Madoonaysaa in aad Cilmiga Caafimaadka ka barato Dalka China?

Published on May 31, 2009 by   ·   28 Comments   ·   print

 Dalka China oo horumar laxaad leh oo dhan kastaba ah ku talaabsaday 20-kii Sano ee u dambeeyay  ayaa laga dareemayay Sanadadii u dambeeyay qulqulka  Ardyda Ajaanibta ee Waxbarasho doonka ah ee ku sii qulqulaya Jaamacaadaha dalkaasi China. ( Daawo Sawirrada )

Ardayda Ajaanibta oo Dalal badan ka kalayimid ayaa hadana waxaa hormuud u ah Ardayda ka imaanaya Dalalka Carabta iyo Afrika, haba ugu badnaadeen Ardayda ka kalayimi Pakistan, Hindiya,Sudan, Soomaliya iyo Yaman. 

 Jaamacada Norman Bethune medical college of jilin university  Ayaa ka mid ah Jaamacadaha Dalka China ee la ciir ciiraya ardayda Ajaanibta ah, ayadoo si gaar ah ay ugu badanyihiin kuwa ka kalayimi dalalka Islamka, sida, Somaliya,Sudan,Yaman, Qadar, Masar, Jaad iyo kuwa Afrikada Galbeed sida Marooko.  

 Norman Bethune medical college of jilin university  Waa mid kamid ah 20-ka Jaamacadood ee ugu sareeya Dalka Shiinaha (China) uguna tayada roon, waxay ku taalaa  Magaalada Changchun oo magaalo madax u ah  Gobolka dhaca waqooyi bari ee Jilin ee Dalka China. 

Cimilada goblku waa : Summer 15 to 35 degree, winter +5 to -10 degree

Maciishada Gobolka ayaa ah mid aad u jaban marka loo barbardhigo Gobolada kal ee Dalka intiisa badan, taas oo u suurta galisay Gobolka in uu hantiyo tiro badan oo kamid ah Ardayda Ajaanibta ah ee Dalkaan Waxbarashada u soo Doonatay. 

 Gobolka ayaa ah mid ay ku noolyihiin Muslimiin badan oo u dhashay Dalka, ayadoo Masaajidda ku yaala Magaaladana si caadi ah Salaadaha loogu tukado. Ardayda Ajaanibta  kuwooda Muslimka ah  ay Salaada Jimce kula soo tukada Muslimiinta  Chinese ka ah Masaajiddada Magaalada, Salaadaha kalana ayaguu ku tukada Hooyga Jaamacada ay ka daganyihiin maadaama Masaajiddu ka fogtahay Jaamacada. 

 Norman Bethune medical college of jilin university waxay kamid tahay 20-ka Jaamacadood ee Dalkan ugu sareeya  Cilmibaarisyo heer Caalami ahna  lagu sameeyo, Ayaan si kooban hal kan ugu soo bandhigayaa waxa uu ka heli karo Ardayga Soomaaliyeed ee doonaya in uu Waxbarasho u doonto Jamacada Norman Bethune medical college of jilin university. 

    Sida magaca ku xusanba Norman Medical College oo ah kulliyad kamida kulliyadaha Jilin University ayaa waxaad ka helaysaa Barashada Cilmiga Caafimaadka ah, oo labadaan luqad tii aad doorbidaysaba diyaar kuula ah ( English ama Chinese).  Waxa xusid mudan in Ardayda Soomaalida ah ay jiraan kuwa Af Chinese ku barta Cilmiga Caafimaadka  halka intooda badan ay ku qaataan Caafimaadka luqada English ka. 

