Wasiirada Arimaha Gudaha & Cadaalada ee Kooxda G.8-ka ayaa isku waafaqay Shalay oo Sabti aheyd in loo howlgalo sidii loo heli lahaa Qorshe looga Hortagayo Burcad Badeeda Soomalida ah.
Waxa ay balan qaaden Wasiirada G.8-ka Gabagabadii kulnkooda oo Magaalada Roma ka soconayey Mudo labo Maalmood ah in ay gacan ka geysan doonaan sidii loo xoojin lahaa Nidaamka Xukun Cadaaladeed oo laga hirgaliyo Manaadiqda ay saameeyeen Burcadu sida Geeska Afrika.
Sidoo kale Wasiirada ayaa isla gartay in loo baahanyahay Heshiis Dhexmara Dowladaha Gacanta ku haya Burcad Badeeda iyo waliba Dowladaha Awooda u leh in ay Maxkamad Soo taagaan ee leh Tignolajiyad Horumarsan.
Dowlado kamid ah G8-ka ayaa ka qeyb qaadanaya Ciidamada Badaha ee Taabacsan Midowga Europ iyo Isbaheysiga NATO kuwaas oo sida la Sheegay ku Howlan Ladagaalanka Waxa loogu yeero Burcad Badeeda.

Related posts:
ninmanyahoww aniga waxaan aad u xiiseeyaa jeeb siibka marka maxaa wax aqbaar u haysaan arintaas
hada ka hor waxaa dhacday in dadka jeebsiibka ee ku nool dunida daafaheeda ay rabeen in ay hawl shaqo u aadaan xiliga ciyaaraha aduunku socdeen laakiin waxaa loo soo sheegay in ay jirto in xajkii ka bilaabanayo maka sidaa daraadeed ay iyaga u taal meesha ay shaqada u aadayaan in ay noqonayso ciyaaraha aduunka ama xajka wabilaahi towfiiq , kadib waxaa dhacday in ay ku wareeraan meeshii ay shaqada ka qaban lahaayeen ee xajka ama ciyaaraha aduunka sidaas ayayna ku baajiyeen shaqadii ay qabsan lahaayeen…
waad ujeedaan gaalo waxay labaxday UN NETO HU EU AU PU DU MU KU G8 G7 G20 IGAD IMF BU SU LU CU CIA FPA, maantana msulimiintu hal midow ah maleh haday leeyihiina ciidan midaysan maleh xitaa walaalayaal shaydaan kii waa midoobay oo waxaa ladhahaa SHAYDAAN UNION walaahay inaynan guul helayn hadaan jihaadka loosoo noqon…