Wakiilka gaarka ah ee Q.M ugu qaabilsan Arimaha Soomaaliya, Axmedu Walda C/lle oo hadley ka dib Socdaalkii gaabnaa ee uu ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa degenaansho la’aanta jirta ku eedeeyay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Axmedu Walda C/lle oo wareysi siiyay Wargeyska Asharq-Awsat ayaa dusha ugu laayay dhibaatooyinka iyo Xaaladaha cakiran ee ka taagan Soomaaliya waxa uu ku tilmaamey Siyaasiyiin, balse cidnna si gaar ah uma aanu tilmaamin.
Intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu ku soo arkay muuqaal argagax geliyay, burbur xoogan oo gaarey Dalka saameyna ku yeeshay Hay’adihii aasaasiga u ahaa Nolasha.
Booqashadiisan ayaa timid xilli Sh Shariif Sh Axmed oo Madax ka ah DKMG ahi uu qeylo dhaan xoogan u direy Beesha Caalamka taas oo aheyd in Dowladiisa laga soo gaaro wax uu ku tilmaamey Nabad diid halis ku ah.
Ujeedka socdaalkiisa Muqdisho ayuu ku sheegay mid uu ku indho indheynayay Xaalada guud ee ka jirta gaar ahaan mid uu ugu kuur gelayay midda Barakacayaasha, Sidoo kale Warbixin ku aadan Xalinta Mushkilada oo Madaxda DKMG uu sheegay inuu ka dhageystay.
Sh Shariif wixii uu kala hadley mar wax laga weydiiyay ayuu sheegay inuu u sheegay Xoogaga ka soo horjeeda ay doorbiydayaal dagaal, sida uu hadalka u dhigey.
Axmedu Walda C/lle waxa uu dhanka kale sheegay dadka Soomaaliyeed inay arintooda ku kala aragti duwan yihiin waxa uuna tusaale u soo qaatay 340 Shabakad oo Bar Enternet ku leeyihiin Dadka Soomaaliyeed oo qolo walba aragtideeda gaarka ah ku baahiso.
DKMG ahi ayuu sheegay Q.M, IGAD, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka dhamaan ay taageeri xoogan u hayaan sidoo kale jiritaankeeda ay aqoonsan yihiin.
Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Xaalada DKMG ahi markii hore ku sugneyd wax ka badeshay, gaar ahaan xaga dibu isu abaabulka iyo nidaamka.
Joogitaanka Alqacida ee ku sheego Soomaaliya mar sidoo kale wax laga weydiiyay ayuu arintaa dafiray wuxuuna sheegay inuu ka hadlayo shisheeye balse aanu a hadlin Alqacida Soomaaliya joogta, sida uu hadalka u dhigay.

Related posts:
walad abdalla waa wadiiqada dhibka somaliya ey usoomarsiiyaan reer galbeedku waana dalaal kadulaaleeya qadiyada somaliya oo baryahaan umuuqata mid uu fura uyahay asagu
asc…
Haddana kusoo Qora Halkan Ileen ma xishootiine walad cabdale waa gaal rasuulkeena(NNK) waxaan lagu arkin baa la idiinku arkay Nimanka Dadka Gaaleynayo Ee meelaha ka baqbaq leh Rasulka (NNK) dadku waxuu oogu yeeri jiray xaqqa qofkii khaldana waxbuu usheegi jiray dadkana waa u naxariisan jiray waxwalbana wadahadal inta uu ku dhameenkaro wadahadalka ayuu dhiiri galinjiray aya oo umadu gaalo tahay ayuu dadka soo jiidan jiray lakiin maanta waxaan aragnaa dadkii islaamka ahaa ee culimada ahaa in la leeyhay waa gaal & waa Khawaarij& waa murtad ayadoon ognahay in eey xukumada shariifka qaadarat shareecada islaamka,, obooyow waan yaabanahaye nimanku ma waxeey donayay shareeco gaarah oo ayaga eey haaystaa oo lagatagay mise in kursi lasiiyo mise waaba takfiir oo dadku in eey galeeyaan ayeey oogu baxdaa waa su aal? jawaabse leh………..
waa:-
1:kursi raadis
2:waa takfiir
3:waxeey wataan wax aan shareectu muxamediya(NNK)
4:waa Hawadooda Raacayaal Dhiigyacabo ah
mida kale mid baa ku doodaya Ma nabad baa loo baahanyahay qofka islaamka ah jihaad buu udhashaye akhri ducadii nabiyulahi Ibrahim (NK) maxuu(rabijcal hadalbalada aaminan) macnaheeduna waa ilaahow dhulkaan nabad kadhig maxuu udhihi wayay ilaahoow dhulkaan dhul dagaal kadhig dadkeedana hub iyo wax la isku dilo sii, mida kale diinteena islaamka ee naxariista badan waxaad u turjunteen ama dadka aad u fahansiineen in eey diinu dagaal tahay /
akhri ayadaha kala ah(inaa arsalnaaka raxmatan Lila calamiin)………
aaway raxmadii ma in 1,000,000 oo ilslaamha labarakiciyo boqolaal la’laayo masidaas baa diinu raxma ah aloow umadaada usoo gargaar oo ka qabto ina aweys iyo xulufadiisa takfiirka ah
salaamun claamanitabacal Hudaa