  1. Wakhtiga kulliyadda Caafimaadka:  waa 6 sano. 5-ta sano ee u horraysa waxa uu Ardaygu baranayaa  daawayta iyo Qalliinka, halka  sannadka lixaadna  uu tababro ku qaadanayo 3 Isbitaal ee hoostaga Jaamacada  uguna weyn Gobalka.
  2.    Maadooyinka uu qaadanayo ardaygu :  ayaa noqonaya kuwa ay bixiyan Jaamacaadka Caafimaadka ee dalalka kale oo dhan sida: Anatomy, Physiology, Histology, Biochemistry, Pharmacology Surgery, internal medicine, Gynecology & Obsterics, Orthopics iyo wixii lamid ah, dhamaan waxay ku baxayaan luqada English ka.
  3. Sidoo kale ayaa ardayga  aqoon kororsi ahaan  waxaa sanadka 3-aad uu qaadanayaa  Koorsooyin ku saabsan daawo Chinese ka(Traditional Chinese Medicine )oo hada aduunka caan ka ah.
  4. Xiliga  Qaadashada Arday cusub: laga bilaabo 15ka  June kuna eg 25 August ee Sannad kasta.  
  5. Aqoonsiga jaamacadda: Waxa ay  jaamacaddu ka midtahay 30-ka  Jaamacadood oo ay Dowladda Shiinuhu(Chain) u ogolaatay in ay qaataan Arday ajaanib ah oo ay wax kubaraan afka English-ka, waxayna kaalinta 11 uga jirtaa 30 kaas Jaamacadood ee Afka Engliska ku baxa uguna jaban qarash ahaan.
  6. Waxa ay Jaamaddu ka diiwaan gashan tahay Hay’adda WHO tan iyo sannadkii 1950 kii.

 Tirada Ardeyda Soomaaliyeed ee Jaamacadan wax ka barta ayaa lagu qiyaasaa ilaa 40 Ardey kuwaas oo maraya heerarka kale duwan ee Jaamacada.

 

 Hadaba hadii aad danaynayso Norman Bethune medical college of jilin university inaad wax ka barato wixii talo iyo tusaalayn  dheeri ah waxaad  kala xiriir kartaa Nuur Cabdi, kalana Xariir  Mobile: +86 -1394492412722 ama  E-mail: hanadec@gmail.com.

Waxaa isku sii duba riday.

 Maxamed Sh Cali (Maxamedrashaad@hotmail.com)

Ardayda Jaamacadda Norman Bethune oo soomaali iyo dalal kale isugu jira

Ardayda Jaamacadda Norman Bethune oo soomaali iyo dalal kale isugu jira

44-copy1

Ardeyda oo Labka Siminaar ku qaadaneysa

Ardayda oo ku jirta Qolka Qaliinka

Ardayda oo ku jirta Qolka QaliinkaMuuqaalka qaar kamid ah ardayda



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Markab kaluumeysi oo China laga leeyahey oo la afduubey
  2. C/qaadir Soomoow “Dadka Soomaaliyeed ee Hogaamiye Kooxeedka horey u ahaan jiray ee Dalka ka baxay ee rag Muqaawamada ka tirsan ay Dalka ka saareen, anagu raali kuma nihin in dalka laga saaro waa Dalkii ay u dhasheen inay ku soo noqdaan baan qabnaa”
  3. Mabaadii’da Cilmiga Maamulka & Maaraynta Qeybta 1aad
  4. Iska ilaali fataawaadka aan cilmiga ku salaysnayn
  5. Midowga Afrika“Waa Arin aan la aqbali Karin in Shabaab & Al-Qacido Xukunka la wareegaan Dalka Soomaaliya”

Readers Comments (28)

  1. Wadani Soamli says:

    Salaam
    Waad maahdsantihiin, aad ayaan ugu farxay report-gaan ee Fadlan Tell-ka miyuu khaldan yahay? waa soo gali la’yahay

  2. gawaafe says:

    aad baad u mahadsan tahay nuur waxaana keentay wax lagu farxo.

  3. Addoon Alle says:

    SALAANTA KADIB, BAHDA SOMALIMIRROR.COM WAXAAN KU BOORINAYAA INAY SII WADAAN BARNAAMIJYADAN DADKA WAX U TARAYA EE ARRIMAHA BULSHADA

    TAAS BEDELKEEDANA WAXAAN IDINKALA DAR DAARMAYAA BUUN BUUNINTA BAALAYADA IYO KOOXAHA NABAD DIIDKA EE AAD U SAMEYSAAN DICAAYADAHA, TAN AYAA IDIIN KAGA KHEYR BADAN KUN MAQAAL OO AAD KU XAYEYSIISAAN DADKA DOONAYA INAY DUMIYAAN NUURKA DALKA, DADKA IYO DIINTABA.

    MAHAD SANIDIN

  4. zubayr says:

    as walalayaan waad salaamantihin salaan kadib maxumo in wax labartee ma NGO baa mise waa wax kale, haday NGO tahay ku jirno haday waxkale tahay waan rabnaa

  5. hanad says:

    walaalayaal waad idin salaamay, waad mahadsantihiin soogudbintiina, maxaan kadoonayaa anigoo heli karo jaamacadaha caafimaadka ee somalia kuyaala, marka waxa larabaa sidii kuweena looqalabeynlahaa inlaga shaqeeyo.

