari ayaa kala bayrka ka joota markey maqleena sidii jiirkii ayey u dhuunteen oo muuqoodi dhammaa loo waayey.

    Wallaahi waa arin mukhjil ah oo yax yax xataa anigoo iyaga neceb aan ka dareemayo.

    Nimanka nabad qaata laga la,yahay oo qar iska xoorka iska dhigaya iney gaal oo dhan meeshey ku maqlaan ka wareegsadaan waa arin gaalada Itoobiya tusineysa sida soomaalidu iyagu iskugu xoog weyn yihiin iyadana uga cabsadaan.

    Alle idin dufee weligoodba alqacida ceeb maahane islaamka nasri uma keenin.

  4. cabdi says:

    kala kaca oo kala luma oo kala hadhaayooba
    meelaan kamuhu qabankarin iyo kajaba kabaha hoostooda idinka iyo kufriga aad wadaan kibisaduunwaaya kurbo iyo balaayiyo uluma cudur idiin khaasa

  5. cabdi says:

    suufiyoy siidiinaba sunta lagu baqtiyo iyo saanad tii kulaylbadan sababtiinu ahaatay aakhirana sabool iyo sam hariira jiifsada
    seeg seeg ahaadoo soo jiifsan waa yoo
    saqiiriyo sidii aad tihiin sabi aan waxbaba
    garan oo sabool udilyahay sifo tii xanuun badan soojireen uqaybsada suufiyooy dhamaantiin

  6. sayful islaam says:

    ASC WR. WB. Degniin, kusocota dhamaan islaamka gaarahaan soomaalida harumeesanina, borobagaandada khawaarijta mana jirto wax iska hor imaad ah oo ka dhexeeya reer guriceel iyo culuma udiinka ahlu-sunna wal-jamaacah… wabillahi towfiiq

  7. c/raxmaan goobe says:

    awalba waxay ahaayeen mooryaantii qaadul dariiqa aheyd marka in ay isku dhici doonan waa la saadaalinayay dadka degan guriceel xoog baa lagu heystaa marka waa in ay iska dulqaadaan mooryaan ka kala timid beelihii ay isbaarada dhigan jireen waxaan ugu baaqaa dadka reer guriceel in ay iska xoreeyaan kuwa gaalo raacyada ah oo sal dhig ka dhigtay magaaladooda
    wabilaahi towfiiq

  8. Adan says:

    Allahu Akbar
    Baaraka laahu mudacyo-afkood, runtii arin farxad leh ayaad noo sheegtay;

    Ilaah ayaan ka rajaynaynaa inuu shayaadiinta magaca sunnada hagoogan naga horwareejiyo islaamkana uu dhibkooda iyo fitnadooda ka dul qaado.

    INSHA ALLAAH SHAYAADIINTAASU WAY JABI DOONTAA.

  9. Xiirane says:

    Waanu filayna in ay kala shakin doon waayo waxa amxaaro isu keen tay awal ba colaad baa udhaxaysay kabadan nus qarni lagana heshiin diina isuma keenin marka lama wadajoog karo nina mafiir sankaro ninkii dilay aabihi ama walaalki mayka yaan lasugi waayin kala miiran kooda

  10. Hafoow says:

    Wassalaamu caleykum waraxmatullaahi. salaan ka dib, waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo baxaya Munaafiqiin kala jaad ah. kuwa ka mid ah Muanaafiqiintani waa kuwo horboodi jiray Mujaahiddiintii Waddanaka ka xorreeyey Dooxatada Wuxuushta ah ee uu hor kacayo Ameerika iyo kuwa uu Jaamaha ka dhigtay ee Madoow. kuwan Madoow ayaa waxay isugu jiraan Soomaali u shaqeya Calooshooda oo kaliya oo damiir dadnimo iyo mid diineedba aan lahayn iyo kuwo waligood Soomaaliya la’ doonayey meel xun oo ay ugu horreyaan Ethopia iyo Kenya. ugu dambeynta waxaan idin leeyahay Alle waxaa uu Quraankiisa ku yiri( Innaa la’nansuru Rusulunaa Walladiina Aamanuu Fil-xayaati Dunyaa wayooma yaquumul-ash-haad). Alle cissi leh iyo ninkuu la’doono.
    Wassalaamu calaa manitabacal huddaa.

  11. abu xafsa [alwacaysi] says:

    walalyaal awalba waxan waxay ahayeen ashahaada ladirir u adeega cadawga alaah oo lagu soo aruuriyey qabiil iyo diin la aan si ay ula diriraan muslimiinta somalidu waxay ku maah maahda labadii sir u heshiisa saaq bay u cowloobaan wax kasta oo dulmi ku dhisan waa zuulaan waxa jirtay xikmad dhahaysa ma usisa bil baadil fahuwa baadil marka waasaas waxa un kaliya oo umad ku midoobi kartaa waa diinta alaah

  12. Xaq ku addin says:

    Rag haddaad colaad leedihiin ciidanse u weydo, hadba waxad ku ciil bixi kartaa kuu cawo adduun ah.

    Somalimirror waxa ay ku ciil baxaysaa probagaande aan sal iyo raad toona lahayn, waar Alle ka baqada oo markii ay Tikreegu dalka haysteen waxaan ugu jeclaa Boggan Somalimirror oo warar xaqiiq ah soo tabin jiray, walaalayaal warka in la iska sheegaa ma haboona haddaanu xaqiiq ahayn. Boqollaal website oo soomaali ah ayaa jira mid keliyina ma qorin xitaa wax u eg, markaa halkeed ka soo hesheen warkaa.

    Guriceel in Ahlusunnah laga jecelyahay waxa ku tusaysa sida ay uga adkaadeen Xarakatul Shabaab waayo dadkaa raacdan.

    Ilaahay soomaali xaqa ha tuso meel ay joogtaba.

  13. MAALIN says:

    WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY DHALINYARADII GURCEEL IN AAY MAANTA WAX FAHMEEN, UURDOOXADA MOORYAANTA ITOOBIYA MAGACA U SOO BIXISAY.

    DHALINYARTA WAAN IDIN GARAB TAAGNAHAY HABEEN IYO MAALINBA KA XOREEYA DHULKIINA KUWAA MUNAAFAQIINTA AXMAARTU ADEEGA, XARIGA ALLAH ISKU RAACA.

  14. abajaad says:

    mooryaantaan ka timid cabudwaaq iyo suufiyadaan xeraale ka yimid waxay rabaan reer guriceel iney dhulkooda lagu xasuuqo dhibaatana ka bixin wasaqdaan isbahaystay ilaahay dhulka idinla go




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal Xoogan oo caawa ka dhacay Guriceel
  2. Xiisad ka dhalatay Dil oo ka jirta G. Sh/Dhexe
  3. Carruur oon darti ugu Geeriyootay Guriceel
  4. Xiisad ka jirta Deegaan hoostaga Deg Diinsoor ee G. Baay
  5. Sarkaalad ka Tirsan Hay’adda IIDA oo Caawa lagu Toogtay Guriceel

Latest Headlines