  6. muno says:

    waan ku salaamayaa walaal nuur c/kariin salaan bacdigeed waxaan ahay gabar somaliyeed oo wax ka barata china gaar ahaan sichuan medical university salaan bacdigeed waxaan isku dar daarmeynaa taqwada ilaahey inaanan ka fogaanin oo aanan dadka loo sheegin wax aanan anfac u laheeyn aniga ayaa lasoo xariiray WHO MBBS in china ayaan wax kaweydiiyay gaar ahaan jilin university ineey ku jirto jaamacada loo aqoonsanyahay ineey MBBS english program ineey wax ku dhigaan waxaana iska cad china in aanay jaamacadaas hada ku jirin kuwa loo aqoonsanyahay ineey ku dhigaan eglish marka dadka adiga maxaad u heysaa notic gaada kadib mase marka ay qarash soo qasaarshaan ayaa runta lataabsiinayaa kkkk walaal waxaad rabtaa inaad doctor noqoto hada adoonan meel dheer gaarin ayaad musuqmaasuq biloowday sidee petient laguugu aamino doonaa waa wax layaab badan by lingual ayaad wax ku barataan oo ah in chinese language iyo english yar oo isdaba socda aad ku barataan aqoonta waad heli kartaa medicine ka laakiin shahaadada ayaa dhibaato ka taagnaan doontaa aduunka waa uu isbadalay caalamul awraaq ayaan joognaa marka qeeyr allaha ku siiyee iska daa falkaan aad ku jirto oo adiga meel kale karaadso jillin waxaxaan marka ugu darneeysa ku xasuusinayaa xadiiskii ka sheekeeynaayay ninkii lagu tilmaamay (madcamuhu xaaraam wa mashrabuhu xaaraan wa qudiya bil xaraan fa,anaa yustajaabu lah ) wasalaamu caleeykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.

  7. abuu qataatoow says:

    wadani somali telka waa sidan kan soo wac +8615170055377 thanks

  8. Abu suheyb says:

    Wa waxi ugu wanag sana e an ku arko wabsite fadlan si wad hawshan walal

  9. Cabdi says:

    A/C/W/W

    Walaalaha Somalimirror aad bay u mahdsanyihiin warbixinta ay soo gudbiyeen
    Walaalka soo diyaariyayna sidoo kale waa mahadasnayahay

    Waxaan ka codsanayaa Walaasha Dhaliisha iyo waanada u soo jeedisay walaalka Warbixinta soo jeediyay inay informtion intaas ka badan noo soo dirto ama ay E-mailkeeda na siiso saan ula xiriiro
    mahdasandiin kulligiin.

    Abdi Jama jaama121@hotmail.com

  10. C/fatah abu ayub says:

    Asw salan kadib runti waxan haddii uyahay arinka u shegayo nur cabdi wax jira o dhab ah waa arin wanagsan . Lakin waxaa dhihi lahaa gabadha ka so hadashay china in wax labarto aya munasib ah haba tayo yaraato waxan sas udhahaya qofku in u tako mel wax lagu baranayo aya ka wanaag badan in u jogo mel cidla ah qofka iyo dadaalkisa ayey aqonta ku xeran tahay .waxan dhahaya nur cabdi dadaalkas wu ku mahad sanyahay MAHADSANIDIN

  11. muslim says:

    to muno iyo raga warka meesha soo dhigay
    aniga waxaan ahay arday soomaaliyeed oo wax kabarta dalka china gaar ahan jaamacada Wuhan university medical collage oo aah jaamacada 7baad ee china,
    walaal wiilasha warka soo diray waxaan kula dardaarmaa in ey dadka runta usheegaan, anaga hada Wuhan waxaa noogu yimid dad jilin kasoo badashay, sidaa darteed hadii aad rabtaa in aad soomaalida wanaag usheegtaan waxaad dhahdaan china ayaa caafimaad lagu bartaa, laakin in aad ciwaanka kadigtaan magaca china, hadane aad warka gudihiisa kuqortaan hal jaamacad oo laga deyrinayo mafiicno, tan xigta walaashey muno waad mahadsantahay, waxaan filayaa in jaamacada aad dhigato aadan caafimad kabaran, maxaayeelay brogramyada medicalka ah ee china dhamaantood waa bylingual, marka taana lsoco, anagoo kamida jaamacadaha china ugu weyn ayaa sidaa kubarano, bylingualkune waa magac kaliyah ee xaqiiqdu waxaa laguqaataa inglish, chinese yarne gaar ayaan uqaadanaa, sida aad sheegtay caalamul owraaq ayaan kunoolnahay, balse waxaad moodaa in macnaha kufadho bylingualka waxa uu ayahay aadan sidaa ulasocon, waa china kacun, yurub kacun, ameerika kacun, afrika kacun, maxaayeelay shahaadadaada waxaa kuugu qoran wuxuu wax kusoo bartay inglish iyo chinese waana labada luqad ee aduunka ugu weyn

  12. C/nuur F M says:

    marka laga hadlayo caafimaad waa arin weyn waxaana tusaale kuugu filan nafta aadamiga ilaahay karaameeyay ayaa lala tacaamulayaa , isla markaana markii qofku xanuunsanyahay aad ayuu u nugulyahay oo wax dhibkan ka fayda ayuu radinaya hadaba meesha iyo afka iyo qofka baranaya caafimaadka intuba waa muhiim in loo meel dayo , hadaba waxaan dhaliilayaa in af chinase wax lagu barto waa laga yaabaa inaad cilmigii fahanto laakiin wadankaaga hooyo chinase ma fahmi karaan ama (your medical collegues )hadaba luqada aan ku talinayo caafimaadka lagu barto waa english , waana mahadsanyihiin nuur iyo saxiibadiis , gabadha walaashano waxaa lagaa rabaa nimankan information ayay keeneen adiguna keen kaaga doorasha bulshada ayaa iska leh
    shukran

  13. Maxamed Sh. Cali says:

    Assalaamu Calykum Waraxmah
    waxa yar ayaan rabaa in aan cadeeyo anoo ah walaalaha qoraalkan soo diray.
    Walaashay Muna way kumahadsantay fikirkeeda, kaliya waxaan dhihi lahaa wixii xaiiqo ah ayaa fiican in umada loo gudbiyo, warkan ah Jilin kuma jirto 30ka Jaamacadood ee loo ogolyahay in ay English wax ku barto cadaynteeda ayaan hayaa.
    Markaa qofkii u baahan uu heli karaa, Muna waxaan ka codsan lahaa in ay dacayd hadii ay ula jeedan ajoojiso, xaqiiq wax ku salaysan ay haysan walaalaha u soo gudbiso.
    Alaa ha idin barakeeyo dhamaanteen.

  14. C/nuur F M says:

    A/C
    walaasha dhigata sichuan m university waxaan weydiinayaa in ay naga soo siiso kuliyadeeda qaabka wax u qaadato mida kale under graduate baa mise post graduate , post graduateka ma laga qaata jaamacadaas waa imisa sano takhususku .
    walaal adigoo mahadsan faahfaahin naga soo sii
    mahadsanid
    w/c

  15. garaad says:

    asc
    ader waxaan halakan jawaab uga celinayaa gabadha dacaayada ka fidisay jilin university of china
    ader jaamacadaamn jilin qaybteedan beathune waxaa la dhisay 70sano ka hor hada ayay gashay aniverserigii 70 taas oo ninka la magac baxay beathune uu ahaa nin kenediyaan ah oo xilligii jaban iyo china ay diriru ka dhexaysay joogay kana shaqaynayay jilin university ayaa loogu magacdaray qaybtaan beathune eea ah qaybta medicalka laga barto marka hadaan wax yar ku daro kaalinta ay kaga jirto jaamacadaani kuwa kale ee china waa jaamacada 10ee dalkaan ugu saraysa
    waxaan kaloo wax ka sheegayaa jamaacadan ay walaashay dhigato waxaa la aas aasay 1994 waxaana la dhamaystiray 2000 hadana waxaa wax ka barta dad shinays ah waxay ku talaa degmo ka tirsan gobolka gobolka huaxi ee dalka china xuduudna la leh rushka halkaas oo aanay ka jirin wax horumar ah oo laga gaaray sanadadii yaraa ee la dhisayay sababtoo ah waa dhul uu saamayn ku leeyhaya barafku inta badan ee sanadka bil mooyee
    marka walashay waxaan ka codsanyaa in ay jaamacadah kale ee dalka timaado waxna ka barato sida jilin university
    dhanka kale walaalalhayga xayaysiinta wada waxaan u sheegi lahaa intay ganacsi hada bilaabi lahaayeen wax ha bartaan oo haka faa iidaystaan waqtiga yar ee u haray
    caafimaad kuna ma ahan wax sahlan oo anaa ah ardayda dhigata walow jiray dhalin badan oo iyana ku mashquulsan waxbarasho iyo ganacsi sidan oo kale walalkay nuur ah
    khayr ayaan u rajaynayaa dhaman walaalha laakin yaan jaamacada la buun buunin lana caayin ee cidi rabta ader la soo xiriir jacayl2000@hotmail.com ama tell number oo ah 008613141716565
    waxaan salaan kale u dirayaa walaalahayga ila dhigta jaamacadaan sida ardayda hotelka degan iyo kuwa kale ee dibada degan

  16. mmq says:

    ASC
    anigoo ah arday wax ka barta jaamacadaha china waxaan aad ugu mahadcalinayaa ardayda kaaalinta fiican ka qaadatay in wargalin fiican u sameeyaa walalahooda soomaaliyeed meel kasta ay joogaan runtii china waxey ku jirtaa wadama aduunka ugu dhaqaatiirta badan waana dareemi kartaa aduunka meeshii ku hormarsan iney ka wanaagsan tahay meelasha kale ee dunida
    waxaa ayaan darro ah in jilin university la sheegay ineysan ku jirin jaamahadaha aduunka loo aqooonsan yahay iney english wax ku dhigaan ama ka diiwaan gashneyn WHO ayadoo la ogyahay in jilin university ay ka mid tahay 10 jaamacadood ee ugu sareeya china kuwooda ku baxa inglishka kana diiwaan gashan WHO marka waxaa aad muhiim ah in aan kawa faaideysano fursadan gaaliga ah kuna soo dhaweyneyno walaalaheena soomaaliyeed meel kasta ay joogaan waana mahadsan tihiin

  17. Dr. hassan mohamed says:

    asc wrwb salaan kadib, way mahadsan yihiin bahda somalimirror.com
    marka xigta nuur cabdi wuu ku mahadsan yahay dadaalka uu sameeyay iyo warbixinta uu soo diray, laakin dad badan ayaa waxay is waydiinyaan muna aqbaar ka duwan mida uu sheekay nuur ayay noo sheektay marka ma nuur ayaan rumeysannaa mise Muna
    so haddi ay suuragalthay nuur iyo muna both of them waxaan jeclaan laheyn inay reference na siiyaan waad mhadsan tihiin

  18. ciise says:

    maasha alaaaaaaaaaaah waa wax lagu farxo ilaahaw ugargaar mujaahidiinta sooomaaliyeed waxaam leenahay ardayda usoo barta dawlada islaamka ee laga dhisayo somaaliya waayo waxaad tihiin ragii mustaqbalka

  19. sakariye yare says:

    walaal waxaan jeclaan lahaa inaan china ka qoro research waxaan rabey inaad isiiso macluumaad adigoo raali ah inaad isiisid xog dhab ah this is my email owliyo25@hotmail.com mahadsanid

  20. Maxamed Sh. Cali says:

    Dr. Hassan Mohamed waxaan filayaa warka muno kaliya ayaad aragtay walaal, balse jawaabta lagabixiyay ma aad arag. bal dib ugu noqo wararka.
    Mahadsanid

  21. Xuseen muuse says:

    Asc walaalayaal, aad iyo aad ayaan uladhacay warbixinta meesha kuqoran, lkn dhibaatada jirta waxa weeyaan in khiyaano ay meesha kujirto, and that is why aan comment uga bixinaayo faaladiina. anigoo ah arday jooga jilin, khibrad weyna uleh jamacadaha china oo dhan ayaad hadana waxa moodaa in dad mukhalisiin ah ay soo jahwareerin rabaan dhalinta soomaaliyeed sidaa daraadeed waxaan kula talin lahaa qofkii jaamacad china karaba inuu u aado magaalooyinka south-ka kuyaala sida Guangzhou, wuhan iyo wixii lamid ah, runtii jamacada meesha lagu soo qoray waxay kamid tahay jaamacado laga joojiyay in ay arday foreign ah qaadato, wixii cadeyn ahna aniga ayaa igala soo xiriiri kartaan iyo safaarada china ee wadanka aa joogto. walaalayalow dadkiinan mukhalisiinta ah yaanan laga khiyaamin umadan dhibaateysan ilaahna uga baqa waxa aad kukacaysaan. waan isgaranaynaahe in shalay maahane doraad aad china imaadeen.

  22. siciid says:

    walaal waad mahad san tihiin waxaanan doonayaa inaa inaan h

  23. ali says:

    waxaan ahay arday somaliyeed oo wax kabarta jamacad wadanka oman university sultan qaboos
    oo ku taala caasumada hadaad wax deeraad u bahan tahay la soo xiriir +96895278753 thanks inaad wacyi geli sraan ardayda somaliyeed ee jamacad doonka

  24. ali says:

    waxaan ahay arday somaliyeed oo wax kabarta jaamacada wadanka oman (university sultan qaboos)
    oo ku taala caasumada hadaad wax deeraad u bahan tahay la soo xiriiri kartaa Tell: (+96895278753)ama alixuseni@hotmail.com
    waad ku mahadsatihiin inaad wacyi geli saan ardayda somaliyeed ee jamacad doonka
    mahad sanidin

  25. Magacega wa mustapha haji aden jele says:

    Asc bacdul salam waxan ahay arday somaliye doonaya in uu wax ka barto chine marka u baahan latashi wanaagsan in lasiyo qaabka chine wax loga barto faculty ada kala ah medicine ama infor technologhy ama engineering telecommunication marka tayo wax barasho maledahay chine languase ke wax lagu barta engilgsh ama chine hadaba walalsheyd muno waxa haday hadalkeda u xaqiq u yahay fdln war baxin kaamil ah iga si meeshad wax ku barato wabilah towfiq

  26. Dr.yaxye axmed cali says:

    Asc dhamaan martida iika horeysay ii fikirka ka dhiibtay war bixinadii muno iyo nuur koleyba cidii run sheegi eebe ayaa og intaa kadib walaal u jeedadu waxay tahay qofku inoo wax barto meelkastaba ha joogee sida aan wada og soonahay jaamacadaha chaina kalama liitaan oo mid walbi heigh quality ayey leedahay .waxaana u sheegayaa dadka ka caado dhigtay inay ka ganacsadaan ardaydda soomaaliyeed ee waxbarasho doonka ah inay iska daayaan iyaguba waalid baa soo dirsaday uma soo dirin inay ganacsadaan ama ay NGO oo kale ay uy u shaqeystaan lkn waxay u soo dirsadeen inay wax bar taan oo beri mustaqbalka laku nasto because of waa u bixii beri

  27. sharmake m qalimow says:

    mrka hore aad ayaad u mahadsanthin mrka xigtana aad ayan ugu faraxsabnahay inaan wepkan galo dabadedna an goaan ku gaaro inaan informationkeda jmcadani aan u ogado si hersare si aan uga barto aqon i anfacda nur sxb ado rali in alala waxi layga donayo iga sii warbixibn admissionka iyo waxwabo ok thnxx bro

  28. Codsi fikradeed says:

    Asc salaan wacan kadib walaalayaal waxaan ahay arday somali ah oo doonayo sanadkan cusub /6/1/ 2012 waxaan jeclahay inad iifaa idaysaan garaadka aad idheertihiin waxaana doonayaa inan ka dhigto jaamacada dalka sharafta leh ee somalia nuberkayga waa 0615616145 emailkaygana waa (saxafiyare2@hotmail.com)magacaygana waa (hassan salaad aadan)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Markab kaluumeysi oo China laga leeyahey oo la afduubey
  2. C/qaadir Soomoow “Dadka Soomaaliyeed ee Hogaamiye Kooxeedka horey u ahaan jiray ee Dalka ka baxay ee rag Muqaawamada ka tirsan ay Dalka ka saareen, anagu raali kuma nihin in dalka laga saaro waa Dalkii ay u dhasheen inay ku soo noqdaan baan qabnaa”
  3. Mabaadii’da Cilmiga Maamulka & Maaraynta Qeybta 1aad
  4. Iska ilaali fataawaadka aan cilmiga ku salaysnayn
  5. Midowga Afrika“Waa Arin aan la aqbali Karin in Shabaab & Al-Qacido Xukunka la wareegaan Dalka Soomaaliya”

Latest Headlines